“Nimaan Dhul Marin, Dhaayo Maleh”
HORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, Akristaha sharafta badanoow, safarkeygii aan dhawaan wadankeenii hooyo ku tagay (August 6, 2012-illaa-September 6, 2012). Waxaan ku so booqdey qeeybo ka mid ah gobollada dalka, oo eey ku jiraan gobollada waqooyi ee Soomaaliya-Caalamiyan-,ee loo yaqaano Somaliland.
Inkastoo aan dano kaloo gaar ah u tagay, hadana aad ayaan u xiiseeynayey in aan indhaheeyga kusoo arko, sifiicanna bal usoo indha indheeyo, si aan u kala saaro xaqiiqda iyo wixii kasoo hara. Nasiib wanaag! Waxaan kala soo noqdey in badan oo badashey fikradii aan markii hore ka heystey, badalina doonta tan eey dadbadani ka heystaan, waxaana jecleeystey in aan aqristayaasha la wadaago, waana tan ee kusoo dhowaada.
Aan ku bilaabo’e, maadaama Airport-ga Hargeeysa uu dhismo ku socdey markii aan gobollada waqooyi tagayey, waxaan ka dagay Airport-ga Barbara, oo xaqiiqdii kuleylkeeda heerka uu gaarsiisanyahay uu ii dhinnaaba. Mid saaxiibkeey ah oo ila socdey ayaa wuxuu iiga qosliyey maanlintaa, anigoo kuleyl dartii la yaaban, wuxuu igu yiri, “War Cabdiboqorow maxaa la inoo yiri Cilmi Boodhari jaceylbaa diley, war waa nin uu kuleyl dilaye kawaran!”.Waxyaabaha aan horey usii maqley, Airport-ga Berberana aan kula kulmey waxaa ka mid ahaa, in eey ka jiraan laba saf. Midka muwaadiniinta iyo kan Ajaanibta. Hadii aad wadato Passport-gii Soomaaliyeed ee hore, ee cagaarnaa, waxaad galeeysaa safka “Muwadiniinta”, waxaana galida Somaliland iyo ka bixideedaba lagaa kala qaadayaa min $10/= oo canshuur ah, ama Gobollada Waqooyi u dhalo ama Koonfur ka imoow, waa isku mid. Hadiise aad wadato Passport-ga cusub ee E-Passport-ga, balse Gobollada Waqooyi looga yaqaano “Passport-gii C/llaahi Yuusuf”, waxaad galeeysaa safka “Ajaanibta”, oo waxaad isku saftihiin kuwa wata passport-yada dowladaha kalee shisheeye. lacagtana wey kugu kordheeysaa, oo waxaa lagaa qaadayaa, min $40+ marka aad galeyso iyo marka aad ka baxeyso Somaliland intaba, meeshii aad rabtaba u dhalo’e. Sababta arintan marka aan xuuraansadeyna, waxaa la igu yiri, Passport-ga cagaaran wuu “Inaga dhaxeeyaa”, Midkanse dowladii C/llaahi Yuusuf baa keensadey. Su’aashu waxeey tahay, yaa bixinaya marka-Waa inta dantu kasoo gashee- lacag $90/= ku dhow, isagoo heli kara in uu $20/= bixiyo? Waxaana arintan sii fududeeyey, oo dadkuna eey sameeyaan, in Airport-ga caalamiga ah ee Aadan Cade, horey usoo maraan, ayey lacag $15/= ahna kusoo sameeystaan passport-kii cagaarnaa, kaasoo inta aad taagantahayba laguu kala tuurayo, hadiiba sawirada iyo lacagtu kaa diyaar yihiin. Wareerba haku daayo!
Waxyaabaha igu cusbaa waxaa ka mid ah, marka Airport-ga Barbara aad banaanka uga soo baxdo, waxaa boorsooyinkaada kala dafaya Xamaaliyaal, mana ka kartid war boorsada ii daa, Baska aad hoosta ka taagantahay ayuu dushiisa ku tuurayaa, kadiba horey ayuu kaa leeyahay, “War iinoo dhiib kuu xamaalnaye!” Oo anigaaba saarankaraye inteed ula ordeysey, subxaankee, War cusub!
