Home » Warar »

FaahFaahin Dheeraad ah oo ka soo Baxaysa Qarax Saddex ah oo Habeenimadii Xalay ka Dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Inta la xaqiijiyay illaa Laba qof ayaa ku dhaawacantay Qaraxyo Seddax ah oo habeenkii Xalay ahaa ka dhacay Xaafadda Soomaalidu ay ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi. Qaraxyadan ayaa sida lagu soo waramay ka dhacay goob Baar ah oo ay ku Caweeyaan Keenyaahanka laguna Magacaabo Xaafadda Jaamka ee Islii halkaasoo sida la sheegay Salaaddii Maqrib kaddib uu soo maray Gaari kaasoo Seddax Bum ku tuuray Baarkii ay ku Caweynayeen Keenyaanka.

Warar hor dhac ah oo qaraxaas ka soo baxay ayaa sheegaya in goobta Weerarku uu ka dhacay ay si aad ah ugu dhowdahay Masaajidka Al Hiddaaya oo ah meeshii dhawaan Qaraxa Shanta Ruux ay ku dhinteen uu ka dhacay isla markaana uu ku dhaawaacmay Mudanihii Baarlamaanka Kenya ee laga soo doorto Deegeenka Kaamagunji Mudane Yuusuf Xasan.

Ciidama Boliiska ayaa Qaraxaas kaddib goobta soo gaaray kuwaasoo markiiba bilaabay hawlgal dadka lagu qab qabanayo.Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay tiro Soomaali ah kuwaas oo sida lagu soo waramayo Xabsiyada loo taxaabay.

Tirade Soomaalida ee iminka ku xir xiran Xabsiyada Kenya ayaa Sare u Dhaafaya Boqolaal kuwaasoo qaarkood aan weli wax Maxkamad ah aan la soo taagin. Soomaalida Qaxootiga ku ah Magaalada Nairobi ayaa maalmihii danbe ka walaacsanaa amarkii dhawaan ka soo baxay Xukuumadda Kenya oo Dadkaas ku amrayay in ay dib ugu laabtaan Xeryaha Qaxootiga.

Si kastaba Qaraxyadan muddooyinkan dambe ku soo badanayay Xaafadda Soomaalidu u badan tahay ayaa waxa ay walaac fara badan ku abuureen Soomaalida halkaa ku dhaqan kuwaasoo qaarkood ay bilaabeen in ay dib ugu laabtaan Xeryaha halka qaarka kalena ay bilaabeen in ay Dalkooda dib ugusoo laabtaan.

“Waxaan hada Go’aansadey in aan Xaraashno Hantideena ku haysanno Xaafada Isli waayo wax ka soo raynaya ma jiraan ee dhinaca Nabadgelyada marka aniga Caruurteyda dib ayaan ugu laabaneynaa Soomaaliya “ayuu yiri Xasan Cali oo ka mid ah Ganacsata Xaafada Islii isagoo ugu baaqey dadka kale ee Soomaaliyeed in ay dib ugu laabtaan Dalkooda Hooyo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.