Home » Warar »

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo Wada Barnaamijyo wacyigelin ah oo ku Aadan in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Xaafada isli Nairobi Is Difaacaan

Iyadoo weli ay taagan tahay Qalalaasha ka jira Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Islii iyo Gobolka “waqooyi Bari” ee Soomalida Degto ayaa Shiikh Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada waaweyn Soomaaliyeed ee ku sugana Dalka Kenya ayaa weli Wada Baraarujinta iyo wacyigelinta dadka Soomaaliyeed ka dib markii ay dhacewen dhowr weerary oo la Damcsanaa in lagu boobo Suuqa ugu weyn Afrikada Bari ee Xaafada Islii

Shiikh Maxamed Cabdu Umal oo Dhawaan ka hadlayey Masjidka Hidaayo oo Tododbaadki hore Bam lagu tuurey ay ku dhinteen ugu yaraan Laba Qofood islamarkaana uu ku dhaawacmey Xildhibaanka laga soo doorto Deegaanka Kaamukuji oo lagu Magacaabo Yuusuf Xasan ayaa shacabka Soomaaliyed ugu Baaqey in ay Nafsadooda iyo Hantidooda Difaacdaan waxaa uu sii raaciyey “Waa in aad qaadataan Baagnago , Ulo , Mindiyo si aad isAga Difaacdaan Tuuga Buracada ah ee Doonayasa in uu Nafasadiina halis geliyaan islamarkaana Doonayo in ay Hantidiina Boobaan .

“Waa in aad Markaad Joogtaan Goobihiina Ganacsiga ama meel kale aad u baxeysaan aad qaadataan Baagadihiina iyo Qalabka kasta oo aad isku Difaaci kartaan sidoo kale waa in aad Dowlada ka sharciyeysataan Hubka Fudud waayo dadka kale eek u nool wadanka Kenya waa wataan Hub u sharciyeysan marka maxaa adiin diiday in aad Hub Sharciyeysan Qaadataan “ ayuu yir Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo u soo jeediyey Shacabka ku nool Xaafada isli ay iska qabtaan kuwa doonayey in ay Horseed u noqdaan in La idiin dilo ama Hatidiina la boobo.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegey in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ku nool Magaalada Nairobi ay iska duubnaadaan islamarkaana meel uga wada soo jeestaan kuwa doonaya in ay diin Barakiciyaan islamarkaana doonaya in ay idiin abuuraan Colaad beeleed Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo maalmahaan wadey Barnaamijyo wacyi gelin oo uu shacabka ku boornayo in ay ka digtoonaadaan kuwa doonaya in in ay Gebi ahaanba boobaan Suuqa Isli

Magaalada Nairobi waxaa ku so badanaya Bilooyinkii la soo dhaafey Qaraxyada iyo Dilalka taasoo lala xiriirinayo Gelistii Ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya waxaana Tododbaadyadii ugu Dambeeyey dhacay Dhacdooyin aad u Xanuun badan ka dib markii Ciidamo ka tirsan Dowlada Kenya ay Har Cad boobeen Suugii Gaarisa islamrkaana Dab qabadsiiyey Suuqaas oo taaley HantI aad u fara badan sidoo kale waxaa batey Qabqabashada Dadka Sioomaaliyeed ee aan waxba Galabsan kuwaas oo la sheegey in ay ka buuxaan Xabsiyada Dalka Kenya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinklhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.