Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Cabasho ku Aadan arrinta Kismaayo u Gudbiya Madaxweynaha Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya ayaa markii u horeysey booqday Magaalada Nairobi tan iyo markii uu Jagadaas qabtay. Haile Maraim ayaa markii uu tegay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya waxaa uu kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Dawladda Kiinya Kipaki.

Waxayna ka wada hadlay Xiriirka labada dal u dhaxeeya iyo arrimaha Urur Goboleedka IGAD iyadoo Gabagabadii kulankooda kaddib ayaa waxa ay si wadajir ah ula hadleen Saxaafadda ka gadaal markii ay Shir jaraa’id u qabteen.

Madaxweynaha Kenya Kibaki oo marka hore hadalka qaatay ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Xiriirka labadaas dal ka dhaxeeya iyo sidii loo sii hor marin lahaa iyadoo dhianaca kalena ay ka wada hadleen dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya kibaki ayaa hoosta ka xarriiqay in Labada dal ay isku waafaqeen in si wadajir ah ay wax uga qabtaan Xaaladda Soomaaliya maxaa yeelay iyadoo aan Soomaaliya Nabad ka dhalan ayay labada dhinac isku waafaqeen in dalalkooduna nabad noqoneyn.

Ra’isuul Wasaaraha Itoobiya HayleMariam Desalegn oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in uu ku raacsan yahay inta uu sheegay Madaxweynaha Kenya keliyana uu raacinayo in labadaas Dal ay go’aansadeen inay si dhab ah wax uga qabtaan Xaaladda Soomaaliya.

HayleMaryam Desalegn ayaa u mahadceliyay Wadamada ay ka midka yihiin Ugandha, Burundi iyo Jabuuti kuwaasoo uu sheegay in dadaal ay ugu jiraan sidii ammaanka Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa.

Ra’isuul Wasaaraha Itoobiya ayaa xusay in labad Dal waa Kenya iyo Itoobiya ay Ciidamoo fara badan ka joogaan gudaha Soomaaliya ayna sii wadayaan sidii Soomaaliya ay uga curan lahayd Nabad Waarta.

Kulanka labadan Mas’uul ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Gudaha Kenya maalmihii u daMbeeyay ay ka jireen qul qulatooyin sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Soomaalida ku dhaqan Xaafadda Islii iyo Magaalada Gaariza ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Hase yeeshee warar aan helney ayaa sheegaya in labada Dowladood ay ka wada hadleen Xaalada Maamul u sameynta Gobolka Jubada hoose iyadoo Dowladda Itoobiya ay u gudbisey Dowlada Kenya Cabasho la Xiriiirta Jabhadaha ay Taageerto Kenya ee la wareegey Magaalada Kismaayo taasoo ay Dowlada Itoobiya ka Cabsaneyso in ay Taageero helaan Jabhada ONLF.

Sidoo kale Dowladaha IGAD ayaa si weyn isugu Khilaafsan in Maamul loo sameeyo Gobolka Jubada Hoose taasoo Dowlada Itoobiya ay Dooneyso in maamulka uu hoos yimaado Dowlada Federaalka hase yeeshee Dowlada Kenya ayaa iyadu Qorsheyneysa In Jubada Hoose loo sameeyo Maamul iyada Hoos yimaada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Cabasho ku Aadan arrinta Kismaayo u Gudbiya Madaxweynaha Kenya "

  1. awjaamac says:

    waan idin salaamay dadwaynaha sharafta leh waxaan layaabay goormay Ethopia , kenya inooga soo sokamartay.

  2. qooqaani says:

    maxaa kagalay dowlada itoobiya kismaayo somalia waa dowlada leh dastuur iyo baarlamaan marka ma aqaano meesha ugu banaan dowlada itoobiya in ay lugaha la soo gasho arimaha somalia dowlada itoobiya kama tirsana ciidamada AMISIN oo way ay diitay in ay xirat KOOFIDII AMISON,
    marka somalida waa in ay joojiyaan wixii ann kulumiany dowladnimada 22saon ee la soo dhaafay,

  3. Ossie says:

    Amiiin yuusuf Qasaaro. Qaybtii ugu dambeysay qoraalkaagii wuxuu ahaa wax xaqiiqada ka fog oo ka turjumaysa caadifad iyo laablakac kana tarjumaysay sida ay saxaafadda Soomaalidu ay wali ugu baahan yihiin inay helaan ku dhaqmidda xeerka anshaxa.

  4. wax la arag says:

    wax la arag aaway dhulka dadki lahaa?
    ethiopia iyo kenya goormey na yeesheen oo maamul u dhisida gobol kamid ah somalia ku murmayaan? mase somalida waxayba tahay xabashi iyo kukuya? damiir laawow wax waad aragtaa intaan hadhow sida OLNF iyo falastin aan jabhado tabar aan lahayn noqon lahayn haday fursadu taagantahaye wadankaada sidii kenya iyo ethiopia iyo IGAD oo dhan looga xorayn lahaa ka qayb qaado