Home » Faallo »

“Maxaa Isku Dan Ka Dhigey Al-shabaab, Itoobiya, Kiiniya IWM,” Dadka Soomaaliyeedoow Goormaad Hurdadda Ka Toosi Doontaann??!!

Qalinkii Maxamed Macallin Cismaan (All-man)

Minnesota USA : –

fatxumaalik@hotmail.com

F.G, Codsi iyo Afeef : – waxaan ka codsanayaa shacabka soomaaliyeed ee heley ama akh-ristey fariintan, in ay wax ku kordhiyaan, isla markaana ay u soojeestaan sidii wax looga qaban lahaa murtida ay xambaarsan tahay fariintan yar ee misana salka balaaran!!.  Afeef:- Ujeedkeygu  ma ahan mid shacabka soomaaliyeed iyo dowladaha deriska la isaga horkeenayo ama lagu kala dhantaalayo shacabka soomaaliyeed awoodiisa ee waa mid lagu tusinayo waxa jira oo la isugu keenayo si ay danahooda u gartaan.

Akh-riste qormadan waxaan ku soo qaadan doonaa inta badan dhibaatooyinka  ragaadiyey Qaranka Soomaaliyeed ee burbursanaa mudada 24-ka sanno. Mowduucan ka hadalkiisu ma ahan wax sahlan, waxaa uu u baahan yahay waqti, diyaarin iyo soogudbin gaar ah, balse waxaan go’aan sadey inaan dulmar keliya ku sameeyo oo taa taabo nabarada qarsoon ee qarankeena dhaawacayey had iyo jeer.

Sida aynu ognahay khubarada dalalka caalamku, dowladahooda waxay ku bixiyaan kharash aad u fara badan, kaasoo lagu ilaalinayo noloshooda oo dhan. Waloow ay ku kala duwan yihiin dowladaha caalamka, haddana dalalka dowladaha soo korayo, khubaradooda ugu sareysa waxay ku nool yihiin dalalka reer galbeedka.

Sababtoo ah, khubaradan waxay isku dayaan in ay bixiyaan talooyin mustaqbalka u aayayo dalkooda iyo dadkooda, balse hogaamiyayaasha rajiimyada ah ee ka jira dalalkan, ayaa waxay u arkayaan mid lagu wax-yeeleynayo sharafkooda iyo tan mas’uuliyadeed. Taasina waxay keentaa in nafaf badan oo khubaradaasi ka mid ah lagu waayo, amase xabsi daa’in ay u galaan, halka kuwa qaarkood ay ka haajiraan wadankooda.

Dowladaha dunidu, intooda badan hubka ugu weyn ee ay ku dagaalamaan waxaa ugu horeeya khubarada ay leeyihiin, kuwaasoo bixiya talooyin ama soo saran wax uu isku difaaco dalkaasi xiliyada add adag ee soo wajaha. sababtoo ah dalba dalka kale ee xurgufta colaad ee dhinacyada kala duwan kala dhexeysa, wuxuu iska dayaa in uu ugaarsado khubarada uu leeyahay dalka kale. Si loo wiiqo awoodiisa guud iyo tan gaar ahaaneed, iyagoo adeegsanaya wax soo saarka maskaxeed ee dalkaasi uu leeyahay ama sirdoon.     Mustaqbalka  dalalkaasina waxay u horseedaa colaad lagu riiqmo. Colaadahaasi qaarkood waxay socdaan qarniyaal, halka kuwa kale ay soo af-jarmaan mudo gaaban.

Ugu dambeyn waxaa la muquuniyaa mid ka mid ah dalalkii dirirtu u dhexeysey oo gebi ahaanba la qabsadaa, halka qaarkood marka awoodooda la yareeyo kor lagala socdo. Sida aynu ka baraney taariikhaha adduunka soomarey kuwii hore iyo kuwa xiligan aynu joogno oo raadadkoodu uu muuqdo, sida Ciraaq, Liibiya, Suuriya, Af-gaanistaan, Soomaaliya IWM.

