Home » Warar »

Dawladda Maraykanka oo Muwaadiniinteeda uga digtey in ay u Safraan Soomaaliya iyo Dawladda FS oo arrintaas ka jawaabtey

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka (February 7, 2014) ayaa digniin u diray shacabka Maraykanka in aysan u safrin dalka Soomaaliya. Waxaana dignintaasi tibaaxday in “Dawladda Maraykanku aysan xilligan Safaarad iyo dublomaasiyiin rasmi ah ku lahayn gudaha Soomaaliya. Sidaas daraadeed dawlada Maraykanku aysan caawin karayn ama si wax-ku-ool ah ugu adeegi karayn muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Haddaba maadaama Soomaaliya ay ka jirto halis joogto ah, waxaa dawladda Maraykanku muwaadiniinteeda kula talinaysaa in aysan u safrin dhammaan Soomaaliya. Ammaanka gudaha Soomaaliya waa mid aan deganayn oo khatar ah,” ayaa bayaanku tibaaxay (Ka akhri halkan: Somalia Travel Warning ) Warbixinta iyo Jawaabtii DFS hoos ka akhri:

Afhayeenka Dowlada Federaalka  oo Hadalkii ka soo yeerey Dowladda Mareykanka ku Tilmaamey mid aan  u Hiilineyn Xiriirka Labada Dal..

The U.S. Department of State continues to warn U.S. citizens to avoid all travel to Somalia. There is at this time no U.S. Embassy or other formal U.S. diplomatic presence in Somalia.  Consequently, the U.S. government is not in a position to assist or effectively provide services to U.S. citizens in Somalia.  In light of this and continuous security threats, the U.S. government recommends that U.S. citizens avoid all travel to Somalia.

The U.S. Department of State continues to warn U.S. citizens to avoid all travel to Somalia.
There is at this time no U.S. Embassy or other formal U.S. diplomatic presence in Somalia. Consequently, the U.S. government is not in a position to assist or effectively provide services to U.S. citizens in Somalia. In light of this and continuous security threats, the U.S. government recommends that U.S. citizens avoid all travel to Somalia. READ MORE

Waraaq qoral ah oo ka soo baxday Xafiiska arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka ayaa looga digay Muwaadiniinta dalkaasi u dhashay in ay galaan gudaha Soomaaliya oo la sheegay inay ka jirto Xaalad khatar ah waa sida bayaanka lagu qoraye.

Bayaankan ka soo baxay Xafiiska arrimaha Dibadda ayaa Muwaadiniinta loogu sheegay suurta galnimada in kooxaha Dawladda ka soo hor jeeda ay weeraro ku qaadaan goobaha ay joogaan dadka Ajaaniibta sida Garoomada, iyo meelaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan.

Sidoo kale ayaa Muawaadiniinta  Maraykanka looga digay inaysan u soo safrin gudaha Dalka Soomaaliya oo xiligan ay ka jirto Khatar iyo cabsi dhinaca Afduubka ah. Digniintan ayaa si gaar ah farta loogu fiiqay kooxaha Shisheeyaha ah ee ku safraya dhinaca Xeebaha iyagoona looga digay inaysan u soo dhawaanin dhulka Biyaha, haddiise ay dhacayso ay isu raacaan koox koox isla markaana iska war hayaan.

Warbixinta ka soo baxadey Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa waxaa lagu sheegey: ayadoo ay jirto in qaar kamid ah Koonfurta Soomaaliya iyo gobolada dhexe ay gacanta ugu jirto Dawladda Soomaaliya oo gacan ka heleysa AMISOM, in haddana ay Alshabaab muujiyeen in ay geerar ku qaadi karaan meelahaa y xukunta Dawladda Soomaaliya.

Eng. Yariiisow, afheenka DFS

Eng. Yariiisow, afheenka DFS

War bixinta ayaa lagu muujiyay sida ay Xukuumadda Maraykanku ula socoto qorshayaal weerar oo ay damacsan yihiin in Xarakada Shabaabku ay ku qaadaan  Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo waliba Ciidamada Midowga Afrika ee hawl galka u jooga gudaha Dalka Soomaaliya.

Si kastaba, digniintan ayaa imaanaysa xilli goor sii horeysey ee sanadkii hore ah uu Maraykankanku ka digay weeraro ay suurta gal tahay in shabaabku ay ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho.

Dhinac kale Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxaan Yariisow oo u Waramayey Warbaahinta ayaa Hadalka ka soo eyerey Dowladda Mareykanka ku tilmaamey mid aan u  hiilineyn Xiriirka Labada Dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka , sidoo kale waxaa uu sheegey  in Dowladda Mareykanka looga baahan yahay in ay ka fiirsato hadalada wax u dhimaya Iskaashiga Labada Dhinac, iyadoo warkaan ka soo yeerey Dowladda Mareykana uusan ahayn kii u horeyeey ee ka soo baxa waxaana horey u dhacdey War Noocaan oo kale ah oo ka yimid Dhinaca Mareykanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Wareysi Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Cabdikariin CaliKaar 05 02 2014

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dawladda Maraykanka oo Muwaadiniinteeda uga digtey in ay u Safraan Soomaaliya iyo Dawladda FS oo arrintaas ka jawaabtey "

  1. soomaalidu waxay tiraahdaa maxayse ka nuugtaa, maxaase heeeeeeeeeeeee

    hadalkii ka soo yeeray DAWLADA MARAYKANKA hadii ay Jawaab ka bixiyaan iyo hadii ayan ka bixinba maxay ka bedeli karaan MOWQIFKA UU MARAYKANKA KA QAATAY XAALADDAAMNI EE SOOMAALIYA

  2. Dadka heysto Muwaadninimadda DAlka Mareykanka ee ka soo Jeeda Soomaliya. Waxay markoodii hore ka tageen Soomaliya, hada oo ay dib uGu noqdaan hanoqoto dalxiis ama ganacsi iwm waxay ku soo laabteen dalkooda Hooyo. Marka aniga ma qabo iney jirto wax cabsi ah, laakiin Dowladda mareykanka hadii ay siyaaseedu ku lifaaqan tahay daacadnimo iyo xiriir buuxo oo ay la yeelato dowladda maxaa ka hor istaagey. maxay u geysan weysay Safaaradeeda. si ay u fududaadaan adeegyadda ay siiso muwaaadiniinteeda. Markasta waxa ay eeegayaan waa dantooda oo keliyah ee waxaa ila qumaneyd in wax kasta ay ka hormariyaan maha xiriir iskaashi oo ay la yeelato dowladda Soomaliya basle iney noqoto dowladaha uGu horeeya oo ka furto safaaradooda dalka soomaliya hadii uusan jirin laqdabo.