Home » Warar »

Gargaarkii Turkiga ee Soomaaliya oo yeeshay weji kale (Warbixin faahfaahsan)

Dowladda Turkiga oo ah dowladdii ugu horeysay ee Soomaaliya u dirtay Ra’iisal Wasaaraheeda Rajab Dayib Ordogan isla markaana u soo gurmatay xilli shacabka Soomaaliyeed ay hareeyeen abaaro, colaado iyo dagaallo socday muddo 21-sano ah ayaa ku guuleysatay inay gargaar u fidiso malaayiin Soomaali ah oo intooda badan ka soo barakacay gobolada dalka.

Imaanshiyihii Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxay indhaha caalamka u soo jeedisay dalka in madax kala duwan oo ka socda caalamka ay ka soo degaan magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa madaxdii caalamka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Banki Moon, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Boqorka dalka Kuweyd iyo madax kale oo fara badan.

Shacabka Soomaaliyeed marna ma iloobi doono abaalka Turkiga uu u galay, iyadoo waliba xilli xasaasi ah ay noqotay Dowladda Turkiga dowladdii ugu horeysay ee si degdeg ah uga dhabeysay ballanqaadyadeeda, iyadoo waxqabadka muuqda ee Dowladda Turkiga uu kor ka yahay dayactirka waddooyinka laamiyada Muqdisho.

Heshiis ay gaareen Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid ku saleysan in Dowladda Turkiga ay caawiso dadka Soomaaliyeed isla markaana gacan ka geysato dib u dhiska dalka burbursan mudada 22-sano ah, waxaana soo baxaya labadii sano ee ugu dambeysay in Dowladda Turkiga ay soo dhaaftay xadkeeda iyo heshiiskii ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga hay’adaheeda gargaarka ayaa bilaabay in gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka bilaabaan howlo ganacsi oo ay ku raadinayaan inay dhaqaale uga urursadaan goobaha iyo xarumaha ay dib u dayactirtay, waxaana goobahaasi ka mid ah:-

1. Xarunta Dugsiga Tababarka (Bola Tikniko) oo ay dib u dayac tireen, iyagoo ardayda ka qaata lacago fara badan, xaruntaasi oo ay Dowladdu leedahay.

2. Dugsiyada Sare ee ay dayac tirtay Dowladda Turkiga oo laba qeybood lacago xad dhaaf ah looga qaato, Dugsiyadaas oo Dowladdu leedahay isla markaana markoodii hore aan wax lacag ah looga qaadi jirin ardayda dhigata.

3. Koleejooyinka ama Iskuulada Boarding ah oo ay dayactireen hay’adaha Turkiga oo iyana kharajyo laba qeybood laga qaado haddii ardaygu uu yahay Borading in laga qaado lacag dhan sanadkii $2500 (Laba Kun iyo Shan Boqol Dollar), haddii uu ardaygu gurigiisa dib ugu laabanayana laga qaado lacag dhan sanadkii lacag dhan $1700 (Kun iyo Toddobo Boqol Dollar).

Intaas oo kaliya kuma koobna gargaarka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo yeeshay wejiyo kale, kuwaasi oo dhammaantood biyo dhacoodu yahay inay abuuraan dhaqaale fara badan oo si toos ah ugu dhacaya qasnadaha Dowladda Turkiga isla markaana Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda Soomaaliyeed aanay waxba ku lahayn.
Dhaqaalaha Hay’adaha Dowladda Turkiga intaas oo kaliya kuma koobna, waxaana ka mid ilaha dhaqaalaha ee ay Soomaaliya ka abuureen diyaaradda Turkish Airway oo halkii toddobaad ka soo xareysa duulimaadyada ay ku timaado Muqdisho lacag aad u tira badan ayaddoo curyaamisay dhamaa kharajkaas oo si toos ah ugu dhacaya qasnadda Shirkadda Turkish Airways.

Marka la eego mashruucyada Dowladda Turkiga ee markoodii hore dalka ku soo galay inay caawinayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ayaa wuxuu isku rogay weji ganacsi iyo dhaqaale urursi ku saleysan, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee sida aadka ay ula yaabeen shacabka Soomaaliyeed ka mid ah in hay’adaha turkiga ay dekedda Muqdisho ka soo dejiyeen markab sida Jaay isla markaana gawaarida Turkiga ay halkaasi ka daabuleen.

