Home » Maqaallo »

AFOOYINKA RAGAADIYEY BULSHA WEYNTA SOOMALIYEED

AFOOYINKA RAGAADIYEY BULSHA WEYNTA SOOMALIYEED Mahad oodhan eebbe weyna kor kiisa bay ahaatay , Naxariis iyo nabageliyona Suubaneheena korkiisa ha’ahaato intaa kadib .

Waxaan jecelahay inaan qormadayda ku idleeyo Murtida iyo oraahda ay Maskax-Maalayaasha Soomaliyeed ” Philosophers ” ay ka dheheen dhibaatada ragaadisay bulsha weynta Soomaliyeed iyo halka ay salka ku hayso oo ay fadhido , Waayo hadii aan la garowsan dhibaatadu halka’ay salka ku hayso oo aan loo miidaan deyin waa adagtahay in xal lagagaaro . Hadaba si’aan u fahano aafooyinka dib udhaca ku riday guud ahaan bulsha weynta Soomaliyeed waxaa lama huraan ah inaan soo dheegano Abwaaniintu iyo Maskax-maalayashu wax ay ka dheheen oo ay ku hogatusaaleeyeen.

QABYAALAD 

Aafo ka milgo culus ma jirto sidaan filaayo Qabyaalada oo ah cudur bulshada Soomaliyeed oo dhan ku baahay , waxaa jira farqi u dhexeeya Qabiilka iyo Qabyaalada , Qabiilku waa qoweys Xiriir_dhiig ka dhexeeyo waana midka ay ina ku dhiiragelisay diinteenu inaan isku barano ,naguna fartay inaan wakasta oo wanag ah isku taageero , Waxa ay diinteena Shariif ka ah ina ku boorisay inaan qofka kula ehelka ah markii uu xumaan sameeyo aan qabano, kolka laga gardaran yahay ee dulmiga loo geystana aan xaqiisa u dhicino iyadoo aan xad-gudub la sameynayn .

Qabyaladu waa qof ehelkaaga oo xumaan lagu taageero iyo dulmi waana aafo uu inoo ka degay Suubaneheenii oo uu dhehay ‘ Kataga waa wax xun oo kharaar badan ‘ waana hogii uu Nebigeenu NNKH uu ka soo badbaadiyey Qoomiyadii carabta oo wagaas si’ aad ah u qiimeyn jirtay Qabyaalada.

Abwaan kuluu isaga oo inoo kala dirsoocaaya farqiga u dhexeeya Qabiilka iyo Qabyalada waxaa uu yiri .

Qabiil waa dirkaagiyo
Qoweys kaad u dhalatoo
Tahay inaad qadarisaa
Qabyaaladina waa qurun
Waa Qaaxo iyo cudur
Dadka kala qoqoba oo
Qololola u qeybshee
Qabiilkoo la dhalan-rogay
Xaqa qoomiyaha kala
Lagu qaado weeyaan.

Philosopher Cabdullahi Suldaan Timacade ayaa ka mid ah maskax-Maalayaasha sida aad ka ah bulshada uga digay aafada iyo dhibaatada Qabyaladu ay leedahay una hoga-tusaaleyey sida ay bulsha weynta soomaliyeed uga baahday waxaan uu yiri :

Ka habowday Soomaliyey hilinki toosnaaye
Hohay iyo tollay raganimaad kaga habsaanteen
Haday taladu kuu muuqato lagula haaneedin
Hifaatiyo waxay kugu tartaa huq iyo ciileeye
Anuunbaa Hinganayee wanaag uma hilowdaane
Nin Qabyaalad heensaynayaa Guul ma hoosmimoye .

Abwaan Geeraare Isaga oo ka hadlaya aafada Qabyalada kuna tilmaamay in lagu galo mutaysto carada eebbe iyo Cadaabtiisa waxaa uu yiri :

Waxaa lagu tahluukoobayaa waan tun buurahaye
Tol iyo Maal ku faan baa cadaad lagui tagaayaaye
Nin walbow naftaada u turoo tii Ala xasuuso
Hada kalese Tookhoo waxaa taran sataa weeye .