Dalka soomaaliya, Tan iyo markii uu bur burey Qarankii soomaaliyeed, Dalku waxaa uu maalinba maalintaa ka dambeysa lugaha la siigalayey mowjado fowdo ah, kuwaas oo lahaa wajiyo kala duwan. Mowjadahaas kala duwan, waxaa ka mid ahaa dagaal qabiil, mid Hogaamiye Kooxeed oo qaab beeleed ku saleysan iyo faragelin shisheeye oo wado kala duwan loo soomarayey.

Hase ahaatee waxaa bar bar socdey dagaal kale oo aan muuqan kaasoo laga soo abaabulayey wadamo kala duwan, isla markaana lagu baabi’inayey khubaradii dalka soomaaliya iyo wax kasta oo tiir dhexaad u ahaa Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed. Iyagoo u marayey qaar ka mid ah Hay’adaha ka hawlgala soomaaliya, shekh-siyaadka mas’uuliyiinta Hay’adahaasi ka mid iyo xubno ka tirsan dadka soomaaliyeed oo lahaa ganacsato, aqoonyahano, siyaasiin, qaar ka mid ah ciidamadii hore iyo ciidamadii shisheeye ee yimid dalka soomaaliya.

Mudadii 24-ka sanno ee Qaranka soomaaliya uu bur bursanaa, dalka soomaaliya waxaa yimid ciidamo kala duwan oo ka socdey dalalka caalamka. ciidamadaasi waxay yimaadeen xiliyo kala duwan. Ciidamadii ugu horeeyey ee yimid dalka soomaaliya mudadii bur burka, waxay ka socdeen dalka Bakistaan kuwaasoo watey magaca UNISOM, waxaa ka dambeeyey ciidamadii uu hogaaminayey Mareykanka ee UNITAF. Balse aakhirkii loo bedeley UNISOM Two.

Dhamaan ciidamadii yimid dalka soomaaliya, waxay dalka ka noqdeen iyagoo si weyn ula yaaban marinka is-tiraatiijiyadeed ee ay soomaaliya ku taalo iyo halka uu gaarsiisan yahay garaadka shekh-siyaadka u hanqal taagayey maamulka qaranka soomaaliyeed xiligaas iyo bulshada soomaaliyeed heerka ay ka gaartey waayo arragnimada ay ka haysato caalamka intiisa kale. Taasina waxay keentey in laga qaato go’aamo kala duwan, kuwaasoo aan dan ugu jirin dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Waxaa si bareer ah loo bur buriyey kaabayaashii dhaqaale ee dalku uu lahaa nooc kasta oo uu yahay, waxaa la bililiqeystey xogo kala duwan oo dalku uu lahaa, waxaa gebi ahaanba la gubey shilin soomaaligii dhaqaalaha dalku uu ku tiirsanaa, iyadoo dalka lagu soo shubey lacagta doolarka, waxaa la hor joogsadey iibka xoolaha soomaaliyeed iyo kheyraadkiisa kala duwan. Waxaa la gubey manhajkii dalka soomaaliyeed sida uu u dhan yahay, waxaana lagu bedeley manhaj ay soo sameeyeen hay’ado kala arragti duwan, isla markaana waxaa dalka lagu soo shubey manhajyo kala duwan oo iska soo horjeeda, kuwaa soo qayb ka ah khilaafyada ka jira xiligan dalka soomaaliya, waxaa in badan la gubayey suuqyada ugu waaweyn ee dalka soomaaliya qaarkood sida Bakaaraha oo dhowr jeer ah, Suuqa Boosaaso, Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir ama Madiino, Suuqa Baydhabo, Suuqa Hargeysa. iyadoo aysan wada garaneyn dadka soomaaliyeed sababta rasmiga ah ee ka dambeysa gubashadan.  Balse  qaar ka mid ah khubaradii soomaaliyeed ee la diley oo aan la sheekeystey, waxay iigu sheegeen “in ay ka dambeeyaan sirdoonka dowladaha deriska qaarkood, waana qayb ka mid ah dagaalka qaboow ee dowladaha deriska ka dhexeeya iyo sababo nidaam xumo oo mudadii 24-ka sanno ka jirtey dalka”. Waxaa la dhoofiyey dhamaan warshadihii dalku uu lahaa, marka laga reebo in yar oo fara ku tiris ah.

