Home » Warar »

Suudaan: Ardaygii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Master Degree ka diyaariyay Burcad Badeeda.

Jaamacadda Caalamiga ee Afrika eeku taala Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan oo ah Jaamacadda ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa Maanta mid kad mid ah Ardayda Soomaaliyeed ku diyaariyay Masterkiisa Howlaha Burcad Badeeda.

Muuse Axmed Ciise oo ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaasi, ayaa waxa uu ka diyaariya Buugiisa Masterka Howsha Burcadbadeeda, isagoona Cinwaan uga dhigay (HOWLAHA BURCAD BADEEDA XEEBAHA SOOMAALIYA –SABABAHA DHALIYAY IYO WADOOYINKA LOOGA HORTAGI KARO-), horayna Bachelor-kiisa uga diyaariyay Dagaalkii dhex maray Maxkamadaha Islaamiga iyo Itoobiya .

Ardaygan ayaa Buugiisa Marterka ee uu ka diyaariyay Burcad badeeda ayaa waxa uu inta badan xooga saaray dhanka Qaanuunka Caalamiga iyo waxa uu u aqoonsaday Burcad badeeda, isagoo tusaale u soo qaadanayay Soomaaliya.
master155
Guddiga Dooda Maamulayay oo Su’aalo waali ah ka weydiinayay Buugiisa; oo ay ka mid aheeyeen , sida uu Macluumaadka ku soo Uruuriyay, iyo sida uu isugu xeray Qaanuunka Caalamiga ah iyo waaqica hadda taagan ee ku sugan yihiin Burcadeeda Soomaalida ayaa Difaac xoogan ka galay su’aalahaasi .

master154

Jawaabihii uu bixiyay ayaa ugu muhimsanaa in Burcad badeeda aysan hada bilaaban lakin ay jiri jireen boqolaal sano kahor, waxayna iminka ay ku dambeysaa ama si aad ah ugu caanbaxday Geeska Afrika.

Muuse ayaa Burcadbadeeda ku qeexay inay yihiin Tuugo qoryo ku hubeysan , islamarkaana badda ka soo afduubta Maraakiibta kadibna lacag Madaxfurasho ka qaata.

Sidoo kale dambiga Burcad badeednimada ayuu ku tilmaamay inay tahay Dambi Caalami Argagaxisanimo ah marka loo eego Qaanuunka Caalamiga, halka uu fiqiga Islaamka uu u yaqaano (BAGYI – OO AH KOOX KA BAXDAY U HOGAANSAMIDA HOGAAMIYAHOODA AMA MADAXWEYNAHOODA) .
master156
Guddiga Dooda ayaa isku waafaqay in Cilmi-baare Muuse Axmed Ciise oo Dadaal xoogan iyo waqti dheer uu ku bixiyay soo Uruurinta Macluumaadkan iyo Qoristiisa, iyagoo sheegay inuu noqonayo Ardaygii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Master Degree ka diyaariya Howlaha Burcad badeeda Soomaaliya, waxa uu halkaasi ku qaatay Darajada ugu sareysa ee ah Excellent .
master156
Ustaad Muuse Axmed Ciise ayaa ah Cilmi-baare in badan ka qeyb galay Shirar Caalami ah, isagoo soo saaray Buugaag uu wax kaga qoray Xad gudubyada lagu hayo Saxafiyiinta, Arrimaha Federaalka, Xiriirka Soomaaliya iyo Sudan, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu yahay Aas-aasihi Xarunta Ra’id ee Cilmi-baarista iyo Daraasaadka Soomaaliya.
master157

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum – Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Suudaan: Ardaygii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Master Degree ka diyaariyay Burcad Badeeda. "

  1. BAASHA ALI says:

    AAD IYO AAD HORTA MUUSE WAAN KUU HANBALYEYNYAA LAAKIIN WALALE FAHAN MEESHA SARTU KA QURUNTAY OO AH IN XOOLAHA BADA SOOMAALIYA LA DHACO SUNA LAGU SHUBO SI TAAS U DHACDANA SHAATI LOO GALIYO SHAATIGAANA LOOGU YEERO BURCAD BADEED……………………..

  2. RUNSHEEG says:

    ASC WALAAL KHALIIF WARKAADA WAA SAX WAX BURCAD BADEED LA YIRAAHDO MA JIRAAH EE WAA KALUUN-BURCADEED LAGU XALAALSADAY BADDA UMAADDA SOOMAALIYEED..WAA NASIIB DARO XITAA KUWII AQOONTA SHEEGANAAYEY IN AY FAHMI WAAYAAN WAXA AY MASTER DGREE KU QAADANAAYAAN..DEGRIIYOOW XAAL QAADO BAL FIIRI NIN IN DHULKIISA LA DHACO KA DIYAARINAAYO SHAHAADO..WAX QAYNUUN CAALAMI LA YIRAAHDO MA JIRAAN ADUUNAK WAXAA JIRO XISAAB CUSUB OO AH UN+USA+EU+AU+MADAXDA KU SHEEGA = SOOMALI OO LA BILILIQEYSTAY

  3. Muuse Axmed Ciise waan u hambalyeynayaa laakiinse budhcadnimadu maaha mid Soomaali abuurtay balse waa mashruuc reer galbeedku ku doonayaan in kheyraadka badda Soomaaliya ku qabsaddaan. Ma jiraan wax budhcad-badeed yidhaahdo. uggu dembeyn Muuse waxaa odhan lahaa malaha waxaa haboonayd in Kheyraadka badda Soomaaliya Master-degree-gaaga ku diyaariso intaad ku diyaarin lahayd mashruuca budhcadbadeedka ee gaaladu wadato.