Abwaan Abshir Bacadle oo ka hadlaaya in ummad weliba ay leedahay musiibo aafa u noqota halka ummadda Soomaliyeed melegeedii uu noqday Qabyaalada, Waxaana uu cudurkaas dilaga ah la meel dhigaya Jahannamo iyo cadaab waxaana uu yiri :

Quruun weliba cudur qaas ah oo qeybiyaa jira’e
Soomali beleda loo qoree Qalinka loo saaray
Wax Qabiil ka daran Jahannamaan qiray aqoontayda .

AQOON-DARO 

Dadka ku xeeldheer Aqoonta amase cilmiga loo yaqaano “Education ” waxaa ay ku qeexaan Aqoontu inay tahay agab horseeda isbedel maskaxeed , fikradeed iyo isbedel Hab-dhaqaneed ( Behavioral change ) hadii aysan aqoontu horseedin isbedel dhab ah, waxaa ay dheheen laguma tilmaami karo qofkaas Aqoonyahan . Waa halka cudurka Soomaliyeed fadhiyo waxaaana hormuud u ah qof aqoonyahan sheeganaaya hadana aysan aqoontu ka muuqan oo haba yaraatee wax Isbedel_Dhaaqameed “ Behavioral Change ” ku dhicin , welina haya tubtii uu hayey kolka uusan waxbaran una fekeraaya sida qof aan aqoon lahayn oo kale .

Aqoon waa caqliga aadmigiyo aayatiin wacaane
Araxdii bulshada weeye iyo udub dhexaadkiiye
Agabkeeda ruuxii waatoo aysan kana muuqaan
Aadmigu ma qaadanahayaan waa Aqoonyahane.

Ummadda Soomaliyeed inta waxbaratay waa badan yihin lakiin inta buuxisay Shuruudaha aqoonyahanka oo isbedel aqooneed leh waa’ay yaryihiin , Waxaa inoo hoga tusaaleynaaya Abwaan Soomaliyeed , waxaana uu ku tilmaamay dhibaatada Soomalida haysata inay tahay Aqoon-daro raagaadisay dhamaan qeybaha bulshada oo dhan waxaana uu yiri :
Soomali cudurkey qabtaa waa cilmi la’aane
Col waxgaranayiyo jeer Ilaah caalim ka abuuro
Ceynaansan meysee inay cabato mooyaane.

Philosopher Al Xaaji Cismaan Yusuf keenadiid isaga oo ka hadlaaya Aqoon-xumada iyo saameynteeda, dhanka kalena inoo iftiiminayaa dhibaatada ummada Somaliyeed ku habsatay inay tahay mid ay iyagu gacantooda ku kasbadeen waxaa uu yiri :

Aqoonyarina Soomali bay iil ka dhaadhicine
Arrinxumo ninkeedii intuu eedayaa badane
Asbaab ay dhigeen bu ku yimi armak haystaaye

HOGAAN-XUMO

لا يصلح الناس فوضى لا سراة لهم ** و لا ســـراة اذا جهـالـهـم ســــادوا
تهدي الامور بأهل الرأي ما صلحـت ** وان تـوالــت فـبــا لا شـــرار تـنـقـاد
اذا تـولـى ســراة الـنــاس امـرهــم ** نمـا علـى ذاك امـر القـوم فــازدادوا

Hogaanka wanaagsan had iyo jeer wax uu bulshada u horseeda barwaaqo iyo horumar taasna waxaa inoo hoga tusaaleynaysa Wadanada horumaray sida Malaysia iyo Wadanka Turkiga oo labaduba ah labo wadan oo Islaam ah hadana dhibaatooyinka ummada Islaamka haysata iyo caqabada faragelineed oo lagu hayo awgeed waxaa ay horseedeen inay la yimadaan hanaan iyo tub horumareed ay ku samatabixiyaan bulshadooda kuna gaarsiiyaan heer barwaaqo sooran ah, Qabyaalada keli ma ah aafada ragaadisay bulshadeena balse waa afooyin is biirsaday sida aan horay u sheegay , waxaana aafooyinkaas ka mid ah hogaan-xumo waayo qof kasta oo wanaagsan waxaa uu ka cararayaa xilkii , waxaan taa bedel keeda gashay in bulshada Inteedii xumayd ay garwadeen u noqodaan.

