Home » Warar »

Dagaal aad u Qaraar oo Maanta ka Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

“Dagaalkii Maanta waxaa ku dhintey ilaa 15 Qof..” sidaas waxaa yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow….

Wararkii ugu Dambeeyey ee Magaalada Kismaayo:

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxay sheegayaan in Maanta Magaaladaas uu ka bilowdey Dagaal aad u qaraaer oo la sheegey in uu u dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan kuwa Raskambooni iyo Ciidamada Dowlada Federaalka , waxaa lagu waramey in Dagaalkaasi uu ka biliowdey markii Ciidamo Taabacsan Axmed Modoobe ay Damceen in ay qaadaan Goob isbaaro u taaley Ciidamada Dowlada , waxaa Ciidamadii Raskambooni lagu furey Rasaas oo sabatey in ay laba qof ka dhintaan.

Markiiba waxaa bilowdey Dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsanayey Hubka Waaweyn waxaana Xafadaha Magaalada ku dhacayey Madaafiic markii dambe la sheegey in ay ka soo dhacayeen Goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya , waxaana la sheegey in ay Khasaaro aad u weyn ay ka soo gaartey dad Rayid ah.

Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegey in uu salka ku ahayo arrimo ay ka mid yihiin Saraakiil ay Xireen Ciidamada Kenya ee gacanta ku haya Magaalada Ksimaanyo, waxaana Wararkii ugu dambeeyey shegayaan in dad gaaraya 20 qof ay ku dhinteen Dagaalkii Maanta oo u badnaa dhinacyadii dagaalamayey.

Wararka kale ee Naga so gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaa in dad aan dagaalka ku lug lahayn iyana lagu diley Magaaldaasi kuwaas oo la sheegey in lagala soo baxay Guryahoodii , sidoo kale wararka laga helayo Magaalada Kismaanyo waxay sheegayaan in Isbitaalka Magaalada ay buux dhaaafiyeen dad ku soo dhaawacmey Dagaalka.

Wararku waxay intaas ku dareen in Magaalada ay u qaybsantey dhowr Qaybood oo kale ah: in Bartamaha Magaalada ay haystaan Ciidamo ka tirsdan Dowlada Federaalka , Xaafado kale ay haystaan Ciidamo u abaabulan Qaab Qabiil , sidoo kale waxaa Garoonka Diyaaradaha gacanta ku haya Ciidamo ka tirsan kuwa Raskambooni iyadoo Ciidamada Kenya iyana ay joogaan Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa uu Dagaalkii maanta ku tilmaamey mid aad looga Xumaado wuxuuna ugu baaqey Dowlada Federaalka in ay gacan ka geysato sidii Xal looga gaari lahaa Magaalada Kismaayo “ Iyadoo uusan Shabaab ku sugneyn Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Dagaalkii Maanta ku dhintey ilaa 15 Qof marka waa wax laga Xumaado “ ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegey in Dowlada ay Faragelin ku sameyso Xaalada Gobolka Jubada Hoose si Xal looga gaaro.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dagaal aad u Qaraar oo Maanta ka Ka Dhacay Magaalada Kismaayo "

  1. mohamed says:

    waxa aan u tacsiyeenaya shacabkii ku dhintay dagaalkaas iyo inta ku dhawacmatay ee ay dishay gacan ka xaqdaran waxa aan canbareyna cidmada keyna oo ka danbeysay dhibka mesha ka dhacay shacabka reer kismayo waxa aan usheega manta in aya iska qadan heryada gumesiga kenya oo ay ka damac san tahay kismayo gobanima lagu dhinta hadii ay manat keyna qabsato kismayo beri waxa ay qabsane marka iyo barwa malintaasne hadal mayaal