Home » Warar »

Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Haweeneydii la Kufsadey oo Min Hal Sanno oo Xarig ah lagu Xukumey

  • Qareenada u Doodayey Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul oo Racfaan ka qaatey Xukunkaasi
  • Cabdulaahi Shiikh Xasan, Xasan Cali Geesey, Maxamed Ibraahim Bakistaan iyo Eng Sidow Xasan Mahdi oo Xukunkaasi ku Tilmaamey Cadaalodarro tii ugu Weyneyd

“Waxyaabaha la yaabka lahaa ee Xeer Ilaaliyaha uu halkaa ka sheegey waxay ahayd markii Hooyo Luul Canuga ay Nuujineyso uu ku tilmaamey mid iyada aysan Dhalin oo ay ku Qaraabaneyso..”

Waxaa Talaadadii mar kale Maxakamada Gobolka Banaadir la isugu yimid Dacwadii loo Haystey Wariye Cabdicasiis Nuur Maxamed (Koronto ) iyo Afar Xubnood oo kale kuwaas oo Xeer ilaalinta Qaranka ku soo oogtey in ay iska Kaashadeen hadal ku saabsan Fal Kufsi oo Been Abuur ah waa sida lagu eedeeyeye, hase yeeshee Dhamaantood waxay sheegeen in si Cadaala daro ah loo soo xirey islamarkaana aysan sameeyn Been abuur , waxaana Maxakamada soo buux dhaafiyey Wariyayaal aad u fara badan, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Hayadaha Xaquuqda Aadanaha , iyo Waalidiinta eedeysanayaasha.
koorontoo5
koorontoo3 Xeer Iaaliyaha Qaranka Cabduqaadir Maxamed Muuse ayaa mar kale Maxkamadda Horkeeney Marqaatiyayaal oo uu ku jiro Gudoomiyha Degmada Hodon oo isaga sheegey in uu ogyahay oo keliya iyadoo Hooyo Luul la saaran Gawaarida Gargaarka Degdega Ambulance oo loo qaadeey isbitaal Madiina , hase yeeshee Xeer Ilaaliyaha Qaranka Cabdulaahi Muuse ayaa Wariye Cabdicasiis Koronto Ku eedeeyey in uusan ahayn Wariye isagoo soo bandhigey Teesaro Aqoonsi ah oo ay ku qaran tahay in Cabdicasiis uu yahay ama u shaqeeyo Hayadaha Samafalka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa uu sheegey in Wariye Cabdicasiis Koronto Lap-Top-kiisa laga heley Sawiro uu ku tilmaamey Xeer Ilaaliyaha kuwa Aragagixisada sida Ismiidaaminta , Sidoo kale waxaa uu sheegey in Wariye Cabdicasiis uu yahay nin deggan Xerada Xalane halkaasi oo uu sheegey in lagu ilaaliyo sidoo kale waxaa uu ku tilmaamey in uu yahay nin Basaas ah oo u shaqeeya Hayado Shisheeye kuwaas oo uu sheegey in ay iska Kaashadeen sidii Qaranka loo Dumin lahaa ,waxaana eedeymahaan si weyn u layaabey Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Weliba Qareenada u Doodayay Wariye Cabdicasiis iyo Dadka kale iyagoo ku Tilaamey mid Been Abuur ah oo wax badan lagu qarinayo .

Waxyaabaha kale ee la yaabka lahaa ee Xeer Ilaaliyaha uu halkaa ka sheegey waxay ahayd markii Hooyo Luul Canuga ay Nuujineyso uu ku tilmaamey mid iyada aysan Dhalin oo ay ku Qaraabaneyso, Aflagaadadaasi oo hooyo Luul aad uga Ilmeysiisey islamarkaana xubnihii Dhageysanyey ay aad uga Caroodeen hadalka Xeer Ilaaliyaha ee uu Hooyo Luul ku aflagaadeeyey hase yeeshee Qareenadii u doodayey dadka ayaa warka Xeer Ilaaliyaha ku tilmaamey mid la soo Dhoobdhoobey oo aan waxba ka jirin islamarkaana meel ka dhac ku ah Hooyo Luul iyo wariye Cabdicasiis Koronto.

koorontoo2 koorontoo1Garsooraha qaadayey Dacwadaan ayaa ku dhawaaqey Xukunkii Maxkamada isagoo Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul ku Xukumey min hal Sano oo Xabsi ah halka Hooyo Luul Ninkeeda Muxyadiin , Wiil Kale oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq iyo Xaawo Beysaani Garsooruhu sheegey in aysan wax dambi ah lahayn sidaa Xabsiga looga sii daayey.

Sidoo kale Garooruhu waxaa uu sheegey in Hooyo Luul Marka Canuga ay soo Nuujiso ka dib uu u bilaabanayo Xabsiga halka Sanno.

Xukunka markuu dhacay ayaa Qareenadii u doodayey Wariye Cabdicasiis iyo dadkii kale ee Dhibanayaasha aha waxay Xukunkaasi ka qaateen Abiil ama Racfaan.

Sidoo kale dadkii ka soo qaybgaley Xukunkaasi ayaa Cadaalodarro ku tilmaamey Xukunka Garsooraha iyagoo sheegey in Xukunka uu ahaa mid Dhinac u Hiilinayey.

Waxaana Markii uu dhacay Xukunkaasi Maxakamada Horteeda Shir jaraadi ku qabtey Cabdilaahi Shiikh Xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed , Agaasimaha Idaacada Dalsan Xasan Cali Geeseey, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Bakistaan iyo Gudoomiyaha Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Wanle Weyn Eng Sidow Xasan Mahdi oo dhamantood Sheegey in Xukunku uu ahaa mid Cadaalodarro ah .

“Waa meel Caburis iyo Handadaad ay ka jirtey waayo waxaa Saxaafadda loo diidey in ay sida ay u dhaceyso Dacwadda u gudbiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan Fursada u helin dhegeysiga Dacwadaasi marka Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamka u sheegeynaa in Xukunkaasi uu ahaa mid Cadaaladaro ah , waxaana ku tilmaameynaa Xukunkaan mid la doonayo in lagu dhiirageliyo Kufsiga in uu sii socdo maadaama dadkii Dhibanayaasha ahaa la Handadey islamarkaana Saxaafadiina la Af qabtey “ayey yiraahdeen Xubnahaani oo Dowladda ugu baaqey in si dhaqsi leh Xabsiga looga siidaayo Wariye cabdicasiis iyo Hooyo Luul.

W/D Amiin Yuusu Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Haweeneydii la Kufsadey oo Min Hal Sanno oo Xarig ah lagu Xukumey "

  1. Abdi says:

    Asalamu Calaykum, Waa arin La yaab ah arintaan, In Victim hal sano lagu xukumo