Home » Faallo »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (NSS 1976 – 1991)

nssAroortii hore ee waa barigii 17 Juulaay 1985 tii ayaa diyaarad kuwa qumaatiga u haada ah la iiga soo qaaday Tikriit oo Baqdaad u jirta 140 Kiilo Mitir , anigoo dusha ka dheehanaya Beero iyo dhul doog ah , malahayga ahaa dalag ay beerteen beeralayda Ciraaq , waxaan safarkaas oo wax badan ka yaraa kii aan markii hore ku tagay Tikriit ku nimid gagida diyaaradaha ee Al Muthana oo ay layaayeen Ciidanka Cirka ee Ciraaq.

Durba waxaa la iisoo qaaday Qasriga Jamhuuriyadda , waxaan kasoo galnay Albaabka Qudus , si waynna loogu ekaysiiyay koofiyadda Masaajidka ay Yuhuudda gacanta ka helaysa reer galbeedka iyo qaarka Carabta ugu hodansan ay xoogga ku haystaan waa Masjidka Al-Aqsaa ( Qudus ) , muuqaallo taariikheed si wanaagsan loogu xardhay gidaarada qasriga ayaa in doora kuu macnayn kara taariikhda Ciraaq ee faca wayn .

Sogootintii iyo farriin mahad naq ah ayaan kaso qaaday Saddaam , waxay ciraaq maantaas u qoon daysay Soomaaliya dhaqaalle wanaagsan oo loo qorsheeyay wax-barshada iyo beeraleyda Soomaaliyeed , warkaas wuxuu ahaa war farxaddiisa iyo naxdintiisaba ii leh , waan ku farxay inaan u helno dhaqaale aan dayn iyo dul saaar toona lahayn , xarumaha wax barasho iyo hanaanka soo saarka dalka , laakiin waxaan hubay inaysan hantidaas qaban doonin halka loogu tala galay . Musuqa kasakoow , dalku wuxuu shilinkuu helaba u leexinayay xiligaas la dagaallanka shacabkiisa Soomaaliyeed .

Intaan ka shaqaynayay NSS tii Soomaaliya qof madax ii ah iyo mid iga hooseeyaba dadka hortooda uguma sheegin wax uusan jeclayn inuu maqlo waligayna kamaan qarin, Intaan Xafiiska madaxwayne Siyaad ku tirsanaa , la kulankayga Madaxwaynaha way badnayd , marna kamaan qarin waxaan dareemayo ee dalka aan aaminay inuu halis ku yahay laakiin waligay uma sheegin asagoo wehel la joogo Khadiijaba allaha ka dhigee , dabcigaas ayaan filayaa inuu kordhiyay Kalsoonida uu ku qabay la shaqayntayda qarsoon.

Markaas kasoo dhoofay Baqdaad kuna soo noqday Xamar, waxaan durba u tagay Madaxwayne Siyaad waxaana u dhiibay Warqaddii uu gacantiisa kusoo qoray Madaxwayne Saddaam , Cid u akhrisayba Odaygu Af-Carabiga shaqa kuma lahayn , Saddaamna wuu ogaa arintaas , waxaana dareemayaa inaysan ku qornayn ahayn Sir ka culus taan maskaxda kusoo xanbaaray , warqadda qofka loo soo dhiibay waa Arday shaqadiisa muuqata .

Wixii Masar lagu alifo waxaa lagu daabaacaa Lubnaan, waxaana lagu akhristaa Baqdaad

War bixintii aan madaxwayne Siyaad kasoo gaarsiiyay Ciraaq laba qaybood ayay ahayd mid waa taan hoos ugu sheegay ee Saddaam soo diray midna waa waxaan soo arkay waxaana ka mid ahaa ,’’ Jaalle Madaxwayne Ciraaq kuma noola qof aan wax akhrin waxna qorin (UNESCO ayaa qirtay), Hanaanka caafimaadka waa kan ugu wanaagsan Bariga dhexe , Ciidanka Qalabka sida qoysaskooda waxay leeyihiin daryeel gaar ah , dalka Ciraaq wuxuu cunaa inta badan waxa kasoo baxa kuna soo baxa biyaha wabiyada Dajla iyo Furaat , ‘’ Jaalle Madaxwayne wuxuu Saddaam Xusseen yiri ‘’ Way adagtahay inaan maamulno Qoysas Juhalo ah wayse sahlantahay in la Hogaamiyo Qaramo Tacliin leh ‘’ mid ka mid ah gidaarada qasriga Jamhuuriga ciraaq waxaa ku qornaa hal kudhig aad iisoo jiitay ( Wixii Masar lagu alifo waxaa lagu daabaacaa Lubnaan, waxaana lagu akhristaa Baqdaad ) .

21 casho markaan Xamar dhex mushaaxayay anigoo la nool muuqaaladii Ciraaq ee xasuusta dheer igu reebay , rajo waynna ka qaba in mar kale la ii diro ,ama aan xod xoto sidii la iigu dari lahaa shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Baqdaad oo aan cag dhigin intaan joogay Baqdaad ayaa waxaa iigu yimid gurigii Hooyaday Sarkaal ka socday Madaxtooyada, wuxuu igu daray saraakiil loo diray Gobalka Gedo , warar laga soo sheegay Sheekh ‘’Wahaabi’’ ah laguna sheegay warbixnta inuu Roobkii di’i lahaa iyo Wiilashii dhalan lahaa ka hor ‘’joogsaday’’ deegaanno ka tirsan Gobalka Gedo .

F.Xiirane ( NSS 1976-1991)
fahiira@gmail.com

 

Qaybaha kale ka akhri: https://somalitalk.com/tag/nss/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (NSS 1976 – 1991) "

  1. Almaghdashi says:

    Asc f-xiirane khayr allaha kusiiyo rajadeenu mar uun weykujirtay dad kasoo agshaqeeyay waliba si aad ah uugu dhawaa madaxdii dalka soo maray iyo sideey ufakirijireyn in eey noosoo gudbiyaan. wexeey nootareeysaa maqaaladaada in aan ogaano dalka in uusan mar qura uusan burburin ee uu mudo soo burburayay sida aad adiga dalka uugu shaqeynaysayna dad badan eey cagsigaaga ushaqaynayeen wadamo cadow ah. waxaan rajayn in aad nala wadaagto xog intaan kabadan allaha kudhowrana.