Home » Warar »

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafddi uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo soo dhaweeyey wafti uu hogaaminayey madaxweynaha DFS….

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maantay gaaray caasimadda dalka Jabuuti, safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir ahna Lataliyaha Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Dowladda Jabuuti ka tirsan ayaa garoonka ku soo dhoweyey Madaxweyne Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamadda Band Music (Baambeey) Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa loo soo gelbiyey Xarunta Madaxtooyadda dalka Jabuuti, wuxuuna halkaas kulan kula qaatay dhigiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka kadib, shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti. Waxa ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen inay ka wada hadleen xaaladda labadda dalka, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu warxibin ka siiyey dhigiisa Jabuuti Ciidamadda Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa Amisom ee jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in booqshadu tahay tii ugu horeysay oo rasmi ah ee uu ku tago meel ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynahu safarkiisa ugu sii tallaabi doonaa dalka Itoobiya.

somalitalk's jabuutisomalia album on Photobucket

Xafiiska Madaxweynaha DFS waxaa lagala xiriiri karaa:
Office of the Somali President , Mogadishu, Somalia
media@presidency.gov.so

Sawirada waxaa isku soo dubaridey, soona tebiyey
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com


Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo ka dhoofay garoonka Muqdisho: Nov 26, 2012

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafddi uu Hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo uu wafdigiisu ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay booqasho ku tagayaan Dalalka Jaarka Sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kiinya.

Madaxweyne Xasan markii uu halkaa ka dhoofay ayaa waxaa saxaafadda hadal kooban siiyay Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna ku Simaha Madaxweynaha Porf. Maxamed Cusmaan jawaari. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Casuumaad ka helay Madaxda Wadamada uu booqanayo isla markaana ay ka wada hadlayaan xiriirka Soomaaliya iyo Wadamadaas u dhaxeeya.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in ugu horeyn Madaxweynuhu booqan doono Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasna uu wada hadalo kula yeelan doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyagoona ka wada hadlaya Xiriirka walaalnimo ee labadaas Dal ka dhaxeeya. Jawaari ayaa intaa raaciyay in sidoo kale uu booqan doono Wadamada Kenya iyo Itoobiya, Madaxda Wadamadaasna uu kala hadlayo sii xoojinta Xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Wadamada uu Madaxweynuhu booqnayo.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safarkiisani waxa uu noqonayaa kii Labaad ee uu Dalka kaga baxo tan iyo markii loo magacabay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.Si kastaba Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Xubno ka kala socday labada Gole ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinnkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.