Home » Warar »

Dowladda Uganda oo ka Noqotay Go’aankeedii ahaa in ay Ciidamadeeda kala Baxayso Dalal ay Soomaaliya ka Mid tahay.

 

Iyadoo Maalmihii la soo dhaafay Dawladda Muzaveni ay u Ololeyneysey in Ciidamadeeda ay kala baxayso Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah ay ka joogaan ayaa waxaa iminka soo baxaya in Dawladda Uganda ay ka laabatay Go’aankaas.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Uganda oo la hadlay Baarlamanka Dalkaas ayaa sheegay in Dawladda Uganda ay iminka ka noqotay go’aankii ay hore ugu gaaetay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Dalalka Jamhuuriyada Diimoqraadiga Congo. Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Arrinta la bixitaanka Ciidamada Uganda ay dalalkaas kala baxayso ayaa waxaa uu yimid uu yimid ka gadaal markii muran uu soo kala dhex galay Uganda iyo Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa Dawladda Ugandha waxa ay ku eedeysey inay Taageerto Koox Fallaaga ah oo lagu Magacabao M.23. ee ka Dagaalanta Jamhuuriyadda Diimoqraadiga Congo.

Eedaynta Qaramada Midoobay ay u soo jeedisay Xukuumadda Uganda ayaa waxaa si aad ah uga Xumaaday Xukuumaddaas taasoo iyaduna qaadatay go’aanka ah in ciidamadeeda ay kala baxayso dalalka ay joogaan.

Murankii oo muddo Todobaad ah jiitamaysey ayaa iminka waxa ay u muuqanaysa in xal laga gaaray isla markaana ay Dawladda Uganda kaga noqotay go’aankii ay hore u gaadhay.Dawladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo aad u fara badan iyadoona Ciidamada ugu badan ee Midowga Afrikana ay yihiin kuwo ka yimid Dalka Uganda.

Dowlada Uganda ayaa Ciidamada ka jooga soomaaliya waxay ku qabaan faaiido fara badan iyaga ooo qaata lacago aad u fara badan marka hadalka aka soo yeerey Xukuumada Uganda aya waxaa uu ahaa mid ay ku dooneyso in laba arrimood oo ah in marka hore lacago dheeraad ah hesho iyo mida kale oo ah in Xasuuqa ay Ciidmadeeda geysanyaan uu noqdo mid aan loo raacan.

Ganacsigii Magaalada Gaarisa oo Saameyn weyna ku yeeshey Gelitaankii Ciidamada Kenya ee Soomaaliya

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarisa  ayaa sheegaya in hoos u dhac weyn ku yimid Ganacsigii Soomaalida ku dhaqan Degmada Gaarisa.Qaar ka mid ah Ganacsatadaas oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in ammaandarida xooggan ee ka jirta gudaha Gaarisa in ay keentay in ganacsigii is bedelo isla markaana uu si weyn hoos ugu dhaco.

Maryan Khaliif oo ka mid ah Haweenka ka Ganacsada Magaalada Gaarisa ayaa sheegtay in gelinka dambe ee maalin walba ay Dadku Faaruqiyaan Suuqyada iyagoona intooda badan ay Xiraan Goobahooda Ganacsi.Haweeyneydaan ayaa sheegtey in meeshii Gabalku ka dhaco la arkayo Dadka oo Guryahooda hoosta ka xiranayo iyadoona la moodo in Magaalada ay saaran tahay Baandow aan la garanayn Cid saartay.

Maryan Khaliif oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartay in Ganacsigoodii ay khasaarooyin soo gaaren ka gadaal markii dadkii Xiliga Habeenkii Iibsan jiray Cabsi darteed uu dhaqdhaqaaqoodii yaraaday.Arrintan ayaa ah mid ay ka siman yihii Soomaalida halkaa ku dhaqan oo sheegaya in Habeenkii uusan jirin wax dhaqdhaqaaq ah isla markaana Magaaladu ay tahay mid Baandow. Ah.

Dhinaca kale Magaalada Nairobi ayaa iyaduna wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in Habeenkii Xalay ahaa Xaafadda Islii Suuq ku yaala lana yiraahdo Bankok Dhac loo gaysto dhowr Dukaan oo ka mid ah Suuqaas gudihiisa. Kooxo Burcad ah ayaa Dukaamankaas Jabsaday kuwaasoo qaatay wixii yaalay Dukaamadaas oo Hanti ah.

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa saakay isku xeeray Suuqaas iyagoona halkaa ka sameynayay Baaritaana ay ku baadi goobayaan Dadkii Xalay Dhaca ka gaystay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.Si kasta ha ahaatee Dhibaatooyinka ka jira gudaha Dalkaas Kiinya ayaa waxa ay yihiin kuwo isa soo taraya tan iyo markii Ciidamada Kiinyaanku ay gudaha u galeen Dalka Soomaaliya Sanadkii hore.

Sidoo kale dadka degen Gobolka Waqooyi bari ee Kenya ayaa hore uga digey in Ciidamada Kenya ay galaan Soomaaliya iyagoo sheegey in Gobolka waqooyi bari uu saameyn ku yeelan doono gaar ahaa dhinaca Amaanka, Dhaqaalaha iyo Ganacsiga waxaa Deegaanada Gobolkaas ka socda dagaalo, Qaraxyo iyo dilal, sidoo kale dadka degen Gobolkaas ayaa waxay ganacsi weyn la lahaayeen Soomaaliya waayo raashinka iyo Shidaalka ka soo dega Mombasa waxaa aad u raqiisan kan ka taga Soomaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.