Waxaa la gurtey duurjoogtii Qaranka soomaaliyeed uu ilaalin jirey, isla markaana si dabiici ah ugu nooleyd dhulka soomaaliyeed, waxaa dalka sidii biyihii ugu soo shubmey hay’ado iyo shirkado kala duwan oo caalamka ka socda, iyagoo waji gargaar bani’aadaninimo ku gabanaya, waxaa beled iyo baadiye lagu marey sahmin nooc kasta leh. Waxaa la gurtey macdantii qaaliga ahayd ee dalka soomaaliya ku faani jirey, iyadoo aan wax dhaqaalo sidaa u buuran kaga bixin.

Badda soomaaliya in mudo ah waxaa buux dhaafiyey maraakiib shisheeye oo aan la garaneyn halka ay ka yimaadeen iyo cida ay fasax ka qaateen, isla markaana badda soomaaliya ku shubayey wasakh-da haraaga warashadahooda sida ay cadeeyeen khubarada kala duwan ee caalamka. Wax  kasta oo aan halkaan ku soo koobi karin markii la heley, waxaa la go’aamiyey in la iska gurto kheyraadkan  maadaama uu yahay wax loo baahan yahay, isla markaana aan lahayn cid waardiyeysata.

Markii sahmintii iyo wax kasta oo dadka soomaaliyeed u keydsanaa la heley, isla markaana yaraatey baqdintii laga qabey, waxaa la go’aamiyey in la isku sii diro, laguna maaweeliyo shirar dibu-heshiisiin iyo balanqaadyo aan soodhaafin afka baarkiisa ah. Kuwaasoo loogu sii diyaar garoobayey boobka hantida soomaaliyeed ee nooc kasta lahaa.

Bilowgii burburka qaranka soomaaliyeed, Seddaxdii sanno ee ugu horeeyey dowladaha caalamku, way ku kala arragti duwanaayeen. In kastoo qaarkood go’aan addag ay ka qaateen.

Halka dowladaha derisku ay door muhiim ah ku lahaayeen sii hurinta colaada soomaaliya, markii ay meesha ka baxdey dowladii militeriga. soomaaliya xiligaas waxaa ka jirey 3 Urur mucaarad xoog badan oo laga soo abaabuley dalka Itoobiya, aakhirkiina waxay u sii sarifmeen in ka badan 35 Urur, dowladda Itoobiya waxay u lahayd muhiimad gaar ah.

lixdii sanno ee ku xigey, waxaa dalalka deriska ah ka bilowdey shirar dibu-heshiisiin oo ka kala dhacayey Itoobiya, Kiiniya, Jabuuti, Suudaan, Masar, Liibiya iyo Yemen. Aakhirkiina waxaa la gaarey go’aan lagu dhisayo dowlad Ku meel gaar ah, KMG-nimadaasi waxay socotey in ka badan toban sanno, iyadoo sannadihii ugu dambeeyey KMG-nimadaasi ay soo shaac baxeen sida loo boobayo hantida qaranka soomaaliyeed.

Dhamaan is-bedeladaas kala duwan, waxaa dareen weyn ka muujiyey khubaradii dalka soomaaliya intooda badan, kuwaasoo markii sahmintu ay socotey aan tirada lagu darsan, balse markii dambe noqdey caqabad soo korortey, isla markaana tilaabo kasta oo ay qaadaan cadowga soomaaliyeed iyo bur buriyayaasha qaranka soomaaliyeed, ayey fashiliyeen. iyadoo hawshaasi ku socotey si shekh-si shekh-si ah. Taasina waxay keentey in baaris kale oo hor leh laga sameeyo khubarada dalka soomaaliya uu leeyahay. Ugu dambeyna, waxaa soo baxdey in la laayo mooyee inaan laga gudbikarin, xitaa haddii wax kasta la adeegsado.