Marka aan soo dhaqaajinney, waxaan soo marney wadada Dheer ee Barbara iyo Hargeeysa isku xirta, tasoo ah -Inta aan arkey-wadada kaliya ee si wanaagsan u dhisan. Nasiib darro! Inta aad ku socoto, waxaad ka argagaxeeysaa tirada baaburta ah ee ku gadoontey/qalibmatey, ee wadada dhinacyadeeda isku wada buusbuusmey, sababtuna waa darawallada oo Maan-Dooriyaha Qaadka aad isaga badiya, gawaaridana God, Tog iyo Dalcad toona aanan ka qabaneeynin darteed, waloow dadka qaarna leeyihiin wadadaa ayaa Jinniyo iyo wax la mid ah laguba xantaa.
Waxaad Buuraleey iyo dhul geedo gaagaaban leh soo dhexmartabe, marka aad Hargeeysa kusoo dhawaato ayaa cimillada hawada isbadalayaan, oo kulleeylkii aadka u darnaa ee Barbara ka baxeeysaa. Nasiib darrose! Hargeeysana waa meel aan dhaxanta kula yaabey. Dadka weey iskala qabsadeen, balse aniga oo ku cusbaa intii aan is lahaa Xarakoo, oo Shaar isku taag, ayaan Burunkiito ka qaadi gaarey, waloow dhaxantu aaney xad kabax u aheyn sidii Kuleeylkii Barbara, hadana waa xoogaa Nin dhalinyara ah oo Xaniintiisu qac leedahay, uu dareemayo, odeyna warkiisa daa.
Waxyaabaha igu cusbaa, oo aan sida gaarka ah ula yaabey, waxaa ka mid ahaa, in Magaalada Hargeeysa loo kala daganyahay Reer-Reer ama lookala badanyahay, oo reerbaa ku tilmaaman meelkasta. Waxaad maqleeysaa “Daanta Reer hebel iyo Daanta reer hebel”, marka laga reebo xabad-xabad iska Dool ah, ama Gobollada kale ee Soomaaliya ka yimi, iskana dhexdaga meelkasta.
Waxyaabaha Hargeeysa eey caanka ku tahay, balse aniga igu cusbaa ayaa sidoo kale waxeey ahaayeen, in dhulkeeda oo dhami wada Dhagax yahay, waxaaba looga yaqaanaa Hargeeysa “Miskiin kalkaale”, micnaha hadii dagaal uu meel kugu qabsado, waad haabaneeysaa oo kaliya. Dhibkiisa ayaase wuxuu yahay, waa kan isdagaalka Xaafadaha siina fududeeya. Waxaa iska caadi ah in dhagax meel uu ka yimid aadan garaneyn, uu guriga kuugu soo galo ama dusha uga soo dhoco, gaar ahaan habeenkii, hadii qof reerka ka mid ah uu ku daqramana waa yeelkii.
