Home » Faallo »

IMAAM ABUU XANIIFA (2) !!!!!

saahid11) Abuu xaniifa wuxuu ahaa Imaamkii ugu horeeyey ee aad u ballaariya soo dhidhindhirinta Fiqhiga iyo in la sii Qeyb qeybiyo furuucdiisa,oo la sii saadaaliyo arrimo aan wali dhicin, taas oo Imaamadii ka horeeyey aysan sameyn jirin una arkeen mid waqti lumis ah .

Wuxuu ahaa Zeyd ibnu Thaabit Saxaabigii weynaa ee faqiiha ahaa, haddii la weydiiyo Su,aal wuxuu dhihi jiray Arrinkaasi wali ma dhacay ??? Haddii ay dhahaan ma dhicin ,wuxuu dhihi jiray iska suga inta ay ka dhaceyso.
Se Imaam Abuu Xaniifa wuxuu arkay in Shaqada Faqiiha ama mujtahidka uu yahay in uu Ma’saaisha sii diyaariya oo sii saadaaliyo arrimaha aan wali dhicin waqtiga mujtahidkas se dhici doona .
Bal Arrinkaas aan fiirino waxa uu ka qoray AL-khadhiib AL-Baqdaadi :

( Markuu Qataadda mufasirkii weynaa uu soo degay Kuufa ayaa waxaa u tagay Abuu Xaniifa oo ku yiri : Abuu Khadaaboow bal ka waran Nin Reerkiisii muddo ka maqnaa oo Haweentiisii mooday in uu dhintay oo ay guursatay Nin kale ??Meherkeeduu meeqa ayuu noqonayaa ??? Abuu Xaniifa ayaa asaxaabtiisii ku yiri : haddii uu Xadiis keeno Been buu sheegay ??? Haddii uu Maskaxdiisa ka fityoodana wuu khaldamayaa ???Makaas buu Qataada ku jawaabay : Hoogaagee Arrinkaan ma dhacay ???markaas buu Abuu Xaniifa yiri : maya ma dhicin , markaas buu yiri oo maxaad ii weydiineysaa wax aan dhicin ??? Abuu Xaniifa ayaa ku jawaabay Balaayadda waan sii saadaalinaa inta aysan dhicin , markaas si aan hadhow u ogaano meesha laga soo galo iyo meesha looga baxo ).
Waxaa loo yaqaanay Madarassada Abuu Xaniifa , madarasaddii ( Ara’aytiyiinta ) macnaa Dugsigii bal ka waran haddii arrinkaasi dhaco ??? Bal ka warama haddii arrinkaasi dhaco,arrin aan wali dhicin ????.
Maalin baa Imaam Maalik arday weydiiyey Su,aal ??? markuu uga jawaabay , ayaa Ardaygii yiri : Balk a waran haddii arrinkaasi dhaco ???? Imaam Maalik baa xanaaqay oo yiri : waar ma waxaad tahay kuwii dhihi jiray bal ka waran haddii arrinkaasi dhaco ???? Waar ma waxaad ka timid Ciraaq ??? .
Wuxuu soo saaray Ibnu Cabdi AL-bari asagoo ka soo warinaaya Imaam Maalik : waxaan soo gaaray Dadka baladkaan oo neceb in Su’aalaha la badsho sida ay dadku maanta yihiin oo kale , Ibnu wahab wuxuu yiri : wuxuu ka wadaa ma’saa isha ????.
Maaalik wuxuu yiri : Dadku waxay fatwoon jireen waxay maqlan iyo waxay bartaan,ma aysan ku dhaqmi jirin Haddaladda Maanta Dadku isla dhexmarayaan.
Wuxuu kaloo soo saaray Ibnu cabdi Al-Bari in Amiirkii Cabdi Malik Ibnu Marwaan in uun su’aalay Ibnu Hishaam AL-zuhri Arrin , Markaas buu Ibnu Hishaam yiri : Arrinkaas ma dhacay ?? Markaas buu yiri Amiirku : maya , Markaas buu yiri Ibnu Hishaam : iska daa marka !!! markiin uu arrinkaasi dhaco ayuu Allaah Faraj keenayaa.
Sidoo kale wuxuu kaloo soo saaray asagoo ka soo xiganaaya v Imaamka AL-shacbi oo ka mid ahaa Imaamada Ahlu Xadiiska ee Ciraaq ayaa yiri :
( wax aan ka necbahay ma jiro ( bal ka waran ) waxaa la weydiiyey yey yihiin kuwaasi ??? markaas buu yiri : Ara’aytiyiinta oo uu ka mid yahay Xakam iyo Xamaad iyo asaxaabtooda !!! Xamaad waa Shiikhii Abuu Xaniifa.

