Home » Warar »

Wasiirada Dowlada Cusub oo shaqo bilaabay, Wasiirada Arimaha Dibada, Gaashaandhiga iyo Maaliyada oo Warsaxaafadeed soo saaray

War saxaafadeed – Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo isbadal ku sameyn doonta Waaxyaha Wasaaradda iyo Safaaradaha Dibadda.

Mogadishu – Sabti 24 Nov 2012 – Kulan isbarasho ah oo ay maanta la yeelatay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Safiirada Jamhuuriyadda Federaalka u matala qaar ka mid ah wadamada caalamka , goob joogna uu ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ku dhammaaday guul iyo jawi is afagarad leh .

Wasiirku waxa ay cadeysay in dib u qaabeyn ay ku sameyn doonto qaab dhismeedka maamul ee waaxyaha wasaaradda oo ka kooban 11 waaxood iyo sidoo kale safaaradaha dibadda , iyadoo isbadalka cusub ee Wasaaraddu ay hiigsan doonto uu barbar socon doono qorshe lagu horumarinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda , laguna dar-dar gelinayo maqaamka dowladnimo ee Soomaaliya ee caalamka .

Wasiirka oo la tashiyo la sameyn doonta Agaasimaha Guud , Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo Guddi Diblomaasiyiin Soomaali ah ayaa waxa ay u howlgali doontaa diyaarinta qaabka la iskugu dheeli tiri karo Waaxyada Wasaaradda iyo sidoo kale Safaaradaha , si ay u suuragasho dhismaha shabakad isku xiran oo wadashaqeyn joogta ah ay ka dhaxeyso oo gudaha iyo dibadda ah .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ah Wasaaradda ugu xilsaaran dowladda Federaalka gudbinta iyo sharxidda siyaasadda dibadda , dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya ayaa waxa ay isku howleysaa soo celinta sharafka dowladnimo ee Soomaaliya , si loo helo aragti wanaagsan oo Soomaaliya ay la wadaagto caalamka intiisa kale .

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta oo Booqashadiisii ugu Horaysay Ku tagay Dakada Weyn ee Muqdisho.

Moqdisho, 24/11/2012. Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Mudane: Maxamuud Xasan Suleemaan ayaa maanta booqashiidii ugu horaysay intuu loo magaacabay xilka ku tagay Dakada Caalamiga ah ee Muqdisho isagoona u kuurgaliyey sida ay u shaqeeyaan laamaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Dakadu.

Dakada weyn ee Muqdisho oo ah isha uu dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo dowladda ayaa  waxaa hada ka socda howlo baaxad leh iyadoona ay  ku xiran yihiin Maraakiib waa weyn iyo Doomo sida badeecadooyin kala duwan, waxaa sidoo kale agagaarka dakada fadhiya maraakiib iyo doomo kor u dhaafaya shan iyo toban oo sugaya halkii ay kaga xiran lahaayeen Dakada.

Ugu horayntii Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Soomaaliya Mudane: Maxamed Xaaji Maxamuud “Layloon”  ayaa ka warbixiyey  sida ay u shaqayso Dakada.

“ Dakada waxay hada maraysaa xiligii ay ugu mashquulka badnayd waxaana ku xiran maraakiib iyo doonyo kala duwan, waxaana jira dhibaatooyin ku saabsan dhanka dajinta badeecooyinka maadaama ayasan ku imaanin konteenro waxay qaadataa mudo in laga dajiyo markabka, qalabka hada ka shaqeeya dakada oo loo isticmaalo wax dajinta waa mid kiro ah badankiisu, waxaa lagama maarmaan ah in la helo qalab casri ah oo daboola baahida ka jirta Dakada, waxaa sidoo kale ku howlanahay sidii is badal loo samayn lahaa qaabka loo qaado canshuuraadka” ayuu yiri mudane Layloon

Sidoo kale Maareeyaha dakada ayaa sheegay in alaabta dakada ka dagta aan lagu xarayn Bakhaarada ku yaal dakada waxaana sabab u ah iyadoo bakhaaradaas ay isticmaalaan Hay’adaha Qaramada miyoobay iyo Turkiga, wuxuu kale oo Mareeyuhu sheegay in ay jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo raba inay badeecada ku keenaan konteenaro si taas u suurto gashana waa in adeegyada loo baahan yahay iyo qalabkii dajin laha konteenarada in lagu soo biiriyo Dakada.

