Home » Faallo »

IFKA HAALO

Waxaanu ku noolnahay adduun ay ceegaagto asraar aanan inoo muuuqan. Uunka ma-muuqatadu wuxuu ku ahaadey xikmad Eebe (kor ahaaye) iyo jarribaad aadamiga laga doonayo in nolosha uu si miyir leh u tallaabsado maankana si hufan u adeegsado. Aanu is-weydiinee, ma la rumeysan karaa in uu jiro nuur inagu hareereysan oo ka baxaya korkayaga, kaas oo leh midabyo lala ashqaraaro, lagana akhristo xaaladaheena nafsadeed iyo midda fikradeed ?. Waxaan shaki ku jirin, jawaabta lala soo boodayo in ay tahay maya !. Waayo arintaasi waxay kamid tahay asraarta aadamigu muddo badan ka dahsooneyd, in-badan oo dadka kamid ahna ay weli ka jaahil yihiin. Arinkaas oo daah-furka ogaalkeedu uu dhowaan ahaa ayaa kitaabka quraanka ahi uu goor hore meelo kala duwan siyaabo kala duwan ugu sheegey. Si haddaba ay inoogu sahlanaato fahamka nuurkaas ina-weheliya, aynu eegno tiirarka uu korkayaga ka rakiban yahay. Iyagu waxay kala yihiin jir, naf iyo ruux. Jirku waa agab lagu mataali karo qalabka teknolojiyada.

Tusaale-dhig, indhaha ayaa waxay u dhigmaan makiinad sawir-qaade ah (camera), taas oo kuu sawireysa wax walba oo aad daneeneyso saacadaha aad soo jeeddo. Dhegaha ayaa iyaguna waxay u dhigmaan makiinad cod-qaade ah (record), taas oo kuu soo qabaneysa hadal kasta oo aad daneeneyso saacadaha aad soo jeeddo. Maskaxda ayaa iyadana waxay u dhigantaa kombyuterkii keydinayay sawirradii aad isha ku qaadatey iyo hadalkii aad dhegaha ku duubatey. Jirka sidaas ah markii uu raashin helo wuxuu soo daayaa kuleyl ah tamartii uu ku shaqeyn lahaa. Jirkaas ayaa ah agab ka sameysan canaasirta kiimikada oo ay ciiddu ka kooban tahay. Isla-ciiddii ayuu ku noqonayaa. Sidaa darteed macna weyn kuma fadhiyo marka la barbar-dhigo labada tiir ee kale ee kala ah nafta iyo ruuxda.

Tiirka labaad oo ah nafta ayaa waxay tahay agabkii hagayey jirka. La´aanteed jirku qiimo ma yeesheen. Iyada ayaa ah midda ka masuulka ah jirka noloshiisa iyo geeridiisa. Marba haddii ay tahay agabkii ka shaqeysiinayay jirka, waxay noqotey in iyadu ay ahaatey midda uu xilku saaran yahay. Wanaagga iyo xumaanta ka dhaca jirka iyo xubnihiisa, midda loo heysto waa nafta. Iyada weeye midda heleysa abaal-marinta wanaagsan ama ciqaabta xun. Haddii jirka tamartiisii uu kuleylku astaan u noqdey, nafta tamarteeda waxaa u astaan ah if lagu magacaabo Haalo (Halo), kaas oo sidaanu soo xusney, ogaalka ahaanshihiisa iyo muuqaalka laga dheehanayo ay yihiin kuwo dhowaan la heley.

Tiirka saddexaad oo ah ruuxda ayaa waxay tahay walax aanan aqoon loo lahayn iyada iyo tamarteeda. Waa tiirka uu aadamigu ku heley mudnaanta. Waa sir Eebe (kor ahaaye) xaggiisa toos uga timid, xaggiisa ayayna toos ugu laaban. Mashruucii ugu weynaa oo aadamigu uu ku doonayay in uu wax kaga ogaado ruuxda, wuxuu socdey siddeed sano (2000 – 2008). Jaamacad ku taal dalka Ingiriiska oo la yiraahdo Edinburgh University ayaa waxay dhistey kombyuter weyn (Super Computer), kaas oo qiimihiisu uu ku kacay in ka-badan 20 melyan oo doollar. Wuxuu awood u leeyahay in il-biriqsigii waliba uu xalliyo hal tirilyan oo mas´alad-xiaabeed ah.

