Home » Warar »

Hayadda ICBL ee Soomaaliya oo Xustey Sannad Guurada 15-aad ee ka soo Wareegtey markii uu Dhaqan galey Heshiiskii Mamnuucida Miinada.

Waxaa Hotelka Aaran ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Xusayey Sannad Guuradii 15 aad ee Dhaqan galka Heshiiska Mamnuucuda Miinada Dhulka lagu Aaso kaasoo loo yaqaan (MBT) ka dib markii Magaalada Mabuto ee Dalka Mozambique Shirweyne lagu qabtey 1/3/1999 lagu Go’aamiyey, waxaana ka qayb galey Munaasabadaas Hayadaha u Xilsaaran Miinada ee Soomaaliya , Hayadda Qaran ee u Qaabilsan Miino saarka Soomaaliya , Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Miinada ee Soomaaliya marka la soo gaabiyana loo yaqaan UNMAS iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda ,

Inta aysan bilaaban Munaasabada ayaa ka qayb galayaasha waxay Daawadeen Film ka hadlaya waxyeelada iyo Raadka ay reebto Miinada Dhulka oo laga soo ururiyey Wadamada ay Miinadu ku badan tahay taasoo ay si aad u la yaabeen dadkii dawanayey ka dib markii ay ku arkeen Dhibaatada Miinadu u Geysato Bani’aadamka .
somali20
Waxaa Munaasabadaas Warbxin ka soo jeediyey Daahir Cabdiraxmaan Cabdulle oo ahaa soo qaban qaabiyaha Munaasabadda kana socdey Hayadda Caalamiga ah ee Mumnuucida Miinada Dhulka lagu Aaso ee loo yaqaan ICBL , waxana uu sheegey n Marka laga gaaro sannadka 2022 ay dunida isku raacdey Miinada Dhulka lagu aaso ay dunida Xor ka noqoto ama la waayo

“Soomaaliya waxay ka mid ahayd Wadamadii Saxiixey Heshiiska Mamnuucida Miinada Dhulka lagu Aaso Sannadkii 2012 haatan waxaa looga fadhiyaa in ay si Buuxda u Dhaqan geliso Qodobada heshiska uu qeexayo” ayuu yir Mudane Daahir oo sheegey in Dowladda Faderaalka ay si gaar u Khuseyso Hirgelinta Heshiiska lagu joojiyey Minada Dhulka lagu Aaaso.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Maamulaha Hayadda Qaran ee u Qaabisan Miino saarka Soomaaliya ( SEMA ) Mudane Maxamed Cabdulqaadir Axmed oo ugu horeyntii u Mahadceliyey intii isku soo Dubaridey Munaasabada lagu Xusayey Sanad Guurada 15 aad ee ka soo Wareegtey Hirgelinta Heshiiska Mumnuucida Miinada Dhulka lagu Aaso , waxaa uu sheegey in Dowladda Federaalka ay Gacan Buuxda ka geysan doonto Hirgelinta heshiiskaas oo uu sheegey in ay Faaiido weyn ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed maadama Soomaaliya ay ka mid tahay wadamamda sida aadka ah Dhibaato ugu geysto Miinada Dhulka lagu aaso.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Xubno ka socdey Hayadda Qaramada Midoobey u qaabisan Miina Saarka oo lagu Magacaabo UNMAS ayaa si weyn u soo dhaweeyey Wax qabadka Hayadda ICBL iyagoo sheegey in ay Diyaar u u yihiin wixii iskaashi ah oo ku aadan sidii Soomaaliya looga Ciribtiri lahaa Minada Dhulka maadama Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada ugu horeeye ee waxyeelada Miinada ay u geysto Bulshada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Hayadda ICBL ee Soomaaliya oo Xustey Sannad Guurada 15-aad ee ka soo Wareegtey markii uu Dhaqan galey Heshiiskii Mamnuucida Miinada. "

  1. sahasom says:

    Hilmaani Hadal kuma Jiro ICBL. waxaan ula jeeda ama aan rabey inaan iraahdo Hayda Qaranka Miino Saarka Soomaliya ee (SEMA).

  2. Nuur says:

    ICBL aad bey uGu mahadsan tahay dadaalka ay u gashay iney wax ka qabato, ama soo ajrto Isticmaalka Miinadda. Waxaan u rajeynayaa Guul. waxaan kaloo Anigu waxaan qabaa ICBL la balaaro Mashruuceeda, loona sameeyo Qoondo ama Daqli fiican oo ay ku shaqeyso, si ay u qaadato Qurburo Xagga miino saarka ama miino baaridda, quburo aqoon yahano ah oo maabeyso dalka inta meel ee looga shakisan yahay iney ku jirto. iyo dad iyagu leh tababar ku filan oo ay ku soo saari karaan. meelaha ay ku jirto Miinadda. WAxaan kaloo qabaa haydu hadii ay heli karto iney hesho siminaaro Dibadda ah, ama macalimiin Dalka uGu yimaada oo siiyo tababaro ku filan iney dhankaasna Baadi goobto. si wax looga qabto, loogana hortago dhibaatada ay leedahay Miinadda.

    Mar kale waa ku mahadsantaha ICBL iyo Dadaalka aan kala go;a lahayn oo ay u heyso Shacabka Soomaliyeed.

    Mahadsanidin.