Home » Warar »

“Xasan Shiikh , Jawaari iyo Cabdiweli midna ma Awoodi karo in uu Bixiyo Badda Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Cali Seko oo ka tirsanaa Baarlamaankii hore

Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seko) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore, haatan ah Siyaasi inta badan ka hadla Xaalada Siyaasadeed ee ku soo korodha Soomaaliya oo ka hadlayey War Dhawaan Soo Baxay oo ku saabsan in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu Qaraal u direy Qaramada Midoobey kaasoo uu ku dalbanayo in laga Wada hadlo Badda Soomaaliya gaar ahaan Dowlada Soomaaliya iyo Kenya waxaana uu sheegey Cali Seko in arrintaan ay Shaki gelineyso ummadda Soomaaliyeed .

seeko46

“Waxaa Xaqiiqo ah in Madaxda Sare ee Dowlada ay yihiin kuwa aan u naxayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed “ ayuu yiri Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seko ) oo sheegey in Ummada Soomaaliyeed ha joogto Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa aysan marnaba aqbali Dooonin in Badda Soomaaliya la bixiyo, waxan uu intaa raaciyey Cali Seko:

“Waxaan u soo jeedinayaa ummada Soomaaliyeed in sidii ay hore uga dhiidhiyaan in ay maanta mar kale uga dhiidhiyaan oo aysan ogolaan in Badda Soomaaliya la bixiyo sidoo kale waxaa leeyahay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay is hortaagaan Qorshaaha uu wato Madaxweyne Xasan Shiikh ee ku aadan Badda Soomaaliya” Sidoo kale wuxuu ugu baaqey Qaramada Midoobey in ay faraha kala baxdo Badda Soomaaliya.

“ Arrinta Badda Soomaaliya cid soo hadal qaadi karto ma jirto, Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyaga ayaa tooda u yaaban oo ku fashilmey arrimaha Nabadgelyada , Dhaqaalaha iyo Siyaasada waxaana u sheegaya Madaxda Soomaaliya halka laga hirgelin doona Cida ay heshiiska la galeen” ayuu yiri Cali Seko oo sheegey in maanta aysan jirin Siyaasiyiin isku duuban oo Badbaadin kara ummada Soomaaliyeed.

Cali Seko waxaa uu sheegey in Badda Soomaaliya Cabirkeeda la yaqaano sidaa darteed Cida maanta dooneysa in ay wax ka badesho Badda Soomaaliya waxaan ku tilmaami karaa dad Riyoonaya waayo hore ayaa Baarlamaakii Soomaaliya uu is hortaagey Qorshe la doonayey in qayb ka mid ah Badda Soomaaliya la siiyo Dowladda Kenya.

Ugu dambeyntii waxaa uu u Mahadceliyey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta sida ay Bulshada ugu soo Gudbiyaan hadba damaca Madaxda Soomaaliya ay ku doonayaan in lagu Bixiyo Badda Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.