Go’aankaasi wuxuu dhaliyey su’aalo fara badan sida haddaba muuqata. Su’aalahaasi waxaa ka mid ah, sidii lagu layn lahaa khubaradaasi, waxaa dalka soomaaliya si toos ah gudaha u soogaley sirdoonka dowladaha deriska, waxay ugaarsadeen shekh-siyaadka muhiimka ah ee Qaranka soomaaliyeed uu lahaa, balse markii ay dhowr isku day ay ku guuleysteen, waxaa caqabad ku noqotey in ay sii wadaan heer dad badan looga laayo, balse xuuraamis dheer kadib waxaa la heley wax ka fudud, taasina waxay noqotey in shekh-siyaad soomaaliyeed loo addeegsado!!

Arrintaasi waxay noqotey mid lagu guuleysto oo in mudo ah socotey, waxay dhashey kacdoon Diimeed aan sal fadhiyo lahayn iyo kooxdii khaarijiyayaasha oo isku milmey, waxaana fududaadey fadwooyin badan oo lagu diley khubaradii soomaaliya, iyadoo aan la fahmin halka ay salka ku hayso, arrintuna waxay noqotey mid sii adkaata oo wax kasta oo isku milmey.

Waxaa dhashey dowladihii KMG-da ahaa iyo Kacdoonadii is huwanaa, oo qaarkoodna laga heley derajooyin sar sare, hawshuna waxay noqotey in ay soogalaan ciidamada Itoobiya iyo waxa lagu sheego AMISOM, waxaa dhacay wax aad u xanuun badan, arrintuna waxay noqotey kadar oo dibi dhal, waxaa si xawli ah u furmey dilalka qorsheysan ee lagu dilayo Saraakiishii sar sare ee ciidamada qalabka sida ee soomaaliya, aqoonyahanadii kala duwanaa ee diinta iyo maadiga, wax-garadkii bulshada qaybaheeda kala hagayey iyo qarxinta goobaha muhiimka ah ee qaranka soomaaliyeed qiimo weyn ugu fadhiyey, iyadoo dusha laga saarayo kooxaha ku kacsan DKMG-ka, halka mararka qaar ay sheegtaan kooxda Al-shabaab,. waxaa dhacay wixii dhici lahaa haddii khalad khalad lagu saxo, hawshuna waxay noqotey mid iska caadiyowda!!.

Waxaa batey ka hadalka dilalka qorsheysan, iyadoo la leeyahay debleey hubeysan oo aan haybtooda la garan ayaa ku dishey jidka khubaro jiifka ee magaalada muqdisho ama gobolada sahwiga, hawshuna waxay ku socotay sidii ay ugu talo galeen.

Qaar ka mid ah dadka soomaaliyeed ee waayo jooga ah oo aan la sheekeystey, ayaa waxay ii sheegeen in magaaladda Muqdisho ay ka jiraan kooxo kala duwan oo is ugaarsada, kooxahaasi waxaa ka mid Al-shabaab, Maafiyo qandaraas  lacageed ku qaadata cid kasta oo ay dilaan, shaqaalaha sirdoonka dowladaha caalamka ee danaha fog iyo kan dhow ka leh dalka soomaaliya, kuwo fuliya dilka aanooyinka qabiilka iyo Dowladda federaalka soomaaliya shaqaalaheed.

Arrintan ayaan dadka soomaaliyeed wali si waafi ah isula fahmin, balse ujeedada ugu dambeysa ee arrintan ayaan qaar ka mid ah khubarada soomaaliyeed ee la diley, waxay ii sheegeen “in la doonayo dalka soomaaliya in laga dhameeyo khubarada ugu muhiimsan iyo kuwa loo qaateenka ah, si dalka soomaaliya loola wareego ama aysan u noqonin dowlad awood leh oo mustaqbalka danaha laga leeyahay oo dhan laga fushado”!.

