Home » Faallo »

Maxaad kataaqaana Sh. Daahir Aways ?

 

Waxaan go, aansaday inaan warbixin kooban kaqoro sh. Xasan daahir aweys , qoraalkan waxaa igu kalifay inaan qoro, sedex arimood oo kala ah

1 waxaan ogaaday ummadda soomaiyeed inteeda badan inaysan aqoonin shaqsiyada sh. Xasan daahir, waxa, ay ka sheegayaanna ay hiin been iyo boro bogaando marka la gareebo wax yar oo alle u naxariistay, markaad si hoose ubarato sh. Xasan daahir, waxaad ogaaneysaa shacabka soomaaliyeed intiisa badan iney isugu gargaaraan beenta iyo qabyaalada, maxaa yeelay akhlaaqda dhabta ah ee alle ku abuuray sh. Xasan iyo waxay ka aaminsanyihiin waa kaaf iyo kala dheeri .

2 markaan sh. Xasan bartay waxaan aad u layaabay waxa kalifay dadku iney ka aaminaan wuxuusan ahayn, kadib waxaan go, aansaday inaan baaritaan sameeyo, baaritaankii waxaan ku soo ogaaday, dadka sh. Xasan neceb inay yihiin 4 qaybood 3 qaybood nacabkoodu wuxuu ku salaysan yahay qabyaalad, kan 4aad wuxuu ku salaysan yahay caqiido diini ah, halkan waxaan ku sheegidoonaa inshaa, allahu 3 arimood, tan kalana waxaan uga tagayaa duruuftaagan awgeed. A. sh. Xasan qolo waxay ku neceb tahay caqiidada salafka, B. qolana waxay ku necebtahay qabiilka hawiyaha ee uu kadhashay. C. kuwa kalana waxay ku necebyihiin jifada habargidir ee uu ka soojeedo waa aragtidayda xaqiida dhabta ah allaa og.

3 Ummadda soomaaliyeed waxay noqotay mid aan tixgalin diin, caqli saliima,shaqsiyad wanaagsan iyo wadaniyad toona, marka la gareebo wax yar oo alle u naxariistay, laakiin waxaay tix galyaan hunguri sixun loo radiyo , jago lagu raadiyo diinta oo lala diriro dalka oo gumeeysi loo gacan galiyo iyo qabyaalad, taasina waxay sabab u noqotay qofkasta oo mac naleh in la fogeeyo, midkasta maaquure ahna la amaano wanaag uusan lahayna lasiiyo. Waxaanan isleeyahay wax yaabaha keenay waanaagii shieekha in xumaan loo baalo, ayaa kamid ah arimaha aan korku sooxunay.

Maxaad kataqaanaa shieekh xasan daahir?

Sh. Xasan daahir illaahaybaa yaqaana xaqiiqdiisa dhata ah, waxaanse jcleystay inaan idiin soo gudbiyo. inta aan ka aqaanno thaahirkiisa

1 sh. Xasan waa nin ku dhaqma diinta islaamka inta uu awoodo, aqoon fiicana uleh, jecelna in ummadda soomaaliyeed ku dhqanto sharecada islaamka in shaa allaahu.

2 sh. Xasan waa nin jecel iney wadahadasho ummadda soomaaliyeed waxna isla meeldhito, wuxuuna neceb yahay daba istaaga gumeeysiga iyo u adeegida cadawga islaamka iyo cadawga shacabka soomaaliyeed

3 sh. Xasan waa ninka ugu cadaaladabadan dadka siyaasada kujira inta aan anigu aqoonta u leeyahay in shaa allhu.

4 Sh. Xasan waa ninka ugu qabyaalada yar raga siyaasada kujira intaan garanayo ogaalkayga.

5 Sh. Xasan waa nin cibaada badan thaahirkiisu illaahayna ka baqa in shaa allahu.

6 Sh. Xasan waa ninka ugu hunguriga yar dhinaca dhaqaalah inta aan aqaanno dadk siyaasada kujira.

7 Sh. Waa nin ogol dooda iyo xiwaarka sikasta oo aad u kala fogtihiin ama uu kaaga awood roonyahay.

8 Sh. Xasan waa nin deeqsiya oo baahi kasta oo uu qabana waxa uu hayo dadka u quura oo aan bakhaylin intabadan .

9 Sh. Xasan Waa nin geesiya oo ku adag arimaha diinta, waana nin aaminsan wadatashiga iyo shuurada sida aan horay u soo sheegay.

