Soomaali hadaan nahay waxaan nahay bulsho ku caan baxday inay kaliya cabaadaan marka ay la kulmaan cawaaqib xumada cillado ay iyaga iyo iyaga oo qur ihi ceebaalkeeda leeyihiin, waayo waxaa na haysta dhibaatooyin kumanaan ah oo kulligood ah ASTAAMIHIIM CUDUR aan ka horteggiisa lagu mashquulsanayn.
Haatan waxaa taagan raafka iyo rucubka Soomaalida ku haysata xaafadda Eastleigh oo aan runtii aad uga gubanayo, waxaa sidoo kale Nairobi yimid madaxwaynaha Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dadku aad ugu dhaliileen inuusan waxba ka qabanin ama u qabanin dhibaatada ay haatan Soomaalida ku hayso dowlad uu madaxwayne ka yahay nin uu si kal iyo laab ah ula qoslayay.
Dad aan aniga laftaydu ku jiro aad bay uga xumaadeen markii ay arkeen haweenay Soomaaliyeed iyo carruurteeda oo si aysan bini aadaminimo ka muuqanin iyada iyo dad kale loogu shixnadayo gaari loori ah oo ay booliisku leeyihiin (Si hadhoow loo iibiyo hadii ay is furan karto taasoo ah adoonsi casri ah).
Hadaba waxaa ila yara wanaagsanaatay inaan bal isu iftiimino inaysan had iyo jeer haboonayn in aan ka gubano cawaaqibta dhaqankeenna aan dhanna u soconin ee 95% mas’uulka ka ah waxa nagu dhacaya!
Sababta i waydii…?
Hadda waxaan aad ugu caraysannahay madaxwaynaha Soomaaliya oo aan leennahay ‘’MUU WAX QABTO’’, hadaba anigoo aan difaacaynin bal aan idin dareensiiyo khaladaadka sida aan u kala leenahay anaga iyo madaxwaynuhu markaas oo ay soo baxayso in inta badan ay khaladka yeelanayaan shacabka Soomaaliyeed oo leh KUN KHALAD waloow aan xusayo kuwa ugu waawayn oo qura.
KHALADKA UGU WAYN: Waxaan soo doorannaa xukuumad ka kooban danaystayaal, qabyaaladiistayaal, tabcanayaal, daba dhilif, maangaab, calooshiis la ciyaar, laaluush qaate, hogaamiye kooxeed, keenna noogu jaahilsan IWM oo ay ku yaryihiin dadka wanaagsani.
Tusaale ahaan dowladda haatan xilka haysa 3-da nin ee ugu sarraysa marka laga reebo gudoonka baarlamanka kuma jiro nin khibrad siyaasadeed leh, ama ugu yaraan xitaa soo bartay culuunta siyaasiga ah yuusanba khibrad lahaanine.
KHALADKA 2-AAD: Soomaalidu waxay tiraahdaa: ‘’HAL BOOLI IHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO’’ nimankii aanu sidaa kusoo xulnay oo koodii xitaa daacad ahaan lahaa uusan aqoon ama khibrad u lahayn howsha loo dhiibay ayaan la yaabnaa haddii uu garan waayo halka uu istaagayo marka uu shir jaraa’id qabanayo ama waxyaabaha lala tago marka shir caalami ah laga qaybgelayo.
Tusaale ahaan shalay madaxwaynuhu wuxuu dhex taagnaa munaasabad maxalli ah oo dhinac uu kasoo galo aysan jirin MAAMUUS ahaan, waayo ‘’sharikadda KENYA AIRWAYS ayaa soo iibsatay dayuuradii ugu horraysay ee Boeing 787 Dream liner’’ maxaa naga galay anaga ka Soomaali ahaan ayaad is waydiin kartaa? Sidoo kale xitaa ma joogin hogaamiye kale oo caalami ahaa.
Laakiin weli madaxwaynuhu khalad malaha, ee khaladka oo dhan waxaa iska leh shacabka Soomaalida ah ee qofka ku qiimaynaya oo qura waxyaabo aan hadhoow maamulka iyo siyaasadda waxba ka tari doonin sida in gobol hebel waxaas helo ama in qabiil hebel jago hebla la siiyo.
