Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh “Cid aan Dacwo u qabno, ama Dood u qabno iyo Cid aan Dhul ku sheeganeyno iyo Cid aan Biyo ku sheeganeyno midna ma jirto,


“Maalintii Shaley oo Bishu ahayd 21 Dowlada Somaaliya waxay Gudbisey Xudeedaheeda oo ah EEZ 200nm iyo Continental Shelves 350nm”

“Ciddii Dacwad noo qabta oo Caalamka ka tirsan iyagaa soo qaylin doona”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlayey soo Xirtaanka Kalfadhigii 4aad Golaha Baarlamaanka ayaa soo hadal qaadey Warqadii uu dhawaan u direy Qaramada Midoobey ee uu ku ogolaanayey in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay Wada hadal ka gasho Badda Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha u dhaxeeyaha Soomaaliya iyo Kenya isagoo Baarlamaanka Hortiisa ka Cadeeyey in Dowladu direy Qoraalkaas hase yeeshee sideey ahayd aan looga hadlin ama loo sheegin

“Waxaa Rabaa in aan Fursadaan uga faaideysto arrimaha Badda gaar haan EEZ-ka iyo Continental Shelves-ka, Biyaha Soomaaliya ee ay Xaqa u leedahay waxay ka badan yihiin Dhulka Soomaaliya, Biyaha, Khayraadka ku jira oo la garanayo iyo Xaquuqda aan ku leenahay , waa Furasad oo uu Ilaah noo siiyey in aan yeelano Khayraadka noocaas ah, Waajib aan laga leex leexan Karin iyo Dowlad kasta oo Soomaaliya ka jirta , ama jiri doonta Waajibka saaran waxa uu yahay in Biyahaas ay Xaqa u leenahay oo ah Dhaxalkeenna la ilaaliyo, laakiin Masaladu waxay tahay Caalamka sidee lagu Ilaashadaa Xaquuqda Umadahu ay leeyihiin, Xaquuqdaas waxaa lagu Ilaashada Sharuuc Umadahaasu leeyihiin iyo Sharuuc Caalaamku degsadey “ waxaa uu sii raaciyey

“Soomaaliya waxay Xubin ka tahay 165 Dal oo saxiixay Heshiiska lagu maamulo Baddaha Caalamiga ah oo hore loo saxiixay, maalin waliba Sharuucda way isbedelaan oo waa la Cusbooneysiiyaa , Isbuucii la soo dhaafey waxay Soomaaliya ay Diwaangelisey 200nm oo Biyaheenna ah oo ah Xaquuqda EEZ-ka ee aan Xaqa u leedahay Soomaaliya, Qaramada Midoobey qaybta u qaabilsan Umuurahaas ayaa ka Diwaangeliney, Hore isdiwaangelintu ma dhameystirneyn, Meelaha qaarna ma jirin oo kama dhameystirneyn, isagoo dhameysiran Guddi farsamayaqaano ah iyo Guddi Sharci yaqano ah ay ka soo shaqeyeen iyo Khuburo kale oo Ajnabi ah oo Canshuurtii dalka lagu soo kireeyey “ waxaa uu intaa ku darey

xasan2

“Maalintii Shaley oo Bishu ahayd 21 Dowlada Somaaliya waxay Gudbisey Xudeedaheeda iyo Biyaheeda Continental Shelves 350nm Biyaha Badda ah ee aan Xaqa u leenahay Xuduudeheeda iyo calaameynteeda maanta Soomaaliya waxay leedahay oo ka diwaangashan Qaramada Midoobey Web-Site kooda UNCLOS oo ah Domain Qof weliba geli kara oo ka eegi kara 200nm oo ah EEZ-keena 350nm oo ah Continental Shelves “ markii uu Madaxweynaha intaa yiri waxaa u dhacay Sacab oo sheegey in Waajibaadkii Dowlada Soomaaliya Saarnaa ay halkaas soo dhigtey, Ciddii Dacwad noo qabta oo Caalamka ka tirsan iyagaa soo qaylin doona ee inagu Cid aan dacwad u qabno ma jirto” waa uu sii Hadley oo waxaa uu yiri

