Home » Warar »

Mid kamid ah Wasiir Ku-Xigeenadii uu soo magacaabay Shirdoon oo is-casilay….

Waxaa Jimacadii is-casiley mid kamid ah wasiiro-ku-xigeenadii uu Khamiistii magacaabay ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, sida laga soo xigtey ilo ku dhow wasiir xigeenka is casilay.

Is-casilaadda Abuukar Xasan Cali – oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta – ayaa wararka ugu horeeyey ee ka soo baxdaya ay tibaaxeen in ay sabab u tahay “markii beeshiisa ku qanci weysey xilkaas loo magacaabay.”

Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Khamiistii December 13, 2012 magacaabay 20 isugu jira Wasiir Ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal, waxana uu wasaarad kasta u magacaabay laba Wasiir Kuxigeen.

Magacyada Wasiir u Dowlayaasha

  • 1. Cabdi Faarax Sh. C/qaadir Maxamuud, Wasiir u dowlaha Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya
  • 2. Dr. Maxamed Nuur Gacan, wasiir u Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda
  • 3. Mahdi Nur Cali, Wasiir u dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda iyo amniga Qaranka
  • 4. Maxamed Rashiid Sheekh Daahir, wasiir u dowlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta
  • 5. Maxamuud Ismaaciil Barqadle, wasiir u dowlaha Wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada
  • Magacyada Wasiir ku Xigeenada
  • 1. Inj. Maxamed Aadan Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibddda
  • 2. Jamaal Maxamed Barrow, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibddda
  • 3. Xasan Ibraahim Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka
  • 4. Jaamac Axmed Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka
  • 5. Maxamed Axmed Aadan, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
  • 6. Abuukar Xasan Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
  • 7. Bashiir Maxamed Jaamac, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
  • 8. Maxamuud Macallin Yaxye, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
  • 9. Fahmo Axmed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
  • 10. Xasan Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
  • 11. Nadiifo Maxamed Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud, gaadiidka iyo dib u dhiska
  • 12. Cali Sheekh Maxamed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud, gaadiidka iyo dib u dhiska
  • 13. Siciido Xasan Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
  • 14. C/raxmaan Maxamed Geeddi, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
  • 15. Axmed Maxamed Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
  • 16. C/raxmaan Kulmiye Xiris (C/raxmaan Dheere), wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
  • 17. C/qadir Shekh Ismaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
  • 18. Maxamed Cali Xagaa, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
  • 19. C/shakuur Cali Mire, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta
  • 20. Ibraahim Yaroow Isaaq, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.