Weli ma dhicin taariikhda markii dib loo raaco ficillada Turkigu kula kacayo bulshada Soomaaliyeed oo ka dhigaya kuwo howlgab ah, isla markaana doonaya inay ku boobaan hantida shacabka Soomaaliyeed, waxaana wadnaha farta looga hayaa in ka badan 10-Kun Qoys oo muruq maal iyo xamaali isugu jirta ay soo wajahdo shaqo la’aan.

Cabashooyinka Xoogsatada Kaawooleyda ka xamaasha duleedka magaalada Muqdisho ayaa iyana waxay ka cabanayaan in Turkigu maroorsaday howlahooda, kaddib markii ay soo wajaheen shaqo la’aan, boqolaal qoys oo ka mid ah dadkaasi xoogsatada ay dibadbax ka dhigeen magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Digfeer oo Dowladda Turkiga ay ku sameysay dayactir heer sare ayaa su’aasha la isweydiinayo waxay tahay “Maxaa loo furi la’yahay?” markii aan u kuur galnay caqabadaha hortaagan furista isbitaalka Digfeer oo dhowr bilood ka soo wareegatay markii la dayactiray ayaa waxaa soo baxday in Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay isku heystaan Isbitaalkaasi in laga dhigo mid lacag ah iyo in laga dhigo mid lacag la’aan ah.

Arrimaha ugu waaweyn ee Turkigu xadgudubka ugu sameeyay dastuurka dalka waxaa ka mid ah in dalka uu soo geliyay shaqaale ajaanib ah iyadoo ay joogaan dalka shaqaale, xoogsato iyo muruq maal ka bixi kara howlaha dalka dib loogu dayactirayo isla markaana dhammaanba xarumaha uu dayactiray uu ka qaato dhaqaale fara badan, sida goobaha waxbarashada, kaabayaasha bulshada, goobaha caafimaadka, socdaalka iyo waxsoosaarka dalka.

somali45

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Gargaarkii Turkiga ee Soomaaliya oo yeeshay weji kale (Warbixin faahfaahsan) "

  1. Cabdiraxman says:

    As wr,
    Qoraalkan dul-duleediisa waxaa suurta gal ah inay wax ka jiraan. Waxaase loo baahanyahay dhaliiil dheeli tiran. Suaashu waa ” Si kastaba haloo dhigee yaa Faa’iidada ugu badan Qaban?’. Aniga waxay ilatahay waa Shacabka Soomali guud ahaan, Gaar ahaan Shacabka Muqdisho. Waxaa Dadkeena Soomaali ku badan, inaynu durba is xamaasadayno, kadibna hadalo aan dheeli tirnayn, una eg wax dumi ku kacno. Anigu waxaan qabaa hadiiba Dawlada loo fara geliyo Mashruucyadan hada socda iyo kuwa dhamaystiranba, in loo isticmaali si privat ah ama shakhsi, oona dadka soomaali si daacad ku jirto loogu adeegayn. Waxayna ilatahay inay curyaamayaan. Hadii Turkigu muddo yar Horumar lataaban karo ka fuliyey Soomaali, durba saluuga maxaa keenay? Mise arinku waa “oohintu origa ka wayn”. Mise Mashruucyadan waxaa laga waayey Dhac-dhac badan, sida fadeexadii Central bankiga Soomaaliya ku cadaatay?! Hadiisa Ha’adahan Turkigu dhaqaale ka soo galo hawlahan ay dhabanka uriteen, ma cadaalad xumaa? Maxay Soomaalidu u arki la’dahay Dawladaha Deriska ee Wadankeena keen Malin kasta kummanaan kiilo o Jaad ah, kadiba rarta Jawaano Dollar ah?! Waxaan leeyahay Shacabka Turki ee sharafta leh oo Xaal qaado.

  2. Abdirahman says:

    asc
    walaal aad baad ugu mahadsan tahay qoraalkaaga waxana rajaynaya inuu noqdo mid ku salaysan xaqiiq. hadaan marka gadal ugu noqdo warkaad noo soo gudbisay waxan shalay akhriyayey in dad badan oo masuul ah dowlada ku edaynayan qorsha la aanta iyo la tashi la aanta ay ku wado dagalka lagula jiro Al-shabaab iyadoo ku tiirsan mar walba ciidamada shisheeye iyo cadowga somaliya ee Ethopia iyo inay wado carqalad ay xiisada kaga kicinayso gobolada nabada ah sida Baydhabo oo maamuladatan qoloba dhegta wax gaar ah logu shegay Kismaayo oo weli lagu wado carqaladayn waxa marka muqanaysa in dowlada jirta weli siu aragto ama u fekeraysa dowlad ku fekeraysa 5 sano waxay urursan lahayd inay urursato markay xukunka ka degana dhibtay ka tagan la xalin waayo
    si loo amano la dhaho war ha la soo cesho waxa cad turkiga sas u gelaya shacabka iyo madaxda somaliyed waxa wadanka u roon turkiga aad ka so shekaysay lugooyadiisa cariish meel ka dhisi maayaan waxay helana waa cunis marka dadkii wadanka lahaa waa maqan yihiin markay yiamadan hala sugo.

