Home » Faallo »

WAAYIHII DALKAYGA – 2

Muxamad Idris Axmad

Ayaamaha aan ka sheekaynayo saaxiibayaal waa ugu yaraan 45 ka hor…woow…intiina ugu badan markaa ma jirin..waayo Dawlad la,aanta ayaaba hadda 22 sano madaxa la gashay…

Iskuulka waxaan iman jirney aroorta hore…waxaan xusuustaa macalin dhalin yaro markaas ahaa oo luqadda ingiriiska noo dhigi jirey anagoo ah fasalka 2aad.. Wuxuu na tusi jirey sawirka laba arday… Mid aad u bilicsan, ilkaha cadyihiin, wajigu subkan yahay, timuhu feeran yihiin, shaatigu nadiif yahay, kaasi waa arday: Muuqaal fiican, oo bilic ka muuqato… Sawirka kalena: waa wiil aan cadayan, timuhu taag taagan yihiin, wajiga diqsi kaga yamuumayo, shaatigu jajaban yahay: Kaasina waa arday muuqaal xun.. (Waxaa laydin ka rabaa, sida ardaygaas bilicda leh, inaad iskuulka ku timaadaan)..waxaa la eegi jirey buugaagta, iyo kutubta, ardayga ay wasakhaysan yihiin, ama jeex jeexan yihiin, waa la istaajin jirey, ardayda ayaa la tusi jirey sida uu buugaagta ugu ciyaaray..

Waxaan ku dadaali jirney aroorta hore inaad adiga oo bilic leh, timaha subkaday, wajigana maydhay, lebiskaagana xarrago ka muuqato aad iskuulka timaado.. Macalinku agtayada wuxuu ka lahaa haybad weyn, heer aanan indhaha ku qaban karin.. Galbihiina haduu magaalada meel ka mid ah, nagaga soo hor boxo, waa inaan dhanka kale ka baxno oo cararno…

Dadka magaalada ku nool berigaas intooda badan waa xoogsadaan..kuma tiirsana shaqaala nimo dawladeed.. In yar oo macalimiin, cisbitaalka, booliska, maamulka, kastamka cashurta, ayaa dawladda u shaqeeya.. Waxaa la yaab leh dadka in shaqa loo abuuro sidey u wanaagsan tahay oo nabad gelyada iyo nolosha qayb uga qaadato.. Magaalada waxaa berigaas tu taalley wershed kalluunka oo yar..wexey samayn jirtey Toonada.. Shirkadda waxaa maamuli jirey talyaani.. Waxaa la oran jirey (TONA DE CANDALA) ama ( TOONADII QANDALA). Wexeyna ku taalley xeebta, meel wax yar magaalada ka durugsan ilaa 5 km..

Waxaan arki jirey dadka magaalada kala bar oo aroortii u shaqa taga wershedaas..rag iyo dumar.. Ragga iyo dumarkuba wexey ka shaqayn jireen wershedda kaluunka.. Qaar kale wexey ahaayeen, waar diyayaal, ama kuwa alwaaxa ama birta sameeya.. Inta aan wershedda ka shaqayn, qaar badan aroortii salaadda subax ka hor ayey badda u jarmaadaan ayagoo riziqa raadinaya, wexey soo gadoomaan galabtii iyagoo sixiimadaha yar yar ku wata wixii ilaahay badda kasoo siiyey kaluun…

Waxaa xeebta fadhiya shaqaalaha wershedda kaluunka, oo wexey haystaan Miisaan weyn oo kalluunka la saaro, iyo warqado (boonooyin) ah oo ku qraan qofka magiciisa, inta kalluun laga miisaamey, taariikhda, kadibna dadka kalluunka soo jillaabtey oo qof walbaa wixiisii wato ayaa miisaanka yimaada, waa loo saaraa, warqad ayaana la siiya, kadibna baabuurka wershedda (land rover) meesha taagan ayaa lagu guraa, qofkuna warqadiisa ayuu la hoydaa, dhawrkii maalmoodba mar ayuu wershedda tagaa, lacagtiisa soo qaataa…waqtiga nidaamkaas lagu shaqaysanayo waa 1967-68.. Hadda ayaan mar mar dib u xasuustaa, markaas ayaan is iraahdaa: ma dib ayaad u noqoteen 50 sano?

