Home » Faallo »

Falastiin: Geesiyaal Garab Waayey

Qoraalkaan waxaan qorey 28/12/2012 Xili Israa’iil Weerarka maanta lagu hayo Marinka Gaza mid la mid ah uu socdey,waxaana ka soo wareegtey Hal Sano iyo Todoba Bilood wax kale oo aan iidiin Tari karo ma hayo oo aan ka hayn in aan Qalinkeyga idiin kugu Hiiliyo bal ila Akhriya.

press153
Dadka Reer Falastiin Mudo ka badan 60 Sano ah ayay ku jireen Dagaal si ay ku helaanXoriyad iyo Dal Madaxbanaan, waxa uuna halgankaasi soo maray marxalado kala duwan, waxaana sabab u ah in uu halganka daba dheeraado kadib markii xili kasta loo soo bandhigo qorshayaal aan u cuntami Karin, waxa uuna halgankii uu noqday in uu mudadaas oo jiitamo, Sanadihii sideetameeyadii ayay ahayd markii Israa’iil ay dadka reer Falastiin ku qasabtay in ay Deegaanadooda ka cararaan ama ka Barakacaan, waxaase la yaab leh in Dowladdihii Walaalahood ahaa ee Carbeed ee ay u carari lahaayeen ay diidaan in ay Qaxootigaas reer Falastiin qaabilaan, taasina waxay keentay in Israa’iil ay bilowdo in Hogaamiyaashii reer Falastiin ku u gaarsato Adduunka, sidoo kale reer Falastiin waxay bilaabeen in halganka ay wadaan inta ay gabari ka nooshahay ilaa ay ka helaan Xoriyad buuxda.

Halgankaasi waxaa hor kacayay Allaha u Nxariistee Yaasir Carafaat oo dhowr jeer isku dayay in uu heshiis la gaaro Israa’iil, hase yeeshee taasi ma noqon, waxayna aakhiritaankii noqotay in isaga la go’doomiyo, madaafiic lagu garaaco xaruntiisii, kadibna isaga oo Tacbaan ah uu ku Geeriyoodo dalka Faransiiska, xaaladdahaasi Wadamada Carabtu waa ay daawanayeen marka sidaas loo galayay Hogaamiyihii reer Falastiin.

Gabar Falastiiniyad ah oo u Dulqaadan waysay dhibaatada lagu hayo dadkooda ayaa waxa ay goosatay in ay is qarxiso, waxayna iska duubtay Cajalad ay kula dardaarmeyso Qoyskeedii iyo carruurteedii, waxayna tiri “Markaad maqashaan Qaraxaas, waa inaad Mashxaradaan” Markii ay qoysku maqleen is qarxinta Gabadhooda, Hooyadii qoyska Mashxarad ayay ku dhifatay, waxaana ku soo yaacay dadkii dariska ahaa waxayna yiraahdeen “MaSarroos baa qabtaan maxay tahay Mashxaradu , waxayna ku ugu jawaabtay “Maya Gabadhaydii ayaa is Qarxisay oo laysay Israa’iiliyiin fara badan”, is qarxiinta Gabadhaasi waxay keentay in Gabadho kale oo fara badan oo reer Falastiin ah ay ku daydaan Gabadhaasi .

Sanadihii Sideetameeyadii ayaa nin Yahuudi dad ku Tukanayay Masjidka Al-Qudus, waxa uu albaabka kala fariistay Qoriga AK-47 ah, waxa uuna ku laayay dadkii halkaa ku Tukanayey, markiiba waa qabtay Booliiska waana la waydiiyay sababta uu dadka ku laayay, wuxuu ugu jawaabay “Sow Falastiiniyiin ma ah sidaas ayaan ku laayay maadaama ay khatar nagu yihiin”, Nin Booliis ahaa ayaa ku qoslay ninkii oo yiri “Maxaa u door biday in yar oo Salaad Subax Tukanaysay, waxaadba heli kartay Duhurkii oo dad fara badani Tukadaan, maxaad kuwaa aad u layn waysay”, Ninkii oo ka yaaban ninka Booliiska qudhiisa ayaa ku jawaabay “Saaxiib kuwa Salaadda Subax Tukada ayaa Israa’iil halis ku ah, oo u baahan in la Khaarajiyo, madaama ay firfircoon yihiin oo ay soo toosaan xili Qabow ah oo ay hurdadoodii ka soo tagaan si ay u Cibaadeystaan, waana kuwa aan dhihi karo waa Muslimiin Sax a ”.

Dadka reer Falastiin waxa ay bilaabeen in ay sameystaan ururo Diini ah kuwaas oo bilaabay in ay dagaal kala hor tagaan oo ah mid Naf hurnimo ah, waxaana ururadaas Diiniga ah ugu weynaa Ururka Xamaaz oo isagu bilaabay in uu dadka reer Falastiin inta ay Halganka ku jiraan Dhinaca kale dadka wax Baraan, u sameeyaan Xarumo Caafimaad iyo Adeegyo kale ee ay u baahan tahay bulshada, waxayna arrintaasi soo jiidatay Shacabka reer Falastiin, waxayna Caalamku aakhiritaankii qorsheeyeen in doorasho laga abaabulo dalka Falastiin si loo doorto Madaxdii hogaamin lahayd.