“ Wixii aan Xaquuqda u lahayn ee Sharciga Caalamiga noo ogolaa iyadoo aan laab laab lahayn ayaan soo Diwaangeliney oo Qaramada Midoobey Meeshi Sharciga u ahayd baan dhigney, Cid aan Dacwo u qabno, ama Dood u qabno iyo Cid aan Dhul ku sheeganeyno iyo Ciddi aan Biyo ku sheeganeyno midna ma jirto, Ciddii Biyo nagu Dacwayneysa Xaq bay u leedahay in ay u Dacwooto Caalamka, waana la yaqaan meelaha loo dacwoodo Soomaaliyana markaas bay ka jawaabeysaa, waxaa rabaa in aan Ummada Soomaalyeed fahamsiiyo arritaas waxay ahayd Waajib Qaran waxay ahayd waajiba Caalami ah kamana meeri meeri Karin, haddaan ka meermeernana waxaan Dayaci lahayn Biyaheenna, Xilliyadii la soo dhaafey waad garaneysaan in Qashin Baddeena lagu shubo, in Kaluunkeeena si Sharcidaro ah loo Gurto iyo in Badaheena lagu soo Xadgudbo, Badeheena waxaa joogey Ciidamo caalami ah oo Burcad baddeda ka ilaaliya waxaan u sheegney in Badaehena naloo ilaaliyo maadaama aynaan lahayn awood aan ku ilaalino, Jawaabta nala siiyey waxay ahayd Soomaaliya 24 Kiilo Mitir ayaa u sharciyeysan oo Xaq u leedahay oo aan ilaalin karnaa ” waxaa uu sii raaciyey Madaxweynuhu

“ intaas wixii ka baxsan waa biyo Caalami ah haddii Soomaaliya wax ka badan intaas rabtana ha soo Sharciyeysato, Jawaabtaas iyadoo Cad bay taalaa, Marka waxaa la rabaa in laga wada shaqeeyo oo aan laga munaafaqeyn oo aan Been la sheegin, Aduunyada maanta Xili wax la qariyo waa ka soo Gudubtey, Qaraniga 21 –aad wax QarsoonI ma jirraan, wax waliba waa Cad yihiin, Waxaan Baarlamaanka Sharafta leh u sheegayaa in arrintu sidaa tahay , Soomaaliya arrinteedu waa meeshaa, Ciddii Soomaaliya dacwad u qabto, haka qabto 350-ka ama 200 iyadaa dacoon doonta, aad baanu ugu faraxsanahay in aan waajibkeennii ka soo baxnay, wixii Khariidad ah ama Map ah ee aan Gudbineyna Baarlaamnka ayaa la wadaagi doonaa

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Madaxweyne Xasan Shiikh “Cid aan Dacwo u qabno, ama Dood u qabno iyo Cid aan Dhul ku sheeganeyno iyo Cid aan Biyo ku sheeganeyno midna ma jirto, "

  1. axmed cali says:

    Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu , walaalaha Somalitalk salaan qiimo badan iga gudooma . Maanta heerka uu marayo olalaha looga hortagayo dhaca iyo boobka badeena lagu hayo .la , aantii ma suurto gasheen amaba lalama socdeen aad ayaad meel lama huraan ah uga soo jeedsateen . Taariikhada Soomaaliya baal dahab in aad ka geli doontaan shaki kuma jiro, badeena waxey ahayd (ceelna uma qodna cidna uma maqna ) . maantase waxey tahay mid hawshii ku cusboonaata ama dabinkii la damacsan yahay bahda Somalitalk in aad heegan u tihiiin aad ayaan ugu faraxsanahay.,waana waajib Soomaali waba saaran in uu dalkiisa difaacdo. Madaxwaynaha Xasan Sheekh Maxamuud warqada uu u gudbiyey Qaramada midoobey waxey baabiineysaa xeerkii (37 ) oo ahaa 200 nm dhulbiyeedka soomaaliya ka koobnaa . waxey ku soo koobeysaa 200 oo dhulbiyeedka dhaqaale . Arintaan in la isku qaldo maha waan in la kala saaraa (200 nm Territorial water and Exclusive Economic Zone ) Hadana waxaa ku sii cad wadahadel in uu diyaar u yahay in uu laga wadahadlo cid ala cidii muran ka qabta ..Maanta waxaa cadaatey in halkaas Qiyaano Qaran ku jirto . Wax baden Somalitalk waa ka digteen , dhaca iyo boobkla lagu hayo dhulka iyo bada Sooomaaliyeed .