Waxyaabaha sida gaarka ah iiga yaabiyey, oo aanan ka filaneyn Hargeeysa, oo caasimdii Somaliland ah, waliba mudana 20+Sano nabad heysatey, ayaa ah in wadooyinkeeda oo dhami aad u burbursanyihiin, xitaa tan hormarta Madaxtooyada oo magaalada gudaheeda ku taala. Dhamaan waa bohollo, iyo karakeeyshan. Roobka marka uu da’ana waxaad soo xasuusaneeysaa, Suuqa Bakaaraha oo uu Roob ku da’ay. Dhiiqada, Dacda ureeysa ee wadada dhex ceeygaagta darteed. Maxaa loo dhisi waayey ayaan dadka weydiiyey, maadaama mudo Somaliland nabad aheyd, waxeey dadka kudhahayaan, Musuqmaasuq maamulka ragaadiyey iyo Qaad ama Qayilaad darteed, ayaan cidiba dhiseyn. Waxeey kuugu sii darayaan, Musuqmaasuqa marka laga soo tago, waqti yar ayaa xafiisyada dowlada laga shaqeeyaa, inta badanna Qayilaad ayaa loo fadhiyaaa, ummadana waa iska wada fuqaro, oo ninnkii meel loo dhiibaba inta aan laga qaadin ayuu is leeyahay, war xoogaa aad kusii noolaato meesha kala hadh, Maxaa wax la dhisaa marka! Waxeey dadku isweydiinkaraan maxeey tahay sababta kooxda la yirhaado “The UN’s Somalia Monitoring Group oo uu badaxda u yahay ninka la yiraahdo “Matthew Bryden” eey warbixino la mid ah tan eey Madaxda Xamar joogtaahi sida joogtada ah uga qorta, eey uga qori weysey? Waxaadse ogaataa in madaxa hey’adaasi uu madax u yahay Matthew Bryden oo ah nin aaminsan kala goyngoynta dalka Soomaaliya, waa ninka ku faana in uu sito passport Somaliland ah, waa nin Xaakiisuna oo dhowr cunug u heysaahi eey kasoo jeeda gobollada waqooyi-Somaliland ee Soomaalida. Ninkani wuxuu ka tirsanyahay koox la yiraahdo “ The Somaliland International Recognition Group”, oo ah koox dacallada caalamka si joogta ah uga ololeeysa in Somaliland laga jaro Soomaaliya! Nadiib darro! Madaxda Soomaliya wali uma eeysan tilaaboqaadin sidii isaga iyo kuwa la midka ahba eey meel cad ummada uga saaro laheyd. Fadlan si aad wax uga ogaato ninkan madaxda ka ah hey’adaa muhiimka gaarka ah u leh Soomaaliya, lifaaqyada hoose kasii aqri (2 & 3).
Dhinaca kale waxaad si aad ah ula dhaceeysaa hantida gaarka loo leeyahay, iyo sida eey u kobacdey, oo bilicda magaaladana eey u hormarisey, gaar ahaan dhismayaasha Hotellada oo eey ugu caansanyihiin Hotel Mansoor, iyo Hotel Ambassador, dabcan hotella kaloo aad u waanaagsanna weey jiraan. Marka aad tagto ma maleyn kareeysid Cadaanka dhooban iyo kuwa soo dagaya. Qaar hey’ado ayaan u shaqeeynaa ayey leeyihiin. Qaar suxufiyiin ayaan nahay ayey leeyihiin. Waa hubaal in inbadan oo Jawaasiis caalami ahi ama waxyaabo kale u yimidna eey ka buuxaan. Waxa bilicda magaalada sii biley waxaa ka mid ah: Dhismayaasha Shirkadaha gaar ahaan sida: kuwa Isgaarsiinta iyo Baararka. Magaalada oo Dadka u dhashey aad ugu soo laabanayaan darteed, ayaa waxaa kasii sameysmaya Xaafado cusub, gaar ahaan kuwo eey dagaan dadka dhaqaalaha leh ama ganacasto ha ahaadeen, ama Dad mudo Qurbo-Joog soo ahaa. Xaafadahaas oo aad ka garankarto naqshadaha guryaha iyo nuucyada gawaarida intaba. Waxeey sidoo kale magaaladu leedahay goobo dhowr ah, oo ah nuucyada kala duwan ee waxbarasho. Jaamacadaha ka furwan waxaa ugu caansan: Jaamacada Golis, iyo Jaamacada Hargeeysa, dabcan kuwo kalana weey jiraan oo isku soo wada xigxiga.
Xaafadaha magaalada Hargeeysa waxaa dhexmara, Togag Biyo-Mareeno ah, oo marka uu roob da’o magaalada biyaha ku wada fataha. Baabuurtana aad ugu rafaado marka eey wadooyinka xaafadaha qaarkood goynayaan, Waxaa ku filnaan laheyd Buundo yaroo aad u gaaban, oo meelaha togaga magaalada dhex maraahi lasaaro, ama siyaabo kaloo uga haboon loo xalliyo, mase jirto cid howshaa u kacdey illaa iyo hada. Nasiib darro! Wixii eey dowladi qaban laheyd ayaa magaalada ugu liita, Marka laga reebo dhinaca nabada.