  3. Qormadaan waan dhaliilayaa, waxaana ku dhaliilayaa in aysan ahayn mid Waaqiciga lasocota waayo Dalkeena waa mid ay u dhamaatay oo burburay cidkastaa waxaa ay rabtaa in ay danteeda ka gaarto, Marka maadaama Dalka turkigu noogalay Abaal wayn xili xaaladdu aad u adkayd hadana ay wali wadaan Horumarin Caalami ah waxaan qabaa in Dawladda looga danbeeyo wax Allaale wixii wax qabad ah oo lala galayo Dawladda Turkiga waayo, Ayadaa Sharci uleh in ay Mashaariic kaste iyo Qabka loo fulinayo iyo Cidda fulinaysa iyo Cidda ka shaqaynaysa in ay Qoondayso, sidaas awgeed waxaa ii muuqata Hawl gudasho aad u baaxad wayn oo ka imaanaysa Wassaaradda Qorshaynta, Ws/radda Shaqadiyo Shaqalaha, Was/dda Arimaha Dibadda Madaxa Mashaariicda Heer Qaran, Xeer ilaaliyaha Qaranka Waa in uu qayb ka noqdaa wax kaste oo lafulinayo oo taabanay Hawlaha socoda Ee Maahan in la Eedeeyo Turky-ga magaratay, “”Qoraha waxaan leeyahay waa in Arintaas waa in aad siilafa gurtaa oo Dadku hadda waa Aminsan yihiin turkiga hadii balo loga sheegana Cidna ma aaminayaane Farimihina lafa gura oo dhinacyo badan ka eega.

  4. Patriot girl says:

    Asalama Alleykum!

    Runtii qoraalkaan waan u bugey, mahadsanid jibrahil laakiin waxaa jira problem, problem kuna ma aha mid TUrk sameeysey ee waa mid Dowladeenu sameeysey. Dowlad markaay dowlad u ogolaanayso in aay dalkeeda wax ka qabato waa in uu jiro sharci, qaaynuun lagu kala baxo oo qoraal ah. Shaki kuma jiro in Turk dan lahaayd. Manta waxaa jira wadamo mashruucyo in aay dalka ka qabtaan loo wada saxiixay lagana haaysan wax qoraal ah haba yaraatee. Sidii dal cidlo ah baa la dhahaa ma wax baad qabanaysaan haye, ma shidaal baad rabtaan haye, ma beer baad ka falanaysaan dalka haye, maba laha wax umada soomaaliyeed dalkeeda iyo hantideeda protect gareeya. Marka blame our government not the Turk. Wax badan oo kale soo baxana waad arki doontaa.

  5. farxan says:

    asc walaalayaal sida aad qoraalka ku sheegayso hadey sax tahay anigu waxan aaminsanahay wax dhibaata inaysan lahayn maxa yeelay waa dawladii ugu horeeysay ee nosoo gurmatay indhaha caalamakan nagu so jedisay xoolaha ay qaadatayna awalba cadawgeena kenya ethiopia uganda qaadanayey ayadaba dawlad islaam ah ,asc

  6. Mr Jabriil M Nuur waxaa filayaa in aad tahay nin aan doonayn in Soomaaliya cagaheeda ku istaagto maxaa yeelay dowlada kaliya si daacad ah ugu soo gurmatay shacabka soomaliyeed ayaa waxaa ku eedaynaysaa inay u yimaadeen ganacsi taa waxaan u arkaa in aad raadinayso iska horimaad shacabka iyo dadka turkiga ee inoo soo gurmaday . kaba dhig waxaa ay rabaan in ay ganacsi ka bilaabaan Soomaliya maxaa ugu diidaysaa sow iyaga xaq kuma laha maadaama ay na caawiyeen markii cid noo soo gurmata aan waynay 23 sano . Somalitalk fadlan ha u ogolaanina qoraalada noocan oo kale ah in lagu soo bandhigo webkan qaaliga ah ee mar walba ka hadla danaha umada Soomaaliyeed.