10 Sh. Xasan waa run loow beenta iyo khayaamadana neceb, dadkna aad u xurmeeya, wuxuuna caado u leeyahay dadka inuu xiriiriyo oo uu san gooynin.

11 Sh. Xasan waa nin aan aamin saneyn qabyaalada, laakiin aaminsan mabda, islaamka iyo xarakada uu katirsan yahay taladeeda.

12 Sh. Xasan qofkasta oo muslima xabiib ayuu u yahay xaasadna ma aha.

Anigu illaahay nin kadha hirimaayo waxanse u rajeenayaa sh. Xasan inuu ahlu khar yahay, illaahayna uusan hoojineynin inshaa allaahu.

Akhristoow illaahay baan ku dhaariyaye kahadal arintan , hadaad si dhabb ah u taqaanno sh. Xasan daahir, hadii kale aakhiradaada uturo.

Shardiga aqoonta, ugu yaraan waa inuu kulan

sadaa 3 arimood

  • 1 inuu jid lamaray
  • 2 inuu jabad lagalay
  • 3 inuu jidiin lacunay

Sadexdaas hadaad midkood tahay ka hadal war, kaagana waan u baahanahay, wixii aan saxay, igu raac waxaan khaldayna igasax in shaa allaahu.

Car yaa sheegi kara nin soomaaliya oo siyaasiya, oo intaas oo waanaagana ku lansaday , ideecadii radio muqdisho waxay soo deyn jitay hadal aan layaabijiray, laakiin hada aan garr waaq saday, ideecadu waxay oranjirtay hota qabo siyaadoow, bal qofkale ku soo dara.

Hadal kaasi wuxu ahaa mid dhab ah 22 sano kadib waa lalayahay madaweyne aan maxamed siyaad ahayn, ileen talo isuma kaasheeto halkay tuurkuleedahay, dadku xagey ka helayaan wax wanaagsan igaya giibaa, wanaagii la dirirayee, soomaali waxaad ku deysaa waa nimankii maxamed siyaad derbiga uga daatay c/llaahi yuusufna soo doortay, CILMI CARAB WUXUU YIRI HADUUN CALIGU KAALUMIN MIDHAA WAAD ILAABGARAN.aniga waxay ila tahay garashadayda yar madaxweynihii soomaaliya dhita ay kujirto uga bixilahad waa sh. Xasan daaahir in shaa allaahu

hassandaahir

Sh. Xasan daahir maxay keeni kartaa Haduu siixir naado hadiise la siidaayo, maxaa kadhalankara ?

Sida runta ah, kuma talagalin qoraalka inaan dheereeyo laakiin isagaaba, barakoobay waxaanan jeclahay inaan si kooban uga hadlo hadii alle idmo

1 waxaan isleehay hadii lasiidaayo sh. Xasan wax badan oo ha laysan buu illaahay ku hagaajindoona in shaa allaahu, waxaana ugu horeeya beesha habar gidir oo sheekha shirqooshay,iyaguna sheegaya in balan looga baxay, wax jirana allaa og.

2 sheekhu wuxuu ka soo qancay shabaab oo uu siyaasadoodii badda kuriday, wuxuuna diyaar u yahay wax kasta oo wanaaga oo ummadda soomaaliyeed ay leedahay inuu hormuudka noqodo, sidaas darteed xaq u maleh inuu sii xirnaado, maxaayeelay dowladu diyaarad,b/buur iyo lug toona kuma soo qabsanin, qabiilbaa ku yiri waan ku magan galineynaa kadibna doowlada udhiibay, sida la ii sheegay qabiilkii wuxuu leeyahay dowladu way nasirtay ee balantii ha oofiso warkan qabiilku haduu sax yahay, doowladu way khaldantahay, bini adamkuna balan buu wadaagaaye been ma wadaago, tan lkale dadbaa waxay leeyihiin sh. Xasan maxkamad ha lasaaro, goormaan ku heshiinay in maxkamad la saaro qofkii dalka denbi kagalay, waxaa jooga ku wii soo galiyay dalka itoobiya ,kiinya, ugaadha, burunhi iyo siiral yoon, sub xaanallaahi war dadku cadaalad yaraa, A. waa in soomaalidu ku hishiisaa wixii dabi loo hasto in maxkamad hala saaro, B. waa in loo hishiiyaa labadii dhinac ee loo dagaalamay waa macno lagaran karo wixii ka soo haray waa shaqadii soomaalida ee isdaba wareega ahayd sideey ilatahay.

