Home » Warar »

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo u kicitimay New York si ay uga qeybgalaan kulanka Golaha ammaanka.

Mogadisho, February 28, 2014 – Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho , iyagoo ku wajahan Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , halkaas oo uu ka furmayo Shir looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Shirka golaha ammaanka ay ka yeelanayaan arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa waxa uu socon doonaa maalmaha 6-8 bisha March.
Sanad ka hor ayaa xubnaha golaha ammaanka ee ka kooban 15-ka xubnood ay isla ogolaadeen in qeyb laga qaado cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya , si dowladda Soomaaliya ay ugu suura-gasho inay soo iibsato hubka fudud .
wafti
Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada H.E. Said Jama Mohamed Qorshel , Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza iyo diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga oo la kulmay Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo ay wehlinayaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa waxa ay maanta markii ugu horeysay ay si wadajir ah ula kulmeen dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga .
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda , ayaa ugu horeyntii waxaa hadal soo dhoweyn ah ka jeediyay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdullahi Dool Mohamed , oo ku booriyay shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda inay kordhiyaan howlaha shaqo ee qaranka ay u hayaan , si loo gaaro guulo la taaban karo oo la xiriirta siyaasadda dibadda .
somali19
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa hadal uu ka jeediyay shirka, ayaa waxa uu sheegay in shaqaalaha Wasaaradda kuwa gudaha iyo dibadda intaba looga baahan yahay inay si habsami leh oo shaqa hufnaan ah ay u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday , waxa uuna balan qaaday in qof waliba oo shaqaale u ah Wasaaradda la eegi doono habka uu u hagaajiyo shaqada ,waxqabadkiisa iyo wax soo saarkiisa , taasina ay hormuud u noqon karto dalacsiin .
Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa sheegay in Wasaaradiisu tahay muraayadda qaranka, loona baahan yahay in muuqaal wanaagsan oo ka tarjumaya dalka ay u bandhigto caalamka , iyadoo la ilaalinayo kala sareynta , lana hagaajinayo hab maamuuska qaranka ee ku aadan qaabilaada wufuuda dalka soo booqata .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo ka hadlayay arrimaha dadka barakaca ah ee deegaansaday qeybo ka mid ah Wasaaradda, ayaa waxa uu muujiyay in Wasaaraddu ay ka caawin doonto dadkaasi sidii ay u heli lahaayeen deegaan ka madax banaan dhismaha Wasaaradda, isagoo ku dhiiri geliyay shaqaalaha Wasaaradda inay si mutadwacnimo oo iskaa wax u qabso ay ku dhisaan qeybaha ka burbursan Wasaaradda oo uu ku jiro Machadka daraasaadka diblomaasiyadda iyo naadi ay yeeshaan diblomaasiyiinta Soomaaliya , si loo helo dhismayaal qurux badan oo lagu tababaro diblomaasiyiin cusub oo dalku yeesho.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo u kicitimay New York si ay uga qeybgalaan kulanka Golaha ammaanka. "

  1. Samiiro says:

    Wafdiga Aadey Newyork ee ka qeyb galayo kulanka ka dhacaayo halkaas ha sameeyaan :-

    1. ineysan isticmaalin computaro meel yaala inta ey jogaan meeshaas ama laptop-yada ku jira goobta shirka ka dhacayo. si markaas ay isaga ilaaliyaan iney passpworyadooda si fudud loo helo.

    waxaa jiro talooyin badan oo ku saabsan xagga taxadarka. laakiin waxaa muhiim ah iney og yihiin waaqiciga ayna heystaan wacyi ku filan iwm.
    waxaan u rajeynayaa iney guul iyo Horumar ka gaaraan shirka ay meesha u tageen.