Home » Faallo »

Afarta Imaam ee Madaahibta Fiqhiga ah !!!!! | Qore Shiikh sahid

HORUDHAC :

Haatan ka hor waxaan wax ka qoray Sideed Caalim oon ku soo moodnay Qarnigii tagey beddelkoodii ma helnay ???? .
Maqaaladdas oo aad loogu bogay, bal maantana aan milicsano Imaamadii Madaahibta Fiqiga ah ee Afarta ahaa : Abuu Xaniifa,Maalik ,Shaafici iyo Axmed bin xanbal, Allaah kuligood ha u naxariistee.
Akhristoow annigoo muddo 15 sano ah ku dhex jiray barashada diinta Islaamka iyo luqadda Carabiga oon ku soo qaatay Jaamicaddii Waxbarashada ee Lafoole , ayaa Alle ii saamaxay in 1993 Wadanka Mareykanka, Magaallada Vienna, VA uu allaah noogu keeno Jaamicadda Imaam Mohamed bin sacuud ee Riyaadh oo Qeyb Darasaat AL-Islaamiyaha iyo luqa Carabiya ka furatay, taas oon ka qalin jabiyey Juun,1999.
Akhristoow markaan Jaamicaddaas ka qalin jabiyey labo arrimood ayaan ka soo faa’ideystay oo kala ah :

1) 1) In Barashada Diinta uu Fiqhigu u yahay Aasaas ,Fiqhiga oo ah Axkaamt oo laga soo dhirindhiriyo Kitaabka iyo Sunnaha.
Ruuxaan Fiqhi kaseyna in uusan Diintaan waxba ka kaseynin ??? Fiqigu wuxuu kala sheegaa waajib, Farad, muxrim, makruuh, mubaax IWM.

2) 2) Cilmiga Diintu in uu aad u badan yahay oo waxaan galay jaamicadda annigoo isku haysta Caalim, se waxaan ka soo baxay annigoo Arday ah.

Haddaba waxaan ku soo qaadan doonaa Maqaalladaan taxanaha ah , Taariikh kooban oon kaga hadlaayo Nolashii Afarta Imaam iyo waliba fiqhigoodii.
Waxaan Taariikhdooda iyo fiqhigoodaba ka soo Qaadan doonaa Kitaabka ( Sunnada iyo Booska ay ku leedahay Shareecadda Islaamka) oo uu qoray DR. Sheikh Mustafa Subaaci Qoraaga weyn ee reer Suuriya ahaa , wuxuuna qoray 1950.
Sidoo kale waxaan Taariikhda Imaam Shaafici asagana la kaashan doonaa Kitaabka ( Macrifatul Al-Sunan WAl Athaar ) ee uu qoray Imaam Al-Bayhaqi .

Haddaba waa kani ku soo Dhawaada Taariikhdoodii oo kooban, Imaamada Afarta ah ee Madaahibta Afarta ah ee hana qaaday.

1) 1) AL-IMAAM ABUU XANIIFAH (1) !!!
80 – 150

Imaamka waxaa la yirahdaa Abu Xaniifa Al-Nucmaan bin Thaabit ibnu Zudhi ,waa imaamugu horeeyey xagga dhalashada, uguna dad badan xagga raacista madhabtiisa,wuxuu ku dhashay magaaladda Kuufa , waana la isku khilaafay sannadka uu dhashay: waxaa la yiri sannadkii 63 dii Hijriyadda , waxaa kaloo la yiri sannadkii 70 hijriyadda, midda Sedexaad oo ah 80 kii hijriyadda ayaa Caam ah , In kastoo Culimada qaarkood ay rajaxaan 70 kii Hijriyadda. Wuxuu ku dhintay Baqdaad sannadkii 150 Hijriyadda , Qabrigiisuna waa caan haatan oo waa la siyaartaa oo wuxuu ku yaal Qeyb asaga loogu magac daray oo la yiraahdo : ( AL-Acdhamiyah) asagoo loo nisbeynaayo Imaamka weyn.

Korniimadiisii iyo Madarasadiisii :