Waxyaabaha kaloo igu cusbaa, ayaa ahaa Goobaha tirada badan ee ganacsi ee Ethiopian-ku ku leeyihiin gudaha Hargeeysa, oo waliba calanka Ethiopia ku sawiranyahay ama ka babanayo. Waxaa sidoo kale la iigu waramey in guryaha badanaaba iyaga eey ka shaqeeyaan iyo gooba badanoo ganacsi sida: Hotellada. Waa hubaal in Dowlada Ethiopia wax badan ka warqabto.
Waxyaabaha muhiimka ah waxaa ka mid ah, sida magaalada eey u daadsanyihiin ciidamada BS-ta ee Sirdoonka. Ethiopian-kuna dabcan qeybta ugu weyn ayey ku leeyihiin, oo waxaa uga furan meesha wax eey safaarad ku sheegaan-Ileyn ma aqoonsana Somaliland’e-. Waxaa odayaal ii sheegeen in Saraakiin waaweyn eey ka howlgalaan gudaha Hargeeyga, shabakadana u daadsanyihiin dhamaan gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Waxaan la yaabey markii saaxiibkey igu waaniyey in aanan kaligey Hotel iska dagin, oo aan Guri family ah dago, sababta oo ah buu yiri, “Ma rabo in eey kugu dhacaan wixii aniga igu dhahay, oo aheyd in hotelkii anigoo indha ka duuban la igala baxay, nasiib wanaagse! Nimanka shirkada aan la shaqeeynayey, ayey arintii gaartey, oo isoo samatabixiyey”.
Magaalada waxeey leedahay Goobo badan oo caafimaadeed, waxaase ugu roon isbitaalka weyn ee Adna (Edna Adan Maternity Hospital), oo dhinaca Dhaliinka haweenka si gaar ah loogu Ammaano, Adna waa Xaaskii uu ka geeriyoodey (Allaha u naxariistee) Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Nasiib darro! Marwo Adna aad ayey Xagjir ugu tahay, xaqiiqdiina ugu talax tagtey, uguna dhardhigatey xumaan isaga sheegida Ummada walaalaha ah ee Waqooyi iyo Koofur, oo hade waxkastoo xun ku sheegta guud ahaanba walaalaha Koonfureed, iyadoo waxyaabaha qaarkoodna aaney afkaba ku habooneyn Akhlaaqiyan iyo dadnimo ahaan intaba. Waxaa kawada marqaati kacay Indheer-Garadkii daawadey Qudbadii eey ka jeedisey Shirkii Biljam, ee nasiibdarrada aheyd (lifaaqa 1-aad ee hoose ka daawo Video-ga qudbadaa). Xaqiiqdiina mararka qaar ayaan is iraahdaa, waxaaba dhaama, Feeysal Cali Waraabe oo Xagjirnimo dhinaca kala goywnta dalka iyo naceyb abuurka lagu sheego.
