Home » Faallo »

RA’ IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA WUXUU QAATEY GO,AAN GEESINIMO LEH.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaarey way ku mahad san yihiin sidii wacneyd ay ula shaqeeyeen Ra’iisal wasaaraha soomaaliya.

daahirHabeenkii ay soo geleysey jimco oo Taariikhdu aheyd 17 January 2014 ayay aheyd markii lugu dhawaaqey Golaha Wasiiradda Cusub in kasto Ra’ iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi weli Sheekh Axmed uu Culuys badan heystay.

Golahaa Wasiiradda ee la magacaabey oo ahaa 25 Wasiir , 5 Wasiir dowle iyo 25 Wasiir ku xigeen ee maxaa ku qasbey Ra’ iisal wasaaraha in uu Magacaabo tiro intas dhan waa su’ aal hase yeeshe Somaalidu Waxay tirahda:nin tuur lihi sida uu u seexdo isaga cid walba ka yaqaana”.

Golaha Wasiiradda Cusub waxaan leeyahay Hambalayo iyo Shaqo wacan waxaana la idin ka sugaaya in aad noqotaan Wasiiro wacan oo dalka iyo dadka wax u qabta.

Aniga waxaan dhihi kara Ra’iisal Wasaaraha Soomaalia Wuxuu Qaatey Go,aan geesinimo leh in uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirada xili ay xaalada ku xumeyd.

waad mahad san tihiin.

Dahir Mohammed Sheikh
Email; mr.dahir@msn.com
NairobI kenya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " RA’ IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA WUXUU QAATEY GO,AAN GEESINIMO LEH. "

  1. Dahir kilwe says:

    Waan soo dhowaynaynaa gollaha wasiiradda ee cusub waxaan u rajeynaynaa guul iyo in ay wadanka gaarsiiyaan horamar fiican.