Home » Warar »

Tuulooyin uu ku fatahay wabiga shabelle oo dadkii deegaanku codsadeen in la gargaaro

Iyada oo ay waayadaan danbe soo noqnoqonayeen dhibaatooyinka ay geysanayaan fatahaadaha biyaha wabiga sh/dhexe  ayaa hadane waxaa soo baxayo waxyeelooyin kale oo u wabiga shabelle u geysanayo dadka iyo dalaga ku dhaqan gobolka sh/hoose deegaanada y ka midka yihiin  baldooska Sheentaraal garsaalo Xaliimo Aduunyo wargeedow iyo kuwo kale  oo intuba ku aadan deegaanada ku dhow dhow dagmada Afgooye ee isla gobolkaasi .

somali112

Deegaanadaas ayaa dadka ku dhaqan waxaa saameen xoogan ku yeeshay fatahaada biyaha wabiga shabeelle taasi oo sababatay in dadkii deegaanku ka barakacaan reerahoodii halka intii ku hadhayna ay ku adagtahay galida iyo ka bixida hareeraha guryahooda maadaama ay biyuhu buuxdhaafiyeen dhulka guudkiisa iyo wadooyinkii ay marai lahaayeen .

Qoysaska deeganka oo ahaa dad beeraley ahaa ayaa haatan waxaa soo wajahday in ay ku noolaadaan xaalad bani aadan nimo oo aad u hooseysa maadaama ay dalagii ay abuurteen biyuhu qaadeen waxaana ay haatan wajahayaan cuno yaraan cuduro ka dhashay biyaha dhaxceegaaga dhulka deegaanka ku teedsan guud ahaanba .

Dadka deegaanka oo la hadla warbaahinta ayaa sheegay  in aysan heysanin hoy .hu’ iyo marakaneeco ay ka  kaga hortagaan micida kaneecada ‘waxayna codsadeen in dowlada iyo cidii kale ee alle wax siiyey ay gurmad deg drg ah la gaaraan .

Dadka qaarkood ayaa sheegay in ay mudo 2 sano ah ku jireen arimaha noocaan oo kale ah waxayan intaa ku dareen ilmaha ay heysoMalaariyo  gaajo caafimaad daro iyo cuduro kale maadaama aysan jirin goob cayiman oo ay ka shaqeystaan ama ay raashin ka helaan

Qaar ka mid ah hooyooyinka degaanka oo sharaxayey baaxada dhibaatada heysata ayaa sheegay in kolka ay beeraha aadayaan biyo sii dhaxmaraan mudo aan ka yareyn sadax saacadood halka soo laabashadana ay maraan intaa in la eg waxaana intaa u sii dheer in beerihii biyo ku jiraan dalagiina biyuhu ka qaadeen

Reerahaan deegaanadaan ka barakacay ayaa isku wareysta habeenadii goobo ka baxsan halka ay biyuhu dageen kuwaasi oo xaqiijiyey in beerihii nolosha ku heli lahaan sanadkaan  ay ka go’een ka gadaal kolkii ay biyuhu qaadeen

Goobaha biyuhu gaareen ayaa waxaa yaraaday isu socodka dadka mana jirto cid meel aadi karta waxaana ku adkaatay in xitaa ay iska dhereeyaan saxarada biyaha dartood

Mid ka mid ah odoyaasha deegaanka oo ku hadlayey magaca dadka degaanka ayaa dowlada fadaraalka ka codsaday in ay la gaarto gurmad deg deg ah iyada oo ay adag tahay sidii wax lagu gaarsiin lahaa deegaana qaarkood hadii aan la helin helikabtarada ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa hey’adaha gargaarka Dowlada Somaliya hey’adaha caalamka iyo kuwa gudaha ka howlgala sidoo kale dadka deegaanadaan ee qurbaha jira ayuu ka dalbaday in ay u furan sanduuq dhaqaale loogu uruuriyo si loo badbaadiyo shacabka deegaanadooda biyuhu ugu tageen .

Ma jriaan ilaa iyo haatan cid ku howlan wax u qabashada dadka uu ku fatahay wabiga shabelle.

Abdirizak Jama Elmi

cblackyare@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Tuulooyin uu ku fatahay wabiga shabelle oo dadkii deegaanku codsadeen in la gargaaro "

  1. kalkaal says:

    A/C, walaalyaal aniga ayaa ka mid ah dadka ku nool isla gobolkaas, xog badanna ka haya, laakiin waxaa iska macruuf ah in dad badan oo somali ah dhibaatadooda iyagu ka shaqynayaan.

    ma ila aha in dadkaasi wax iyagu sameysan waayeen oo wanaagooda ah cid kale u sameyneyso, waayoo!

    Xilliga hadda lagu jiro biyaha wabiga aad ayaa loogu baahanyhay oo waxaa billaawday waqtigiii Jiilaaka waxaana jirta biyo yarri dhanka beeraha iyo xoolaha, mana fiicneyn in xilligaan biyo si sahan ah u qasaaraan dhibna geystan.

    hasse ahaatee, waxaad moodaa in labo ujeeddo ey ugu horreyso dhibaatadaas waxyaalaha sabab u ah sida:

    a) Coladaha iyo isnaceybka dadka deegaanka oo keentay in Biyihii wabiga loo isticmaalo Hub ummad meel degan lagu barakiciyo guryohooda iyo beerahoodana lagu baa’bi’iyo.

    b) In kuwii lagu qarqiyey biyaha oo wabiga lagu soo jebiyey guryohooda aaney waxba ka qaban biyah guryohooda ku soo qulqulaya oo ey indhaha ka fiirsadaan iyagoo leh ” iska daaya biyahaan waxaan aan ka nasaneynaa shaqada dhibka badan oo waxaan heleynaa mucaawino, NGO’s ka iyo heyadaha deeqda bixiya ayaa gargaar deg deg noo keenayee”.

    sidaas daraadeed, inta aan danteena dadkale ka sugeyno waxba nooma hagaagi doonaan.

    WBT.