Marka laga hadlayo dhinaca Qadiyada Gooni isutaaga Somaliland –Ama kala Jarida dalka-Dadka waqooyi joogaahi, waxeey ugu kala qeybsanyihiin laba qeeybood- waa dadka aan siyaasiyiinta aheeyne- A-Da’yarta soo koreeysa. iyo B-Dadka waaweyn. A-Dhinaca dadka da’yarta ah, guud ahaan kuwa Qurbaha laga soo celiyey, gaar ahaan kuwa Ciyaal-Casiirka ah, aad ayey ula xamaasadeeysanyihiin Gooni isutaaga Somaliland. Programing joogta ah oo siyaasiyiinta eey ku hayaan darteed. Waxaana ka dhaadhacsan Reer Koofur oo dhan: Rag iyo Dumar, Caamo iyo Culimo, Sheikh iyo Shaab waxba isma dhaamaan, oo waa Umulo-Dooxyo, Marras iyo Maato leys ah. Waa kuwii ina xasuuqey oo waa wada Cadow. Kuwa Gooni-isutaaga kasoo horjeedana, waxeey raali ka yihiin dhibkii ina gaarey. B-Balse dhinaca kale; Dadka waaweyn waxeey ku leeyihiin, dhibka waxaa geystey Regime-kii Maxamed Siyaad Barre, oo Soomaali oo dhami ka wada tirsaneyd, oo waliba ragii ugu sareeyey qaar ka mid ah eey Waqooyiga kasoo jeedeen. Ragaasi waxaa ka mid ahaa: Sareege Gaas Xuseen Kulmiye Afrax, waxaa sidoo kale ka mid ahaa: Axmed Maxamuud Faarax oo ka tirsanaa Gudigii siyaasada ee Golihii dhere ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, oo waliba geeridiisi kadid lagu aasey Hargeeysa kadib burburkii Dowladii Siyaad Barre, waliba isagoo “Geesi Qaran ah!”. Xaqiiqduna waxeey tahay, wuxuu regime-kaa ahaadaba Ummada Soomaaliyeed oo dhan ayaa la dagaashey, Koofur iyo Waqooyiba. Nasiibdarro! Kadibna iyadii dhexdeedaa is leeysey. Waxeey ila tahay in kala goynta dalka eey ka fududahay in Ummadu is cafiso, wixii xukun dowladeed ahna si cadaaladi ku jirto loogu wada heshiiso, Xaqiiqdiina waa waxa caalamku ina lahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafey. Wax aaney Waqooyi Koofur uga baahneyna, Koofur ugama baahna waqooyi, iyadoo la wada ogyahay in Koofuri tahay meesha Wabiyada dalku wada maraan, tahayna meesha dalku ugu kheeyraadka badanyahay. Waxaase maragmadoonto ah in shacab dhan oo walaalo ah aanu mudneyn in Jiil dhan loo cuqdadeeyo, oo dhaqaale, waqti iyo Juhdi intaa la egi la galiyo, ee ilaahoow Xamar nabad inooga dhig, iyadaa Hantideenii maguurtada aheydi taallaaye, waxkastaahina meeshaan waa qaali, marka loo eego Muqdisho’e.
Gabagabo/Gunaanad
Nasiib wanaag! Dadka Koofureed guud ahaan sida Dadka waaweyn ee walaalaha waqooyiba aaminsanyihiin, waxeey ka xunyihiin wixii ku dhacay walaalahooda Waqooyi. Waxeey ka tiiraanyoodaan dhibkii eey gaarsiisey Dowladii Milateriga walaalihii waqooyi ee Midnimadi Ummadeena salka u ahaa, ee iyagoo Dal gooni ah noqonkara, ka doorbidey in eey walaalahood la midoobaan, hal dalna wada dhistaan. Marka eey walaalaha Koofureed diidanyihiin kala Goynta dalkana, ma aha in eey Xasuuq shacab ogolyihiine, eey tahay oo kaliya garashada in dadku walaalo wadayihiin dantooduna ku wada jirto midnimadooda iyo isku duubnidooda, ileyn horaa waxaa loo yiri, “Gacmo wadajirbey wax ku gooyaane”. Wixii Dulmi Kursi ama Kheyraad ah ee dhacayna, walaaluhu weey isaga garaabikaraan, isna xaqsoori karaan, waase in sidaa la isula fahmo, inta cadowgu midba gaar u didsanlahaa, oo uu yuubanlahaa. Marka aadse aragto Siyaasiyiin markii hore Qadiyada Gooni isutaaga meelkasta la taagnaa, oo inta Muqdisho iska xaadiriya xilal kasoo qabta, ee hadana Hargeysa xilal kale ka qabanaya, sida: Mudane: Maxamuud Cabdullahi Jaamac, “Sifir”, iyo Marwo: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, iyo kuwo kaloo la mid ahaaba, waxaad dareemeeysaa nuxurka meesha Ummaduba dhab ahaan kala joogto, siyaasiyiinta ayaa dano jago/Kursi u waalaya maahane.