Mid ka mid ah khuburada amaanka soomaaliya wuxuu ii sheegey, “Goobaha shirarka, Maqaaxiyaha, Is-bitaalada IWM, waxaa la sheegey in ay joogaan ragg si qarsoon wax u laaya, sababtoo ah, wey sumeeyaan macaamiisha imaada goobahaas. biyaha laga cabo shirarku, dad badan ayaa ku maqan oo lagu sumeeyey, iyadoo la addeegsanayo hab sir ah. Is-bitaaladu, waxaa la sheegaa iyaguna in ay joogaan waxa lagu sheego shaqaale qarsoon, isla markaana loo yaqaano dhameystirayaasha, waxaase yaab iyo ammakaaga ah, waxa bulshadan sidaan ah  leynayo.

Anniga ka nafsad ahaanteyda, markii uu iiga sheekeeyey khabiirkan arrimaha noocaas oo kale, waxaan ku baraarugey dad badan iyagoo nabad qaba usbuuc gudihiisa, haddana si deg deg ah loo aasey, iyadoo la leeyahay wadnaha ayaa istaagey.   Waxaa xarumo kala duwan laga furtey gobolada maamulada is-magacaabey ay ka jiraan, kuwaasoo noqdey xarumo Ummada soomaaliyeed iyo guud ahaan dadyowga muslimiinta ah iyo kuwa kale ee mucaaradka dowladaha deriska lagu guro ama xabsi looga dhigo, iyadoo dadkii dhaley dadkaan kala duwan aysan war ka hayn.

Khabiirkan mar aan weydiiyey arrimaha noocaan oo kale haddiiba aad wax ka ogtihiin, maxay tahay sababta wax looga qaban la’yahay, ayaa wuxuu iigu jawaabey “dadkii waxaa ka lumey is aaminkii, nidaamkii iyo kala dambeyntii, xitaa waxaa dacwado aan la garan lagu furey qaybo ka mid ah khubaradii soomaaliyeed, taasoo ujeedkeeda ugu weyn ay ahayd bahdilaad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu hayo khubarada soomaaliya, maadaama aysan mideysneyn. Miithaal waxaa kuugu filan Gen. Maxamed Cali Samatar, dacwadiisa wey ka weyn tahay sida loo sheegayo, bal ee waxaa ka dambeeya dowladaha deriska iyo khubaro kale oo caalami ah, waxayna qayb ka tahay dagaalka qaboow ee ku socda soomaaliya, iyadoo ay u dheer tahay midka dhexdeeda ah”!!

Waxaa sidoo kale  yaab iyo amakaag noqotey, halka uu jiro damiirkii dadka soomaaliyeed ee ay lahaan jireen, kaasoo ay ku dooneysey sidii dib ay ugu soo ceshan lahayd dhulalka xooga looga haysto, iyadoo ujeedkeeda guudna ahaa midowga qowmiyadda soomaaliyeed ee geeska Afrika, kaasoo la kala dhantaaley dabayaaqada qarnigii 19-aad ilaa iyo qarnigii labaatanaad bartankiisa oo ahaa xiligii gumeystayaasha.

Waxaa la dilayaa saraakiishii ciidamada qalabka sidey qaybahooda kala duwan, dhakhaatiirtii, injineeradii, culimadii diinta ugu sareysey, wax-garadkii bulshada ku dhex jirey ee indhaha u ahaa, maal-qabeenadii, dhalin yaradii fir fircooneyd ee mustaqbalka xooga dalka iyo mas’uuliyiinta noqon lahaa, waxaa dalka iska soogalaya oo iska baxaya ciidamada dowladaha deriska iyo kuwa kale ee caalamka, goboladii dalka soomaaliya intooda badan waxaa ka hirgeley maamulo iska soo horjeeda, balse laga xukumo xarumaha dowladaha deriska, haddana waxba looma arko oo la isma weydiiyo!!.