‘’Adiga iyo Ilaahay soo dagaallama halkan ayaanu sii fadhinaynaaye’’
Xigashadaasi waa aayad qur’aan ah oo ku jirta suurat Al Maa’ida waana hadalkii ay reer Banii Israa’iil ku yiraahdeen Nabi MUUSE (CS) iyagoo diidanaa inay garab siiyaan oo ay jihaadka la galaan ayay ku yiraahdeen ‘’Ilaaha aad sheegayso iyo adigu soo dagaallama, halkan baanu sii fadhiyaynaaye’’.
Maanta Soomaaliya waxaad moodaa in dhaqanka noocaas ihi uu si wayn uga hana qaaday, waayo dowlad kasta dad aan mir caawimaad ah noocay doontaba ha ahaatee ayaa isku taaga oo dhuunta u gala.
Tusaale ahaan dowladda aanu soo xusay sida lagu soo doortay ee awalba khaladka ahayd ayaa mucaaradad lala hor istaagaa iyadoo lagu mashquulinayo waxyaabo ujeedka ugu wayni yahay ‘HA FASHILANTO’’ uun.
Tusaale ahaan dowladda Xasan Sheekh Maxamuud oo sida aan aragno aan khibrad lahayn ayaa jidka loo daadiyay TURAANTUROOYIN iyo wax lagu sheegay maamul goboleedyo wada xujo ah oo ay niman danaystayaal ah oo lagu shaqaysanayaa ay dadku ku gelinayaan CAJALAD QABYAALADEED.
Qiyaas! Dowladii dalku yeelan lahaa ayaa loo diiday wax kalaba ha joogtee inay booqasho ku tagto gobolladii dalka iyadoo uu jiro cinwaanka caan baxay ee la yiraahdo ‘’WASIIR HEBEL OO LOO DIIDAY INUU GALO MAGAALA HEBLA’’ ‘’WASIIR HEBEL OO LAGU AMRAY INUU DEG DEG UGA BOXO MAGAALADA FULAAN IWM’’.
Ogoow shacabkan QAYBSANOOW ee aan dantiisa aqoonoow, ninka waxaas samaynaya wuxuu u adeegayaa duul shisheeye ah oo si dadban ula dagaallamaya DAMIIRKIINA haddiba ay wax idinku hareen, waayo waxaad si TARTIIB TARTIIB ah u aqbalaysaan inaan doowladaadu waxba ahayn ee KENYA iyo ETHIOPIA oo midkani ku daaban yahay laga amar qaato, wuxuuna sidaa ku hortaagan yahay qaranimadiina ee yaysan kula noqonin inuu ‘’MAAMUL GOBOLEED’’ idiinkugu maqan yahay, illeen shaqo maamul goboleed maaha in dowladda lagu dhinac ordee.
Waxba yaanan hadaba warka idinku daalinine dowladdii neefta ayaa lagu DHEJIYAY, dhinac waxaa uga dheggan AL SHABAAB oo diidan horumar Soomaaliyeed, dhinac dalalkii DERISKA, dhinac QABYAALADIINII oo maamul goboleed kaashanaysa, dhinacna AMISOM iyo beesha Caalamka oo sheeko DABAAL JOOGLAYS ah wada.
Waxaana lagusoo koobay gobolka Banaadir oo qura oo ah meesha kaliya ee ay CANSHUUR ka qaaddo dowladdu, canshuurtaasoo uu cunayo xildhibaan aan OGOLAYN in la CANSHUURO gobolka uu sheeganayo inuu XILDHIBAAN u yahay, taasoo aan khalad kaliya ahayne CAQLI XUMO ah.
Sidee marka akhristoow ay madaxwaynaha iyo wasiirrada ku qabataa inaan meelaha ku qorqorno ‘’MAY WAX QABTAAN? INUU SIDAA ULA HADLAY AHAYD’’ DAMIIR MALAHA!’’ IWM. Ma ninka aad ka shaqayseen in Ahuru uu dalkiisa la xukumo ayaad isla afkii aad Ahuru ugu banaan baxayseen ku dalbanaysaan inuu wax qabto! Sidee yacni?!!