Dadka qaar kale wexey ka shaqaystaan xoolaha ay u dhoofiyaan Yemen, Cadan iyo Mukulli, kadibna wexey soo dejiyaan badeecooyinka loo baahan yahay, raashin, dhar, maacuun..iwm..
Magaalada dukaamadeeda yar yar markaan marno waagaas aad ayaan ula yaabi jirney sidey u cammiran yihiin, macawisaha quruxda badan, shaatiyada, kiishadaha, alaabta taal.. Waxaan aad u jeclaan jirney ragga dukaamadaas leh qaarkood oo deeqsiyaal ahaa nooguna roonaa, gaar ahaan ciidaha, iney 2 shilin ama shan shilin na siiyaan, ama nac nac iyo buskud cadan laga keenay.. Kuwa bakhayladaana waan ka leexan jirney markaan baranay…

Markaa dadku wuu shaqaysan jirey, nabad iyo barwaaqo ayuu dhulkiisi u joogaa, gurigiisa uu leeyahay ayuu ku noolyahay…habeenkii waxaa lagu caweeyaa, makhaayadaha.. Bacaadka markuu dayaxu jiro.. Xitaa meel ayaa la xaday oo xalay loo dhacay, wexey ahayd arrin fog oo aan la malaysan karin, dhegahana in badan kusoo yeerin…Hadda markii aan aduunka maro oo aan arko dad dhulkooda degmooyin yar yar ku nool, oo deggan, nabagelyo iyo nolol iyo shaqo iyo tacliin ku haysta, ayaan dib u xusuustaa inaanu soo marnay, oo sidaas tuulooyinka Sweden, ama Denmark, ama Norway, ama Britain, loogu noolyahay aanu dalkayaga ku ahayn…

Waa socotaa…… https://somalitalk.com/tag/idris/

idiris
W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " WAAYIHII DALKAYGA – 2 "

  1. Ascww Salaan ka dib Sheekh Maxammedoow haddaad ka hadlayso adigu dabayaaqadii lixdamaadkii, anigu waxaan ahay dadkii ku dhashay kacaankii 21ka Oktoobar, kuna barbaaray waxna ku bartay. Waayihii dalkeyga waxaan kugula qaybsan lahaa sheeqoow, arrin dhakafaar igu noqotay oo ii cuntami weysay markaan la kulmay 1991dii magaalada wajeer ee dalka keenya arday dugsiga hoose dhexe ah oo aan kuraas iyo miisado lahayn oo dhulka fadhiya oo wax ku qoraya. Waxaan isku qanciyay waa dad gumaysi ku jiroo horumarka ayaa lagala dagaalamayaa. Balse waxaan ogaaday inaan dalalka deriska nala ah ka horeynay, waa markaan soo gaaray dalkaan Yemen 1994tii, magaalo aad magacaawday oo ah magaalo fil weyn Mukalla, oo ilaa 2006da laga soo gaarayay ay jireen arday dugsiga hoose dhexe ah oo dhulka wax ku barta. Halka aan anigu nasiib u yeeshay markii dugsiga hoose dhexe lay gaynayay 1975tii inaan helo wuxuu ardeygu u bahnaa inuu helo oo ah kuraas iyo miisas. Bal adiguba qiyaas aqristoow imisa sano ayaan ka horeynaa dalalkaa dariska nala ah. Jawaabta adinka uun baan idiin daayay.

  2. SomaliTalk says:

    ASC Walaal Cumar mahadsanid xiriirkaaga. Qoraaladaas oo dhamaystiran walaal ka eeg linkigan http://somalitalk.com/tag/eenow/

  3. CUMAR ABUKAR CISMAN XIDIG codsi ku socda bahda Somalitalk.com 2.11.2013

    Marka hore waan idiin salaamay bahda webkan oo in badan aan kamid ahay akhristayaashiisa.

    Intaa kadib,mudo badan ayaan akheisanayey qoraalada uu qoro webkaan marka waxaa jira qoraalo muhiim ah oo aan u baahanahay in aan si wanaagsan u fahmo,oo aan akhristo laakiin aanan laheyn qeybihii ka horeeyey ee ku xiriirsanaa.

    Waxaa kamid ah qoraalada uu qoray taariikhyahanka soomaaliteed ee injineer EENOW, Oo aah kuwo taariikh ah oo muhiim ah,laakiin kamaqan yihiin qeybihii ku xiriirsanaa Sida SOMALI WEYN DHALASHADEEDII IYO DHAVAR JABKEEDII: qoraaladoodu waxey ka bilowdaan qeybta 25 ama 24 naad, Waxaan marka jecleystay in aan helo Qoraaladaas muhiimka ah ee Eenow uu qorey.

    Marka bahda somalitalk.com waxaan ka codsan lahaa, in ay soo qoraan oo ay soo dhameystiraan qoraalada kala dhiman, Ee aan daneynayo in aan ka faa iideysto soomaalida oo dhanna aya ka faa ii deystaan.

    Waad mahadsantihiin Alle ha idinla garab galo, howsha aad bulshada u heysaan
    waxaan rajeynayaa in aad tix gelin doontaan codsigeyga.