  2. Asal-ludiin says:

    Badda Soomaaliya waa caddahay Qofkasta oo Muwaadin Soomali ahna waa og yahay inta Baaxadd ahaan ama cabir ahaan ay la eg taahay. maahan in shacabka ay dhag jalaq u siiyaan warar ama sharciyo been ah oo la doonayo in muran lagu geliyo Badda Soomaliya. Taasina ma u maleynayo iney dhici doonto, Kuwa Dacwadaan Beenta ah gudbiyey Hadafkooda waxa uu yahay waa un iney qilaaf ka dhex abuuraan 2da dowladood waa soomaliya iyo kenya. Qofkasta oo muwaadin Soomali ah waa og yahay inta ay cabir ahaan la eg tahay Badda Soomaliya, sababtoo ah waxaa qoran sharci oo yaala, sidoo kale waxaa dowladda iyo Shacabka Laga rabaa iney iska kaaa shadaan bari taaanka ama ku dhigista iskuuladda DAlka, si da’yarta u barato Hantidooda dhanka BAdda, Waxaa kaloo Soomaalida oo dhan laga doonayaa iyagoo kaashanaya Dowladdooda Federaalka iney la soo dedejiyo dhisidda Ciidamaddii Badda Soomaliya oo leh Agab casri ah oo dhameystiran iyo Weliba tababar ku filan si ay u soo celiyaan kala dambeyntii dhanka Badda, loona horkeeno sharcigga Kaluumeysatada Sharcidadda ah iyo Burcad Badeeda ka qawleysata Bad Weynta Soomaliya.

    350nm oo ah baaxadda Badda Soomaaliya, waxaa loo baahan yahay in Dowladd u sameyso ilaaladii waaridyeyn lahayd iyo hay’adihii ka shaqeyn lahaa xafiisyadooda si loo xaqiijiyo iney helaan daryeelkii iyo ilaaliddii ay xaqa u lahayd Badda Soomaliya.

    Wakiilka Soomailya u fadhiya UN-ka waxaa lag rabaa inuu arimahaasi dabagal buuxa ku sameeyo isagoo taageero ka helayo dowladda iyo shacabka uu wakiilka ka yahay ee Soomalaiyeed. kadibna cida Qortey loo sheeego iney dayso qoraaladda ama riboortiyadda aan lahayn cadeyn oo ka imaanaya Dhanka Qaramadda Midoobey. sababtoo ah Dad badan oo Soomali ah ayaa ka aamin baxaya Qaramadda midoobey oo u heysta iney Noqotey Ha’ayd lagu boobo Xoolaha ama Hantidda Ma guuradda ah ee Dowladaha Hadda Soo koraya.

    Waxaan filayaa in Qaramadda Midoobay aysan ku qaldin Soomaliya Dowladahaas, waayo Soomaliya waa dowladd Qadiim ah oo Soo jirtey muddo ka badan 5000 kun oo sano. Qaramadda midoobeyna waxaa la aasaasay muddo nus qarni ah ka yar.

    Ma waxa ay is dhaheen dalka Soomaaliya waxa uu ku jiraa xaaladd liitadda oo kama jirto Dowladd difaaci karta BAdda soomaaaliya oo dhan…waxaan idin leenahay hadda ayay Soomaliya ka xoog badan tahay, shacabkuna u mideysan yihiin iney ilaashadaan hantidooda maguurtadda ah.

    Somalitalk waad mahadsan tihiin dadaalkiina ku qotoma illalinta, kawarqabista iyo weliba soo tebinta wararka muhiimka inoo ah ee ku saabsan badeena.

    Wabilaahi Towfiiq

    Waa Mahadsan tihiin.

    Ciid Cadde

  3. cali yare says:

    wadamada aduunka boqolkiiba 95 waxey leeyihiin 12nm oo terrotorial ah iyo 200nm oo EEZ iyo continental shelf oo 350nm ah. Marka aniga ma arko waxa anaga naga duwey aduunka oo aan sharci 200nm terrorial ah oo dhacay ugu dhaganahay. Madaxnahana si qurux badan buu udhigay waana ku saxan yahay.

  4. patriot says:

    Inna lilaah waa inna ilaahi raacujuun. Walaahi waa la ina gatay har cad, wixii wadamada shisheeye rabeen iyo Kenya bana la yeelay. Law 37 waxuu leeyahay 200 nm territorial water , ma laha EEZ. Hadii biyaheena gaarka ah ee aan lahaayn exclusive economic zone loo badalay tan waxaay la mid tahay khaayradka baddena Kenya waa inala leedahay waayo waa dal aan daris nahay. Ceeb eey tacaal. waxaan la sii yaabanahay baarlamaanku waa fadhiyeen maxaa looga waayey nin dhaha sharcigaan ansax ma aha mise macnaha 350 dhegahooda markaay maqleen ok iska dheheeyn oo maba fahmin waxa ku hoos jira. Ilaahay baa inoo maqan laakiin meeshii la inala rabey waan ku dhacnay. Anigu waxaan aaminsanahay in aan lawyers qabsano, dood arintaan ka keeno, maxkamad aduunka isla tagno.