Agabka awoodaas leh muddo siddeed sano ah ayaa waxaa lagu baarayay sirta ka danbeysa xeerarka uunka noolaha aadamiga, kaas oo ah (ruuxda). Aqoonyahannadu waxay daba-socdeen in ay wax ka ogaadaan aragti ay ku magacaabeen Standard Model Theory. Nasiib-darro waa ay haleeli waayeen sirta ay baadi-goobayeen ee ahayd ruuxda. Sababtu waxay ahayd iyada oo fal-gallada kiimikada ah ee ka dhaca unugta gudaheeda ay yihiin kuwo ka xawaare dheereeya kombyuterkan ay adeegsanayeen. Howshaas oo hungo ku soo gabagabowdey ayaa natiijadeedii waxaa lagu soo qorey maqaal ku soo baxay wargeyska la yiraahdo Daily Mail. Maqaalkaas ayaa cinwaankiisu wuxuu ahaa Noloshu Weli Waa Hal Sir ah oo Weyn (Life is Still One Big Secret). Sidaas ayaa lagu xaqiiqsadey in ruuxdu ay tahay mid aanan wax laga ogaan karin.

Jirka oo ah mid ogaalkiisu badan yahay iyo ruuxda oo aanan wax ogaal ah loo leheyn waxaa u dhexeeya nafta. Iyadu waxay leedahay tamar ay ku shaqeyso sida uu jirku u leeyahay tamar. Tamarta nafta waxaa lagu magacaabaa Haalo (Halo). Ereygu wuxuu ka soo jeedaa afka Giriigga, macnihiisuna waa nuur midabyo badan oo jirka ka baxaya. Dadkaas hore ayaa haalo waxay ku magacaabi jireen midabyo ka muuqda cirka, kuwaas oo ay sababaan fal-galka mowjadaha ifka qorraxda iyo dhadada qabow oo hawada ku badan. Waxay u dhigantaa muuqaalka qaanso-roobaadka. Muuqaalka la yiraahdo Aurora ayaa wuxuu yahay mid ay kaga tilmaan qaataan nuurka haalada. Aurora waa midabyo ifaya oo isku-dhafan kana soo if-baxa cirifyada dhulka, gaar ahaan xilliga qaboobaha. Isla ereyga Haalo ayaa waxaa loo adeegsan jiray dhalaal ka muuqda wejiga dadka suuban oo cibaadada badan. Dhalaalkaas ayaa dadka qaarkiis waxay ka dhex arki jireen nuur midabyo leh oo ka baxaya wejiga qofkaas ay cibaadadu dhalaalisey.

Xilli hore iyo xilli danbe waxaa jiray dad arkaya oo hadal-haya nuurkaas saaran wejiga dadka hagaagsan ee denbigu ku yar-yahay. Raadadkii ka harey nolosha dadyowgii hore waxaa laga heley sawirro ay xardheen ummadihii curiyey il-baxnimooyinkii dunida ka hanaqaadey. Sawiradaas oo ku naqshadeysan dhismayaal, godad iyo meelo cibaado oo dadkaasi ay ku dhaqnaayeen, ayaa waxaa ka muuqda wejiyo ay ku hareereysan yihiin kaah midabyo badan. Sawiradaas oo laga heley qaaradaha shanta ah ayaa waxaan shaki ku jirin nuurka ay dadkaasi sawireen in uu ahaa mid qaarkood uga muuqdey qaarka kale korkooda. Sidaasna ay ogaal u lahaayeen Ifka Haalo. Nuurkaas ayaa maanta la xaqiiqsadey in uu yahay danabyo ah shucaac koronto dabiici ah (electro-biology radiation), taas oo aadamigu awood u yeeshey in uu sawiro dabadeedna uu fasir kooban u helo.

Nolosha casriga ah markii ugu horeysey ee la heley ogaalka ifkan waxay ahayd sanadkii 1939-kii. Nin ah farssamo-yaqaan ku xeel-dheer aqoonta korontada una dhashey dalka Ruushka ayuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee hela sawirka Ifka Haalo. Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Seymon Davidovich Krilian (1898-1978), ayaa wuxuu asalkiisu ahaa Armani, kaas oo ku dhaqnaa magaalada la yiraahdo Krasnodar eek u taal koonfurta dalka Russia. Isagu, magaaladaas uu ku noolaa ayuu wuxuu u hagaajin jiray agabka waaweyn ee korontada ku shaqeeya ee yaalla jaamacadaha iyo macmallada ay cilmi-baaristu ka socoto. Sanadkaas aanu soo xusney ayuu laba jeer wuxuu goob-jooge ka ahaa iyada oo nin takhtar ah uu qof xanuunsan ku daweynayay aaladda la yiraahdo D´Arsonva Electrography.

