Home » Warar »

Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan “Isku Cadow Ma Nihin…, Five-ka Naguma Filna…!!”

Seddax xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana xilal wasiir, wasiir ku xigeen ka soo ahaa dowladihii KMG-adda ee dalka Soomaaliya iyo Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (goonjeex) oo isna ku xigeen Ra’iisul wasaare, wasiir iyo xildhibaan ka soo ahaa Dowladihii KMG oo kulan ay ka soo isugu yimaadeen xubno isugu jira, aqoon yahanada Diinta iyo kuwa maadiga, siyaasiin, wax garad, haween iyo dhalinyaro, isla markaana looga hadlayey xaalada siyaasadeed ee dalka soomaaliya, ayaa khudbado kul kulull ka jeediyey hoolka shirarka Safaari ee State-ka Minnesota ee dalka Mareykanka 19/05/2014.

Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan oo ugu horeyn meesha ka hadley ayaa wuxuu ku soodhaweeyey Imaatinka Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii Hore Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (goon jeex), Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf iyo Xildhibaan Ibraahim Suleynaan Xaaji Nuur (Ilko case) Imaatinkooda State-ka Minnesota.

kaynaan

Xildhibaan Maxamed Keynaan waxaa uu sharaxaad ka bixiyey baarlamaan waxa uu yahay, waajibaadka baarlamaanka iyo dowlad baarlamaani ah. sidoo kale wuxuu ka hadley Taariikh-da Baarlamaanadii hore iyo Xizbiyadii dalka ka jirey inta u dhexeysey 1960-kii ilaa iyo 1979-kii.

Xildhibaan Maxamed Keynaan waxaa erayadiisa ka mid ahaa “kama sheekeynayo Leegada, sababtoo ah, Leegadu dadd wadaniyiin ah ayey ahaayeen, maxaa yeeley leegadu waxay rabtey waa la yaqaaney, cadowgoodana waa cadaa, waxa ay dooneyseyna waa la yaqaaney,  xoriyad, wadaninimo iyo gobanimo ayey raadineysey…”

Waxaa kale oo uu yiri “baarlamaanka maanta jira, annigu waxaan ku tiriyaa taariikh-da baarlamaanadii la soomrey kii ugu tayada fiicnaa, maxaa yeeley seddax gudoomiye oo aad u aqoon badan dowladana ka soo shaqeeyey baa jooga, yaqaana sida baarlamaanka loo maamulo, annagoo xildhibaanada ahna, tayo ayaa nalagu keeney, waxaa nalagu keeney aqoon, Odayaal dhaqameedyaduba hana sooxulaane, waxaa nalagu keeney       qof iyo aqoontiisa…”

kaynaaan

“qodobka aan u soo socdaa waxay tahay, xildhibaanka shaqadiisu waa inuu mooshin keeno. Mooshin muxuu yahay, Mooshin waa soojeedin shaqadeena ayey ka mid tahay, waxaana mooshin laga keeni karnaa Madaxweynaha, Gudoomiyaha, Xildhibaanada qofkii dembi ku gala, waxaa laga keeni karaa Ra’iisul wasaaraha, waxaana laga keeni karaa cid kasta oo Kitaabka Quraanka lagu dhaariyey, laakiin 275 qof oo kala arragti ah oo kala fikir ah, kala aqoon ah oo mar walba wixii la keeno iskama ansaxaan ee hadalo dhinac ka tuur ah hadaayo waan maqlaayey waxaas oo dhan ma jiraan annagu waxaanu nahay dad nadiif ah, waxaan ku shaqeynaa dhaartii nala dhaariyey ee dastuurka.

Marka mooshin waa soojeedin, annigu hadaan ra’yigeyga ku darsado halkaan baarlamaankii ma ahan oo meesha aan kaga doodeyno waa gudaha, midkii ugu dambeeyey ee hadda la keeney soojeedin madaxweynaha loo soojeediyey bey ahayd, annigu waxaan u arkaa inuusan sax ahayn, maxaa yeeley madaxweynuhu waxaa lagu sameyn karaa xil ka qaadis, waxaana loo gudbin karaa maxkamada dastuuriga sida uu qabo dastuurkeena qodobkiisa 92-aad, mida kalena waa shaqo annaga inoo taal, annagaa gudaha kaga doodeyna” Xildhibaan Keynaan.

“waxaan rabaa inaan idiinku guubaabiyo SYL waxay ahaayeen niman dhalinyaro oo wadaniyiin ah, waxay ka mideysnaayeen daacad nimo, ehludiin ayey ahaayeen, waxay keloo ahaayeen dad waxa ay doonayaan ka dhabeeya oo ah wadaniyada soomaalinimaa ina deeqda wax ka sokeeya inama deeqaan, qabiilka 4.5 waa laga gudbey xukuumada hadda jirta iyo tii ka horeyseyba, shan isla eg baa lagu keeney waana ku mahadsan yahay Saacid iyo Xasan Sheekh oo bilaabey iyo  Cabdiwali oo ku raacey, waxaan ku soogebagebeynaa, Shanta naguma filno, qabiil maanta qanacsan ma jiro, cid reerkiisa waxa ay maanta haystaan raali ku ah ma jirto , waxaynu u gudbeynaa Xizbi iyo hal nin iyo hal cod, waxaana ku gaari karaa wadaninimo, wadaniyada iyo xoriyada halkaan haka bilaabato, nin jecelysiga aynu iska deyno iyo qabiil jecleysiga soomaaliya ha noolaato” ayuu hadalkiisa ku soo geba gebeeyey Xildhibaan Keynaan.

Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf oo Khudbad Kulul U Jeediyey Soomaalida Minnesota. “…Meelo Waxaa badan Adigaagan Soomaaliga Ah Aadan Tegikarin, Xalane Wixii Xagaas Ka Xiga Waxaa Ku Yaal Hoteelo Lagu Seexdo $300, Waan Maqley Anniguse Ma Tegikaro…!”

La soco khudbadaha xildhibaanada kale iyo xubnaha kale ee kulanka ka qayb galay

Maxamed Macallin Cismaan (All-man)
Somalitalk Minnesota USA.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.