Home » Warar »

Xasan iyo Saacid oo Furaya Albaabkii Isbedelka !!

somali98Mar aan  booqdey mid ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa waxaa ku arkey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Shan Shan iyo Laba laba u fadhiya mid ka mid oo I garanayey ayaa intuu soo istaagey igu yiri “Wariye Raiisul Wasaare Saacid waa u Dhamaatey “ markaas baan ku iri “ oo sidee ayey ugu Dhamaatey “ markaasuu I yiri” inta Jaabka Warqad kala soo baxay oo i yiri” Fiiri Inta Xildhibaan ee ku saxiixan “ waxaan ku iri” oo maxay yihiin Xildhibaanada halkaan ku Saxiixan “markaasuu i yiri “Waa Xildhbiaanadii ridi lahaa Raiisul Wasaaraha “ inta yaabey ayaa waxaan iri “Waa yahay Mudane “ Warqadda uu I tusey  waa magacyo keliya ,kuma Xusna Sababaha loo ridiyo Raiisul Wasaaraha marka waxaa ii soo baxadey in Xildhibaanada ay weli wax ka qaldan yihiin , waxaa ka sii yaab badan in Xildhibaanadii la is lahaa  waa ugu roon yihiin in Siyaasadii Baarlamaanka ay ku  lafa gurayaan  Hoteelada Dhexdooda.

Xidhibaanadii hore ayaa  Shacabka waxay u bixiyeen “Fadlan ku Shubo” maanta waxaa muuqata in Xildhibaanada jira  maanta ay la soo baxeen Dhaqamadii hore ay u lahaan jireen Xildhibaanadii hore waxaana ka mid ah Kulamadii ka dhacay Hotelada, Warbaahinta oo laga hadlayo, is Xulufeysi, iyo qaab Qabiil oo loo shirayo marka waxaa Dhab noqon rabta in Xildhibaanadu aaney wax isbedel ah la imaan, waxaaba yaab leh markii la maqley in Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha ayaa is Khilaafey ayaa waxaaba Durba soo yeerey Mooshin baa laga geeyey Wasaaraha , Hadaba in Mooshin laga geeyo Raisul Wasaaraha ma Xuma hase yeeshee Waxaan arrinkaan wax ka weydiiyey mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo diidey Magaciisa in la sheego waxaa uu yri “Sharci ma aha in Xildhibaanadu yiraahdaan Mooshin baa laga geeyey Raiisul Wasaaraha , waxaa ii muuqata in Khilaafka labada Masuul in looga faaiideysanayo Mooshin waxay ahayd in Xildhibaanadu Dhexdhexaad ka noqdaan Khilaafka taagan ama Xal ka gaaraan waxa ay isku hayaan Labada Masuul islamarkaan ay si qota dheer u ogaadaan waxa keeney Khilaafkal.

“Boqolkiiba Sagaashan iyo Sagaal labada Masuul waxay isku hayaan oo Khiaalfkoodu uu ka dhashey Liis uu Raiisul Wasaaraha uu u Gudbiyey Madaxweynaha oo ahaa isku Shaandheyn uu  Golaha Wasiirdu uu ku sameeyey Raiisul wasaaraha taasoo u Cuntamiweysey Madaxweynaha markii uu liiska ka waayey Rag isaga ku dhow Dhow” ayuu yiri Xildhinaan ka tirsan Baarlamaanka  mar uu ii waramayey diideyna in aan Magaciisa sheego waxaa uu sii daba dhigev  “ Waxaa Xaqiiqo ah in Raiisul Wasaare Saacid uu yahay nin Af Gaaban markuu hadlayana si Qurux badan u hadlaya marka hadii uu Madaxweyne Xasan meesha uu ka saaro Saacid uu keeno nin kale waxaa Dhab ah in hadii uu mar kale Khilaaf yimaado  in meesha uu banayenayo Xasan Shiikh marka waxaan ku talinayaa in Khilaafka si hoose loo dhameeyo taasoo ummada Soomaaliyeed dan ugu jirata”