Markaas ayaa Seymon D. Krilian waxaa u muuqdey mowjado koronto ah oo iftiin yar la socdo, kuwaas oo ka muuqdey labada meelood oo ay ka xiriiraan aaladda iyo korka qofka xanuunsan. Dabadeed Seymon D. Krilian wuxuu ku fekerey in uu isku-deyo sidii uu u sawiri lahaa ifkaas. Wuxuu markaas dadaal xooggan u galey falaad (research) uu ku habeynayo agab sawir-qaade (camera) oo uu ku haleelo ogaal la xiriira mowjadahaas u muuqdey. Isaga oo ay gacan siisey xaaskiisa Valentina Krilian, ayaa wuxuu ku guuleystey in uu hal-abuuro sawir-qaade uu ku sawiro iftiin midabyo badan oo ka soo baxaya laan caleen ah ee uu ka soo gooyey geed. Waxaa caleenta geesaheeda uga muuqdey kumanyaal dhibco ah oo dhamaantood ifaya. Xooggoodu waxay ahaayeen midabyo huruudi iyo baara-shirix.

Makiinaddii ay sawirka ku qaadeen waxay qaadatey magaca ah (Krilian Photography). Waxay noqotey mid daaha ka rogtey ogaalka Ifka Haalo. Seymon Krilian iyo xaaskiisii waxay sii guda galeen tijaabooyin badan oo la xiriira in ay makiinaddii sawir-qaadaha ahayd ku eegaan wax walba. Iyaga oo isla-markaas hor-marinaya dhismihii makiinadda. Waxaa u muuqdey in ifka ka soo baxaya qofka oogadiisa, marka uu qofku caafimaad qabo uu ka weyn yahay marka uu xanuunsan yahay. Tijaabooyinka ay sameeyeen middeeda ugu yaabka badneyd waxay ahayd markii uu nin aqoonyahan ah soo booqdey qoyskii Krilian, isaga oo sita laba caleen oo uu geed qura ka soo gooyey. Markii labadii caleen ay ku eegeen makiinaddii sawirka qaadeysey, labadii caleen waxay bixiyeen Haalo kala duwan. Seymon D. Krilian, waxaa kaloo uu falaadkiisii ku ogaadey ifka ka baxaya korka qofka in uu leeyahay midabyo kala duwan, taasina ay tahay mid xiriir la leh xaaladaha nafsadeed, midda feker iyo midda caafimaad ee qofka.

Ifka Haalo wuxuu yahay mid ka muuqda noole walba oo dhulka ku tukubaya. Waa tamar ka soo baxaysa jirka aadamiga, taas oo xooggeedu uu ka muuqdo hareeraha gacmaha iyo madaxa. Waxay ku jeeddaa jahooyinka oo idil. Markii lagu eego makiinad-sawireedda Krilian Photography, tamartaas waxay u muuqaneysaa midabyo badan oo isku dhex-jira, kuwaas oo u eg qaanso-roobaad. Midabyadaas ayaa waxay u dhigmaan qoraal dhigan ee laga akhrisan karo caadifadda, fikradaha ruuxiga ah iyo heerka anshax ee qofka haaladu ay la socoto. Sidoo kale xaaladda caafimaad ee qofka ayaa laga akhristaa. Midabyadaas ayaa is-beddelaya markii ay qofku ku yimaadaan xaalad xasillooni-darri ah. Sidaa darteed, maanta waxaa loo adeegsadaa daweynta cudurrada ruuxiga ah ee dadka ku dhaca, iyada oo takhaatiirtu ay akhrinayaan midabyada qofka haaladiisa.

