Home » Faallo »

SUDEEFNIMADA SABAB-LA’AAN DHACDEY

(هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمْ الأَرْضَ ذَلُولاً فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِنْ رِزْقِهِ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ)

Ereyadaas quraanka ah waa aayadda 15-aad ee suuradda Al-Mulki. Waxay yihiin bayaan la-yaab badan oo tilmaamaya in Eebe uusan ugu tala-gelin in qof sabool ah uu ku noolaado dunida. Hannaanka dhaqaale (economic system) iyo hannaanka maaliyadeed (financial system) ee bulshadu ay ku dhaqanto ayaa ah midda saboolnimada sababta. Laakiin boqorka aanan saamiga uunka lala wadaagin, intuusan aadanaha abuurin ayuu u diyaariyey wax walba oo baahi tiri-lahaa. Aayaddu waxay inoo tilmaameysaa xeer asluubeysan oo lagaga badbaado sandaleellada ay saboolnimadu leedahay. Waxay tilmaameysaa faham ballaaran oo leynaga-doonayo garashadeeda, kaas oo ah in dhulkan leynoo dulleeyey.

Haddaba si aanu u fahamno in saboolnimadu ay tahay garaadka iyo fekerka oo ayan ahayn dhulka iyo degaanka. Aynu isla eegno galladaha gaarka ah iyo nicmooyinka Eebe innagu manneystey ee aanu dhabarka u jeediney, kadib markii ay garashadii luntey. Waxaanu tusaale-dhig u soo qaadaneynaa is barbar-dhig arimo kamid ah hantida ma-guurtada ah oo ay lee-yihiin laba dal. Waa dalka dunida ugu hodansan oo ah Qatar, kaas oo dakhliga qofkiisa ee sanadkii uu gaarayo 100.000 oo doollar iyo dalka dunida ugu saboolsan kaas oo dakhliga qofkiisa ee sanadkii uu ka yar-yahay 1000 doollar. Hoos ka dheeho jadwalkii is barbad-dhigga, dabadeed qiimeey labada dad qoladeebaa heysata dheeriga Eebe (kor ahaaye) iyo fadligiisa :

HANTIDA MA-GUURTADA AH

 

SOOMAALIYA

QATAR

IS BARBAR-DHIG

BAAXADDA DHULKU LE´EG YAHAY

637,657 km2

11,571 km2

60 jibbaar Soomaaliya ayaa weyn

DHERERKA XEEBTA DALKA

3.333 km

563 km

 

168 jibbaar Soomaaliya ayaa xeeb dheer

KHEYRAADKA BADDA

 

Xaafuun illaa Raas-caseyr oo keliya ayaa muddo afar bilood ah waxaa laga jillaabtaa 134 melyan oo tan oo hilib kalluun ah

 

waa bad engegan oo kalluun lagama helo

 

Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan

QIIMAHA JOQRAAFI EE DEGAANKA

Soomaaliya waxay ku dhacdaa meel is-traateeji ah oo wadan ka maarma uu yar-yahay

 

Qatar waxay ku dhacdaa meel luuq ah oo ciddii daneysa oo keliya ay ku leexato

Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan

CIMILADA

waa kuleyl aanan darreyn iyo qabow aanan darreyn, hawada bad-weyntuna ay ku soo butaaceyso

waa cimilo lama-degaan ah oo aad u kulul

Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan

TIRADA DADKA U DHASHEY

10 melyan

250.000 oo qura

waxaa ka badan tirada

aqoonyahanka Soomaaliyeed

WEBIYADA

 

Jubba (875 km) iyo Shabeelle (1130 km)

Malahan webiyo

Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan

BIYAHA DHULKA HOOS-MARA

waa ay ku badan yihiin

Malahan biyo dhulka hoos-qulqula

Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan

XOOLAHA

Geel, lo´, ari, ido, fardo iyo dameero

Xoolo malahan

Soomaaliya ayaa 10 % kaga hodansan

UGAARTA

 