Abuu xanniifa wuxuu aad u dhirindhiriyey Arrimo badan oo ka mid ah masaa’isha Fiqhiga ??? kuwaas oo markii la tiriyey lagu Qiyaasay sida uu sheegay Qoraaga kitaabka AL-Cinaayah oo sharxay KItaabka AL-hidaaya ee soo aruurshay masaa’isha fiqhiga Xanafiyada , Taas oo gaartay Malaayiin mas’aladood taas oo ah masaa’il aad u fara badan.
Arrinkaas oo aad uga fara badan masaa’isha Imaamada kale ee Seddexda ah, Maalik,Shaafici iyo Axmed Bin Xanbal.

Dadka Abuu Xaniifa dhaleeceeya ee ka xun fara badnida ma’saaishiisa ayaa waxay dhahaan:
( Waa ruuxa ugu jaahilsan wixii tagay ,uguna Cilmi badan waxa soo socda ) (1).

2. Abuu xaniifa wuxuu ahaa mid aad ugu adadag Aqbalaadda Axaadiista ,wuxuuna u shardin jiray Shuruudo adag ,sababtoo ah fiditaanka uu fiday Axaadista la Been abuurto,Ciraaqna waxay aheyd waqtigaas meesha ay ka soo burqato Xarakaatka iyo isbadallada Caalamka Islaamka ee waqtigaas.
Waxay kaloo Hooyo u aheyd meelaha lagu abuuro Axaadiista Beenta ah, taas oo Abuu xaniifa ku qasabtay in uu Axaadiista aad u hubsado,mana aqbali jirin ilaa Xadiis Caan ah mooyee ,xataa taas uu ku dhaafay Culumadda Axaadiista xagga adkeynta aqbalaadda Axaadiista , taas oo mar mar qaarkood uu daciifiyo ama diido Axaadiis agtooda Sax ka ah.

3. Sidoo kale wuxuu ku doodi jiray Axaadiista Mursalka ah haddii Ruuxa irsaaliyey uu mid lagu kalsoon yahay , taas oo khilaafsan Jamhuurta Muxadithiinta (2).
taas oo Abuu Xaniifa ku qasabtay in uu mararka qaarkood Daliilsado Axaadiis Agtooda Daciif ka ah.