3 sheekha hadii la siideyn waayo waxaa ka dhalan kara waxaan la fileynin waa malahayga xaqiiqdana, allaa og, waxayna u dhawdahay doowlada xasan sh. Sheikh iney burburto dagaallo so keeyana biloowdaan, hadii xurmo la waayo lama kala xiniinyo badeno, AYAX DHOWRE WUXUU YIRI QABQABDHAAFAY BAY LABAQABIIL QARAN KU WEYDAAYE< WAA QAYDAR LOW KAAGA GO,AY HADALKA QAARKIISE QOORAHA WAXAA LOOGA LULAY WAYSKU WADAQARE< MAR HA DAYDAAN QUURSIGA XUN IYO QALADBA DEYNEYNIN WAX QIRAALA INAAD MAALINUUN QARANDHACAYSAANOO QABKAAD MUDUG LA JOOGTAAN RAG WAYSKU QATALMEYSAAN gabaygan waan baal goostay lasoco< waxaan akhriyay wiil maqaal ka qoray saadaala sheikh xasan wuxuu kadhigay aniga garashadeyda neef ariya oo xasan sheikh maxamuud u xiran oo sidii la doono lagayeelikaro, anigu waxaan leeyahay Sheikh xasan waxa la ga qorayo haga fiirsado , qoralkaas oo kalana waxaan u aqaanaa baaq , sheikh xasan illaahay baan ka baryeeynaa inuu soo daayo thuma soomaali waxay habargidir uga fadhidaa meeshay ku rideen sheikh iney ka soo saaraan soomaalida wanaga jecelna wayn idin garabtaagantahay in shaa allaahu.

ugaas_maxamedwali

Waxaa qoray Ugaas Maxamed wali Sh. Axmed Nuur

kulmiyepress@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Maxaad kataaqaana Sh. Daahir Aways ? "

  1. ja says:

    xasan daahir anigu shakhsiyan aqoon duruqsan uma lihi kaliyaha waxaan ka sheegi karaa waxyaalaha lagu xusuusto oo umadada si waadax ah u ogtahay mara rabo in aan amaano ama caayo laakiin waxaa rabaa in aan iftiimiyo wixii dhib loo aanaynayo kaw qofka waxaa lafiiriyaa wanaagiisa iyoxumaantiisa hadii xumaantiisa ay ka badato wanaagiisa qofkaa waa kheyr beele xasan waxaan ku xussuustaa xasuuq barakicin madaafiic shacbiga dhaxdiisa laga dhaxtuur marka uma hayo amaan aan ka ahayn dhibaateyn shacab

  2. Mohamed says:

    Ninka waxaan qoray waxaan waydiinayaa suaalahaaan.

    1.xasan cimrigiisa siyaasadeed wuxuu ku qaatay dagaal xaq daro ah kasoobiloow kii sagaashankii bariga uu dadka ku xasuuqay ku xeji kan uu hada naftiisa ugala cararay ee khawaarijta….ee walaal allaan kugu dhaarshee hadaad xasan saas u amaantay ma waxaad i leedahay nimankii shaamoow qarxiyay way saxnaayeen….nimankii dr sh axmed isagoo salaad subax kasoo baxay soomana toogatay way saxnaayeeen miyaad ileedahay….ma saxnaayeen nimankii sh cabdulqaadir nuur faarax isagoo casar tukanaya masaajidka intay kabaha lasoo galeen dilay ..

    2.nimanka gabdhaha soomaaliyeed khawaarijka fitnaysan ee dibadaha ka timi kasabka ugu guuriyaa saxan miyaad i leedahay..

