Mar-kasta oo aadamigu uu il-baxayey, wuxuu nolosha u adeegsanayey qiyaas iyo beeg uu ku qiimeeyo walxaha iyo tamarta uu nolosha u kaashado. Toddoba hal-beeg oo heer cari-edeg leysula oggolaadey ee sal-dhig u ah miisaamada maamulka dhaqdhaqaaqa nolosha aadanaha. Waxay kala yihiinKilo-gram (miisaanka culeyska), Meter (cabbirka dhererka), Candela (awoodda ifka), Second (gooreysada), Ampere (qul-qulka korontada), Kelvin (kuleylka), iyo Mole (walxaha canaasirta). Jaan-gooyada hal-beegyadaas waa arimo leysku raacsan yahay oo aanan muran ka taagneyn. Mana dhici karto dad qaan-gaar ah oo caafimaad qaba in ay ku murmaan farqiga u dhexeeya culeysyada 10 Kg iyo 10 g. Sidaas si lamid ah ayaa bulshooyinka caafimaadka qaba ee hana-qaadka ah ayan isaga-dheehmin beegyada aanan muuqan (invisible measurement) oo ay u adeegsadaan tayada ay kala lee-yihiin falaadka ka suurooba aadamiga iyo hab-dhaqanka anshaxeed oo ay kala lee-yihiin.
Haddii qof walba uu meel kaga aaddan yahay dhismaha bulsho uu markaas ku dhex nool-yahay, mid walba oo kamid ah waa uu u miisaaman yahay (aqoon, anshax, karti, caqli, da´, iwl). Sidaas oo kale waxaa u miisaaman, beegga lagula xisaabtamayo ee la xiriira, mid waliba qaabka uu u guto xilka uu markaas hayo. Xil walibana xilka uu ka weyn-yahay, xisaabtankeeda waa uu ka culus yahay miisaanka xisaabtankeeda. In-badan ayaa laga hadley hal-beegga hoggaanka hagaagsan ee bulshadu u baahan tahay. Maanta waxaanu halkaan ku soo miin-guurineynaa 10 qodob oo aanan ku wanaagsaneyn in ay tilmaan u noqdaan qof hoggaan u ah urur, shirkad ama bulsho. Qodobadaas ayaa ah kuwo aanan lagu muransaneyn si lamid ah sida aanan loogu muransaneyn kilo-gram iyo gram, waxay kala yihiin. Haddaba 10-kii qodob ee hoggaanka hayuucsan lahaa waa kuwan:
1) Leaders who can’t see it, Probably Won’t Find it: Hoggaamiye walba, bulshada uu hoggaaminayo meel isaga u tilmaaman ayuu u hayaanshaa. Cidda hoggaanka heysa, haddii ayan u muuqan meesha loo hayaamayo, wuxuu lamid yahay qof indha-la´ oo ambad ku sugan. Waxaa sidaas kula ambanaya dhamaan bulshadii uu hoggaanka u hayay.
2) When Leaders Fail to Lead Themselves: Qofka hoggaamiyaha ah, in uu ku fashilmo hoggaanka naftiisa iyo qoyskiisa, waxay astaan u tahay tilmaan daciifnimo oo wehelisa. Hoggaamiyaha ceynkaas ah haddii loo dhiibo xil ka weyn qoys waxaa bannaanka imaanaya nuqsaantiisa qof ahaaneed. Ducfiga hoggaamiyaha waxaa la daciifaya bulshadii uu hoggaanka u hayay.
3) Put-up or Shut-up: Hoggaamiyaha aanan si buuxa u qaadin masuuliyadda xilka saaran, ee aanan muujin guul is daba-joog ah, wuxuu ku khasbanaadaa in uu si buuxa xilka u dhigo. Guul-darrida is daba-joog ah ee bulshada ku timaadda waa arin la xiriirta hoggaanka. Sidaa darteed haddii aanan si buuxda xil ka-qaadis loogu sameyn, wuxuu bulshadii ku noqdaa ibleys-bara leh. Markaasuu isna ambadaa bulshadiina ambiyaa.
4) Beware the Know-it-all: Hoggaamiyaha isu maleeya in uu yahay mid wax-walba yaqaan oo ka aqoon badan bulshadiisa, waa mid aanan diyaar u ahayn in uu talo qaato. Sida saxda ah, hoggaamiyaha waa in uu ku socdaa talo leysku darsadey. Hoggaamiyaha talo-diidaha ah ee ka tashada bulshadiisa waa keligi-taliye oo waxaa laga dhaxlaa bur-bur iyo bara-kac.
5) When there’s a Failure to Communicate: Af-gorocnimada iyo af-lagaaddada waxay kamid tahay tilmaamaha xumeeya qofka hoggaanka haya. Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu lee-yahay awood cod-karnimo oo uu kula xiriiro bulshadiisa. In-badan oo kamid ah mushkiladaha hor-yaal, wuxuu ku xalliyaa hadal. Laakiin haddii hadalkii hoggaamiyaha uu mushkilado abuurayo, bulshadaasi fashilaad kama baxdo iyo fore ay fiini ka ciyeyso.