Aan idiin sheego halka khalad ee uu shalay galay madaxwaynaha Soomaaliya, kaliya waa inuu QOSLAYAY, taasina dabcan kuma haboonayn madal dadkiisii lagu dulminayo xitaa hadii uusan wax ka qaban Karin sababo aan anagu leennahay dartood, waxay ahayd inuusan u qoslin nin dadkiisa kula kacaya dulmi iyo bahdil.
Khaladka kale ee ah ka qaybgalkiisa xafladii Kenya Airways eedeeda waxaa iaydna iska leh umadda Soomaaliyeed waana soo sheegay.
Hooyo #Somalya iyo carruurteeda oo lagu shixnadayo gaari loori Nairbi http://t.co/ovznXPpxUV , #KAHADAL #UHADAL pic.twitter.com/evUVxkdI3c
— somali talk (@somalitalk) April 6, 2014
Gunaanadkii…
Soomaaliyay aan labo mid soo galno aan marka hore daneheenna qaran u midoowno oo xilka madaxtinimo ku dhiibno u qalmitaan iyo wadaninimo, halkii qabiil lagu kala qaadan lahaa, kadibna dalka iyo dadka lasii qaybin lahaa sida socota, deetana aan la shaqayno, markaas way noo furan tahay inaan dowladda DHALIILNO.
Ama aan sida aan hadda wax ku wadno ee is miidaamiska ah (Self-destruction) aan wax ku maarayno, laakiin ii ballan qaada in aydnaan xanuunsan doonin marka aad la kulantaan cawaaqibka caqli xumadeenna.
Waayo haweenaydii miskiinta ahayd iyo carruurtii yaryarayd ee la silcinayay, mida garoonka ku dhex umushay iyo kumanaanka kale ee la saxariirinayo maaha inaad u aragtaan wax ka bilowday jidadka Eastleigh iyo askarigan Kenyan-ka ah ee mudada dheer na ihaanaysanayay (Anagoo isku duuban cid na dullaysan kartaa majirto), ee u fahma inay tahay sheeko aad idinku soo jisheen oo aad naaxiyadda iyo mirahaba aad idinku leedihiin kadibna aad natiijadeeda ka NAXSAN TIHIIN.
Forza SOMALIA.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden
Daawo Madaxweynaha DFS oo ka qayb galay xafladii diyaaradda Kenya soo iibsatey
Asc. waxaan aad ula jiriricooday xaqiiqda jirta iyo sawirada faraha badan ee laga soo qaaday dadka Somaliyeed qaasatan Kenya, laakiin aragtida noocan ah meel walba oo caalamka bay yaalaan mana aha kan hadeer Kenya oo kali ah.waxaan keligay is weydii yaa maxaad dhaxal uga tagi caruurtaada jooga yurub. Markaan dhashay waxaa la iigu hibeeyey ama dhax la ii siiyey. Diin islaam ah, Dal soomali la yiraahdo iyo dhaqan xusmadi ku dheehan tahay. Awowgey wuu u soo halgamay. Aabahayna wuxuu iiga tagay dhaxalkii. Hadiyadii qiimahaa lahay maanta meel kuma sheego oo anigii lahaa baa raadinaya maanta. Caruurtiina ay ugu daba joogaan Aabo aawey dhulkeenii? qoormaan u guuraynaa sow kuma daalin yurub? aniga nin xaqiiqda og baan ahoo waan is ilow siiyaa Su aalaha noocas ah. Dhankayga Somaliya waa la kala qayb saday oo Ithiopa iyo Kenya baa kala qaybsaday angana qeyb baan ka qaadanay si loo qaybiyo.waxaa kaloo qayb ka qaatay UN, Israil, USA, Norwey, France, Amisom, Qadar, iyo Shacabweynta Soomaliyeed.Intuba dano qaas ah bay ka leeyihiin. Soomaali . Somalidana dano qabiil oo aan meena usocon ay ka lahaayeen iyo in reer kale oo masaakiin ah ay qumaadaan. Dhaxalka aan kor ku soo xusay waxaa dareenkeeda iyo milkideeda ila wadaaga soomaali oo idin oo ma ahayn mid ii gooni ah. anigu ma aamin sani faderal ama goboleysi ama qabiilaysi in qolo ku badbaadi doonto , laakiin waa loo kala horey xanuuka oo anigu marhore buu isoogaaray ina kalena marun bay soogari sidaa doontoba ahaw. waxaan su’aalyaa shacabka Soomaliyeed miyii jiraa qor su’aashaa ka jawaabi karo oo dhaxkii looga tagay isga lahaa meel ku sheega? Yaase kula daydayaya in aad hesho? Halkeed se ka daydayi dhaxalkaagii in aad hesho? waxaan rabaa bal in aan wax isku ogaano , miyaan ogolaanaa Gumeysi oon aan iska daynaa waa la fara fumeyey, bahdilay, cunsuriyey, la dhacay, oo aan ogolaanaa New law and order kan cusub ee Ithoipa/kenya ama la aan raadinaa Somaaliweyn. Taasina sharuudaheeda miyaan soo buuxin karnaa si aan oga badbaadno in dibibdaabyo kale naloo dhigo. Waxaan diyaar la ahay si walba ha noqotee in aan dhaxal kaygii u sii hibeeyo caruurtayda. maalinta ay noqotaba aan ka jawaabo su’aalihii igu gonaa, anigoo iga muuqata farxad iyo qab soomaalinim iyo mid aabemino. iga raali ahaada hadii aan si qaldan wax u sheegay. damiirka baa i dhaqaaqay. wabilaahi tawfiiq.