Abwaan kuluu isaga oo ina hooga_tusaaleynaaya dowrka iyo kaalinta horumareed ee hogaamiyuhu leeyahay waxaa uu yiri :

Dadku haduu hogaan adag lahayn daacad u adeega
Inuu Degel-cidla ah gaaro iyo daayac waw halise .

Philosopher Al Xaaji Cismaan Yusuf keenadiid ayaa inoo iftiimiyey sida bulsha weynta Soomaliyeed hogaan kii uga xumaaday waxaa uu yiri :

Raggii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye
Kuwii maqaddimada looga dhigay, waa manfaca-raace
Mar maxaad cuntaan keliya yuu yahay, maqsuudkoode
Nin mushaharo eexeynayaa waa, miskiin dhabahe
Muddiic waxa ka dhigay wa inuu, maarmi-waa yahaye
Muddaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye.

GARASHO IYO DAACAD LA’AAN

Daacadnimadu waa shay muhiim ah oo had iyo jeer looga gudbo aafooyin badan waana tii uu lahaa Abwaan Hadraawi :

Inkastaad dabbaashiyo taqaan duurka xuliddiisa
Ood dabin ka bood tahay nimaan cidi dareemeynin
Waxa daadka lagu dhaafayaa daacaddoo qudhahe

Waxaa uu inoo hogatusaaleyey Abwaanku in daacadnimo tahay sababta dhibaatooyin badan looga samatabaxo , hadaba daacad la’aanta waxaa sabab u ah Qabyaalada iyo tuhun qolola walba ay ka qabto qolada kale taasi wax ay dhalisay in qola walba ay qolada kale u aragto cadowgeeda amase dad had iyo jeer u tagan inay duudsiiyaan xaqooda taas wax ay abuurtay jawi aamindaro taas oo horseeday dadku inaysan daacad isu noqon qofkii daacada ahaana tuhun xun laga qabo waxaa inoo hogatusaaleyey dhibaatada tuhunka bulshada Soomaliyeed ku hayo iyo aafooyinkiisa Abwaan Maxamed Gacal Xayow ” AHN” :

Inta reer ba reerkii la cola Raada ka arkaayo
Ruuxii wanaagsan intii Raafidadu boobto
Runta lama jecelee Been intii loo ratirinaayo
Rafaad kaa ku go’an wacadalaan riiq la siin karine .

Daacad la’aanta bulshada dhexdeeda ku baahday iyo sida had iyo jeer bulsha weynta Soomaliyeed qola weliba ay dantooda u fiirsato , danta guudna la hilmaamo waxaa isguna inoo tilmaamay Abwaan Cadoosh Waxaana uu yiri :

Soomaliyey Daacadnoqo lagala soo daalye
Hadba kii dantooda u waday dibin u qoolaane
Waa waxay duray iyo duray dir u lahaayeene .

Philosopher Timacade isaga oo ina dareensiinaaya cudurka iyo aafada doqonimada ah ee ku dhisan danaysiga iyo qofka oo tiisa qura fiirsada oo danta guud aan daryeelin waxaa uu yiri :

Doqonimo Soomaliyey waa loogu dowgalaye
Goortaan horoo loo durkiyo derejo eegaaye
Haduun baa sidii buul Duqeed daaha loo rogaye .

Aafo weliba wax ay leedahay tab iyo xeelad looga baxo hadii la adeegsado himilo iyo hiraal fog kuna dhisan waayo aragnimo . Waxaa hubaal ah in dhibaatooyin kaan oo dhami ay isku xirin yihiin Tusaale ahaan : Qabyaaladu wax ay dhashaa inaan hogaan wanaagsan la helin , hogaan la’aantuna waxa uu horseedaa Burbur-Bulsho iyo tafaraaruq keenay in dhamaan qeybaha bulshada ku beeranto tuhun iyo kalsooni daro taas oo iyana abuurta jawi dadka ka sii kala fogeeya , miro dhalkiisuna noqday aafo lid ku ah horumarka bulshada .

Hogaamiye walba oo wanaagsan waxaa uu xididda u siibaa dhibaatooyin walba oo ragaadiyey bulshadiisa , marka ay dadku arkaan daacadnimadiisa iyo himilada fog ( Ideology ) uu xambaarsan yahay ayaa waxaa is dhalan-roga dhaqan-qabyaaladeed kii ragaaadiyey , waxaana bedela dhaqan-wadaninimo oo horseed u ah tubta horumarka bulshada (Social Development ) .