Marka Caalamka loo fiiri Khilaafka Labada Masuul waxay sheegeen raga Siyaasada Oodorsa  in  uu Sabab u noqon karo  in wixii ka soo baxay Shirkii Brussels ee ay Dowladda Hanti fara badan looga yaboohay in ay meesha ka  baxda oo Caalamku uu u arka Dowladda maanta jirta mid aan ka shaqeyneyn Danaha Ummada Soomaaliyeed islamarkaana aan ka Duwanayn Dowladhii Ku meel gaarka ahaa ,sidoo kale Siyaasiyiintaan waxay leeyihiin Khilaafkaan waa u jirey markii horeba waayo Wasiiradii Madaxweynah uu keeney ayaa waxay la shaqeyn waayeen Raiisul Wasaaraha ,waxaana jira warar sheegaya in Shirka Wasiirada ay inta badan aaney soo xaadirin Wasiiradaas, iyadoo dadka u kuur gala Siyaasada Soomaaliya ay leeyihiin Raisuul Wsaaraha waa uu Dul qaatey waayo Dastuurka ayaa u saamaxaya in wasiirkii aan Gudan Shaqadiisa uu Raiisul Wasaaraha uu eryi karo,hase yeeshee taasi ma sameyn Raiisul Wasaaraha ee waxay ahayd  arrintu in Raiisul Wasaare Saacid ee ragaas meesha ka saaro Amaamusnaatiisi iyo Dulqaadashadiisa waxay keentey in markii uu damcay in uu bedelo  uu Madaxweynaha uu ku Gacansayro oo isagiiba la yiraahdo Iscasil”.

Sida ay Shacabka hore u sheegeen mar ay ka hadlayeen Khilaafka Labada Masuul ayaa yiri “waa Malkiilayaal iyo Shaqaale waxa is haya waayo Kursiga Koox ayaa lacag badan ku bxisey marka oo meesha iskama imaan marka Kooxda Saacid waa Shaqaale marka Malkiilayaal iyo Shaqaale is qabtaan waxaa meesha ka baxay Shaqaalihii sidaa Darteed dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay iska suga marka ay Timaado Doorasho Xalaal waxaana Xaqiiqo ah in Dowladaan ay raacdey wadadii kuwii ka horeeyey Suurta galna ma aha in labada masuul inta heshiiyaan sidaa loo wada shaqeeyo, sidoo kale Baarlamaankii ayaa isna marey mid la mid ah Wadadii  kuwii ka horeeyey oo waqtigoodii ku dhamadey is qab qabsi Dhexdooda ah , Qolo kale ayaa qabta in Iscasilaada laga Dalbadey Raiisul Wasaare Saacid ay tahay mid la doonayo in lagu baabi’yo Fadeexadii lagala kulmey Gudoomiyihii Banki-ga Dhexe Yusur Abraar ka dib markii ay is Casishey maalmo ka dib iyadoo sheegtey in Sababah ay isku Casishey ay tahay Hanjaabdyo ugu yimid Rag ku dhow Dhow Madaxtooyada .

Bulshada Rayidka oo iyadu Kulan ka qaadatey Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo Raiisul wasaare Saacid waxayna Codsadeen in marka hore Bulshada loo Cadeeyo waxa la isku Khiaafey ,waxay kaloo soo jeediyeen in Xildhibaanada Baarlamaanka ay Dhexdhexaad ka noqdaan Khilaafka Labada Masuul, waxay  sidoo kale ay soo jeediyeen in Hantida Ummada Soomaaliyeed ee ay hayaan aan loo istcmaalin Danno gaar ahaaneed , waxay Bulshada ka Codsadeen Golaha Wasiiradaay ay sii wadaan Howsha ay Bulshada Soomaaliyeed u hayaan , sidoo kale  waxayna Bulshada  ay Khilaafkaas u saareen Laba Guddi oo mid uu yahay La Xaajoodka Labada Dhinac iyo Guddi loogu magacdarey Guddiga  Wacyigelinya  hadaba maxay ka bedeli karaan Bulshada  rayidka Khilaafka labada Masuul iyadoo la og yahay in aaney horey u dhiicin Khilaaf la xaliyey si loo wada shaqeeyo.

