Home » Warar »

SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii

FSNAU iyo FEWS NET waxay baahinayaan siideynta warbixin ay ku midoobeen oo ah “SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii”. Qormadani waxay gudbineysaa halka ay marayso xaaladda sugnaanta cuntada iyo nafaqada waqtigan (Bisha 7aad 2012) iyo sadaasha muddooyinkan (Bilaha 2aad-6aad 2013) iyadoo dib loo eegayo dhacdada loo badinayo. Waxay qormadu koobaysaa xogta guud ee qaranka siiba qaybaha Cimilada, Beeraha, Xoolaha, Suuqyada, Gargaarrada Baniaadminimo iyo Colaadaha; Waxay kaloo ka xog warramaysaa meelaha ay dhibaatadu ka jirto iyo weliba arrimaha muhiimka aha ee ee Deyrta 2013 dabadii (Bilaha 1aad-6aad 2013):

Sabab la xiriirta saamaynta wanaagsan ee roobabkii Deyrta ku yeesheen Xoolaha iyo Dalagga iyo hellidda kaalmo bini-adam oo joogto ah, tirada dadka ku suggan xaalladda cunno yari ba’an ee Dhibbanaan (IPC-wajiga 3aad) iyo Gurmad Degdeg ah (IPC-wajigga 4aad) waxay noqotay 1.05 oo milyan oo ah kala bar tiradii hore. Ka sokow horumarkan, heerka nafaqo-darrada Soomaaliya wuxuu ka mid yahay kuwa ugu sarreeya adduunka marka la fiiriyo sahamadii la sameeyay Bilaha 10-aad ilaa 12-aad ee sannadka 2012. Isugeyn 215,000 carruurta da’doodu shan ka yar tahay ayaa si daran u nafaqo-darreysan, oo u dhigma boqolkiiba 14.3 ee qiyaasta tirada 1.5 milyan carruurta shanta ka yar ee Soomaaliya ku nool. Qormadu waxay ku talinaysaa sii wadidda kaalmo bini-aadamnio si loo dhowro hab-nololeedyada, loo yareeyo nafaqo-darrida, loona caawiyo dadweynaha ku sugan sugnaan la’aanta cunto oo la gaarissiyo heer ay heli karaan cuntooyinka asaasiga ah.

Bilowga xilli Jiilaalka ee Bilaha koobaad ilaa seddexaad, waxsoosaarka xoolaha waa yaraan doonaa, laakiin isbeddel weyn ee heerkii sugnaanta cuntada lagu sifeeyay lama filayo hadda ilaa bisha lixaad. Si kastaba arrintu ha ahaatee, hab-nololeedyada Soomaaliya waxay halis ugu jiraan qatarro kala duduwan oo ay ka mid tahay biyo yari.

Saadaal hore waxay tilmaamaysaa in roobabka Gu-ga xiga ay noqon doonaan caadi ama wax yar caadiga ka hoos marka laysu wada geeyo da’mada oo dhan. Si kastaba, haddii isugeynta da’mo xilliyeedka oo dhan ay aad uga yaraato dhex-dhexaadka ama baahsanaanta roobaabku ay noqoto mid aad u liidata, tirada dadweynaha cunno yarida ku sugan waxaa loo badinayaa in ay kororto. Meelaha ay aadka u saameyn doonto waxaa loo badinayaa dhulka galleydu ka baxdo iyo meelaha beer-xoololeyda ee Koofurta.

Qormadani waxaa ka minguursan karta xiriirkan: http://www.fsnau.org/downloads/Somalia-Post-Deyr-12-13-Food-Security-and-Nutrition-Outlook-Somali-Version.pdf

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.