“Nimaan Dhul Marin, Dhaayo Maleh”
W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com
Lifaaq
1-Shirkii Belgium iyo Qudbadii Adna: http://www.youtube.com/watch?v=SihG_cQCZg4
2-http://en.wikipedia.org/wiki/Matthew_Bryden
Asc salan kadib waxan jeclahay in qoralkan fikirkayga kadhiibto marka hore wuu mahadsan yahay cabdiboqor anigu hargeysa la iiga warami maayo oo wan tagay nin kan waxa uu kaqorayna dhaman wayjiran marka walaalehen waqooyi ha u qaadanina in laydin caayay sidiinaba xumaan marksta inaan filatan maahane waa inaad wax fahantan waxan reer waqooyi a hayn wax idama tusaalaynkaro miyaa nin kan haduu yiri hargeysa wadooyinkeda waa bubursan yihiin cay mahan marka walaalehen had iyo goor waad nacaydan hadan nahay gobaladakale ee somalia lkn shartan karaacnaa idama cayno waxaad ku amanantihina waan idinku amaana waxad ku caayantihiina wan idiin sheegna halka idinku aad dowlad wadanka kawadatalin jirtay oo xitaaa dadka manta madaxda idiin ah ay kamid a haayen dhibtii aygeysatay baad dusha noosaarten oo intas kaliya kumaydan gaabsane waxaad la soo shirtagten mujaahidiin baan nahay xitaa kamaydan xishoon waxa aad laysen mahan gaalo mahan shisheeye waa ciidankii soomaaliyeed waa meesha laga yiri geed baa mahmahay oo yiri guduneey ama masaarey hadan gabalkay kugu jirin imaad goysen marka walaalayal ilaa hada waxad kufantan mujaahidin gaalada aad laysen ee mujaahidka kunoqoten waa kuwee nooo sheeega itoobiyan hadaaad kawadan ama cadow kale anigu waxan idiin sheegaya wixiii aad laysen waa somali shar iyo khayrba somali wixii kadhacay qayb baad katihiin marka mujaahid baan a hay war baa kadambayn
Walalkay c/qadir maxamed aad ayaan ku salamayaa hada ayaan arkay maqaal aad leedahay ninka kula hadlayaa waa c/nasir shirdoon ma xasusataa oo aad hargaysa isku barateen.
saxiib waa maxay waxan aad qortay ma nimankii barigii ayaa ka caraysiyay .c/qadir waxaas lama qiimeyo aniga iyo dadbadan oo reer hargaysa waad ogayd qaabkan kugu gurmanay,ninkan saxiibka ah ee aad qoralka kusoo qadatay ee aad tidhi hotelka lagala baxay waxa uu aha nin aan fiicnayn oo tageera nimankan soomali dhibta badan u gaystay
wanaag ayaan adiga kugu ogaa cabdi xanaqa saxiib iska dhaaf maqaalkan ka nopon.
Dadka qoralkan akhrisanaya waxaan ogaysinayaa in maqalkan c/qadir sababta ka keentay ay tahay sidan:-
C/Qadir sida uu sheegay waxa uu yimi hargaysa isaga oo aad u jecel kuna faraxsan,kadibna c/qadir waxa ay inta badan kaftami jireen wilal dhalinyaro ah ee reer hargaysa ah kadibna mararka qaar waxa ay ku odhan jireen ayaga oo la kaftamaya kumanan afgaran waayo saxiibkay cabdi aniguba marka uu ila shekaysanayo maan fahmi jirin waxa aan iska odhan jiray HAA HAA lakiin xumaan igamay ahayn ee waxa ay ahayd Lahjada uu ku hadlayo ayaa ah mida u reer xamarsan.
mudo ka bacdi cabdi oo cidhiidhi ku jira oo dadkii la shekaysan la ayaan arkay waxa uu igu yidhi saxiin Qaldamintan ma fahayo waa iskaga tagayaa,waxa aan ku iro ha tagin hargaysa joog waa magalo qabaw oo lagu raxaysto.
habeen habeenada ka mid ah ayaa wakhti la hurdo waxaa talafoon isoo diray c/qani maxamad cismaan waxa uu iyidhi askar ayaa hotelkii an ku jiray oo ahaa Jirde igalasoo baxay waxana la ii haystaa argagaxiso kadibna waan soo baxay waxanan tosiyay nin anu saxiib nahay.