    Iska daa nin jeclaysiga ina aways wuxuu mutaystay in loo gawraco siduu malaayiin u gawracay ……. Markaad amaantid isaga waxaad amaantay khawaarijtiiii ….waana amaan aad u wadid khawaarijta oo isaga ugu soo gabanayso

  3. cali says:

    Ninkan qoraalka soo qoray ee ugaaska sheegta wax micno leh oo uu sheegay ma jirto. Sheekh xasan daahir khaladaad badan oo diini ah ayaa lagu heystaa oo ay ka mid tahay inuu xalaashaday dhiiga dadka muslimiinta ah iyo xad gudub diini ah inuu ku dhacay. Isagaa u baahan inuu Allah u towbad keeno ee ma ahan inuu ninkan ugaaska sheeganaya noo buun buuniyo. Mida labaad ninkan ugaaska sheeganaya waa ninkii afar iyo labaatanka saac buun buunin jiray nimankan khawaarijta ah ee madaxa duuban ee banneystay dhiiga culimada, aqoon yahanka, odayaasha iyo dhamaan ummada soomaaliyeed iyago dano kooxeed oo caqiida kharriban wata. Waxaan la yaabay in somalitalk ninkan iyo wixii kooxdaas la xiriira ay meeshan soo galiyaan iyagoo og khaladaadka diiniga ee ay ku kaceen.

  4. somaali says:

    UGAASKA WAA KU RAACSANAHAY IN SH XASAN INTA SIYAASADA SOO GASHAY UGU ROONYAHAY OO UU YAHAY NIN ISLAAMKA JECEL IN LAGU DHAQMO WAXAASE LAGA RABAY IN MARKA UU HADLAAYO OO HADLKIISA DEEL-QAAFKA KA ILAALIYO…ADIGAUSE HA NOO KAL FADILIN SIYAAD BARRIHII GAALOOBAY EE DIINTA KU XAD GUDBAY IYO INA YEEY OO AMXAARO WADANKII SOO GELIYEY…LABADUBA WAA KHEYR LAAWAYAAL ILAAHNA HA KA ABAAL MARIYO DHIBKII AY GEYSTEEN AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN

  5. Asc ugaas anigu waxaan fahmi waayay sidda aad u rabto in ummadda soomaliyeed uga jahli saarto figrada ay ka qabaan xasan daahir oo aad ku sheegtay fikrad khaldan laakiin Wax baddan baa kaa khaldan adiga si cadaalad ahna ugamaad hadlin arinkaa aad soomaliweyn soo dhexdhigtay oo noomaad sheegin wuxuu ku xumaay Wax san uun baad ka sheegtay waligayse anigu Wax san oo laga sheegayo ma maqal xasan daahir adiga ka horrow adiguna shiqsi baad tahay kaliya . xasan hadduu sheekh yahay Wax sana la rabo umadda soomaliyeed caruurta been intoo ka dhaadhiciyo boorso qaraxda uma soo xidheen oo lagu laynayo dad soomaliyeed oo aan waxba gaysan cidna dambi ka gallin xasan haduu horummar soomaliyeed iyo wadda hadal iyo isu keeni soomaliyeed rabo meeshii dadka somaaliyeed isugu yimaadaan ba ma dheheen ha la qarxiyo ee wuu ka soo qayb gali lahaa wixii jecel nabad iyo wadda jirka soomaaliyeed xasan hadduu jeclaa dadka islaam ka ah mad qarxiyeen dad muslim ah oo Asha haadanaya oo caruur waayeel iyo ardayda mustaqbalka soomaliyeed oo qalin jabinayey xasan hadduu nin wanaag san yahay samuu ka talin lahaa ee colaada soomaaliyeed kama taliyeen iyo kala wogeeynta iyo dadka 24 sano aan nabad arag hadduu nin diinta ku dhaqma yahay dhiig islam ma cabeen oo maato ma qarxiyeen xasan haddu diinta aqoon u dalkisuu ka saari lahaa jahliga oo caruurta ma hubeeyeen qalin iyo boog buu kula dagaalami lahaa caddowga waadna ogtahay oo caddowga soomaliyeed waa jahli xasan haduu geesi yahayna markay ina goddane la isfahmi waayey ma soo carareen isma soo dhiibeen oo nabad gaalyo ma waydiisteen qabiilkiisa oo ma dheheen dawlada ha la iigu tago ee haday ka dhab ahay jahaad isagaa isku qarxin lahaa meeshaas oo doonan lahaa janada uu ciyaal ugu balan qaaday markuu lahaa isqarxiya . addna waxaan kaa dareemayaa inaad qabiil kiisa tahay waana kuu jeedna inaad hanjabayso marka Wax waalan Wax u sheeg anagu waa miyir qabnaaye

  6. m wali. sh says:

    Yaa allah. nin jeclaysiga isga dhaafa imisa hoyo ayuu asay. u saaray ka dhigay imisa ayuu lixda lixaad tiriy. Imisa ayuu qexiyey. Imisa yaa wadanka ka carartay asaga daraatii badana ku halaag sanatay. Kaf kasta oo aad ilaahay ka kasho wuu cafiyi lkn kan aadimamiga alle ma cafiyo aa aadamiga ayaa cafis laga dalbaa. Shacabka inta nool haday cafiso kuwa dhintay aa way cafis koodiii. Ilaahay ha soo hanuuniyo. Alle haduu hanuun u qoran allah ka qabto umadda somaliyed

  7. Ascw salaan kadib waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kula hadlo walaalkeey maxammed cabdulaahi. Walaaloow waxaan nahay dad islaama, Islaamkuna na farayo inaanan noqonin dad isfadeexeeya, Xumaanta qofka oo lasoo gudbiyaa nama tusinayso samo, ee aan iska dayno oon ku ekaano samahiisa, Xani wax ma toosiso oo haday wax tarayso waxaan ka aragnaa halka ay reer galbeedka la kortay, oo qofka mas’uulka ah in xantiisa iyo xumaantiisa oo dhan binaanka la soo dhigo ayaa hadana la yiraah angaa ku rabna oo ku ogol xumaantaa, Tusaalena uu noogu filnaa fadeexadii bill clinton iyo monica. Tusaalaha Islaamkuna uu yahay in qofka samahiisa la sheego xataa hadduu xumaan la yimaado sida qisaddii xaatib inu baltaca oo badari inuu ahaa ay ka badbaadisay qoor gooyo uu saxaabi ugu goodiyay. Iyo cikrima abii jahal oo la yiri inaan xumaantii abihii lugu xusin. Marka dhaliisha sheeqa oo la xusaa wax inooma tarayso ee aan ka harno, Ugaaskana aan dhaho dhaliil haddaad rabtay inaad diyariso dib uga noqo.

  8. Mahamed yare says:

    Asc ugaas maxamed salaan kadib
    Ilaah waxaan ka baryeynaa in uu naga dhigo kuwa marqaatigooda run ka sheego ilaah waa xusay kuwa marqaatigooda run ka sheego waxaa wanaag u sugnaaday kuwa marqaatiga run ka sheego,
    waxaan ka mid ahay dhalinyarada aad wax u aqrisa hadana qora waana kaaga mahadcelinayaa qoraalkaada iyo fikirkaada intaba intaa kadib hadii aan u soo laabto qoraalkaada
    walaal waxaana shaki ku jirin shiikh xasan in uu yahay nin diinta aqoon u leh waxaan shaki ku jirin in arimaha aad sheegtay oo ah in dadka naceb aay afar mar loo qeeybiyo sadaxqeeyb aay yihiin dad qabiil ku neceb
    Qaarna aay yihiin dad caqiido ku neceb
    Waxaan kale oo marqaati kaaga ahay in uu yahay nin jecel diinta jecelna in dalka. Lagu dhaqo ,
    Neceb cadawga in la dhageeysto neceb in saf loo galo. Intaaba waa haleeshay
    Laakiin waxaan rabaa qoraalkaada hadii aan sii raaco oo cinwaankiisa yahay Waa kuma shiiq xasan daahir
    Waxaad noo sheegtay wanaagiisa maxaad wax uga qori la dahay meelaha uu ku xun yahay wadaadka
    Taas waxaan u qaatay inaad ka dhigi doonto qoraalkaada labaad
    Si loo fahmo shiiq xasan daahir. Laakiin hadii aadan qorin qoraalkaa ah shiikh xasan waxa uu ku xun yahay qoraalkaada waxuu noqonayaa mid aad noo iftiimiyay wanaagiisa oo aad naga dabooshay meelaha uu ku xun yahay marka si barashada shiikh xasan aan u barano dhameestir qoraalka oo balaari si uu u noqdo qoraal buuxa oo laga faaiideeystay waayo qoraalka qiimaha lagu qiimeeyo ayeey ka mid tahay arintaas
    Waad mahadsantahay alaha na xifdiyo dhamaan islamarkaana ilaah ha naga dhigo kuwa wax kala faaiideeysto
    Ascwaraxmatulaah

    Mahamed abdullahi