Ururadii kala duwanaa iyo Dowladihii KMG-da ahaa ee ka dhismey dalka soomaaliya mudadii burburka, intooda badan waxay galeen heshiisyo lagu dhibaateynayo dalka iyo dadka soomaaliyeed oo waxay bixiyeen dhul xarumo dowladeed ahaa iyo kireynta qaar ka mid ah goobihii ganacsiga ee qaranka soomaaliyeed uu lahaa, iyadoo aan lagu eegin maskayoow iyo qaanuunkii dalku uu lahaan jirey. Dhamaan arrimahaas iyo wax kale oo ka badan oo jira, isla markaana qaarkood la ogyahay,  haddana dadka soomaaliyeed kama waantoobin, bale  waxaa soo cusboonaadey dagaalo ka khatarsan kuwii hore, kaasoo lagu barakicinayo beelaha aan hubeysneyn ee laga awooda badan yahay, isla markaana lagu daadinayo dhiig badan.

Waxaa gebi ahaan la laaley dastuuradii hore ee dalka soomaaliya uu lahaa burburka ka hor, iyadoo aan wax la iska weydiin sababaha bedelaada dastuuradaasi. Dalka waxaa ka jira wax lagu sheego dowladd rasmi ah, islamarkaana leh dastuur KMG!. Gobolada Dalka soomaaliya qaarkood waxaa joog  ciidamo shisheeye oo dhaqaalo aad u fara badan ay ku baxaan haddana aan la garan halka ugu dambeysa ujeedkooda guud, maadaama dastuur u fasaxayo aan jirin joogitaankooda. Halkii wax la iska weydiin lahaa dhismaha ciidamadii qaranka soomaaliyeed, Dowladihii KMG-da ahaa iyo tan xiligan, waxay ku mash-quulsan yihiin sixiixa heshiisyo lagu baneysanayo  oo lagu wiiqayo awooda qaranka soomaaliyeed.

Dhinaca kale, qaybaha kala duwan ee warbaahinta soomaaliya, waxaa laga maqlaa dilalka qorsheysan iyo qarxinta goobaha muhiimka, sida ay sheegtaan koox diimeedka macann-gagga ah ee ka jira dalka, halka dadka ku xeel dheer arrimaha amaanka iyo siyaasada guud ee caalamka ay ku sheegaan “in dilalkan qorsheysan iyo qarxinta goobaha muhiimka ah aysan ku koobneyn shabaab keliya. Sababtoo ah, waxaa jira kooxo kale oo ay ka mideysan yihiin dilka khubarada dalka. kooxahan kala duwan dani uguma jirto dhismaha qaran soomaaliyeed oo awood leh oo waxaa baaba’ya danahooda guud iyo tan gaar ahaaneed  ee ay ka leeyihiin guud ahaan soomaaliya.

khabiirkan wuxuu miithaalo mac-quul iigu soo qaatey seddaxda ugu daran dalka soomaaliya ee dhibaatada ka wada. Wuxuu yiri “nimanka gafuurka duuban, waxay leeyihiin ujeedooyin muuqda iyo kuwo qarsoon, kuwa muuqada waxaa ka mid ah, in taladda dalka ay xoog ku qabsadaan oo wax kasta oo ay doonayaan xoog ku fuliyaan, sidaas darteed khubaradii hore ee dalka, waxay la socdaan dhaq dhaqaaqooda iyo rabitaankooda ugu horeeya sidaas darteed, tilaabo kasta oo ay qaadaan gafuur duubyadan, waxaa toosh weyn ku ifiya khubaradii hore ee soomaaliya. Marka si ay dalka u qabsadaan waa in ay dilaan khubarada, midaas weeye waxa falalkan guran ugu kacaan, xitaa haddii talada dalka ay la wareegaan, waxay aaminsan yihiin in aysan awoodikarin in ay hawlahooda fushadaan inta ay nooliyiin khubaradii hore soomaaliya, marka laga reebo kuwa ay isku fikirka yihiin”.