waxa anu nimi xarintii CID EE SOMALILAND LANTEDA SHACABKA
markaan galnay ayaa waxaa meel aad u durugsan nagala hadlay cabdi kadibna waxaan is iri u taga lakiin waa naloo diday waxaan u tagnay taliyihii heganka lahaa waxa uu nagu yiri ninkan danbi ayaan ku haynaa talafonkisana warar ayaan ka helnay markaa iska noqda yaan idinkana danbi la idiin qabsane.
waxaanu ku niri ok lakiin aan la halno gogol iyo cuntana aan u radino waa uu naga aqbalay wananu u tagnay cabdi waxa uu noo shegay in dhibtan waxa u keenay ay tahay nin xamar kalasoo hadlay oo la daba socday kadibna talafonkiisa laga helay.
waaa sheeko dheer intasaan kaga baxaya kadibna cadbi waa kasoo daynay aroontii isaga oo somalilandba nacdalaya diyarada ayaan soo saaray hawshasi ayaa ku dhacday saxiibkay markaa yaan loo qadan nin somaliland neceb.
yasiin xasan
sc dhaman wallalaha soomaaliyeed bacdu sallan waxaan raaba in aan qormadan fikirkeeyga ka dhiibto runtii wallakeen cabdi boqor labuu isku daray mid waa midee waa waqooyi xaalkeeda dhismo horumar nabad iyo xoogaa fikrad siyaasada dhinaceeda ah,marka ma xuma in asagu qoraha sida uu wax u arko uu ka dhiibto saa qof walba oo binuaadima sibuu wax u arkaa oo isugu sheegaa hadaan labadeena hal sawir wada fiirino midkeenba sibuu u arkayaa inkastoo wallaha waqooyi wax alla wixii yara qaloocan ay u arkaan weerar difaac culus ayeey galaan rag badanoo sxbo aanu nahayna waa ku kaftanaa lakiin mida siyaasiyan waa tan asaga la quman oo dad badana ay qabaan arinta goosashada iyo dadka sida aadka ah looga dhaadhiciya haba u badnaadeen qurbo joogta suu noo sheegay cabdiboqor marka koleey taa waa laga heshiin doonaa marka hore anaga koonfur ah aan degno tan horumarka iyo nabada iyo dhismahana waxaan leeyahay ilaah ha u zaaidiyo inta hartayna haku daraan wadootyinka qashin qaadista iyo nadaafada waxaan iga dardaaran ah qaadka in aad laisga ilaaliyo waa bahalka na quransaday hadaan nahay reer koonfur ama reer waqqoyi runta hadaan ka hadalno waxaan maqli jiray laga baray laga badi ,talo wallal rag waa shaqo in wadanka aad looga shaqeeyo 7da subaxii ilaa lixda maqrabnimo anigaba shirkada aan ka shaqeeyo sida reer galbeedkuba u badanyahay waa 24/7 soomalidu horeey ugu maahmaahday ninkii seexday sicii dibi dhal…ws wr wb
waan aqriyay maqaalkaaga oo dhan ,dhoor marna waan booqday dhulkaa waqooyiga dalka ,aniga waxaan ahay ree muqdisha , maqaalkaaga wuxuu u egyahay nin la carageliyay oo qalin ku aarsanaya, walaalahaa ree waqooyi ee nabadgelyo kusoo dabaalay qeyb weyn oo kal mida dalkeena waxey mudanyihiin in la dhiiri geliyo ,la aamano , lagu garab istaago sidey horumarka hada jira usii wadi lahaayeen ,weliba adiga oo kale oo bare jaamacadeed ah waxey aheyd inaa si cilmiyeysan u dhaliisho cida dhaliileyso lkin sidan o dhan inaa u hadasho u ceebeyso dad dhan ma aha wax sifooyinka barayaasha jaamacadaha ka mida,wey jirtaa iney gooni isutaag ku adkeysanayaan wey jiraan dad cunsurinimo ku jirto oo u heysta in walaalaha koofurta ka danbeeyeen xasuuqii 80 meeyadii ka dhacay gobolada koofureed weliba iyagoo og dhibka ii dowladaas kacaan u geysatay gobolo badan oo koofurta ah , sida bay iyo bakool oo ilaa hada aan si fiican ugu soo kabsan dhibkii loo geysto iyo macluushii ay sababtay raashinkii bakaaraha laga gubay.
