Home » Faallo »

U hiilinta afka hooyo

Waxaa marag ma doonto ah in ummad kasta jiritaankeedu ku xiran yahay siday u xannaanayso una hor mariso dhaqankeedda, afkeeda iyo waxyaalaha ka marag kacaya jiritaankeeda, taasoo haaddii laga tago marag ma doonto ah inay ummadaasi ka baxayso taariikhda kuna biirayso bogagga dad laga sheekeeyo inay waayo hore jiri jireen, mark augu dambaysana noqda kuwo awoow ka sheekee ah. 17 ilaa 22kii December 2012 waxaa magalada Jabuuti lagu qabtay shir si hagaagsan loo soo agaasimay, runtiina dawladda iyo dadka reer Jabuuti xil dheeraad ah iska saareen, ayna ku kulansiiyeen, madax kala duwan, hogaamiyayaal tacliin, ururo bulsho, aqoon yahanno iyo xubno ka socday dadka wax qora iyo kuwa hal abuurka leh ee Soomaaliyeed, kana kala yimid qaybaha Soomaaliya, wadamada deriska iyo dacaladda kale ee aduunka.

Madaxda dawladaha waxay ahaayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele oo isaga marti loo ahaa, madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sidoo kale waxaa wafdiyo balaarani ka yimaadeen dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo u hogaaminayey wasiirka xiriirka iyo dhaqanka Maxamed Guure Ciise, sidoo kale waxaa jiray iyana wefdi ka yimid maamul goboleedka Puntland uuna hogaaminayey madaxa xarunta dhaqanka iyo suugaanta Axmed Sheekh Jaamac.

iyagoona dhamaantood noqday hal cod, kazoo ka turjumaya in afkani yahay xiriirka iyo dhaxalka umaddu leedahay, hogaamiyyaashuna balan qaadeen inay qaadanayaan doorkooda ku Aadan sidii loo sal dhigi lahaa, looguna samayn lahaa xarun noqota goobta laga horumariyo.

Ka sokow madax waxaa marna aan la ilaawi karin oo iyana goobta yimid inta tirada yar ee ka noolayd gudiiggii 21ka xubnood ahaa ee loo xilsaray hirgelinta farta Soomaaliga, kuwaasoo kala ah
Shariif Salax Maxamed Cali oo ahaa gudoomiyihii guddigaan

Xuseen Sheekh Axmed Kadare
Sheekh Jaamac Cumar Ciise
Cabdilaahi Xasan Insaaniya
Dahabo Faarax
Cumar Awnuux

Shariif Saalax oo aha gudoomiyihii guddigaan kana hadlayey shirkaas ayaa sheegay in saddex qodob jireen oo miiska saarnaa xilligii la qorayey farta, tan koowaad oo ahayd, in afti dadweyne la qaado farta la qaadanayo, laba in golaha baarlamaanka la hor geeyo, tan saddexaad oo ahayd in farta la doorto xoog loo adeegsado meel marinteeda, iyadoo saddexaas qodob jiraan ayaana la magacaabay gudigaan aan madaxda u ahay ayuu yiri Sharif Saalax, iyadoo markaasna waxbadan is dhex yaaleen sida, in af carabi lagu qoro far Soomaaliga iyo dodo kale oo badan.

Guusha ugu weyne ee la gaarayse waxay ahayd in hal go’aan dawladii kacaanku qaadatay ayna ku meel marisay awood, kadibna la bilaabay dadaal la mahadiyey oo dadka lagu gaarsinayo wax akhris iyo qorista, madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey shirkaas ayaa sheegay “Wuxuu ololihii wax akhriska afsoomaaligu kor u qaaday 55% heerka qoris iyo akhris ee dadka Soomaaliyeed isagoona markii hore dadka wax qora waxna akhriyaa ee Soomaaliyeed ahaayeen 2%”

Shirkaan ayaa qodobadii ka soo baxay waxay ahaayeen siduu akhriyey gudoomiyihii guddiga qaban qabaada shirka 40 guurada farta Soomaaliga ee Jabuuti mudane Cabdala Xaashi Qorax sida tan.

In la aasaaso akademiye uu leeyahay afka Soomaaligu, kadib markii ay aqoonyahanadu shirka ka cadeeyeen in afka hooyo yahay furaha aqoonta iyo horumarka, markii ay arkeen dhibaatada haysata afka Soomaaliga tan iyo intii burburka, marka la fiiriyey baaqii naadiga qalinlayda Soomaaliyeed ee Somalipen, kuna saabsanaa wax ka qabashada afsoomaaliga, waxayna isla garteen, dhisida xarunta ADA, ayna noqoto hay’ad gobol, ayna wadaagaan dhamaan dawladaha dalalkooda looga hadlo Afka-soomaaliga,

In dabayaaqada bisha June ee 2013 shir dambe dib la isugu soo noqdo Jabuuti, iyadoona loo xil saaray mudadaas ururinta dhamaan xogaha loo byaahay guddi kala ah

1. Dr. Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil Gudoomiye

2. Maxamed Daahir Afrax ku xigeen

3. Dr. Cabdinaasir Axmed Ibrahim Xoog hayn

4. Mudane Aadan Xasan Aadan

5. Prof. Maxamed Xaaji Raabi

6. Dr. Hibo Mumin

7. Dr. Mustafe Cali Fayruus

8. Prof. Siciid Saalax Axmed

9. Prof. Cabdal Cumar Mansuur

Shirkaan iyo xilliga uu ku soo beegmay ayaa ah wakhti dadka warbaahinta ka shaqeeya ama wax qoraa niyadda ku hayaan dhibaatada dhinaca qoraal ee haysata, iyagoon haysan goob ay ula noqdaan wixii talo iyo tifaftirid ka siin lahaa adeegsiga luqo si loo barax tiro dhamaan nuxurka iyo fahamka Afsoomaaliga, waxaa kaloo jirta in dhowaan machadka calamiga ah ee African Language Acedemy uu ka mid dhigay Afsoomaaliga 11 af oo laga xushay dhamaan Afrika, noqdayna afafka ka talaaba xuduudaha, isagoona ururka midowga Afrika qaybtiisa horumarinta afafku balan qaadeen inay kobcin iyo horumarin ku samayn doonaan.

Mohamed Hassan Maxamed Cirro
Nairobi, Kenya.
kayse25 [ A T ] gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " U hiilinta afka hooyo "

  1. Abdifatah says:

    waa run dadka hadaysan afkooda horumarin ma jiri doonaan, waa maqaal aan jeclaystay

  2. Maxamad says:

    Maasha Allaah waxaan Alle ha baryaynaa inuu guddigan hawsha u fududeeyo. Aamiin.

    Kaftanna waxaa iga ah, miyeysan haboonayn in qoraagu magiciisa Afsoomaali ku qoro? X-dii maxaa ku dhacay?!