Aqoonyahan u dhashey dalka Masar oo barashadiisu tahay Bio-physic iyo Medical-engineering ayaa wuxuu kamid yahay aqoonyahannada daba-galka ku sameeyey tamarta Ifka Haalo. Isagu wuxuu macalin ka yahay jaamacadda Buena Parka University ee dalka Mareekanka. Mar uu ka hadlayey ifka haalo wuxuu yiri:

“ Danabyada korontada ah waa kuwo ku jira jirka oo idil. Laakiin waxay ku urursan yihiin addiimada. Danabyadaasi waa kuwo jir kasta oo noole ah uu soo saaro sida dhirta, xasharaadka iyo bakteeriyada. Laakiin aadamiga waxaa u dheer tamar ah koronto-nololeed (Bio-lektricity) ee aanan muuqan. Tusaale, markii la doonayo in wadnaha sawir lagaga qaado aaladda ECG (Electro Cardio-graph), meelo qofka korkiisii ah ayaa waxaa la dhigaa fiilooyinkii qulqulka korontada ka soo gudbin lahaa wadnaha oo soo gaarsiin lahaa jirka dibaddiisa si loo sawiro oo loo ogaado xaaladda caafimaad ee wadnaha “.

Tan iyo markii la heley agabka sawir-qaadaha Krilian Photography, arinkii waxaa xiiso u qaadey aqoonyahanno badan. Baaritaankoodii waxay ku xaqiiqsadeen in naftu leedahay agab la fal-gelaya cimilada ku hareereysan, dabadeed ay isu gudbinayaan tamar, taas oo u muuqaneysa midabyo ifaya oo ka kooban toddoba dabaq. Midabyadaas ayaa waxay u sameysan yihiin sidii ukuntii. Isla-markaas waxay qofka kaga hareereysan yihiin dhinac waliba. Tamartaas ayaa waxay tahay mid ay dadku ku kala duwan yihiin sida ay wejiyadooda iyo midabyadooda u kala duwan yihiin. Arimaha ay aqoonyahannadu ka sheegeen aragga Ifka Haalo waxaa kamid ah, ilmaha yar-yar ee aanan saddex sano gaarin in ay u muuqaneyso qofka weyn haaladiisa. Sidaa darteed ayaa ilmuhu ay dadka qaarkood ugu farxaan markii ay xambaaraan ama indhahoodu ay isku dhacaan, qaar kalena ay uga qeyliyaan. Tijaabooyinka la sameeyey waxaa kamid ah in meel leysugu keeney laba qof oo is-jecel, kuwaas oo muddo kala maqnaa. Markey isu soo dhowaadeen, Haaladoodii ayaa markiiba isku dheehantay oo waa ay is-qaadatey. Sidoo kale waxaa leysu keeney laba qof oo is-neceb. Iyaguna haaladoodii markii ay isu soo dhowaatey waa ay si diidey. Wada-joogga kuwa ay haaladooda is-qaadatey waxay ka helayaan raaxeysi nafsadeed, labada ay haaladoodu is-diidey, iyaguna ay ku dhib-qabayaan wada-joogga.

Waxyaabaha ay soo bandhigeen aqoonyahannada ku howlan falaadka Ifka Haalo waxaa kamid ah, in Haaladu ay tahay daruur qofka la socota, taas oo sidaanu soo sheegney ku shixnadan danabyo ah electo-magneetic radiation. Sawirka waxaa ka muuqanaya mowjado kulul oo ah kuwa casaanka ka sareeya (infra-red waves) iyo gariir (vibration) aanan xawaarihiisa la qiyaasi karin. Ifka haaladu, sida ay midabyadeedu ugu kala duwan tahay dadka ayaa waxaa u kala duwan xooggeeda iyo cufkeeda. Waxaa kaloo haalada laga akhristaa tijaabooyinka ururey oo qofka uu ka dhaxley qaab-nololeedkiisii tagtada ahayd. Tusaale-dhig, dadka cibaadeysta waxaa korkooda ka muuqanaya Haalo badan oo midabyo qurxoon, haalada midabka cas waxay tilmaameysaa fir-fircoonida qofka, haalada midabka cagaaran waxay tilmaameysaa fikradaha qofka, haalada midabka kafeega ah waxay tilmaan u tahay jirrooyinka qofka. Mid walba oo midabyadaas kamid ah waxay qofka ka muuqaneysaa iyada oo kala heer ah. Heer kasta oo ay yihiin waxay tilmaamayaan xaalad gaar ah. Qofku markuu dhinto, midabka sida xooggan u muuqanaya wuxuu yahay midabka cas. Si tartiib ah ayuu u shiiqayaa illaa uu bey-madow noqdo, dabadeedna uu baaba´o. Laakiin meesha ay danabyadaasi ka soo burqanayaan iyo dabiicadda ay leeyihiin weli maahan ogaal lagu guuleystey aqoonteeda.

