Home » Warar »

Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo ku sugan Turkiga oo Heshiisyo la Saxiixan Doono Dowlada Dalkaas

Iyadoo maalintii Shalay Magaalada Istanbuul uu gaaray Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Dalkaas. Sarkaal ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee Istanbuul oo ka hadlayay Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay Dalka Turkiga ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya shalay markii uu gaaray dalka Turkiga in halkaas si diiran loogu soo dhaweeyay

Sarkaalkan oo hadalkiisa si wata ayaa intaa raaciyay in Madaxweynaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Istanbul uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalkaas iyadoona loo tumay Astaanta Calanka Soomaaliya. Qunsuliyadda Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegtay in Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya uu dalka Turkigu sii joogi doono illaa Todobada Bishan Disember

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu inta uu joogo Dalka Turkiga inuu Kulamo la qaadan doono Madaxweynaha dalkaas. Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka. Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa Dawladda Turkiga kala hadli doona xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada Dal.

Wafdiga Madaxweynaha ee gaaray Dalka Turkiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Gaashaandhigga arrimaha Dibadda iyo xubno kale oo Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan

Kulan maanta dhex marey Madaxweyanaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Turkiga ayaa la iskula soo qaadey arrimo fara badan oo la xiriira sidii Dowladda Turkiga u sii wadi lahayd Klaamadii ay Dowlada Turkiaga siin jirtey Ummada Soomaaliyeed sidoo kale waxaa la iskula soo qaadey sidii Tababaro loo siin lahaa Qaynaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida .

Si kasta ha ahaatee safarkan uu Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa noqonaya kii Sedaxaad ee uu Dibadda ugu baxo tan iyo markii loo dhaariyay Jagada Madaxweyninimada Soomaaliya, iyadoo inta uu joogo Dalkaas uu heshiisyo la saxiixan Doono Dowladda Turkiga oo ku aadan dhinaca Dib u dhiska Qalabeynta Ciidamada Qalabka iyo Sidii Dowladda Turkiga ay u Maalgashan lahayd Dalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo ku sugan Turkiga oo Heshiisyo la Saxiixan Doono Dowlada Dalkaas "

  1. Aniga waxaan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed xasuusin lahaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd baahi badan iyo bugto badanba waa laysku nacaa. Tan labaad, madaama in had iyo jeer in gacanta lahoorsado laga fiican yahay diinteena ay tiri gacanta saraysa waxay ka kheyr badan tahay gacanta hoosaysa. Marka Turkiga waxaan iska kaashan karnaa meela badan oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda iyo arrimaha dhaqalaha. Sidaas darteed, waxaa haboon in turkiga loo balan qado in wadanka kheyraadkiisa (bad iyo beriba) wax laga siiyo si uu nooga caawiyo sidii Soomaaliya dib loogu dhisilahaa. Wadanka kheyraad badan baa ka buuxa wuxuuna u bahan yahay in aan la ka shano dad walalaheen ah sida Turkiga.