Home » Warar »

Baarlamaanka Soomaaliya ma is-hor-taagi doonaan Madaxweyne Xasan xagal daacintiisa xeerka Badda Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay mid kamid ah xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, kuna dhereran Badweynta Hindiya iyo Badda Cas (ama gacanka cadmeed), baddaas baaxadda weyn waxaa dhex jiifa khayraad aad u farabadan. Laga soo bilaabo 1991 markii ay burburtay Dawladdii Soomaaliya waxaa khayraadkaas guranayey shirkado iyo dalal shisheeye oo aysan jirin cid weli kula xisaabtantay.

Waxaa in badan oo warbaahinta ah qortay in sidoo kale halkaas lagu duugan sunta halista ah iyo qashinka haraaga wershedaha oo halis ku ah caafimaadka shacabka Soomaaliyeed.

Marka Soomaaliya ay ka dhalato dawlad u adeegta danta shacabkeda waxaa markaas dhici karta in wixii badda Soomaaliya ku xad guddbayey in ka badan 20 sano in sharciga lagula xisaabtamo.

Shirkadahaas/dalalkaas xadgudubka geystey waxay fahamsan yihiin in qaanuun ahaan Soomaaliya ay gar heli karto inta uu jiro xeerka Law no. 37 oo dhigaya : in laga soo bilaabo 1972 ay Soomaaliya leedahay 200 mayl-badeed oo dhul-badeed ah (ama Territorial Waters).

Waxay doonayaan in la yiraahdo Soomaaliya waxay leedahay EEZ oo 200nm ah, halkii ay ka ahayd 200nm oo Territorial Waters ah (cilmiga halkaas ku jiraa waxaa weeye markaad aqbashid 200nm oo EEZ waxaad si toos ah markaas badda Territorial waters ugu soo koobeysaa 12nm).

Waxaa kale oo dhacday in dawladdii KMG ahayd ee ay garwadeenka ka ahaayeen Sheikh Shariif Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ay hashiis la gashay Kenya kaas oo Kenya muran ku gelinaysey badda Soomaaliya, damaceeduna ahaa in ay cabbirato baaxad weyn oo badda Soomaaliya si ay shidaal uga sahamisato heshiisna kula gashay shirkado shidaalka sahamiya. Laakiin waxaa arrintaas si geesinimo leh isu hortaagey baarlamaankii KMG ahaa oo heshiiskaas ka dhigay “waxba kama jiraan”.

Waxaa markale shacabka Soomaaliyeed fajaciso ku noqotay in madaxweynaha hadda ee Dawladda Federaalka Xasan Maxamuud uu bilowgii bisha Ramadaanka qoraal u gudbiyey Qaramada Midoobey, qoraalkaas oo aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya, waxaa ku cad in uu si qayaxan uga hor imanayo xeerka Law no 37, islamarkaasna ku cadaynayo haddii cid muran kaqabto cabirka badda Soomaaliya in uu diyaar u yahay wada xaajood uu ka galo. (Miyeysan taasi ahayn wixii Kenya tu taameysey – madaxweyne ogol dhul-badeedkiisa in uu wada xaajood ka galo.)

Cumar C/rashiid iyo Sh. Shariif oo isa salaamaya iyo Aadan Madoobe oo eegaya (Feb 2009) Cumar Cabdirashiid waxaa July 2014 loo magacaabay safiirka DFS u fadhiya USA

Cumar C/rashiid iyo Sh. Shariif oo isa salaamaya iyo Aadan Madoobe oo eegaya (Feb 2009)
Cumar Cabdirashiid waxaa July 2014 loo magacaabay safiirka DFS u fadhiya USA

Waxaa shacabka Soomaaliyeed ay hadda u dhega taagayaan go’aanka arrintaas uu ka qaato baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga filayaa in ay noqdaan halyeyo u dhigma baarlamaankii 2009 ee la mari waayey markii dharaar cad la isku deyey in badda Soomaaliya muran la geliyo.

Hoos ka akhri warqadii madaxweynaha DFS u gudbiyey UN.

AKHRI: Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u gudbiyey Qoraal ka hor imanaya Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law no. 37

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ku taariikhaysan June 30, 2014 kaas oo ku saabsan badda Soomaaliya, waxaana UN-ku faafisay July 3, 2014. Qoraalkaas oo si qayaxan uga hor imanayaa (ama si qayaxan uu baabi’inayaa) xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37.

saxiixaQoraalkaas uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DFS (in kasta oo uusan laxayn tixraac madaxtooyo/ref) waxa uu tibaaxay in EEZ-ka (aagga dhaqaalaha badda) uu yahay 200nm, halkii uu ka ahaa 200nm oo ah “Territorial Waters” (dhul badeed). Sidoo kale kama hadlin kordhintii badda Soomaaliya ee ahayd 350 mayl-badeed.

(Eeg halkan faraqa u dhaxeeya EEZ iyo territorial sea)

Waxaa sidoo kale qoraalka la socda 39 bog oo ku saabsan ama lagu qeexay dhigaha iyo loolka badda Soomaaliya, laakiin aan lahayn magacyo lagu garto aagga laga hadlayo.

Waxa kale oo qoraalku tibaaxay “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka aragtidaas qaba si markaas loo kala xadeeyo EEZ-ka badda”.

Hadalkaasi waxa uu dhigmaa “muran gelintii badda Soomaaliya ee Kenya damacsanayd” taas oo ay hore uga dhiidhiyeen shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadalkaas madaxweynaha DFS ku qayaxan in uu hirgelinayo damacii Kenya ee ahaa in la yiraahdo aan ka wada xaajoono baddiina aan muranka geliney xilligii xukuumadii Sheikh Shariif.

