Home » Faallo »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) – Q.3aad | Qore: F. Xiirane

… inaan sheedda kala socdo dhaqdhaqaaqa S/Guuto Maxamed Cali Samater…
nss
Bilowga bishii Diseenbar 1990 kii, waxaan shaqo la iiga dhigay inaan sheedda kala socdo dhaqdhaqaaqa S/Guuto Maxamed Cali Samater, markaas wax xil ah u haynin dawladda Soomaaliya , gurigiisa sida heerka sare ah loo dhisay waxaa maalin ugu yimid nin kasocday Safaaradda Maraykanka (ma hubo inuu safiirkii xiligaas ahaa ) sheeko dheer oo gunteedu ahayd xaaladda Soomaaliya ayaa labada nin dhex martay , Samatar oo markaas ii haystay Askari ilaalo uun ula jooga Afka Ingiriisigana aan looba hikaadin ayaan dan iyo muraad ka galin joogitaan kayga meel maqalka hadalkooda laga shaxaadi karo .

Dhibaatada xiligaas taagnayd wuxuu dusha ka saaray mucaaradka sidoo kale wuxuu ku cel celiyay in ka maqnaashihiisa fagaaraha Siyaasadda uu yahay kumeel gaar , wuxuu muujiyay inuu yahay Siyaasi aan looga maarmin sinaba xallinta dhibaatada iyo Hogaaminta dalka , sheekada S/guuto Samatar uu la wadaagay Sarkaalka Maraykan ka ah ayuu inta badan hadlayay halka uu ninka cadina dhagaha u raaricinayay asagoo mararka qaarkood xasuus qor yar ku xariiqayay wax aysan ishaydu qaban karin.

Cali Samatar ayaa si xoog ah oo ciil iyo caro ka muuqato uga sheekeeyay soo koboca Islaamiyiin kasoo gurya noqday Boqortooyada Sucuudiga ee diinta sida xoogga ah ugu sii dhaggan, wuxuu yiri , waxay halis wayn ku hayaan Suufiyadii soo jireenka ka ahaa Dalka , wuxuu qeexay wanaagga suufiyada uu ka urinayay Samatar , wuxuuna yiri , ‘’ Siyaasadda kaa hunguriyayn mayaan , kugu kicin mayaan shacabka , waa wadaaddo masaajidka iyo meherinta haweenka aysan dhaafsanayn shaqadooda’’ dhanka kale wuxuu ka sheekeeyay dhalin yaro fara badan oo kasoo noqotay Ciraaq , ‘’ waxay kasoo noqdeen Ciraaq aradii u aadday wax barashada ayagoo Bacthiyiin ah , inkastoo aysan sida Wahaabiyada u dhib badnayn hadana waa afkaar aynan soo dhawaynayn dawladda Soomaaliyeed ( wax xil ah muusan hayn markaa Samatar ).

Wuxuu yiri asagoo hadalkiisa sii watta kuna sheekaynaya Bacthiyiinta kusoo laabanaya dalka ee ka imaanaya Ciraaq , ‘’Dadka aan aqoonta lahayn ee Soomaalida ah waxay u haystaan Saddaam Xuseen geesi dalkiisa ka difaacaya Gaalada‘’ waa xilayadii uu Maraykan iyo xulufadiisu ay doonayeen inay ku duulaan Ciraaq .

Wixii aan maqlay ayaan inta soo duubay anigoon meel kale ku leexan lasoo abaaray Filada , waxaana ku dil akhriyay Abaanduulihii Xoogga Dalka , markaan dhameeyay ayuu inta dhoolla cadeeyay ayuu bilaabay inuu igala sheekaysto noloshaydii askarta ka hor , waxaan uga waramay inaan sida ragga badankii aanan geel soo raacin laakiin aan tiro Ari ah maantaan 7 jirsday ilaa maalintaan 18 jirsaday aan xanaanayn tooda u duubnaa , markii iigu danbaysay waxay ahayd Geela inaan raaco laakiin halkii aan geela ka aadi lahaa ayaan usoo tacabiray Magaalo iyo macneheed, farxaddii aan kala kulmay Magaalo intaan joogay waxaa iiga badnaa Murugooyinkeeda .

Abaartii xanuunka badnayd ee dalka ku habsatayna waxay reerkanagii ku waayeen dhammaan wixii xoolo nool maantaa u joogay , inkastoo dadku naxdin u ahayd aniguse farxad ayay ii ahayd oo dhammaan reerkayagii ayaan inta magaalo keenay ubadkiina Iskoollada ku daray , sanadkaas 90 ka 2 kamid ah ubadkii maantaa xoolaha raacayay waxay hanteen darajada labaad ee heerka jaamacadeed .

Ogoow Tawbadda Eebbe mar walba waa furan tahaye

F. Xiirane (NSS 1976- 1991)
fahiira@gmail.com

Qaybaha kale ka akhri: https://somalitalk.com/tag/nss/

_______________

FG: NSS waxaa laga soo gaabiyey “National Security Service” oo ahaa nabad sugidii iyo sir doonkii Soomaaliya (intelligence agency of Somalia) xilligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Xarunta NSS waxay ahayd Muqdisho intii u dhaxaysay 1970 ilaa 1990. Wixii ka dambeeyey dagaalkii ahliga ee Soomaaliya 1991 ayey hawl gab noqotay NSS. Waxaana sannadkii 2013 dib u soo cusboonaysiiyey dawladda Federaalka ee Soomaaliya, magaciina u bedeshey NISA oo laga soo gaabiyey “National Intelligence and Security Agency”.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) – Q.3aad | Qore: F. Xiirane "

  1. CKH says:

    Sheekada tasalsul maleh miyaa mudane
    labada qeyb ee hore waa xiriir halkan tan sadexaad tahay dhamaadkii dowladii aad kasoo qabatay
    aadbaan ooga helay iina cajabisay, aadbeyna u wacnaan laheyd inuu qof qalba wuxu xusuus hayo diiwaan galiyo sidaadoo kale si jiilkayga u akhristo waxna ooga barto

    MAHADSANID Jaalle Xiirane