Libaax, shabeel, dhurwaa, gaduudane, dawacoharamcas,  cawl, deero, sagaaro, dameer-farow, geri, gorayo, daayeer, digiiran

Malahan ugaar

Soomaaliya ayaa 10 % kaga hodansan

BEERAHA

 

dhul-beereedku waa 80 % ciidda Soomaaliya, waxaa ka baxa jaad walba oo ama dalag ah ama khudaar ah

waa dhul saxara ah oo eeyan beero ka suuroobin

 

Soomaaliya ayaa 10 % kaga hodansan

DHIRTA

 

waxaa laga helaa 6.000 oo geed oo kala jaad ah. Inta diraasaadka lagu sameeyey waa 1009 geed oo qura

 

waa dhul qallalan oo ayan dhirtu ka bixin, haddaanan la khasbin

 

Soomaaliya ayaa 10 % kaga hodansan

 

MACDANTA AAN BIRTA AHAYN

(NON-METALLIC)

 

 

Inkasta oo aanan si wanaagsan loo baarin, xoogaaga la og-yahay waxaa kamid ah: geomo-stones (dheeman), gypsum (nuuriyad), koalin (ranji dufan adag) salt sea (cusbo badeed), limestone (cusbo-dhagaxeed), espiolite (jeeso) iyo cooper

 

Ma ay lahan macdanta jaadkan ah

 

Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan

 

 

MACDANTA BIRTA AH (METALLIC)

 

 

shamiinto, dahab, bir, aluminium, tin, uranium, platinum, coal,  bauxite, tantalite, muscovite, albite, microcline, iyo ciidda la yiraahdo quartz.

 

Waxay leeyihiin bir iyo aluminium oo keliya, waana ka faa´iideystaan oo waa iib-geeyaan

 

 

Soomaaliya ayaa kaga hodansan

BATROOLKA

IYO GAASKA

In-kasta oo aanan weli la soo saarin, misana waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya ay kaga hodan san tahay Qatar

Batrool iyo gaas badan ayay soo saaratey, kuwaas oo saldhig u noqdey hodantooyada dadkooda

Soomaaliya waa ay kaga hodansan tahay jasiiradda yarta

 

  • Allihii dunida uumaa ku furey duul walbaba meele
  • Degaankuu u kala soocey iyo dowyadey marine
  • Dhulkaa debecsan baa qolo waliba doc uun ka joogaane
  • Soomaali looguma darraan deeqda Eebahaye
  • Wax dadkeedu joogaa arlada mid ugu doorroone
  • Dal wanaagsan iney lee-yihiin looma diidana´e
  • Webiyada dareeriyo biyaha dixasha rooraaya
  • Dur-dur iyo waxay ka cabayaan dowda ceelasha´e
  • Deyrtiyo gugana roobka waa ugu da´aayaaye
  • Dooxadiyo buuraha wax-yaa doog iyo caleene
  • Daraftii aad eegtabana waa duunyo iyo beere
  • Waa-na deeqey kheyr kalena waa laga damcaayaaye

Dr: Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

https://www.facebook.com/pages/Musharax-Dr-Sadiq-Enow/1480405472183857

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " SUDEEFNIMADA SABAB-LA’AAN DHACDEY "

  1. kalkaal says:

    Aqoonyahanka ahna hoggaanka mustabalka masiirka ummada Soomaaliyeed,
    Fahmkaaga oo kalle Allaah ha ina siiyo haddaan Soomaali nahay.aaaaaaaaaaamiiiiiiin.

    waqtigaas ayaan ka faa’iideysan doonnaa inshaa’allaahu.

  2. cilmi Ciise says:

    Asc , uGu horeyn qoraagu aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay , waa maqaal macluumaad weyn iyo dhiiri-galinba xambaarsan . laakiin waxaan rabaa inaan su’aalo meelaha qaar sida : xoolaha nool ,ugaarta , beeraha , geedaha IWM oo jedwalku muujinayo in soomaaliya ku hodansantahay 10% ma qoraalkaa kaga dhacey oo 100% ayaa loola jeedaa mise sidaasey sax kutahay ??????