Waxaana muuqata in qoraalkaas aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo gudbin Qaramada Midoobey, jawaabta baarlamaanku arrintaas ka bixiyo ayaa shacabka Soomaaliyeed sugayaa.

Horraantii bishii June 2014 ayey ahay markii ay soo shaac baxday in Kenya oo doonaysa in heshiiskii uu hore u diiday baarlamaanka Soomaaliya ay markale la gasho xukuumadda Federaalka Soomaaliya…

Halkan ka akhri qoraalka uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamud June 30, 2014 , waxaadna barbar dhigtaa xeerkii badda Soomaaliya ee Law no 37 ee soo baxay 1972

…………..
Tixraac Bogga UN-ka:

Letter from Hasan Sh Mohamud to UN

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_Proclamation.pdf

Coordinates:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_EEZ.pdf

UN Press release:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/mzn_s/mzn106ef.pdf

Law no. 37 of 1972
http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf


June 6, 2013 ayey ahayd markii golaha wasiirada Soomaaliya ay caddeeyeen in: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran. akhri….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya ma is-hor-taagi doonaan Madaxweyne Xasan xagal daacintiisa xeerka Badda Soomaaliya "

  1. mowlid says:

    waxan ubanahay in aynu isku taagno ilalainta wadankeena iyo so celinti nidamka somaliya waxaynu wax ka sugaynaa shakhsiyaad rer galbeedku dhulka keensaden o iyaga uadeega baralamka somaliya maleh aqon ku filan saa daraded way adagtahay in ay ilalaiyaan biyaha somaliya kenya way ka shalayndonta awal ayey memorandum ofunderstandig ku qateen ndf hadana qayb ka mid badeenii

  2. Omar Sharif says:

    Ascww, “Allaah raxmadiisa daalimiinta ayaa ka quusta”. Sidaa dareed quusan meyno innagoo og inay kuwa magac u yaalka ahi oo shaqisyaadda wacani ka naafooday, hamiga suuban, rumeynta xaqaa’iqa, hufnaanta ku xisaabtamidda waaqaca iyo ciribsamida danbe dhalanteed ka doortay oo aan waligood hagardaamada halgan ugu jira. (Ifka ceyb ayaa u taal aakhirana kolley dan kama lehee khiyaanada shacab islaam hoggaankii ku gabood falla xisaab daran ayaa u taal). Waxaan garan karin arrimaha lama-taabtaanka ahi kuna haboonaan lahaa in afti qaran loo qaado waxa sida fudud ugu khasab inay ku dhacaan. miyaanay ogeyn inay dhalanteed yihiin kusrigana lacagtooda ku yimaadeen. balse ay Soomaali yihiin ayna matalaan.
    Aniga shaqsi ahaan aanan rumeysnayan inuu dal iyo dad somaaliyeed oo xur ahi ay jiraan iyo sidoo kale xukuumad xaq ku timid midba balse haddaad dhimaneyso dhareerka ayaa leyska duwaa, koleyba inay ka gaabsadaan ayaa loo qaatay arrimaha xuduudaha, arrimaha dastuurka iyo arrin kastoo dhaawacaya masiirka ama ha ahaado qorshe fog ama mid dhow.
    Ugu danbeyn sidii caadadu noo aheydba inta Alle ka yaabeysa oo damiirka suuban lihi sidii caadadu noo aheydba inaan ku dadaalno hor istaagidda hanka xun ee xuduud badeedeena lagu dhaxal wareejinayo.

  3. somalitalk waxaan weydiisanayaa sidii lagu yiqiinay markay arinta baddu timaado qaybtooda inay qaataan oo umadda la socod siiyaan mar walba mawduuca badda meeshu marayo waana ku mahadsan tihiin doorka aad qaadataan mar walba oo arintan laga hadlo

  4. ascww marka madaxweyne dal masuul ka yahay waa inuu ka shaqeeyaa danta dalkaas si qaynuunka wadanka waafaqsan,waxa uu jidaynayana baarlamaanka dalkaas la mariyaa.cidina xaq uma laha ayadoo awood masuuliyadeed isticmaalaysa intay seexato oo soo kacdo in ay wax iska qorto oo qaramada midoobey horgeeyso marka ay taa samaynayso waa in waxaasi dalka dantiisa tahay hayadaha dastuuriga ahina ogolaadaan oo la marsiiyo.xasan shekh magac ahaan say ani ila tahay waa madaxweynaha somalya lkn dhab ahaan maaha madaxweynahayaga markaan eego hab dhaqankiisa madaxweynanimo xaqna uma leh siii uu doono inuu dalkaan ka yeelo isagoo baal maraya sharciga dalkayaga uyaal qoaalka hadda uu qorey ee aad soo bandhigteena waa xaaraan in badayada uu muran galiyo haddaan nahay soomaali waxaana weydiisanayaa baarlamaanka wakhtigaan jira inuu ka horyimaado kulana xisaabtamo haday ku cadaatana uu xilka madaxwenanimo ka qaado diidana badayada in muran la gasho kenyana qayb qaadato iyadoo aad ogtihiin in kenya ay dadka soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool ay xadgudub ku samaysay wakhtigan in kastoo wakhtiyadii hore ay na soo dhaweeyeen oo aan abaal uhayno hadana nin waliba wuxuu haysto buu waxku yahay oo ku xisab tamayaa rali iga noqda hadaan cid u gafay