Home » Faallo »

XAL & XISAABTAN

garyaabis

Mudaaharaadkii Madaxweynaha Soomaaliya looga soo horjeeday ee ka dhacay Wadanka Ingriiska kaasoo oo ay uga Cabanayeen Mudaaharaadayaashu dhowr arimood oo kala ah, Gobolka Banaadir iyo 17kiisa Degmo in ay haysato Hal qolo & sidoo kale illaha dhaqaale ee uu leeyahay.Sida Garoonka Diyaaradhaha iyo Dekedda Magaalada Muqdisho.

Arintaas waxaan ku beeneyneynaa in aan hal qolo haysan ninka u hadlahayey Mudaaharaadlayaasha Beeshiisa ugu yaraan waxaa ka shaqeysa 100 qofood marka leysku daro Garoonka Diyaaradhaha iyo Dekedda Magaalada Muqdisho.

mana aysan dhicin hada ka hor, “Gobolkee ayaad ka timid, ama Gobolkee ayaad shaqo ku leedahay” sidaa daraadeed mar hadaad xusteen idinkoo ah abaabulayaashii Mudaaharaaka in Gobolkii cid kaliya ay iska leedahay dhaqaalihiisa iyo maamulkiisa iyadoo aan kor ku soo xusnay inaan Warkaasu dhab ahayn, waxaan hada kadib aan ogolahay xisaabtan dhab ah. In loo saami qeybsado ilaha shaqo dhamaan Gobolada Dalka oo idil

“hadii aan ku weydiiyo Gobolka aad ka soo jeedo hadii aad tahay abaabulaha Mudahaaradka yaa idinku weheliya adinka ? yaase ka shaqeeya Dekadda iyo Garoomada Diyaaradaha Bari ama Boosaaso oo aan adinka aheyn,20 kii sano ee lasoo dhaafay dhaqaalihii kasoo baxay Dekadda iyo Garoomada Diyaaradaha Boosaaso yaa idin la wadaagay ? Xisaabtankaas wuxuu ka soo bilaamayaa Maalintii Calanka la qaatay Soomaaliya ilaa iyo hada oo aan joogno, wixii dambi dhacay oo dhan oo ay kamid ahaayeen Howshii aad gaarka ku ahaydeen oo ahayd in aad kaligiin Dalka Madax ka noqotaan sidoo kale waxaa ka mid ahaa Duulaankii Xabashida aad u soo kaxeysateen, waxaa ka mid ah Dadkii Badda lagu daadshay, waxaa ka mida Dastuurkii & Road Map-ki aad Garoowe la aadeen, Dumista Nidaamka kasta oo la dhiso. Hadda wixii ka dambeeya ma ogolaan doono in aad dumisaan Dowlad dhisan. Intii xisaabta lagu kala baxayo il gaar ah ayaan ku hayneynaa ficilkiina & Qowlkiina.

Intaas hadii aan sidaa ku dhaafo, si cad oo muuqata ayaad Madaxweynaha gef ugu sameyseen una aflagaadeyseen, taasoo aad ku tilmaanteen Madaxweynuhu in uusan ahayn Madaxweyne ummada u siman.- waxaa kale oo aad tiraahdeen Madaxweynuhu wuxuu yiri hantidii la kala qaatay 1991di, hala iska daayo oo halaga haro,hadalkaasna anagu ma ogin meesha uu Madaxweynuhu ku yiri. Sidaas daraadeed waxaan u qaadaneynaa Gaf loo geystay Madaxda Qaranka Soomaaliyeed Been abuurkaasna waxaan u gudbineynaa Maxkamada Sare iyo Cadaalada. Waxaana loo eegi doonaa sida uu sharcigu ka qabo in loo gefo Hogaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii waxaa ku talin lahaa in Ummada Soomaaliyeed ay is Cafiso oo wixii dhacay aan ka noqo Xaley Dhaley , taas ayaan ku gaari gaari karnaa Horumar iyo iyo Dib u Heshiisiin dhab ah, Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ilko iyo Carab ayaa isugu Dhow iygana waa is Qaniinaan ,marka aan iska Ilowno wixii dhacay oo aan hadda Furno Baal Cusub,

Wabilaahi Towfiiq.