Ugu danbaynti Wasiirka Maaliyada ayaa booqasho ku soo kala bixiye dhamaan qaybaha ay ka koobantahay Dakadu sida, Qaybta Maamulka Furdooyinka, Qaybta Bangiga, Xarunta Booliska, Bakhaarada iyo Qaabka ay u dagayaan Maraakiibtu. Wuxuuna wasiirku kula hadlay saxaafada Dakada dhexdaada isagoona sheegay in Dowlada cusub ay hada iyo wixii ka danbeeya ay wax ka qabn doonto baahiyaha kala duwan oo ka jira Dakada, wuxuu sidoo kale sheegay in shaqaalaha ka shaqeeya maamulka dakada la siin doono tababaro si kor loogu qaado tayadooda shaqo.

WARSAXAAFADEED: Wasiirka Gaashaandhigga Oo Kulan Ku Aadan Sii Wadida Howlgallada Iyo Dib U Dhiska Ciidammada La Qaatay Taliska Sare Ee AMISOM

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin  Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay taliska ugu sareeya Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM.

Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxa uu si gaar ah kulan ula qaatay Taliyaha guud ee Ciidammada AMISOM Andrue Guthi iyo Taliye kuxigeenka AMISOM Simon Kranja ayaga oo ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa howlgallada dalka looga saarayo Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab qodobkaasi oo ay Wasiirka Difaaca iyo Saraakiisha sar sare ee AMISOM ay si aad ah u wada gorfeeyeen.

Sidoo kale intii uu kulanka socday waxaa ay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiisha sar sare ee AMISOM dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya gaar ahaanna Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayadoo tayeyntooda iyo qalabeyntooda ay bar bar socoto.

Wasiirka Difaaca Dalka ayaa yiri “kulanka waxa uu ahaa mid muhiim u ah sii socoshada sidii dalka looga xoreynlahaa kooxahan argigixisada waayo waxaa inaga go’an in sida ugu dhaqsiyaha badan aan dalka guud ahaan uga xoreyno cadawga kusoo duulay, insha Allah dhowaanna shacabka Soomaaliyeed waxey arki doonaan wax ay ku farxaan”

“sidoo kalena kulanka waxaan uga hadalnay dib u dhiska Ciidammadeenna Qalabka Sida oo xiligan ay muhiimad gaar ah inoo leedahay tayeyntooda iyo qalabeyntooda , sidii dhalinyarada ay qaldeen kooxaha argigixisada ahna fursad mustaqbalkooda loogu abuurayo aynu ugu dhisi laheyn qeyb ayey kulankeena ka aheyd”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji  Fiqi.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxey shacbiga Soomaaliyeed si kal iyo laab ah ugu guubaabineysaa iney ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo taageerrada Ciidammadooda si dalka uu cagahiisa isugu taago.

……DHAMAAD………….

Xasfiisyada Wasaaradaha Soomaaliya

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasiirada Dowlada Cusub oo shaqo bilaabay, Wasiirada Arimaha Dibada, Gaashaandhiga iyo Maaliyada oo Warsaxaafadeed soo saaray "

  1. qooqani says:

    wasaarada arimiha dibada shaqo badan beey u bahantahay oo waxaa kamid ah waa in la soo wada galayi safaaradaha hada furan safiieadooda oo la magacaawaa dad shaqada ayaqaano maxaayelay kuwa hada shaqeeyo waxay dadka u qabtan iska dhaaf daowlada somalia waxba uma qabankaraan marka waxaa loo bahanyahay dad iska leh aqoonda dibolomaatika iyo sida ay u shaqeeyson,