Kadib markii ogaal kooban laga heley Ifka Haalo, aadamigu wuxuu ku dhaqaaqey in uu hor u-mariyey agabka sawir-qaadaha Krilian Photography, si looga faa´iideysto Ifka Haalo. Daba-gal lagu sameeyey aqoonta ku weegaaran Ifka Haalo, waxaa laga heley faa´iidooyin ay kamid yihiin caddeynta qaar kamid ah cudurrada, caddeynta qofka ahaanshihiisa (ID), daba-galka denbiilayaasha iyo qeexidda been-sheegga. Waxaa arintaas looga kaaftoomey qalab badan oo ciidamada biliiska ay u adeegsan jireen baaritaannadooda. Waxaa la hal-abuurey kombyuter wata saxan dhalo ah oo gacanta la saaro, kaas oo sawiraya ifka haalada gacanta. Halkaas ayaa laga akhrisanayaa midabyo tilmaamaya arimaha la doonayo in qofka laga ogaado.

Ogaallada laga heley Ifka Haalo waxaa kamid ah in fara-xalka gacmaha ay dib u-habeyn ku sameyso hagaajinta tamarta electro-magnetic radiation. Sidaa darted mar-kasta oo gacmaha la meyrto waxaa kordhaya haaladii gacmaha. Haddii qaab cibaado ah loo meyrto (Weesada), ifka waa uu sii xoogoobayaa. Gaar ahaan markii la raacsho dhaqidda xubnaha xubnaha muhimka ah sida haragga wejiga iyo midka gacmaha. Kannaallada jirka oo ay tamartu ku qul-qusho ayaa weesada dabadeed waxaa ka muuqanaya nolol. Taasina raadkeeda wuxuu ka muuqanayaa haalada ku hareereysan qofka. Sidoo kale aqoonta casriga ah ee haalo waxay xaqiijineysaa, tamarta ka dhalata biyaha weesada ee wejiga iyo gacmaha lagu meyro in ay qaboojiyaan wal-walka iyo fal-celiska ka dhasha carada. Waxaa la ogsoon yahay natiijada ay caradu ku dhamaato in ay tahay ama weerar uu qofka careysani qaado ama in uu ka baxsado wixii ka careysiiyey. Xilligaas uu qofku careysan yahay, gudaha jirkiisa waxaa kordhaya wadne garaaca, waxaa kordhaya sonkorta jirka, waxaa kordhaya dhiig-wareegga, waxaa kordhaya qaabilaadda dhiigga in uu xinjiroobo, waxaa kordhaya hormoonka carada (Adrenalin). Howlahaas oo dhan waxay yihiin diyaargarow uu jirku ku helayo xooggii uu ku dagaal-geli lahaa ama ku baxsan lahaa.

Kororka dhiig-wareegga, sonkorta iyo hormoonka carada waxay kuleyl ku keenayaan cimiladii gudaha ee jirka. Aqoonta haalo waxay soo bandhigtey sawir laga akhrisan karo raadka ay biyaha weesadu ku yeelanayaan qaboojinta cimiladii kululeyd ee jirka gudihiisa ahayd. Isbeddellada midabyada haalo ayaa waxay muujiyaan weesada laga danbeysiiyo carada, in midabyadu ay ku noqonayaan sidii ay ahaayeen markii uu qofku caadiga ahaa. Run ayuu sheegey run-sheegihii aanu rumeyney risaaladiisa, adeegihii Eebe ee suubanaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), markii uu lahaa:

“ Caradu waxay ka timid sheydaan, shedaankuna waxaa laga uumey dab, dabkuna biyo ayaa damiya. Haddaba haddii uu qofkiin caroodo, ha weeseysto “. (Sunan Abuu Daa´uud 4784, Axmad 4/ 226).

Markey taariikhdu ahayd 8/ 8- 2012-kii waxaa su´aal la weydiiyey wadaadka la yiraahdo Caddiya Saqar oo ah muftiga mu´asasadda aqoonta diiniga ah ee Al As-har. Su´aashu waxay ahayd, sidaan:

Waxaa la sheegaa, adeegihii Eebe ee suubanaa Maxamad (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), markii uu qorraxda ku socdo in uusan lahaan jirin hoos. Haddaba hadalkaas ma saxan yahay ?