Ugu Dambeeyn Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono iyadoo dadka qaar ay leeyihiin Raiisul Wasaare Saacid uu yahay nin aan dheg jalaq u siinin wararka  maalmahaan la isla dhex marayey oo ay wadeen qaar ka mid Xildhibaanada oo ah in Mooshin la keeney markii lagala Quustey in uu Iscasilo taasina waxay ku tusineysdaa in Raiisul wasaare Saacid  uu u muuqda nin aan sidaa ku tageyn sidoo kale Madaxweynaha ayey leeyhiin Dadka qaarkii in ay dani ugu jirto in Raiisul Wasaare Saacid uu sii Shaqeeyo   waayo haddii maanta la furo Wadada lagu Bedelayo Masuuliyiinta Dowlada in ay iyana Qolada maanta u Durbaan Tumineysa in iyana markooda la eryi doono marka waxaa Qoraalkaan ku soo Gabagabeynayaa  Xasan iyo Saacid oo Furaya Albaabkii Isbedelka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Xasan iyo Saacid oo Furaya Albaabkii Isbedelka !! "

  1. Aniga waxaan qabaa waxaa furmay albaabkii khilaafka

    Sida rayiga ama muuqata M/weyne Xasan waxuu u bareeray inuu bilaabo wadadii khilaafka!waxuu u deen waayay shaqadii uu RW lahaa. Tan kale waxuu dantii dalka iyo dadka waxuu ka hormariyay tiisii xukunka iyo kooxeesiga. Waxay noqotay hadii aan lagusoo darin liiska waziirada: Faarax,Cabdikareem,iyo Fowziya,iyo kuwo kaloo badan ay tahay gow maleh gesh maleh! Gunaanudkii, waxaa kaloo meesha ka baxay qiimihii iyo sharaftii golaha shacabka ee baarlamaanka. Iyagoo aan dan ka laheen waxay meesha u yimaadeen oo ka raacay danhooda khaaska ah iyo yaa kula jifo ah iyo yaad wax ka heli. Waxa aheed inay u istaagaan danaha umada iyo dalka oo ay khilaafkan hareeyay RW iyo M/weynaha ay si cadaalad ah ku xalliyaan,markaas waxay ka badbaadin lahaayeen ineeyan helin dowladaha daneenaya somaaliya albaab ay kasoo galaan siyaasada wadanka ayna ka faa’ideesan daciifnimada ama taya la’aanta dowlada. Hadii kale waxay noqon sidii dowladihii horoo kale in khilaafka madaxda sarelagusoo xaliyo dalka dibadiisa.

  2. marqaan says:

    Waxay ila tahay in xasan maxamuud yahay macalinkii ardayda, saacidna yahay kabiirkii malcaamadda, xasanna soo dalacsiiyey iyadoo rag ka isyaanaysan joogaan! marka haddii xasan mid kale oo ardayda ka mid ah amaba aanu aqoon u lahayn noo soo wado maxaa ku jaban!

    dhammaan waxaan dhigannaa oon araday ka nahay malcaamadda xasan.

  3. anigu waxaan qabaa inaysan furin wadadii isbadalka ee uu furay xasan sheeq wadadii fowdada waayo dan urur ayuu ka hormariyay dantii umada wuxuuna dalka u loogay cadowkii umada wuxuu kaloo jabiyay sharcigii waayo waxa lagu eedeynayo saacid waxaa hor istaagay xasan sheeq tusaale shaqadii saacid xasan ayaa buubay saacidna isagoo khilaaf ka fogow isleh ayuu heerkan so gaaray, waxaanse iigasii daran laaluusha la isiinaayo baarlamaankii umada u dhaartay.
    guntii iyo gabagabdii soomaaliya dhamaanteed waxaa haya dhaartii kitaabka allah ee ay mareen dhamaan mas,uulkastaa ee xil loo dhiibo waxaana ku talinayaa in la joojiyo dhaarta beenta ah ee allah kitaabkiisa lagu maraayo.

    xasan muslim