4. Sababta uu u adkeeyey ku dhaqmidda Axaadiista ayaa u sahashay in uu aad ugu baahdo Qiyaaska ,taas oo Allaah ku siiyey Hibo xad dhaaf ah, taas oo asaga iyo Ahlu xadiiska ama Fuqahada kale ee aan Qiyaaska isticmaalin aad u kala fogeeyey.
5. Abuu xaniifa wuxuu cajiib ku ahaa sida uu hal mas’lo dhinacyo badan ugu badbadali karo ,sida ay dhacdadani na tuseyso.
Wuxuu soo saaray ibnu abii Cawaam asagoo ka soo xiganaaya Mohamed ibnu Xasan ,wuxuu yiri :
( Abuu xaniifa ayaa noogu yimid Baqdaad ,markaas buu la kulmay Asaxaabtiisii oo ay ku jiraan Abuu Yusuf,Zafar,Asad ibnu Camar iyo kuwa kale oo fara badan , kadib waxay u keeneen Mas’alo ay Xujooyin fara badan ku ayideen , waxayna yiraahdeen abuu xaniifa ayaan weydiineynaa marka ugu horeysa oo uu noo yimaado.
Kadib wey weydiiyeen ,se wuxuu ku jawaabay wax ayaga khilaafsan, waxay ku qeyliyeen oo yiraahdeen Abaa Xaniifa waxaa ku badashay kali ahaanta , wuxuu ku yiri : tartiib tartiiba , maxaad oraneysaa ??? sidaas ma ahan bay yiraahdeen, ma xujaad wadataan mise xujo la’aan .waxay dhaheen xujo ayaan wadanaa , keena ayuu yiri , wuu la dooday waana ka raayey ilaa ay sidii uu yiri u soo noqdaan, ayna qirtaan khaladkoodii.
Hadda ma qirateen, bal ka warama ruuxa yiraa kiinii baa saxsanaa ??? kayguna waa khalad , waxay dhaheen ma dhici karto ???.
Kadib haddana wuu la dooday ilaa uu haddana ka dhaadhiciyey in uu Qowlkoodii sax ahaa ???waxay dhaheen Abaa xaniifa waad na dulmisay annagaa saxsaneyn . Markaas buu yiri ka warama ruuxa dhaha qolkiinaas na waa khalad ,kaygiina waa khalad oo Qowl sedexaad keena ??? ma dhaceyso ayey yiraahdeen, haddana waa la dooday ilaa ay Qowlkii seddexaad haddana ogalaadeen ooy u hogaansameen ???kadib ayey yiraahdeen abuu xaniifoow wax na bar , markaas buu yiri mas’aladaan Qowlkiinii baa ugu saxsan, sababtaas darteed, se mas’aladaan kama baxayso Seddexdaas Qowl, mid kastana waa waji fiqhiga ku saxsan ??? wuxuu ka wadaa mas’aladaas waxay Culumadda fiqhigu iskugu khilaafeen Seddexdaas Qowl, ee midka saxa ah qaata kuwa kalena iska daaya ) .
Ruuxa la siiyey Awoodaas la yaabka leh ee uu arrimaha u kala badbadalaayo hal mas’alo kaliya , awoodna u haysta in uu difaaco Ra’yi kasta , waxaan shaki ku jirin in uu yahay Dadka kan ugu fiiro dheer ,uguna xoog badan xagga soo dhiraandhirinta Nusuusta, uguna xoog badan xagga xujadda iyo caddeynteedaba.
Ma uusan ku xeel dheeraanin Imaam Maalik markii uu yiri :
( Ninkaan haddii uu isku dayo in uu daliil u raadiyo in Tiirkaan dahab laga sameeyey wuu awoodi karaa ) !!!!.
Haddaba haddii dhiraandhirintiisu ay khilaafdo Ra’yiga Culumada kale iyo ra’yiga Jamhuurka ahlu xadiiska kuwaas oo badankoodu raaca Daahirka Nusuusta, aad na u neceb in ay cileeyaan oo qaarba qaar ku celiyaan,taasi dhibaato ma leh .
waxaa muxadithiinta ka mid ah kuwo Cawaam ah oon waxba kaseynin , siduu sheegay Yaxya ibnu yamaan :
( Qaar ka mid ah muxadithiinta ayaa Xadiis iska qoraaya asagoo aan fahmin Macnihiisa ama aanba fakarin,haddii markaas Xadiiskaas wax laga weydiiyo wuxuu u muuqanayaa in uu Qoraa kaliya yahay (3).
Waa run qaar ka mid ah ayaa waxba kaseynin taas oo mararka qaarkood ku rideysa in si xun wax u qoraan ama si xun u fatwoodaan taas oo mararka qaarkood kaa qoslineysa !!!!!.
Mid kuwaas ka mid ah ayaa ayaa Salaad watri ah tukaday markuu istijooday asagoon weyseysan , wuxuuna taas u Daliilsaday Xadiiskii ahaa ; ( Ruuxii Dhagax iskaga suuliya nijaasada ha watriyeysto ) wuxuu watriyeysiga u fahmay Salaad watri ha tukado ???? taasna ma ahan macnaha Xadiiska ee waxaa laga wadaa Seddex dhagax ama shan dahax ha iskaga tirtiro Nijaasada ,tiro kisi ah oo isdhaafsan, ee salad watri ah lagama wado.
Mid kalena wuxuu ahaa muddo Afartan sano ah mid aan xiiran Salaadda Jimcaha ka hor, asagoo taas ka fahmay Xadiiskii Rasuulka NNKH ee ahaa in uu Nabigu Diiday in xalqooyin waxbarasho lagu qabto masaajidka Maalinta jimcaha ah Salaadda ka hor !!!! xalqadihii la diiday ayuu u fahmay Xiiritaan markaas ayuu iska ilaalin jiray 40 sano in uu Salaadda jimcaha horteed xiirto.
Mid kale ayaa asaguna khalad ka fahmay Xadiiskii Nabiga NNKH ee ahaa ; ( yuusan midkiina Biyihiisa ku waraabinin Nin kale Beertiisa ) .
Markaas ayuu ka fahmay in Ruuxa loo diidaayo in uu Beerta jiiraankiisa waraabiyo, se Xadiiska micnihiisu waa in uusan Ninku u tagin Haweenka la soo qafaasho haddii ay uur leedahay si uusan Nin kale ilmihiisa u qaadan, Beerta Nin kale taas baa laga wadaa.
Mid kale ayaa la weydiiyey asagoo Cashar Xadiis ah Akhrinaaya ka waran Dooro Ceel ku dhacday oo ku dhimatay ??? markaas buu ugu jawaabay Ruuxii weydiiyey : marka hore maad ceelka dabooshid si aysan ugu dhicin . Mid kale ayaa wax laga weydiiyey Cilmul Faraa’id markaas ayuu ku jawaabay Fariidadaha ilaahay waxaa loo qeybshaa , maba oga in Cilmiga Dhaxalka cilmul faraa’id la yiraahdo.
Haddaba Akhristoow kuwaas oo kale oo ah Cawaamta Muxadithiinta maba fahmi karayaan Fiqhiga Abuu Xaniifa iyo sida uu u dhirindhiriyo Axkaamta Fiqhiga ah , waana dadka ugu horeeya ee dhaleeceeya Imaamka Abuu Xaniifa RC .
Waxaan maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa in Ruuxa Cilmiga baranaaya uu markasta u baahan yahay Macallin wax u sheega oo uusan kutubta dhexdeeda iska dhex mushaaxin, Haddii kale qaladadaas oo kale ayuu galayaa .
Waxaan u soo joogay in haatan ka hor aan la kulmay Arday u haysata Yomul Caashuuraa in ay tahay Maalinta tobnaadka ee Dul xijah , markaas baan u sheegay in aan la soomi Karin Maalinta tobnaadka ee Ciidul adhxaa ee laga wado xadiiskaas Bisha muxaram tobankeeda waa bishan aan haatan ku jirno oo kale .
Sidoo kale anniga ayaa khalad u akhrin jiray Ducadda Safarka ilaa Saaxiibkay Mohamed uu iga saxay mar aan Safar isla galnay 1996 kii.
Waxaan si khalad ah u akhrin jiray ereyadda ( wadhwi canaa Bucdahu ) oon u akhrin jiray wadhwicnaa bucdahu annigoo Canaa oo ah Damiir u haystay in ay tahay erey ka tirsan wadhi markaas baan u akhrin jiray ( wadhwicnaa ) !!! Kitaab waxba ha iska gedgedinin asagoo aanu macallin kuu akhrin.
Ka dar oo dibi dhal Shabaab ayaa yimid oo Aayadda Suuratul Maa’ida si khalad ah u fahamsiiyey ummadii oo idil sida aan ku bayaanshay Maqaalkaygii ( Imaam shaafici oo Shabaab Aaamusiyey ) (3) .

