Home » Qoraallada Halkudhegga "fao"
SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii
FSNAU iyo FEWS NET waxay baahinayaan siideynta warbixin ay ku midoobeen oo ah “SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii”. Qormadani waxay gudbineysaa halka ay marayso xaaladda sugnaanta cuntada iyo nafaqada waqtigan (Bisha 7aad 2012) iyo sadaasha muddooyinkan (Bilaha 2aad-6aad 2013) iyadoo dib loo eegayo dhacdada loo badinayo. Waxay qormadu koobaysaa xogta guud...
Way ka soo Raysay xaaladda bani’adaminimo liidata ee Soomaaliya, inkastoo laba malyan Soomaali ahi wali u baahan yihiin kaalmo.
WAR SAXAAFADEED
23kii bisha 8aad, Nayrobi , tirada dadka Soomaalida ah ee u baahan gargaarka bani’aadaminimo ayaa lagu qiyaasay 2 malyan qof, oo 25 boqolkiiba hoos ugu soo dhacday lixdii bilood ee u dambeeyay, taas oo ka dhigtay xaalad ka soo rayn ah mid ka mid ah xaaladaha bani’aadaminimo ugu xun dunida; taas oo laga soo xigtay daraasad UN oo la daabacay manta.
Laakiin warbixintu ay soo saarta...