(هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمْ الأَرْضَ ذَلُولاً فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِنْ رِزْقِهِ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ)
Ereyadaas quraanka ah waa aayadda 15-aad ee suuradda Al-Mulki. Waxay yihiin bayaan la-yaab badan oo tilmaamaya in Eebe uusan ugu tala-gelin in qof sabool ah uu ku noolaado dunida. Hannaanka dhaqaale (economic system) iyo hannaanka maaliyadeed (financial system) ee bulshadu ay ku dhaqanto ayaa ah midda saboolnimada sababta. Laakiin boqorka aanan saamiga uunka lala wadaagin, intuusan aadanaha abuurin ayuu u diyaariyey wax walba oo baahi tiri-lahaa. Aayaddu waxay inoo tilmaameysaa xeer asluubeysan oo lagaga badbaado sandaleellada ay saboolnimadu leedahay. Waxay tilmaameysaa faham ballaaran oo leynaga-doonayo garashadeeda, kaas oo ah in dhulkan leynoo dulleeyey.
Haddaba si aanu u fahamno in saboolnimadu ay tahay garaadka iyo fekerka oo ayan ahayn dhulka iyo degaanka. Aynu isla eegno galladaha gaarka ah iyo nicmooyinka Eebe innagu manneystey ee aanu dhabarka u jeediney, kadib markii ay garashadii luntey. Waxaanu tusaale-dhig u soo qaadaneynaa is barbar-dhig arimo kamid ah hantida ma-guurtada ah oo ay lee-yihiin laba dal. Waa dalka dunida ugu hodansan oo ah Qatar, kaas oo dakhliga qofkiisa ee sanadkii uu gaarayo 100.000 oo doollar iyo dalka dunida ugu saboolsan kaas oo dakhliga qofkiisa ee sanadkii uu ka yar-yahay 1000 doollar. Hoos ka dheeho jadwalkii is barbad-dhigga, dabadeed qiimeey labada dad qoladeebaa heysata dheeriga Eebe (kor ahaaye) iyo fadligiisa :
HANTIDA MA-GUURTADA AH
|
SOOMAALIYA |
QATAR |
IS BARBAR-DHIG |
BAAXADDA DHULKU LE´EG YAHAY |
637,657 km2 |
11,571 km2 |
60 jibbaar Soomaaliya ayaa weyn |
DHERERKA XEEBTA DALKA |
3.333 km |
563 km
|
168 jibbaar Soomaaliya ayaa xeeb dheer |
KHEYRAADKA BADDA
|
Xaafuun illaa Raas-caseyr oo keliya ayaa muddo afar bilood ah waxaa laga jillaabtaa 134 melyan oo tan oo hilib kalluun ah
|
waa bad engegan oo kalluun lagama helo
|
Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan |
QIIMAHA JOQRAAFI EE DEGAANKA |
Soomaaliya waxay ku dhacdaa meel is-traateeji ah oo wadan ka maarma uu yar-yahay
|
Qatar waxay ku dhacdaa meel luuq ah oo ciddii daneysa oo keliya ay ku leexato |
Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan |
CIMILADA |
waa kuleyl aanan darreyn iyo qabow aanan darreyn, hawada bad-weyntuna ay ku soo butaaceyso |
waa cimilo lama-degaan ah oo aad u kulul |
Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan |
TIRADA DADKA U DHASHEY |
10 melyan |
250.000 oo qura |
waxaa ka badan tirada aqoonyahanka Soomaaliyeed |
WEBIYADA
|
Jubba (875 km) iyo Shabeelle (1130 km) |
Malahan webiyo |
Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan |
BIYAHA DHULKA HOOS-MARA |
waa ay ku badan yihiin |
Malahan biyo dhulka hoos-qulqula |
Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan |
XOOLAHA |
Geel, lo´, ari, ido, fardo iyo dameero |
Xoolo malahan |
Soomaaliya ayaa 10 % kaga hodansan |
UGAARTA
|
Libaax, shabeel, dhurwaa, gaduudane, dawacoharamcas, cawl, deero, sagaaro, dameer-farow, geri, gorayo, daayeer, digiiran |
Malahan ugaar |
Soomaaliya ayaa 10 % kaga hodansan |
BEERAHA
|
dhul-beereedku waa 80 % ciidda Soomaaliya, waxaa ka baxa jaad walba oo ama dalag ah ama khudaar ah |
waa dhul saxara ah oo eeyan beero ka suuroobin |
Soomaaliya ayaa 10 % kaga hodansan |
DHIRTA
|
waxaa laga helaa 6.000 oo geed oo kala jaad ah. Inta diraasaadka lagu sameeyey waa 1009 geed oo qura
|
waa dhul qallalan oo ayan dhirtu ka bixin, haddaanan la khasbin |
Soomaaliya ayaa 10 % kaga hodansan |
MACDANTA AAN BIRTA AHAYN (NON-METALLIC)
|
Inkasta oo aanan si wanaagsan loo baarin, xoogaaga la og-yahay waxaa kamid ah: geomo-stones (dheeman), gypsum (nuuriyad), koalin (ranji dufan adag) salt sea (cusbo badeed), limestone (cusbo-dhagaxeed), espiolite (jeeso) iyo cooper |
Ma ay lahan macdanta jaadkan ah |
Soomaaliya ayaa 100 % kaga hodansan |
MACDANTA BIRTA AH (METALLIC)
|
shamiinto, dahab, bir, aluminium, tin, uranium, platinum, coal, bauxite, tantalite, muscovite, albite, microcline, iyo ciidda la yiraahdo quartz. |
Waxay leeyihiin bir iyo aluminium oo keliya, waana ka faa´iideystaan oo waa iib-geeyaan |
Soomaaliya ayaa kaga hodansan |
BATROOLKA IYO GAASKA |
In-kasta oo aanan weli la soo saarin, misana waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya ay kaga hodan san tahay Qatar |
Batrool iyo gaas badan ayay soo saaratey, kuwaas oo saldhig u noqdey hodantooyada dadkooda |
Soomaaliya waa ay kaga hodansan tahay jasiiradda yarta |
- Allihii dunida uumaa ku furey duul walbaba meele
- Degaankuu u kala soocey iyo dowyadey marine
- Dhulkaa debecsan baa qolo waliba doc uun ka joogaane
- Soomaali looguma darraan deeqda Eebahaye
- Wax dadkeedu joogaa arlada mid ugu doorroone
- Dal wanaagsan iney lee-yihiin looma diidana´e
- Webiyada dareeriyo biyaha dixasha rooraaya
- Dur-dur iyo waxay ka cabayaan dowda ceelasha´e
- Deyrtiyo gugana roobka waa ugu da´aayaaye
- Dooxadiyo buuraha wax-yaa doog iyo caleene
- Daraftii aad eegtabana waa duunyo iyo beere
- Waa-na deeqey kheyr kalena waa laga damcaayaaye
Dr: Saadiq Enow
https://www.facebook.com/
Aqoonyahanka ahna hoggaanka mustabalka masiirka ummada Soomaaliyeed,
Fahmkaaga oo kalle Allaah ha ina siiyo haddaan Soomaali nahay.aaaaaaaaaaamiiiiiiin.
waqtigaas ayaan ka faa’iideysan doonnaa inshaa’allaahu.
Asc , uGu horeyn qoraagu aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay , waa maqaal macluumaad weyn iyo dhiiri-galinba xambaarsan . laakiin waxaan rabaa inaan su’aalo meelaha qaar sida : xoolaha nool ,ugaarta , beeraha , geedaha IWM oo jedwalku muujinayo in soomaaliya ku hodansantahay 10% ma qoraalkaa kaga dhacey oo 100% ayaa loola jeedaa mise sidaasey sax kutahay ??????