Home » Faallo »

Dardaarankii Shariif C/nuur

Kolkii lagu yiri: Sheekh noo dardaaran wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu ina siiyey diintii ugu fiicnayd, wuxuuna inoo soo diray rasuulkii ugu fadliga badnaa ee qabsada diintaas.

Wuxuu yiri: diintu waa kitaabka (Qur’aan), sunnaha (axaadiis) iyo Ijmaaca ( masalada culumadu isku raacaan).

Wuxuu yiri: dagaalka muslimiinta u dhexeeya ha la iska ilaaliyo.

Wuxuu yiri: Sh. C/naasir ma garanaysaan?. Waxaan ku niri: haa, wuxuu yiri: xaggee joogaa?. Waxaanu ugu jawaabnay Laascaanood. Wuxuu yiri aada oo cilmiga ka barta.

Hadalka kooban ee sheekhu wuxuu ka koobnaa:
1- diinta oo dadka la jeclaysiiyo, loona sheego qiimaha ay leedahay
2- dadka in lagu boorriyo qabsashada diinta iyo barashadeeda, waana dardaarankii nabigeena: “waxaan diinka tagey wax haddaad qabsataan aydnaan gadaashay lumayn: kitaabka Alle iyo Sunnadayda”
3- in dadka loo sheego waxa diinta ah si aysan wax walba diin ugu malayn.
4- in muslimiinta looga digo colaadda sokeeye oo dhaawacaysa walaalnimadooda iyo midnimadooda, cadowgoodana u loogaysa
5- in dadka lgu xiro culumada, loona dardaarmo inay cilmiag kasoo bartaan.

Gabagabadii waa ereyo kooban oo qofkii ku dhaqma uu adduun iyo aakhiraba ku liibaanayo. Diintana waxaa ugu muhiimsan inta ugu caansan ee loo arkay inay ugu sahlantahay, sida arkaanta islaamka iyo arkaanta iimaanka.

Sh. Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Booqashadii Sh. Shariif C/nuur

Xalay baan Sheekh Shariif C/nuur Shariif Xasan (Alle ha xafidee) ku booqanay gurigiisa oo ku yaal xaafadda Qasaala ee magaalada Makka Almukarrama.

Sheekha muuqaalkiisu wuu qurxoonaa, furfurnaan iyo farxadna way ka muuqatay. Intii muddo ah xusuusta dadka kuma fiicnayn oo dhowrkii qofba mid ama labo ayuu xusuusanayey laakiin Ilaahay fadligi wixii cilmi ah kama gadmanayaan. Haa oo hadalka xiriirka ah marar badan wuu dhibayaa.

Shariif Maxamed Shariif C/nuur oo isagu Sheekha la jooga ayaa noo sheegay in xilliga qabowga ah caafimaadkiisu soo fiicnaado. Inta aan la fadhinay mar uu na waraysanayo ama wax la weydiinayo maahee masalooyin cilmi ah iyo xog diinta ku saabsan ayuu midba mar ka hadlayey. Waxaa ka mid ahaa xadiiskii bilaabashada waxyiga ee dheeraa oo uu afsoomaali ahaan noogu dulmaray. Waxaa yaab lahaa markaan usoo galnay inuu kitaabka Mukhtasar Al-bukhaari gacanta ku haystay. Waa dhaqankii qof kasta oo Shariif bartay uu ku yaqaanay inuu kitaab haysto mar kasta oo aad kula kulantid gurigiisa ama masjidka. Qof walba wuxuu ku barbaaro ayuu ku cirraystaa, sheekhuna maadaama uu cilmi akhrin iyo dacwo islaami ah cimrigiisa ku dhameeyey kolkii jirro iyo da’ isugu darmatay miskaxdiisa iyo afkiisa cilimigii iyo dacwadii baa haysta.

cabdinuur

Sheekhu wuxuu naga waraystay meelah aan ka nimid iyo sida muslimiintu ahaayeen gaar ahaan dhinaca dacwada iyo barashada cilmiga. Si gaar ah wuxuu noo weydiiyey culumo ma idiin joogtaa, dugsi Qur’aanada, dagaalo muslimiinta u dhexeeya miyaa jira iwm. Annaguna waxaan ugu bishaaraynay in dalkii iyo dadkii khayr ku suganyihiin.

Intaa ka dib waxaa lagu yiri Sheekh noo dardaaran, wuxuuna soo jeediyey dardaaranka kor ku qoran.

Gabagabadii booqashada muslimiintu diintay ka mid tahay gaar ahaan culumada iyo dadka khayrka ku gaboobay, waxayn ka mid tahay waxyaabaha ummadda isku xira oo isjeclaysiiya, waxaana la gudboon waalidiinta iyo macallimiinta iyo culumada kutubta akhrida inay ilmohooda, ardaydooda iyo dadweynahaba ku xiraan culumada iyo dadka saalixiinta ah; si ay khayrka ugaga daydaan.

Ahmed Abdille
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dardaarankii Shariif C/nuur "

  1. walaale says:

    Allaha u naxariisto Shiikha dadaal dheer ayuu u soogay in aan diinteena barano dadna wuu soo saaray. Hadii qof somali ah awliyo Illaahay yahay anigu Shiikh Shariif C/nuur ayaan u hormarin lahaa!! Janatul Fardowsana waan u rajaynayaa Insha-Allah!

  2. ahmed says:

    asc

    llaaha ha xafido sh.shariif abdinoor, idinkana khayr allaha idinsiiyo.
    walaal sh.c/naasir magaca oo dhamaystirin iyo webka doroostiisa lagahelo ma iiisoo dirikartaan.
    jasaakala kheyr