Khabiirku Mar uu ka hadlaayey Itoobiya iyo Kiiniya, wuxuu yiri “Itoobiya iyo Kiiniya, waxay naga haystaan dal iyo dad soomaaliyeed oo qiimo badan ugu fadhiya hasashadooda, mid kastana muhiimad gaar ah ayuu ka leeyahay arrintaas, sidaas darteed dowladdii Militeriga ee soomaaliya, waxay isku daydey in ay xoog ku sooceshato dhulalka iyo shacabka ka maqan oo waxay gaartey in gebi ahaan labada wadan  awoodooda oo dhan ay si maskixiyan iyo ciidan ahaan u burburiso.

Ciidanka soomaaliyeed wuxuu gaarey isagoo aad u da’yar meel aan laga fileyn, taariikh-da Afrika waxay ka galeen halkii ugu sareysey oo jaamacadaha adduunka ayaa laga dhigaa, laakiin hadda ciidankaasi wuu bur burey, soo noqoshadiisuna halis weyn bey ku tahay labadan dowladood, sidaas darted waa in ay ka shaqeeyaan in aan la helin ciidan ama qaran awood leh oo iyaga la xisaabtami kara, arrimahaas ayaa ku khasbaya in ay laayaan khubarada dalka soomaaliya”.

“Marka Al-shabaab, Itoobiya, Kiiniya IWM, waxay ka siman yihiin gumaadka khubarada soomaaliyeed, kaska siyaasadeed iyo barakicinta bulshada oo ma ogola mid kasta in ay soo baxdo awood soomaaliyeed oo dhameystiran, waxay ka siman yihiin qaybahaas iyo kuwo kale oo aan wali si waafi ah u soo muuqan” ayuu igu yiri.

marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd (Allah ha u naxariisto)

marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd (Allah ha u naxariisto)

Dhowaan waxaa magaalada muqdisho lagu diley Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo ahaa khabiir dhinaca ciidamada iyo ammaanka guud ee badda soomaaliya. Marxuumkan ayaa intii uu noolaa, qaar ka mid ah xildhibaanada waxay sheegeen in uu ahaa nin si weyn ula socda dhaq dhaqaaqyada ka jira xeebaha soomaaliya.

Dilka xildhibaanka ayaa dadka soomaaliyeed waxay ka muujiyeen dareen xoog badan, balse aan gaarsiisneyn halkii laga sugaayey, laakiin arrintu waxay noqotey in barooq diiq iyo tacsi kaliya loo sameeyo, iyagoo qiraya qiimaha uu ugu fadhiyey qaranka soomaaliyeed!!.

Hadaba si aan wax uga ogaano arrintaasi, waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota lagu qabtey kulan loogu baroor diiqayo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo ay ka sooqayb galeen qaar ka mid ah Xildhibaanada DFS ee ku sugan gobolkan, xubno ka mid ah saraakiishii hore ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo isugu jirey khubaro badda, dhulka iyo barre siyaasada amniga guud ee dalka, Fannaaniin, aqoonyaho kale, wax-garad, dhalinyaro iyo haween.

Ka soo qayb galayaasha Kulankan oo ay ka muuqatey murugo iyo caro gaamurtey, ayaa waxay halkaasi ka soo jeediyeen khudbado isugu jira tacsi, cambaareyn, oraahyo kul kulul oo loo jeedinayey kuwii ka dambeeyey falalkaasi, baaqyo iyo dardaaran.

Waxaa sidoo kale madasha laga sheegey in khaladaad weyn uu ka dhex jiro dowladda soomaaliya ee xiligan jirta, isla markaana aysan ku baraarugsaneyn wax ka qabadka arrimahaasi, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada qaranka iyo daryeelkooda.

Mid kale oo khubarada soomaaliyeed ah oo aan ku kulaney Minneapolis, isagoo garanaya in aan webka somalitalk wax ku qoro ayaa isna wuxuu igu yiri “Sxb Maxamed All-man, webkiina waxaan ku arkey in arrinta  badda soomaaliya aysan wali dhamaanin, dowladii ugu horeysey ee Badda Soomaaliya mugdi gelisa waxay ahayd dowladdii Sheekh Shariif oo uu ra’iisul wasaare ka ahaa Cumar Cabdirashiid, waxa dagaalada hadda wada, qayb taageerayaashiisa ka mid ah oo baarlamaanka ku jira, maadaama uu isagu soo xushey.”