Dalka Mareykanka oo isagu gacan siiya Dowladda Yuhuuda ayaa doorashadaasi waxa uu ku bixiyey lacag gaareysa 50 Milyan oo Doollar oo uu siiyay Ururka Fatax ee uu hogaaminayo Maxamuud Cabaas si uu Doorashada ugu guuleysto, hase yeeshee lacagtaasi waxba ma tirin oo waxay shacabku doorteen Ismaaciil Haniya oo ah hogaamiya ururka Xamaas, Doorashadaas waxaa si weyn looga soo dhaweeyey Beesha Caalamka, haddana Dowladda Mareykanka iyo Israa’iil waa ay diideen, waxaana la bilaabay in la iska hor keeno Ururada Fatax iyo Xamaas, waxaana dhex maray iska hor imaadyo ay dad badani ku dhinteen, hase yeeshee arrintaasi waxay Xamaas u suuragelisay in ay la wareegaan Marinka Gaza oo ah deegaan ay ku nool yihiin Falastiiniyiinta ugu badan, waxaana lagu qiyaasaa ilaa iyo 2 Milyan oo Qofood.

Wadamada Carbeed oo la doonayey in ay gacan siiyaan Walaalahooda reer Falastiin indhaha ayay ka daawanayeen, waxaana moodaa in ay u hogaansameenba Qorshayaashii Israa’iil ee ahaa in Xamaaz meesha laga saaro, waayo marka laga reebo shacabka Dowladaha wadamadaasi ka taliya ma ogola Ururada ku dhisan Diinta , waxayna ka goosteen Taageeradii ay markii hore ballan qaadeen, waxaana la bilaabay in Magaalada Gaza la go’doomiyo, shacabkii labada Milyan gaarayeyna ay waayaan wax ay Afka geliyaan, Mudo Sanad ku dhawaad ah ayay arrintaasi ku jireen, Wadamada Carbeed waa ay daawanayeen xaaladdaas ay dadka reer Falastiin ku jireen, waxaana dhaliisha ugu weyn la saaray Wadanka Masar oo isagu lagu eedeeyey in uu wax ka ogaa qorshaha go’doominta ee Marinka Gaza inkastoo Madaxdoodu ay arrimahaasi dafireen. Waxay go’doomintaasi socotaba waxay Israa’iil bilowday in ay mid mid ugaarsato hogaamiyaashii Xamaaz, waxayna kadibna u xuub siibatay in ay Dagaal Cirka ku qaado Marinka Gaza kaas oo socday mudo labo asbuuc, waxayna kadib bilowday in ay Ciidamadeeda lugta ah galaan deegaanka Marinka Gaza, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal aan waxba la iskula harin, iyadoo Wadamada Carbeed ay weli sidii u daawanayaan, la yaab ma lahoo waayo Hogaamiyihii hore ee Ciraaq Sadaam Xuseen ayaa Barqo Cad lagu daldalay Magaalada Baqdaad,Waxaa xigey sidii faransiiska u galey Hiogaamiyihii Liibiya Khadaafi, wax diirimaad ah kama aysan samaynin waxa lagu sameeyey Hogaamiyayaashaas

Dagaalka oo haatan si aad ah u qaraaraaday ayaa Wadamada Carbeed waxa ay dhibaatadaas reer Falastiin loo gaysanayo ka daawanayaan Taleefishinada Caalamka, waxaana dhacday in Israa’iil ay burburisay Masaajido fara badan oo ku yaala Gaza iyo waliba Iskuulaad, waxaa Taleefishinada Caalamka soo bandhigeen iskuul ay ku Geeriyooday 40 Arday oo Falastiiniyiin ah iyo Isbitaal iyana dad fara badan ku dhinteen, xasuuqaasi ilaa iyo hadda Wadamada Carbeed cid ka gilgilatay ma jirto,Dhabaatadaas lagu hayey Shacabka reer Falastiin waxay soo dedejisey in meesha laga saaro Hagaamiyayayaashii Carbeed ee reer Falastiin u loogey Israaiil

“Falastinta maanta ma aha Falastiiniyiintii ti hore waxay ka faaiideysteen Kacdoonadii ka dhacay Wadamada Carab waxay heleen Hub aan sidaa u Buurneyn oo ay kula Dagaalamaan Israaiil waana mida maanta keentey in Israa’iil ay Gudaha u geliweyso Marinka Gaza”ayuu yiri nin Odey ah reer Masar ah oo sheegey in Falastiin ay Dan ugu jirtey in meesha ka baxaan Dabadhilifyadii israa’iil ee Xasuuqa ku fiirsan jirey Walaalahooda Falastiin

sidoo kale waxaa ammaan mudan ururka XISBULLAH oo ka dagaalama Dalka Lubnaan ayaa isagu hanjabaad kulul u diray Dowladda Israa’iil, waxayna yiraahdeen “Waynu u aari doonnaa Dadka reer Falastiin hadii aysan israa’iil joojin Xasuuqa ka socda Marinka Qaza”, Guntii iyo Gabgabadi waxaan dhihi karnaa Dadka reer Falastiin Geesiyaal Garab Waayey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Falastiin: Geesiyaal Garab Waayey "

  1. Yusuf says:

    walaal waad ku mahadsan tahay qoraalkaan ah runtii qayb libaax alla yaacisaka. Aamiin Khasaaro wll adna iska badal magacaan khasaaro oo mid khayr ku badalo insha allah. Mahadsanid