6) It’s all about Them: Haddii ay bulshada fashilaad ku timaaddo, hoggaamiyaha eedda iska-fogeeya maahan mid quman. Tilmaanta ah in wixii guul ah la siiyo hoggaamiyaha, wixii fashilaad ahna la raacsho bulshada waa aragti khaldan. Hoggaamiyaha sidaas ku qanca oo aanan eedda koowaad isaga isa-saarin waa hoggaamiye ah qooqaa oo bulshadiisa wuxuu ku ridaa beylah iyo bohollo madow.
7) Lack of Focus: Hoggaamiyaha anshaxiisu uu ku yar-yahay fayiigsi uu weheliyo tallaabo taxaddar leh, waxaa ka kala baahda taladii. Isu ururinteedana waa ku adkaataa. Sidaa darted hudada iyo hoos u-foorarka hoggaamiyaha ceynkaas ah, bulshadu waxay ka dhaxashaa yeelaal yaris ah.
8) Death by Comfort Zone: Timaaddada waa xilli loo siman yahay oo cid ay si gaar ah heshiis ula tahay ma-jirto. Loolanka loogu jiro hagaajinta nolosha timaaddada bulshooyinku waa u siman yihiin. Waa meesha ay daciifka ku tahay bulsho waliba oo xooggan, isla-markaas waa meesha ay ku xooggan tahay bulsho waliba oo daciif ah. Hoggaamiyihii arintaas garan-waaya, bulshadiisa kama kexeeyo hudadka iyo har-madow fadhiisiga.
9) The “A” Word: Hoggaamiyaha aanan oggoleyn in bulshadiisa ay kala xisaabtanto xilka uu hayo, bal jecel in isaga uu bulshada la xisaabtamo wuxuu lee-yahay shakhsiyad anaaniyadeed. In leysla xisaabtamo, waxay abuurtaa kalsooni iyo khaladkii oo la saxo. Hoggaamiyaha ka madax-aqdeyga in lala xisaabtamo, waxaa ku badnaanaya talo-seeg iyo tacaddi-sameyn.
10) It’s the Culture Stupid: Hoggaamiyuhu waa muraayad ay bulshadu eegato. Wuxuu lee-yahay xushmad iyo mudnaan. Sidaa darteed hoggaamiyaha aanan lahayn anshax wanaagsan iyo dhaqan hagaagsan wuxuu lumiyaa xushmadda bulshada. Hoggaamiye iyo bulsho aanan xushmad isu-heyn, noloshoodu waxay noqotaa dhafaaq aanan dhadhan lahayn.
Sidee lacag ku tacabtaa haddey toogadeen noqotey
Nin waliba tawaan iyo hadduu tiisa ku ekaadey
Xurmaa taqaddun keentee haddii leys tix-gelin waayey
Tol-tol iyo qabiilnimo haddii la-ina taabsiiyey
Teersona rag aan baran haddii taladi loo dhiibey
Taageerki leegada haddii leysku tuhumeystey
Dadkii tuunsanaan jirey hadduu kala taggii joogo
Tallaahidiyo dhaartii haddii leyska wada-tuurey
Tafaraaruqa kuwaa inagu ridey toodi suubsade´e
Tows aan baxeyn iyo bugtey nagu tallaaleene
Tubtii innaga leexshiyo jidkii innagu toosnaaye
Tashigiiba sida loo gafaan weli tabaayaaye
Towfiiq ma-noqon wiilashii taajka loo suraye
Tacaddi aan yareyn baa ka dhacay tey ku kacayeene (Cismaan Yuusuf Keenadiid)
Qore: Dr. Saadiq Enow
asc walaal aad baad umahadsantahay waxaan kuleeyahay waxaad kamid tahay dadka yar fara kuiriskaa ah ee maantay ufaa iideeyay bulshada soomaaliyeed ee wax aqriska jecel qaasatan kuwa eey dhibku tahay ineey wax ku aqriyaad luuqadaha kale aad baan uga faaiidaeysta qormooyinkaaga maskaxdeeda aad eyey ugu kobocday qoraaladaada waxaana kuleeyahay horey usii wad hadaan maantay awoodo adiga iyo shiiq mustafa xaaji cismaaciil haaruun ayaan wadanka idiin dhiibi lahaa kaliya waxaan talo ahaan kuu dhihi lahaa gabayada waxaad soo qaadataa cismaaciil yuusuf keena diid kaliya kudar mar mar awaaniintii soo maliyeed ee kale www
asc
salaan kadib waad ku mahadsantahay qoraaladaada
runti waa kuwa inta badan an la socdo waana ka faaidada aniga ahaan
prof. saadiq eenow