Asc,,
Waa qoraal u eg inuu ka soo burqaday wiil Soomaaliyeed oo dareen kiisu ka turjumayo kumanyaal kale oo la mid ah.
Hadal wuxuu ku dhanyahay waxaa loo baahanyahay kacdood sida duufaanka ah oo dhalinta Soomaaliyeed oo dalka kaga xoreyso labada cudur ee mid kumeel gaarka yahay midna soo jireenka yahay
kan danbe waa QABYAALADDA – QABYAALADU waxay ku tilmaami karaa gumeysiga ugu wayn ee haysta shabka Soomaaliyeed hadaad taariikhda milicsato hoyi barwaaqo iyo reer nabadda ah waxaa u diidey ADOONSIGA QABYAALADDA. WAA LABA AH ANIGAA BILAABAYAA ..
Kan ku meel gaarka ah waa ALSHABAAB oo sabab u noqotey in afrikaanku ku mar-marsiyoodaan joogitaankooda. WAA LAGA WAAYEY INEY Gartaan oo geesinimo la yimaadaan si ay u bad-baadiyaan umadda masaakiinta ah ee sicil aduun haduu jiro u dhamaadey.
Sawir murugo leh ayuu walaalkeen soo dhigey waa wax aad looga dhiidhiyo Ragba waa ku raqdeen hadeynu maanta bilowno in aynu iska xoreyno ADOONSIGA QABYAALADDA dhibka inta kale way fududahay in dhakhso looga baxo.
walaalayaal eede soomaali oo dhan aa iskale waayo hadii kiina maanta hadlaaya uu wadankiisa wax u qaban lahaa maanta wiil soomaali ah nin kenyati ah lugta kama hoos mariyeed ha u hadlina sida dhoocilo yaryar oo aan wax qabsan karin ee waxaad isku daydaan in aan iska hilmaano wixii dhacay maanta aan biloow no in wadan keena aan wadaagno wanaajino waxna u qabano geesiyadii soomaaliyeed aqoonta aad qaarkiin maanta leedihiin meysan laheen xataa waxba ma qori karin qaar kood laakiin iimaan ay lahaayeen iimaanka ilaah ha idin galiyo
Asalama Alleykum! Waa ku mahadsan tahay maqal kaga quruxda badan ee aad feker kaga ku soo gudbisay waad ku mahadsan tahay walaal.
Shacabku qaladaad aad u badan baay leeyihiin laakiin shacabka dhan ma aha waa rag gaar ah, calooshood u shaqeeystayaal ah , qabiil ku shaqeeya , kuna shaqeeya shacabka magacooda. Waxaan taas u leeyahay Dowladdaan iyo kuwii hore midna kuma imaan rabitaanka umada Soomaaliyeed. Waxaay ku timi rabitaanka dowladda shisheeye , qabyalad, iyo corruption. Waa corrupted government aan wax vision ah lahaayn. Taas bana keenaysa in aaysan shacabka soomaaliyeed u diir nixin, kana xumaan dhibka haaysta. Waxaadba ka garan kartaa xagee ku aragtay Madaxwaayne dadkiisii sidaas loola dhaqmayo isna qoslaya?