Jawaabtii shiikha waxay ahayd sidaan:

Kitaabka la yiraahdo (المواهب اللدنية بالمنح المحمدية ) ee uu qorey Axmad bin Maxamad Al-Qasdalaanii ee uu sharxay Zarqaani mujaladkiisa 4-aad, safxaddiisa 220 ee uu kaga hadlayo socodka suubane Maxamad, wuxuu ku sheegey sidaan:

“ Isagu ma uusan lahaan jirin hoos qorrax iyo mid dayax “.

Ibnu Sabc wuxuu ku cilleeyey in uu nuur ahaa. Rasiin ayaa isna wuxuu ku cilleeyey in nuurkiisu ahaa mid ka awood badan midka qorraxda. Waxaa kaloo ay qaar kale ku cilleeyeen in la ilaalinayay harkiisa si uusan qof gaal ah ugu joogsan. Waxaa kaloo muujiyey in uusan har laheyn khabar oo Tarmadi ka warinayo Dakwaan oo ah boygii Caa´isha. Khabar kaas oo kale ah ayaa Ibn Mubaarak iyo Ibn Jowzi iyaguna ay ka warinayaan Ibn Cabaas. Waxay leeyihiin:

“ Suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.) uma ahaan hoos. Mana dhicin in uu qorraxda isku taago, illaa waxaa dheceysey in ifkiisa uu ka adkaado ifka qorraxda. Mana dhicin in uu feynuus isku taago illaa ifkiisa ayaa ka adkaada midka feynuusta “.

Ibnu Sabac ayaa isna wuxuu yiri:

“ Suubanihii wuxuu ahaa nuur. Sidaa darted haddii uu ku socdo qorraxda ama dayaxa ma muuqan jirin harkiisa “.

Kuwo kale waxay yiraahdeen, arintaas waxaa ka markhaati ah ducadiisii uu Eebe ka baryayay in xubnihiisa dhamaan iyo jahooyinkiisa dhamaan uu ka yeelo nuur. Isagana in uu ka yeelo nuur. Nuurkuna hoos ma lahan. Intaasi waa waxa keliya oo la soo gudbin karo. Mana jiro khabar si buuxa u sugaya ama si buuxa u diidaya arinkan. Waxbana kuma jabna in sidaas lagu karaameeyo suubanihii. Nuurnimadiisana maahan mid hoos la´aantu ay xasilineyso, bal dhambaalkii uu la yimid ayuu ku yahay nuur caalamka ifiyay. Aayadaha 45-aad iyo 46-aad ee suuradda Al-Axsaab waxay tilmaamayaan macne laga dheehanayo arintaas oo waxay leeyihiin:

(يَاأَيُّهَا النَّبِيُّ إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ شَاهِدًا وَمُبَشِّرًا وَنَذِيرًا * وَدَاعِيًا إِلَى اللهِ بِإِذْنِهِ وَسِرَاجًا مُنِيرًا)

Roberty Candy waa aqoonyahan u dhashey dalka Sweden. Isagu wuxuu si xooggan ugu kuur-galey Ifka Haalo, isaga oo adeegsanaya agab sawir-qaade ah oo uu hal-abuurey. Wuxuu heley 37 melyan oo midab oo ka ifaya korka qofka aadamiga ah. Midabyadaas badan ayaa waxaa lagu soo ururin karaa 7 midab oo qura., kuwaas oo wada-jirkoodu uu noqonayo midabka ifaya. Robert Candy wuxuu ku wareegey qaaradda Yurub si uu dadka ugu eego sawir-qaadaha uu ku arkayo Ifka Haalo. Waxaa u muuqdey in Haalada dadka reer Yurub ayan lahayn tafsiir la qiimeeyo. Wuxuu halkaas ka ogaadey in dadka reer Yurub ay ku nool yihiin wal-wal.

Wadaadkii caanka ahaa ee muslinka ahaa Shiikh Axmad Diidaad ayaa maqley natiijada
Baaritaankii Robert Candy. Shiikhii wuxuu u tegey ninkii aqoonyahanka ahaa. Wuxuu u sheegey in uu jiro nuur weheliya oo ay sasbtu tahay rumeynta uu qirey jiritaanka Eebe (kor ahaaye). Sidaa darted wuxuu ka codsadey in uu sawir ka qaado haaladiisa. Markii uu ka qaadey wuxuu arkey ifkii halo oo mowjadeheeda gaaban uu dhererkoodu yahay 1.200 mail. Ninkii aqoonyahanka ahaa ayaa la yaabey arinkii. Shiikh Axmad Diidaad ayaa ku yiri, waxba hala yaabin. Bal waxaan awoodaa inaan sii fogeeyo dhererka mowjadaha ifka. Markuu weydiiyey side buu u dheereynayaa. Shiikhii waa uu kacay oo soo weeseystey. Markii uu sawirey isaga oo weyso qaba, mowjadihii waa ay sii dheeraadeen. Markii la weydiiyey sababta, wuxuu ku jawaabey hadal laga wariyey suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.). Isagu wuxuu yiri:

“Addoonku markuu weeseysto, denbiyadiisii waxay ka baxayaan indhihiisa dhexdooda, gacmihiisa dhexdooda, lugihiisa dhexdooda iuyo dhegihiisa dhexdooda “

Aayadaha nuurka ka hadlaya oo quraanka ku jira waa ay badan yihiin. Dhamaantoodna waxaa laga dheehanayaa xaqiiqada jiritaanka Ifka Haalo iyo in uu yahay mid ku laasiman aadamiga. Isla-markaasna tilmaamaya iimaanka qofka. Aayadda 8-aad ee suuradda Al-Taxriim ayaa iyadana qeybteeda danbe tilmaameysa haalada. Aayaddu waxay leedahay:

(يَوْمَ لاَ يُخْزِي اللهُ النَّبِيَّ وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ نُورُهُمْ يَسْعَى بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَانِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا أَتْمِمْ لَنَا نُورَنَا وَاغْفِرْ لَنَا إِنَّكَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ)

Towxiidka leys-farey ajraa lagu tabcaayaaye
Tillaabada ninkii laasimiyo tahajudkii leylka
Inuu taabacnimo kheyr ku jiro kaga ta´wiil qaado

Taqwadaad ka garataa wadaad taa´ibnimadiise
Hadduu taab is-leeyahay adduun tuur shareecada´e
Inuu tiirri duulane yahay kaga ta´wiil qaado

Towbadaha waxaa ka ansaxa tii lillaahiyahe
Tubtii nebiyadeennii middii laga tallaabsiiyo
Inaan Eebeheen taqabaleyn kaga ta´wiil qaado (Cismaan Yuusuf Keenadiid)

http://www.youtube.com/watch?v=vfAfNwRmUjE

 


Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " IFKA HAALO "

  1. Wacays says:

    ASCW
    Marka hore waxan Amaan iyo Bogaadin aan lasoo koobi karin halkan uga soo gudbinayaa, Maamulayasha Webkan (www.Somalitalk,com) iyo Dr, Shekh Sadiq Enow,
    marka xiga waxan Dr Eeoow Ka Codsan lahaa in uu Wax nooga iftiimiyo Haduu Awoodi Karo Taariikha Seddexagalka Bermuuda.

    Mahadsanidin

  2. jazaakalah kheeyr shiikh saadiq qormooyinkan qiimeha leh ee isdaba jooga ah runtii waa dhaxal ma guuraan ah anigu mudo todobo sano ah ayaan la socday casharadada qiimaha leh wax badana waan ka faa’idaystay jazaaklaah kheeyr alah hakuu barakeeyo qalinkaaga cimrigaaga iyo awlaadadaba qoraaladan noo badi shiikh saadiq
    jazakalah kheyr somlai talk waad mahadsantihiin

  3. qaamuus says:

    dr saadiq ilaahay hakaa abaal mariyo dadaalkaaga runtii markii aan maqaalkaan akhriyey aad ayey dareenkaygu u kacay ma garanayo in ay tahay qadarinta iyo tixgalint aan u hayo dr saadiq iyo hanka aan u hayo in aan akhristo maqaaladiisa aqoonta iyo xigmada xambaarsan ilaahay miisaanka xasanaadka hakuugu daro maalinta qiyaame

  4. ASSALAMU CALAYKUM waxaan ahay araday soomali ah wax kabarta china ugu horeen waxaan u mahad celinayaa shabakadan somalitalk oo inoo suura galisay cilmi noocaan oo kale ah inaan inaan kafaaiideysano intaa kadib DR saadaq eenoow khayr allaha kusiiyo waxaan rajayn inaad noosii wado qoraaladaada qiimaha badan oo aan marnaba laga xiiso dhigayn xikmadaha eey xambaarsan yihiin darteed waxaan kaloo rabi lahaa DRka meel qaas ah oo lagala xariiro hadeey jirto in laiisoo diro…