Home » Warar »

Xildhibaan Xuseen Nuur “ Xasan Shiikh waxaa u Wanaagsan in uu aqbalo Taladii Xildhibaanada ee ahayd in uu iscasilo”

Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey inuu la kulmayo Xildhibaanadii ka soo saarey Bayaanka —

Iyadoo markii uu dalku ku soo laabtay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku baaqay in la dhowro Nidaamka Dawladnimada isla markaana xiligan aan loo baahnayn in la keeno fikrado khilaaf abuuraya ayaa arrintaasi waxa ay u cuntami weydey qaar ka mid ah Xildhibaanadii dhawaanta Bayaanka soo saaray.

Xildhibaan Xuseen Nuur oo ka mid ah Saxiixayaashii Bayaankii Madaxweynaha looga codsanayay inuu xilka isaga dego oo xalay la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee Magaaladda Muqdisho ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay meel marinta talooyinkii ay Madaxweynaha u soo jeediyeen ee ahaa inuu xilka isaga dego.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in Xasan Shiikh ay u waanagsan tahay inuu aqbalo taladaas loo soo jeediyay hadiise uu isku dayo inuu ka dhega adeego in sida ugu dhaqsiyaha badan Mooshin ay u hor geyn doonaan Baarlamaanka. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegeyin shalay ay iyagu soo doorteen Madaxweynaha hase yeeshee uu lumiyay Kalsoonidii Xildhibaanada ka gadaal markii uu ku guuldaraystay meel marinta Qodobadii uu hore u balan qaaday.

Dhinaca kale Xasan Shiikh Maxamuud oo maalintii shalay dalka dib ugu soo laabatay ayaa ugu horeynba ka warbixiyay safaradii uu ku tegay Wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta isagoona sheegey in safarkaasu ahaa mid guul ku soo dhamaaday.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Bayaankii dhawaan Xildhibaano isaga Mucaardsan ay ka soo saareen Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegey inuu soo dhaweynayo shakhsi Urur iyo qof walba ra’yigiisa loona baahan yahay in Ra’yiga aan la caburin.
somali95

Xasan Shiikh ayaase dhinaca kale kaga wareegtay Bayaankaas oo sheegey in loo baahan yahay in wax la Cabiro iyo qiyaas lagu Cabiro hase yeeshee aan qiyaastii iyo waqtigii ku haboonaa aan la samayn taa ay dhici karto inaysan wax macna ah samayn fikirka sidaa oo kale ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibanadaas xusiisayay waxqabadkii Cukuumaddiisa halkii Soomaaliya ay ka timid iyo halka ay u socoto taasoo uu ula jeeday inaysan xiligan haboonayn in xukuumadda xiligan wax laga bedelin qaabka ay u samaysan tahay Xasan Shiikh ayaa ugu dambayntii ballan qaaday inuu la kulmayo cid kasta oo fikirkiisa khilaafsan diyaarna u yahay inuu kala hadlo wixii Dawladnimo wanaag ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Xildhibaan Xuseen Nuur “ Xasan Shiikh waxaa u Wanaagsan in uu aqbalo Taladii Xildhibaanada ee ahayd in uu iscasilo” "

  1. mustaf says:

    waa mustaf oo sii wato hadalkiisa baarlamaankana waxaan leeyay waxaan naqaan hala rido ee intaan la ridin noo sheega yaa lagu badalayaa ee soomali ceelka kasoo bixin karo taxigto waxaad samaysaan gudi barlamaan oo wareeg soona fiiriya soomalida keenya joogto oo lagu wado dil dhac iyo boob iyo xasuuq siaad ula xisaabtan taan dadka bada ku la naayo dadka saxaraha ku dhamaanayo dadka koonfur afrika lagu gumadayo

  2. mustaf says:

    waa mustaf oo uu kaqaldamay qoraalkii hore waxaan cabiraya fikirkeyga anoo ka hadlaya baaq kasoo yeeray baarlamanka ee is casilaada madaxweynaha xasan shiiq maxamuud way ku saxan yihiin hadii ay kuu eedaynayaan ay daacad ka tahay in balantii uu qaaday markii la dooranayay waxaa kale uu balan qaaday in qooys kasto oo soomaali ah uu ogaanayo noloshooda waxaa kaloo sii dheer markuu nayroobi yimid in dadka uu masuulka ka yahay oo ku xareeysan xabsiyada garoonka cayaaraha ayuu madax weyne kiinyaata xaflad furta eraboor kala qeyb galeymasuul soomaliyeed oo maciin laga sugaayay ayuu ahaay saan ayuu dhaqmay waxaa halkaa iiga cad insoomaliya ay baahan tahay mid uhadlo oo adag inla raadiyo

  3. B.cabdalah says:

    Soomaaliya hada waxay mareysaa meeshii ugu wanaagsaneyd, xildhibaanadda waxaa habooneyd iney u hogaansamaan hanaanka nabadgelyo iyo mid horumarineed ee Dalka ka ka jiro, waxay ahayd iney ku mashquulaan Waxa danta dalka iyo dadka ku jirto…maaheyn in doodahooda noqdaan wax aan anfac ugu jirin shacabka iyo Dalkaba, Qilaafna dhalin kara….taas oo aan ognahay iney tahay wado qaldan oo aan wanaagsaneyn in waqtigaan la qaado..Miro dhal fiicana yeelanayn.

    Mida kale Ha’yadaha aan wadaniga ahayn ama ku wa u jooga dalka Gar gaar beni aadaninimo waxay ahayd iney ku mashquulaan shaqadooda oo ah beni’aadaninimo.. wixii siyaasad ah waxay ahayd iney Dowladda u dhafaan. waayo waxay noqoneysaa iney bar bar orod tamaan Nidaamka Dowlad ee Hada Dalka ka naqaadey..

    Wixii wanaag inoogu jiro Allaha ina waafajiyo Dhamaanteen..