Home » Warar »

Dacwadii loo haystey Wariye Cabdicasiis Koronto oo lagu Tilmaamey Dacwad Dhinac u Janjeerta

  • Hooyo Luul “Qoraalkii aad iga Sameysey ayaan ku heley Xoriyadaan yar “
  • Dacwada oo mar kale dib la isugu soo laaban doono Maalinta Talaada

Waxaa Maanta Markii Sadexaad Maxakamada ka soo Hor muuqdey Wariye CabdiCasiis Maxamed Nuur oo loo yaqaan CabdiCasiis Koronto iyo Afar ruux oo kale oo lagu haysto in ay Sameeyeen ma iska kaashadeen Fal been Abuur ah oo ku saabsan Kufsi balse mar ay ka hor hadleen Maxakamada Horteeda waxay shegeen in aysan sameyn wax been abuur , waxaana Dacwada oo ay ka soo qayb geleen dad aad u fara badn oo isugu jirey Xildhibaano , Siyaasiyiin Saxafiyiin , Hayadaha Xaquuqda Aadanaha , Waalidiinta dadka loo haysto Dacwadda iyo Kor joogto Caalami ah.

Luul oo hor fadhida maxkamadda

Luul oo hor fadhida maxkamadda

luul3Markiiba waxaa la dhegeystey Xeer ilaaliyaha Guurd ee Qaranka Cabdiqaadir Maxamed Muuse oo sheegey in uu Marqaati u hayo Eedeysanayaasha , wuxuuna halkaasi ku soo bandhigey Wareysi uu duubey Wariye Cabdi Casiis Koronto kaasoo uu ku wareysanayey Hooyo Luul Maxamed Cismaan balse Cabdicasiis Koronto waxaa uu sheegey in uu isugu qaadey Wareysigaasi balse uu sheegey in uusan faafin sidoo kale waxaa uu Xeer Ilaaliyaha uu soo Bandhigey kaar Aqoonsi ah oo uu leeyahay Cabdi Casiis Koronto kaasoo ah mid Humanitarian balse Xeer Ilaaliyaha uu ku doodayo in Cabdi Casii uusan Saxafi ahayn..

Waxaa sidoo kale Xeer Ilaaliyaha uu halkaasi ku soo bandhigey Marqaatiyaal ka socdey Hayad qaabislan Dhinaca Xadgudubyada loo geysto Haweenka , waxayna dhmaantood sheegeen in Eedeysanayaasha ay sameeyeen Been abuur , hase yeeshee Qareenada u Doodaya Wariye Cabdicasiis Koronto ayaa sheegy in Marqaatiyaasha ay yihiin kuwa hal dhinac ah ,iyagoo Codsadey in iyagana la yimaadaan Marqaatiyaal .

Intii ay socotey Dhageysiga Dacwada waxaa Warbaahinta loo diidey in ay Tabiyaaan ama diuubtaan Sida ay u socoto Dacwada si ay ugu gudbiyaan dadweynaha aan joogin goobta , waxayna Saxafiyiinta qaarkood Sheegen in ay jirto Caburin aad u weyn si loo qariyo Waxyaabo fara badan oo la xiriirta Dacwada Wariye Cabdicasiis Koronto , iyadoo Qareenada u doodaya Dhibanayaasha ay sheegeen in weli ay jirto Cadaaladdarro.

Marqaatiyaasha waxa ku jirey Muniiro Jaylaani oo hore lagu soo eedeeyey Kiiskaan waxaana maalintii Taladada ahayd ee isbuucii hore siidaayey Heer ilaaliyaha Guud ee Qaran hase yeeshee inta aan la dhageysan Hadalkeeda ayaa Garsoorihii dacwada Qaadayey waxaa uu sheegey in Muniira aysan Marqaati noqon Karin balse Xeer Iaaliyaha ayaa ka doodey waxaana markii dambe la weydiiyey Dhowr Su’aaladood.

Hooyo Luul Cali Cismaan oo ah Haweeneydii sheegtey in la Kufsadey ayaa waxaan kula kulmyey Gudaha Maxkamada, waa inta aysan Bilaaban Dhageysiga Dacwada, waxaana weydiiyey sababta ay uga hartey Eedeysanayaasha waxayna tiri “Qoraalkii aad iga sameysey ayaa maanta ku heley in Damiin la igu siidaayo si aan u Nuujiyo Canuga yar “ waxaana hooyo luul ka muuqatey farxad ku aadan Xoriyadda yar ee ay heshey , waxay kaloo ay sheegtey in weli aan dareemayso Cadaalodaro ku aadan sida loo qaadayo Dacwadadda.

Doodii markii ay Kululaatey ayaa waxaa uu Garsoorihii Dacwadaasi qaadayey uu ku dhawaaqey in Mar kale Dib loo dhigey Maxkamada ka dib markii uu Xeer Ilaaliyaha uu sheegey in ay u dhiman yihiin Marqaatiyayaal kale waxaana Garsooruhu uu sheegey in Maalinta Talaadada Dacwadda la qaadi doono , taasoo ay si aad ah uga Caroodeen Wariyayaashii iyo Dadkii kale ee Dhageysanyey Dacwadaasi.

Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah Xogahyaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo Shir Jaraaid ku qabtey Maxkamada Horteeda ayaa sheegey in ay dareemayaan Cadaalaodaro aad u weyn waayo waxaa Saxafiiyiinta Soomaaliyeed loo diidey in ay tabiyaan wax ka dhacayey Maxakamada Horteed taasoo uu sheegey in wax badan lagu qarinayo , waxaa kale uu sheegey in ay aad uga xun yihiin in markii Sadexaad Dib loo dhigo Dacwada weriye Cabdicasiis Koronto iyo dadka kale ee la xiran wxuuna ka Codsadey Dowlada Federaalka in ay soo farageliyaan dacwadaan.

W/D Amiin Yuusu Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Qoraalkii hore ee Hooyo Luul halkaan ka akhri

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dacwadii loo haystey Wariye Cabdicasiis Koronto oo lagu Tilmaamey Dacwad Dhinac u Janjeerta "

  1. Fahiima says:

    As wr wb dacwad dadka loo hasto iyo kuwa u hastab waxaan oran lahaa illah ka cabsaada oo xaq ka fogada meel walbood joogtan, adinka og cida saxaan.
    Mid kale walaalaha dawlad u gafay waxaan idin oran lahaa, inmisa baad dawlad la,aan ahaydeen. Dawlad had dhaltay way duuli oon dunida la idinka aqoonsan ee ha iska caraynina.

  2. Guuleed says:

    War waa dawlad iyadoon hal talaabo qaadin
    gabalkeedii dhacay, dadka intiisa badnaydna waa ka qancay.
    madaxweynuhuu waa ninkii yiri wixii hore u dhacay ha layska iloobo
    isagoon ka hadal cadaalad isagoon ka hadal hantida ummadda ee xoogga lagu haysto, waxaan is weydiiyey haddii madax weynihii sidan u hadlayo
    mxaynu kaloo filanaa.