Fii amaani laah .
Shiikh Sahid Mohamed Yusuf
USA, Virginia
sahidyusuf@yahoo.com.

Al- Mutakhasis Fil Xarakaat AL- Islaamiyah .
1) Kitaabka jaamac bayaan cilmi li ibnu Cabdi Al-biri.
2) Muxadathiinta waxay xadiiska Mursalka ah ku tiriyaan Axaadiista Daciifka ah ,meesha Abuu xanifa qaarkoo ku aqbalo bil shardi.
3) Kitaabka jaamac bayaan cilmi li ibnu cabdi Al-biri.
4) Maqaalkaas waxaad ka heleysaa halkudhegga Saahid.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " IMAAM ABUU XANIIFA (2) !!!!! "

  1. SCWXWB :
    Qeybtii kowaad ee casharkaan ayaa wallaal la yiraahdo Maxamed ayaa iga codsaday in aan bal qoraalkayga ku daro Wadamada laga haysto Madaahibta Afarta ah, bal haddaan isku dayo .
    Mad-habka xanafiga wuxuu aad ugu badan yahay dhulka loo yaqaano faaris waa Iraaq iyo waxa ka sii danbeeya ee loo yaqaano dhulka wabiyada ka gadaaleeya waa wadamada Afqaanistaan iyo wadamada muslimiinta ee Ruushku gumaysto sida tarkumistaan, dhakistaan,ubustikaan IWM. inkastoo qaarkood uu mad-habka shaafica kula tartamo, waxaa kaloo xanafiyadda aad looga haystaa Hindiya iyo pakistaan.
    dalka masar xanafiyadda waxaa uga badan maalikiya iyo shaaficiya sidoo kale waqooyiga Afrika waxaa waa maalikiyah xooggaa yar ayaa xanafiyah ka ah ooy keeneyn turkigii khilaafadda muslimiinta haysan jiray.