walaalaha waqooyiga waxaan leeyahay ogaada in muqdisho ay dadka ree waqooyiga ay la mid yihiiin oo aney ka soocneen walaalahood kale.
waxaa jirta xitaa in airportka muqdisho madax ka yihiin qeybaha dowlada oo dhan ku jiraan xitaa maamulka gobolka banadir ku jiraan.
asc wr wb waxaan jecelahay inaan wax ka dhaho maqaalka lagu magacaabay SAFARKAYGII HARGAYSA IYO SIRTII AAN KA HELAY waxaan leeyahay qofku inuu wax qoraa way u dhibyar tahay laakiin waxaa uu qoray waxa ka dambeeyaa waa wax culus waayo allah wuxuu ku waydiin doonaa waxan aad qortay maalinta qiyaamaha mana fududa jawaa uhelisteedu ee taasi la soco ninkii maqaalkan qorayow waan akhristay waxaasi ad qortayna wax meeshaasi ka jira maaha waana wax maskaxdaadu kuu sawirtay ee maaha xaqiiqo meesha ka jirta meel dadka lagu kala saaro oo la yidhaa waaa muwaadin iyo ajaanib baad kala tihiine laba saf gala ma jirto waa been arintaasi passport ka aad sidato waa lagaa qaadi lacagna waa lagu waydiin waa sax arintaasi laakiin kiii cagaarnaa ma sidataa iyo kii cabdullahi yusuf ma sidataa wax jira maaha somaliya waxaa loo aqoonsan yahay uun hal passport waana kii dawladii kacaanku ka tagtay uun waxan kale oo dhamiba waa macmal dad samaysteen cidna ma aqoonsana gaadiidka wada tuban ee gadoomay ama qalibmay aad sheegtayna waa bentii ugu waynayd wax jira maaha meelkasta aduunka shil waa ka dhacaa taasina maaha wax ugaar ah maan dooriya aad sheagayso koonfurta soomaaliya ayuu ugu badan yahay mana aha wax woqooyiga somalia ugaar ah dadka waxaad utusaysaa in dadka dhulkaasi ku dhaqani ay yihiin dad uu dishooday qaadku oo xataa aan tahli karin gaadhigii wadada ku dhacay aan iska qaadi karin taasina waa mee ka dhac iyo gef aad ugaysaayso umadaasi muslimiinta ah ah ee meeshaasi degan anigu hadaan koonfurta somalia ka hadlaayo waan ka xishoonayaa inaan dadkaasi walaalahayga ah aan sifo ayna geyin ku sifeeyo waxaan ku leeyahay ninyohow bal qoraalkaaga dib u akhri kadib adigu is xukun
waan jeclaan lahayn in saaxiibkay uu fiiro intaan ka badan u yeelan lahaa sida ay wax yihiin oo aanu ku eegi lahayn indhaha uu ku eegay. si aad hore ugu socon karto waxa wanaagsan in aad dib eegto…….. talada kaliya een sxbkay siin lahaa waa in uu wax ku faaqido in historical context! waa mahdsanyahay
Haddii aad Bare sare xidhatay, qoraalkaaguna sidan yahay, kuwa aad wax u dhigtaa Allay leeyihinn. Bare-nimooy xaal qaado. dugsi hoose kuguma aan aamineen sxb.
Waxan aad qortayna madax iyo minjo iyo qaab qoraal ma laha e dib u tacliin doono wiilyohow.
Hargeisa waligey ma arkin sidas daraded waan akhriyey qoraalka bal inaan wax ka barto magaaladaas, waa warbixin fican lakin siyaasad ayay kula gashay ugu dambayntii