Home » Warar »

Muumin Giriig “Waa yaabe Maxaa isku soo beegey Magacaabista Cumar Cabdirashiid iyo Qoraalka Xasan Shikh uu u Gudbiyey Qaramada Midoobey ee Badda Soomaaliya.

Xasan Shiikh oo ku sii jeeda Bisha soo socota Dalka Mareykanka iyo Banaanbaxyo la doonayo in looga hortago ka dib markii uu Qaramada Midoobey u Gudbiyey Qoraal Muran lagu gelinayo Badda Soomaaliya .

Madaxweynaha Mareykana Barack Obama oo Warqadihii Aqoonsiga Danjiranimo ka Gudoomey Cumar Cabdirashiid

Iyadoo Dhawaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud 30-kii June ee Sannadkaan 2014 uu Qaramada Midoobey u Gudbiyey Qoraal uu ku dalbanayo in laga wada hadli karo Badda Soomaalida (gaar ahaan Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya) ayaa warar aan hellney waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu Bisha soo socota ee Agoosto uu ku Wajahan yahay dalka Mareykanka iyadoo taasi ay jirto ayaa wararka ka imaanya Dalka Mareykana waxay sheegayaan in Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi ay wadaan Abaabulka Mudaaharaada looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Shiikh ka dib markii uu soo if baxay Qoraalka loo Gudbiyey Qaramada Midobey ee badda soomaaliya.

Muumin Giriig oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo u waramayey Idaacada SKY ee Magaalada Mudisho ayaa u soo jeediyey Shacabka Soomaalieyed in ay ka dhiidhiyaan Qoraalka Madaxweyanaha ee uu u direy Qaramada Midoobey ee la doonayo in qayb ka mid Bada Soomaaliya la qaato waxaa uu sii raaciyey “ Maxaa isku soo beegey in Qoraalkaan loo Gudbiyey Qaramada Midoobey iyo Magacaabista Safiirka Mareykanka ee Cumar Cabdrashiid oo uu sheegey in uu ahaa Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ee Muran geliyey Badda Soomaaliya

“ Waa yaabee Maxaa mar waliba soo celceliya in Muran la geliyo Badda Soomaaliya sow tii mar hore Baarlamaanka Soomaaliya uu Go’aan Cad ka gaarey” ayuu yiri Muumin Gariig oo ugu Baaqey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya In ay is hortaagin Damaca Waalan ee la doonayo in lagu boobo Khayraadka ka buuxa Badda Soomaalliya sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey bahda Warbaahinta in ay Bulshada u iftiimiyaan Raga Doonaya in ay Bada Soomaaliya u Gacan geliyaan Dowlado Shisheeye.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dalka Mareykanaka Barack Obama ayaa Warqadihi aqoonsiga Danjiranimo ka Gudoomey Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u Fahdin doono Dalka Mareykan oo ah Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke oo uu Dhawaan u Magacaabey Madaxweyne Xasan Shiikh iyadoo lagu wado in Xasan Shiikh uu Dalkaas gaaro Bisha soo socota ee Agoosto , Markii laga Gudoomey Cumar Cabdirashiid Waraaqihii Aqoonsiga ayaa waxaa halkaa ka Hadley Madaxweynaha Mareykankaa o sheegey in ay farxad tahay in muddo dheer ka dib in Soomaaliya ay dib u Furato Safaaradeedi Magaalada Washington

image

“Talaabada ugu horeysa ee aan qaadi doono waa sidii uu u shaqeyn lahaa Xafiiska Soomaaliya ee Magaalada Washington islamarkaa aan u Qori lahayn Shaqaalaha Safaraada markaas ka dib ayaan u Howlgeli doonaa sababaha keeney in la iibiyo Safaaradii Soomaaliya ee Mareykanka “ ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo sheegey in wax lagu farxo tahay in 23 sanno ka dib in Soomaaliya marka dib u furato Safaaradeedii ee dalka Mareynka.

Cumar C/rashiid iyo Sh. Shariif oo isa salaamaya iyo Aadan Madoobe oo eegaya (Feb 2009) Cumar Cabdirashiid waxaa July 2014 loo magacaabay safiirka DFS u fadhiya USA

Cumar C/rashiid iyo Sh. Shariif oo isa salaamaya iyo Aadan Madoobe oo eegaya (Feb 2009)
Cumar Cabdirashiid waxaa July 2014 loo magacaabay safiirka DFS u fadhiya USA

Keith Ellison oo ah Xildhibaanka keliya e Muslimka ee ku jira Baarlamaanka Mareykanka islamarkaana laga soo doorto Gobolka Minnesota ayaa Cumar Cabdirashiid ku Tilmaamey nin Aas –Aas u noqon doona in Soomaaliya dib ugu soo laabato Beesha Caalamka islamarkaa uu ka qayb qaato Dib u dhiska iyo Dib u heshiisiinta Ummada Soomaaliyeed isagoo sheegey in ay eegi doonaan sida uu u shaqeeyo danjiraha Cusub Soomaaliya ee Dalka Mareykanka isagoo u rajeeyey Labada Dal in uu sii adkaado Xiriirkooda .

Baarlamaanka Soomaaliya ma is-hor-taagi doonaan Madaxweyne Xasan xagal daacintiisa xeerka Badda Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.