Hadaba si kasta ha lagu soo doortee, shacabku si kasta ha u xumaadee waxaan shaki ku jirin in hogaanka dalku uu is badal dhab ah sameen karo samaayna ku yeelan karo dadka uu matalo. Waxuu yiri qoraagu dad baa isla markiiba dowladda ka hor yimi oo yiri waxaan dhisanaynaa gobolada aan dagno. Taas see caqabad ugu noqon kartaa madax waaynaha. Isagaayba u fiican tahay in gobolada laga xoreeyo cadowga haaysta, maamulana loo dhiso. Waxaay ahaayd in uu garab istaago, hubka u geeyo, tuute gashto oo wax ka xoreeyo gobolada, ciidamo soomaaliyeed dhisa oo difaaca dalka inta uu villa soomaaliya dhex fadhiyo oo ka sugayo ciidan shisheeye in uu dalkiisa u xoreeyo. Madaxwaaynaha markii la doortay waxaa loo igmaday in uu dib u heshiis sameeyo, in uu gobol kasta tago, in uu umada Soomaaliyeed isu keeno, in uu muujiyo wadaninimo,in uu la shaqeeyo shacabkiisa kii da’daalaya kii wax khaldayana uu qabto. Looma soo dooran Madaxweeynaha soomaaliya in uu hadba diyaarad meel dal kale u raaco dad kiisii oo gaajaysan. Looma soo dooran in hadba wadan kale oo nadaam leh iyo dowladnimo hadba hora marka aay garaan xafladahooda tago. Looma soo dooran in uu dalka Soomaaliyeed iib geeyo. Waxaan og nahay in madaxda soomaaliyeed badii soomaaliya ilaa 2 times in ka badan gadeen. Shacabkuna uu dagaal xoog leh qaaday. Madaxdu ma hadlin waayo iyagaba dhibka wadey in kastoo la oran karo baarlamaanku waa dadaalay. Madaxda dalka Soomaaliya waxaay ka hadlaan burcad badeed laakiin kama hadlaan burcad badeedka biyaheena ku sugan, khaayraadkeena guranaaya, sunta badeena ku shubaya, dalkeena boobaya. Shacabka oo meel kasta dulanka lagu hayo qaaylinaya ayaay madaxda soomaaliyeed ka amusaan. Aduunka dhan hal qof baa is badal sameeya, waxaan shaki ku jirin madaxda dalka siiba madaxwaaynuhu haduu yahay qof wanaagsan oo wadani ah in soomaaliya hagaagi lahaayd. Soomaaliya waxaay ku hagaagi kartaa kaliya iyadoo hesha: Madaxwaayne caddalad ah, wadani ah, damiir leh, dalkiisa iyo dadkiisa jaceyl, vision leh, leadership kills leh, umada Soomaaliyeed kasban kara. Madaxweeynaha hada Soomaaliyeed waxaad moodaa in danaha gaar ka ah ee dalkeena shisheeyuhu ka leeyihiin matala ee ma moodi in uu dalkeena iyo shacabkeena midna matalo. Waxaan nahay dal iyo dad la haaysto shaki la aan.
MAXAMED XAAJI qormadada aad ayaan u dhuxay waxaana kamuuqadata fahan badan oo ah cida khaladka iska leh makulatahay iney shaqaynayso dowlad ay daashatay QABYAALAD MUSUQ MAASUQ KALA DAMBAYN LA,AAN waxaan lasheekaystay nin xildhibaan ah waxuu igu yidhi xasan sh labo dible ayaa looxidhay KENYA iyo ETIOPIA na way garaacayaan markaas ayaan ku idhi ayaa labodible u xidhay xasan ? waxuu iigu jawaabay shacabkiisa ayaa labodible uxidhay ,micnaha waxaan ulajeedaa madaxduna khalad leh shacabkuna khalad leh , qoraalkaaguna intaas ayuu isii iftiimiyey qoraalka wesit yo badan ku fafi waayo waxbadan ayuu iftiiminayaa mahadsanid . hadaalin danta shacabkaaaga