Home » Warar »

Wariye Cabdicasiis Koronto oo Maxkamadda Sare ka soo Hor Muuqday

Wariye Cabdicasiis Maxamed Nuur ( Koronto) oo ka mid ahaa Wariyayaasha ka hawl gala mid ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ee Magaalada Muqdisho ayaa markii u horeeyay Maanta ka soo Muuqday Maxkamadda sare ee dalka ee Magaalada Muqdisho.

Weriyahan oo in ka badan laba Todobaad u Xirnaa Laanta baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska ayaa i waxa ay Maxkamaddiisu ka Bilaabantey Xarunta Maxkamadda ee Magaalada Muqdisho iyadoo Maxakamada Horteeda ay dhoobana yihiin Wariyayaal aad u badan,.

Wariyaha ayaan intaan la soo gaarsiisan Hoolka Dacwaddu ay ka soconayso waxa uu goobtaas soo gaaray isagoo gacanta kaga Xiran Ninka la sheegay inuu ahaa Seyga qaba Haweeneyda la sheegay in la kufsaday.

Wariye Koronto ayaa intaan loo dhaa dhicin gudaha Hoolka ay dacwaddu ka soconayso Qaddar waxa uu waraysi daqiiqad ah siiyay Wariyayaashii faraha badnaa goobtaas ku sugnaa isagoona farta ku fiiqay in xaaladdiisu ay si aad ah u wanaagsan tahay isla markaana uusan wax wel wel ah ka qabin Dacwadda loo haysto.

Saxafiyiinta soo Xaadirtay goobta ay Dacwaddu ka dhacayso loo didday in ay Gudaha u galaan Maxkamadda kuwaas oo Maxkamadda dibad joog ka ah,Qareenka Wariyaha difaacaya oo Waraysi kooban siiyay isaguna Saxaafadda ayaa sheegey inuu ku kalsoon yahay inuu ku guulaysan doono kana difaaci doono Eedeymaha loo haysto Wariye Koronto.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helney halka ay ka socto Dacwada Wariyey Koronto ayaa waxay sheegayaan in Mar kale Dib loo dhigey Dacwada Wariyaha , hase yeeshee lama oga waqtiga la qaadayo Dacwada , iyadoo Xariga Weriye Koronto ay ka timid Qayladhaan aad u Fara badan gaar ahaan Hayadaha u dooda Xaquuqda Aadanaha iyo weliba Shacabka Soomaaliyeed ,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wariye Cabdicasiis Koronto oo Maxkamadda Sare ka soo Hor Muuqday "

  1. yaab says:

    HADDII DIMBIGA KU CADYAHAY OO MARQAATI LOO HAYO HALA XUKUMO…HADDII GARDARO KU XUKUMAN YAHAY HALA DAAYO