W/D Cabdikariin Shiikh Yuusuf ( Garyaabis)

Waafi09@hotmail.com

Tel: – 00252618566605

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " XAL & XISAABTAN "

  1. Galow Fiin says:

    @Garyaabis
    Siduu sheegay Ustaad C/rizaaq Macallim ,fatlan ama garka xiir
    ama xaqiisa mari,webkaanna mardambe haku qarasbixin ee
    mid kale daydayo !!.

  2. Mohamed says:

    Ma waxaan mooday mise waxa aad igu noqotay . Muuqaalkaaga iyo garka heybadiisa markaan fiiriyay ayaan maqaalka in aan aqriya goansaday . Qaala laahu iyo qaala rasuul ayaan kaa sugaaye xagee ila aaday waayaabe

    Lakiin qoraalkaaga sida uu umuuqda iyo heybada kaa muuqata waa kaaf iyo kala dheeri . ee hadaa fadhi kudirir iyo xifiltan hoosaad rabto garka sooxiiro Garka waa sunnada rasuulka csws xushmad ayaana uheeynaa ee fadhi kudirirka kala bax .

  3. kaakici says:

    Allaahu Akabar waa kaa afkiyo beene.
    Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye.
    Ubbo-wryso waa kugu arkaa agab salaadeede.
    Asaxaabii olol ku dhace waw abtiriyaaye.
    Haduu uurka kaa jiro wardigu kaama orodneen’e.

  4. BISMILAAH,WASALAATU WASALAAMU CALAA RASUULILIAAH,
    INTAA KADIB.
    Hadda ka hor jeer aan joogay degmo kamid ah gayiga soomaalidu taal baa sheeko reebtani ka dhacday:-
    Amin galab casar liiq ah oo cad-ceedu codka cidhifka lagashay ,dadkuna salaadii maqrib u hogbadeen baa waxaa faras magaalaha tub haye ahaan usoo maray nin oday ah oo waliba hargaanti ah, waxuu sii taxaashaba waxuu sheeda isha kal helay meel maqaaxi ah,oo rag dhalin ubadan yoobsan tubanyihiin ,shaah casiriya ahna loo holanyahay ,waxaana isla buqcada gabranaa horin rag ah oo iska soo horjeeda laguna hareereeysanyahay,odaygii jaleecada ku jiray baa judhiiba isha balaq kusiiyay nin da’ dhexaad ah oo gadhku aad uwareemay heybad iyo sunno diimeedna ku hagoogantahay,KAL!
    mindhaa sheekhu wacdi iyo waanuu bar-baarta uhayaahee bal adna waxoogaa shaarubaha kusii qaado ayuu is yidhi odaygii hargaantiga ahaay,hadduuse madashii isasoo mutaxayba waa dumnad laciyaarahayo! Waxuu yara dhugtay oodhegta uraariciyay dhawaqii yeedhayay oo ahaa erayo ugub ku ah oos la dhafakaaray(jalle’e haygu dhihin yaan wadnuhu jaw isoo odhane,iska waaweeyneey,lakabiir ciyaar,habar heblo,aakhiru biish,saa’imada yeyna ka bixin Iwm)ayaa ka mid ahaay susunaddii afkooda kasoo baxaayay ,ogaay inuu soo xero dhaafay,goobtuna ayna ahayn mid ucunanta ,kasokoow dhalinta dhunsan waxaa filan waa ku noqotay ninka cimriga biliseed kujira ,dheeha culima leh ,ee hadana maxalu sheeydaanka fadhiya,falka noocan ah falkinaya,hadalada foosha xuna fooxa ushitay una haaneedsaday,waxuuna cindigiisa ka calmaday inuusan sidaan uga dhaqaaqin ee howraar maldahan oo hogotusaaleeyn ah uhibeeyo ,deetana inta ilqoorka ka daymooday ninkii umadaxweynaa raggii dumnada ubaraxneeyd buu yidhi”ADEEROOW GADHKAN XIIDH AMA XAQIISA SII”.