Waxana uu hadalak ku sii daray “Dilka Xildhibaankii dhowaan la dilayey ee Maxamed Maxamuud Xayd, wuxuu qayb ka ahaa dilal qorsheysan oo lagu laynayo cid kasta oo ka soo horjeeda danaha dowladda laga leeyahay ee ay fulineyso, waayo. Markii xildhibaanka la diley, waxaa si dhakh-so ah bogagga UN-ka loogu arkey heshiisyo kala duwan iyo sixiixa madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana qabaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, in loo diley arrimaha badda” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaa ku darey “ waxaan ogaadey in xildhibaanada baarlamaanka ay si weyn u gagga dambeeyeen xagga badda marxuumka la diley. haddana wuxuu ahaa Janannadii hore ee soomaaliya oo wax badan ayuu ogaa, marka haddii aysan halkaa wax weyn ku jirin maxaa isku soo beegey dilka Xildhibaanka iyo sixiixa heshiisyadan kala duwan ee bogagga UN-ka lagu faafiyey”ayuu hadalkiisa ku soo koobey.

(Inta badan Khudbadihii Oo Dhameystiran Halkaan Ka Daawo)

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Waxaa dhintey dareenkii  shekh-siyadeed, kii guud ee ay lahaayeen dadka soomaaliyeed iyo kii Ummadnimo, waxaa batey doonista xil xoog lagu marooqsado oo lagu raadiyo wajiyo qabiil, taageero dowlado shisheeye iyo mid dhaqaale. Ma jiro ilaa iyo hadda cid ku baraarugsan ama u soojeeda ka hadalka iyo ka hortaga arrimaha noocaan oo kale, kuwaasoo laga dhaxlidoono cawaaqib aad u xun, hawshuna waxay ku soo aruurtey Tacsi iyo Cambaarey aan afka baarkiisa dhaafsiisneyn, halka cadowga soomaaliyeedna maalinba maalinta ka dambeysa uu sii xoogeysanayo, iyagoo ku faanaya waxaan sugnaa amaankiina!! Dadka soomaaliyeedoow goormaad huradada ka toosi doontaan??!!.

allman

Maxamed Macallin Cismaan (All-man)
Minnesota USA.
fatxumaalik@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " “Maxaa Isku Dan Ka Dhigey Al-shabaab, Itoobiya, Kiiniya IWM,” Dadka Soomaaliyeedoow Goormaad Hurdadda Ka Toosi Doontaann??!! "

  1. Suldaan says:

    Maxammed All-man, waxaan akhriyey qoraalkaan qiimaha badan, waxa badan oo iga dahsoonaa, oo aan is waydiinayey ayaan ka helay. waa macluumaad fiican oo Soomaalida anfacaya… waxaan lee yahay Soomaaliyey KACA.

  2. Cabdi says:

    Asalama caleekum,
    Marka hore ilah baa mahad leh marka labaad waan idin mahad celinaya Somalitalk shaqada aad umada soomaaliyeed u qabataan halkaasna kawada walaalayal.

    Marka labaad waxaa shaki ku jira dilka marxuunka alah ha u naxariisye iyo
    Barlamaanka oo shaqadiisi xayiran tahay iyo warqadii uu madaxwaunaha u diray Un, dilalka loo geysto aqoon yahanada waxa ka dambeeya dad aan alshabaab ahayn
    Sidii loga hortegi lahaa waa inaan dhamaanteen ku qasabna cidkasta oo masuul ka ah dastuurka sidii logu dari lahaa xuduuda bada somalia.
    Waxaan codsi u diraya websiteka Somalitalk inay website keeda soo galiso warqad is qof walba oo Somali ah u saxiixo dabadeed loo gudbiyo dadka ku shaqo leh dastuurka iyo barlamanka