Hadba Xalka aafooyinka bulshadeena ragaadiyey waaa Hogaamiye daacad ah( Good leader) oo leh hiraal iyo himilo fog kana fiyow aafooyinka dibu dhaca u keenay bulshadeena.

Sida uu hogaamiye daacad ah u ciribtiro aafada qabyaalada waxaa tusmo iyo tusaale inoo ku filan Madax weynihii hore ee Wadanka Tanzania Julius Kambarage Nyerere .

Nyerere Waxaa kuu ka samatabixiyey wadankiisa aafada qabyaalada waayo wadanka Tanzania waaa ku nool qoomiyado kala duwan oo kasoo jeeda qabiilooyin farabadan balse waxaa uu ku guuleystay inuu ka dhigo hal qoomiyadeed oo leh hal aragti wadaniyadeed oo midaysan , waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “In Tanzania, it was more than one hundred tribal units which lost their freedom; it was one nation that regained it” Hadii Tanzania oo ka kooban in kabadan boqol qabiilo ay wayday xoriyadeedii ,wax ay soo ceshan karaan iyagoo ah hal qoomiyadood oo leh aragti wadaniyadeed oo midaysan “ .Waxaa kale oo uu yiri “If real development is to take place, the people have to be involved.”

Nyerere waxaa uu ahaa hogaamiyey daacad ah lehna aragti wadaniyeed oo fog taas ba u suurtagelisay inuu ka badaadiyo wadankiisa Afada ay qabyaaladu leedahay , Maantay wadanka Tanzania ku arki mayso dad Qabyalad raad ku leedahay , tusaalahaan waxaa uu inoo iftiiminayaa in qabyaalada Bulsho weynta Soomaliyeed ragaadisay xalkeedu yahay hogaan wanaagsan oo ay bulshadu hesho .

Waxaa kale oo looga bixi karaa qabyaalada marka la helo jawi Cadaalad ku dhisan taasna waxaa tusaale inoo ku filan Suubaneheena ( NNKH) oo ka samata bixiyeya Cabarta aafadii qabyaalada , xaqiiqdii Nebigeenu waaa tusaale iyo tusmo dhan walba oo wanaagsan hadii ay noqon lahayd hogaaminta iyo maaraynta afooyinka bulshada ama hadii ay noqon lahayd sida xididada loogu saaro aafada qabyalada bulshada looga dhigo mid hal fikir oo midaysan leh .

Ugu danbayntii waxaan qormadayda ku soo afmeeraya gabay uu tiriyey Abwaan Ahmed Qorane oo ah shaqsi mar walba u tagan baraarujinta bulshada , una tilmaama dowga iyo tubta toosaan :

Dadka lagama quustee marbay wax iska doorshaane
Bal inuu qalbigu soo debcoo dib uga waantoobo
Duco iyo dedaal bay rabtaa daacad loo yahaye
Ergo lagama daaliyo waxaad daw u leedahaye .

Mahadsanidiin


Mohamed Nour Mohamoud ”  Kuluu “
Islamabad Pakistan 
kuluu22@gmail.com

kuluu

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " AFOOYINKA RAGAADIYEY BULSHA WEYNTA SOOMALIYEED "

  1. JAAWE says:

    Sxb Qoraalka anooon ka Hadlin waxaa Marka Horaba kaa Qaldan CINWAANKA oo ah Shayga ugu Muhiimsan Xaga Qoraalka ,,,!! Eega qaabka aad u dooratay Cinwaankaaga oo ah mcquulo saan arko Lakin Qaab qoraalkiisa oo qaldan awgii ayuu macno kale yeeshay ,,,, !!! U Fiirso waxaad tidhi AFOOYINKA == Xaasaska la qabo !!,,, Ogow Adiguna AAFOOYIN baad rabtay oo ah Musiibooyinka,,, Waxaa ayana Naxdin leh Xataa hadii qoraalkii adi kaaa yimi Meeye Editors-kiii SOMLITALK mise ayana waa dadka Duufaantu keentay ee waayadan danbe meeel walba iyo Field kasta qabsaday