Wuxuu ku koray kuufa oo markaas ka mid aheyd Magaalooyinka ugu weyn ee wadanka islaamka waqtigaas , uguna badneyd Culumo nooc kasta ah ooy ugu horeeyeen Culumada Luqadda Carabiga sida Naxwaha, Sarfiga,Suugaanta IWM.
Markiisii ugu horeysay wuxuu bartay Cilmu kalaamka – oo ahaa cilmiga Falsafadda – ilaa uu ku takhasusay oo uu ka mid noqday dadka faraha lagu fiiqo macnaa looga danbeeyo.Markaas kadib ayuu haleelay Darsigii ama xalqadii Fiqhiga ee Shiikh Xamaad, Shiikhii Fuqahada Kuufa, kaasoo ku xariira Saxaabigii weynaa ee C/llaahi ibnu Mascuud RC, maxaayeelay Xamaad wuxuu wax ka bartay Ibraahiim AL-Nukhaci oo wax ka bartay Calqamah ibnu Qeys kaas oo wax ka bartay C/llaahi ibnu Macuud Allaah raali ha ka noqdee.
Abuu xaniifa kama suulin Xalqadaas ilaa Shiikhiisii Xamaad uu dhinto taariikhdu markay aheyd 120 hijriyadda.
Ardadii Xamaad ayaa isku raacday in Abuu Xaniifa uu booskiisii galo, taas oo u keentay in ay u soo wareegto Madaxtinimadii Madarasadda Kuufa ee ku caan baxday Madarasadda Ra’yiga.
Abuu xaniifa wuxuu noqday Imaamka Fuqahada Ciraaq oo aan lala tartami Karin, wuxuuna noqday mid meel dheer cilmiga looga soo doonto, wuxuuna Caan ka noqday dadkii la waqtiga ahaa dhexdooda sida magaalooyinka Basra,Makah iyo Madiina iyo markii Danbe ee Baqdaad uu dhisay Abuu Jacfar AL-Mnsuur.
Culumadaas oo dhan wuu la dooday wuuna ka faa’ideystay ayaguna wey ka faa’ideysteen.
Sumcadiisii baa sii balaaratay ilaa ay noqotay xalqadiisii Majmac weyn oo Fiqhiga laga barto oo ay ku kulmaan Muxadithiintii waaweyneyd sida C/laahi Ibnu Mubaarak,Xafsa ibnu Qiyaath, sidoo kale ay ku kulmaan Fuqahadii waaweyneyd sida Abii Yusuf ,Mohamed ibnu Xasan oo ahaa labadiisii arday ee ugu caansanaa iyo Zafar iyo Xasan ibnu Ziyaad, sidoo kale waxaa xalqadiisa camiri jiray Zuhaadii waaweynaa sida Fudeyl ibnu Cayaadh iyo Daa’uud Al-dhaa’ii.
Abuu xaniifa kama suulin in amaanada Cilmiga asgoo waliba ku dadaalaaya Cibaadada iyo ku toosnaanta mucaamaladda iyo adduunka oo laga zaahido iyo Muslimiinta dhan oo loo naseexeeyo ilaa uu rabigiisii kala kulmay asgoo raali kaah.

Usuusha madhabtiisa :

Imaam Bayhaqi wuxuu soo saaray asagoo ka warinaaya Yaxya ibnu khariis, wuxuu yiri : waxaan la joogay Sufyaan (1) oo uu Nin u yimid oo ku yiri : maxaad ku duraysaa Abuu Xaniifa ?sufyaan baa yiri maxaa ka wadaa ? Ninkii baa yiri : waxaan maqlay asgoo leh: ( Kitaabka Allaah ayaan qabsanayaa , haddaan waayo Sunnaha Rasuulkeena NNKH ayaan qabsanayaa, haddaan waayo qolkii saxaabadda kuwaan doono ayaan qaadanayaa,kuwaan doonana waan ka tagayaa se Qolkooda ka dhex biximaayo.
Laakiin haddii arrinku soo gaaro – ibraahiim Al-nukhaci iyo AL- shacbi, ibnu siiriin,Xasan Al-Basriye,Cadhaa ibnu Rabaax iyo Saciid ibnu musayib – waa rag Dadaalay sidey u dadaaleen baana u dadaalayaa .Riwaayad kale wuxuu ku yiri : ( wixii aan quraanka ka waayo waxaan qaadanayaa Sunnada Rasuulka NNKH iyo athaarta Saxiixa ah ee dadka lagu kalsoon yahay ku dhex faaftay ) !!!..Wixiise aan Nas ku soo aroorin kitaab ama sunnah ama Qowl Saxaabi, wuxuu ula noqon jiray Qiyaaska oo uu aad ugu fiicnaa.

BUUQA WEYN EE SHIIKHA LAGA FIDIYEY :

Taas aan soo sheegnay waa usuusha madhabtiisa Caamka ah ee fiqhiga iyo Ijtihaadka ku dhisan, sidaad u jeedana waxba kama duwana usuusha Imaamyada kale siiba seddexda Imaam ee noo iman doona.
Wuxuu Shiikhu mudnaa in uu Taariikhda Islaamka magaciisu ku maro mid magac weyn leh,siiba waxyaabihii uu u qabtay u adeega Islaamka iyo kor u qaadida fiqhiga iyo soo saaridda Arday Fara badan , se waxaan arkaynaa in waqtigiisii lagu kiciyey Buuq fara badan ilaa xataa dhimashadiisii kadib uu buuqaasi sii socday, Dadkiina waxay u qeybsameen Nin Ictiraafsan Fadligiisa oo u dhaga raaracsan Cilmigiisa, oo qirsan Imaamnimadiisa, kuwaasina waa Culumada sida ay u badan yihiin ama kuwa lagu magacaabo ( jamhuurta ) .
Sidoo kale se waxaa jira mid xisdinaaya oo dadka ka eryaaya fiqhigiisa , malahana u xumeynaaya asaga iyo Saaxiibadiisba , Haddaba maxaa keenay Buuqaas ood u Maleyneysaa Akhristoow???? Yeyse yihiin kuwaas Shiikha duraaya .

Waa inoo qeybta labaad ee Taariikhda Imaamka weyn ee Abuu Xaniifa Raxmatullaahi caleyhi !!!!

Wa bilaahi Tawfiiq .

Shiikh sahid Mohamed yusuf
USA, VA
sahidyusuf@yahoo.com
Al-mutakhasis fil Xarakaat Al-islaamiyah .

1) waxaan u maleynayaa sufyaan ibnu cuyeynah .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Afarta Imaam ee Madaahibta Fiqhiga ah !!!!! | Qore Shiikh sahid "

  1. maxamed says:

    Sheekh waa taxane fiican. in culimadii diinta kor u qaaday la xuso oo wax laga barto. waxaanse jeclaan lahaa inaad soo raaciso wadamadda islaamka sida ay madhabtaas ugu kala badanyihiin. tusaale inaga soomaalida waxaa la raacay madhabka Imaamu shaafici. markaa shaxda wadamada nosoo raaci.
    Jasaakallaahu kheyr.
    asc.