Home » Warar »

Xildhibaan Ibraahim Suleymaan Ilko case “Somaliland iyo Somaliya marka la isku daro ayaa la yiraahdaa Jamhuuriyadda Soomaaliya”. Khudbad uu ka jeediyey Minneapolis

Qaybtii saddexaad ee kulankii ka dhacay Minneapolis oo ay khudbado ka jeediyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaaliya.

Ibraahim Suleymaan X.Nuur (Ilka Case)  oo isna inta badan ka Hadley arrimaha dastuurka ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa“annigu waxaa la igu soo riixey Dastuurka mar baan wasiir ka ahaa ilaa sided bilood ah, waqti addag bey ahayd xoogaa dhibkeygaa batey marka waa la iga bedeley, wasiir kale ayaa la iga dhigey annigoo maqan baa shaqada la iga ruqseeyey keynaan baa aad uga Hadley, waqti inaan qaato ma rabo, wixii xog waran Ra’uusul Wasaare Cabdiwaaxid iyo Wasiir Cabdicasiis ayaan u deyneynaa xoogaa iyagaa aad ciro u leh Odayaashana warkooda qaadan kara” ayuu yiri.

Xildhibaanku isagoo dadka baraya waxaa kale oo yiri “Somaliland iyo Somaliya marka la isku daro ayaa la yiraahdaa Jamhuuriyadda Soomaaliya taas aan ogaano dhamaanteen!”.

ilkacase

Xildhibaan Ilko case wuxuu kaloo ka Hadley taariikh-da Dastuurka soomaaliya, xiliga la bilaabey, qaabka loo qorey, sababihii keeney in la qoro dastuur iyo sidii lagu ansixiyey,  wuxuu keloo ka Hadley wax-yaabihii la isku qabtey iyo waxay ahaayeen “federaalku wuxuu ka mid ahaa wax-yaabihii la isku qabtey, xizbigii SYL wuxuu aaminsanaa mid nimada iney tahay dowladd dhexe, xizbiga digil iyo mirifle oo isaguna markaas xoog badanaa wuxuu aaminsanaa federaaliizamka in la qaato, cid walba sabab bey keentey, laakiin sababtii markaas lagu qancay waxaa keeney SYL”.

Xildhibaan Ilkocase mar uu ka hadlayey kaalinta ay kaga jiraan dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka iyo jawaab uu siinayey mid ka mid ah dadkii halkaas ka hadley ayaa wuxuu yiri  “Reer Mareykan, iyagaa wadanka Ra’iisul Wasaare ka ahaa, Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa wadanka xukumayey, marna Cabdiwali cali gaas baa joogey, wax addinka aad noo keenteen baa nalagu dilayey ee wax cusub ma hayno saas horta ogaada, hadaad nabad nala qaadaan wadanku nabad buu noqonayaa, odey meesha ka Hadley baa wuxuu yiri dad qur’aanka yaqaanaa waa in meesha la keeno, waxaan u maleynayaa Dr.Cabdicaasiis, Ra’iisul Wasaaraha, Keynaan iyo anniga cid naga badiso ineysan meesha fadhinin, raali ahaada qur’aan la iskuma haysto ee wax kalaa la isku haystaa, waxaa la isku haystaa dadka sidii loo maamuli lahaa baa la isku haystaa, dadka ma waxaa lagu maamulayaa soomaalinimada, mise guruub inay meesha qabsadaan, ma soconeyso guruub iney meesha qabsadaan cidey doonto ha ahaato, wey addag tahay mana soconeyso…”

Wuxuu keloo sharaxaad ka bixiyey sida lagu soodhisey dowladan iyo habkii loo marey dastuurka qabyo qoraalka “Cabdiwali Cali Gaas wuxuu sooqabtey shaqo ay soo qabteen laba Ra’iisul wasaare, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waqtigaasi wadanku wuxuu geli gaarey maxmiyad inaad ogaataan baa la rabaa si fiican waqtigii shariif sheikh axmed ee la lahaa dhameystirka, qaybo badan baa la lahaa bulshada rayidka dad la yiraahdo oo cid walba leh, maamul gogoleedyada, baarlamaanka, xafiiska ra’iisul wasaarahaa shaqeynayey, kan madaxweynahaa shaqeynayey, nin la yiraahdo Mahiiga ayaa shaqeynayey dhamaan waxay ka shaqeynayeen in dastuur la soo saaro, waxaad garankartaa waxa lagu soo sameeyey, International Community-ga…”

ilkacasee

Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey haliso waaweyn oo imaankara ayaa “soomaalidu halkey ka timid, ma carabaa, ma oromaa, ma hindi baa, ma mushuun guligii tanzaaniya ka soobaxay baa, dadka wax qoraa waxay sheegaan soomaalidu in ay tahay Oromo. Oromadu soomaaliga ayey taqaan oo Minnesota ayey idiinla joogaan, waxaad ogaataan Oromadu soomaaliya way joogaan, toban sanno oo soo socota, istiraatiijiyada Itoobiya waxay tahay iney dadkaas ku soobeerto soomaaliya si ay u codeeyaan, kama saarikatid…!”

“…Addinku halkaan baad fadhi ku dirir ku tihiin, baarlamaanka waxaa u badan Diaspora, Mareykanka waa ilaa Toban Xildhibaan, waa kuwa ugu wanaagsan, laakiin dad waxaa nooga yimid Yurub aad u wanaagsan, baarlamaanka soomaaliyeed inuu saxo wax walba diyaar buu u yahay…” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa xildhibaanku.

(khudbadiisa oo dhameystiran halkaan ka daawo).

Lasoco Qaybaha kale oo isugu jira Khudbadaha iyo Wareysiyo.

— Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan “Isku Cadow Ma Nihin…, Five-ka Naguma Filna…!!”

— Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf oo Khudbad Kulul U Jeediyey Soomaalida Minnesota. “…Meelo Waxaa badan Adigaagan Soomaaliga Ah Aadan Tegikarin, Xalane Wixii Xagaas Ka Xiga Waxaa Ku Yaal Hoteelo Lagu Seexdo $300, Waan Maqley Anniguse Ma Tegikaro…!”

Maxamed Macallin Cismaan (All-man)

Somalitalk Minnesota USA.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.