Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Sheegy in Maamul Kor looga keeno Kismaayo aysan Dowlada Aqbali Doonin iyo Markaykanka oo ka hadlay Abuu Mansuur Al-Amriiki

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhinacyo badan hadalkiisaasi ku soo qaatay Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu horeynba ka hadlay Siyaasadda Xukuumaddiisa Shan iyo Lixdankii Casho oo ay jirtay isagoona hoosta ka xarriiqay in wax badan ay u qabsoomeen.

Madaxweyne Xasan ayaa soo hadal qaaday arrinta waayadan dambe Muranka badan uu ka taagnaa ee Maamul u samaynta Gobolka Jubada Hoose inay mas’uul ka tahay Dawladda Federaalk Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa farta ku fiiqay inuusan taas ula jeedin in Dawladdu Maamul ay dusha uga keento Gobolkaas keliya dawga dawladdu yahay in ay la socoto Maamulka halkaas laga dhisayo iyadoona ay awood u leeyihiin Dadka Gobolkaas ku Dhaqan in ay iyagu soo magacowdaan Maamulkooda.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Musiibo ku sheegay dhirta la jarayo si dhuxul looga dhigto.Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Xal loo raadinayo Dhuxusha faraha badan ee ku rasasaysan Dekadda Kismaayo isagoona farta ku fiqay inaan la dayici doonin Dadkii Soomaaliyeed ee Kharashka geliyay Dhuxushaas faraha badan.

Madaxweynaha ayaa xusay inaan la dalbi doonin in Cunaqabataynta dhinaca Dhuxusha Soomaaliya saaran la qaado balse la raadin doono dariiq kale oo arrintaa lagu xaliyo. Madaxweynaha ayaa ugu dambayntii ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Dawladooda gaar ahaana dhinaca sugidda ammaanka oo uu sheegay in dan ay ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed.

si kastaba hadalkan Madaxweynaha ayaa waxaa uu imaanayaa xilli muddooyinkii u danbeeyay si weyn loo hadal hayay maamul u samaynta Gobolka Jubada Hoose oo muran badan uu ka taagnaa iyadoo Laba Todobaad ka hor wafdi ay Dowladu u dirtay Kismaayo uu hor istaagey Gudoomiyaha Ururka Raaskambooni taasoo ay si weyn uga Carootey Dowlada Federaalka .

Dowlada Maraykanka oo Shaacisey in Liiskooda ay ku Darsadeen Dadka ay Doon doonayaan Abuu Mansuur Al-Amriiki

Sida ay qortay Wakaaladda wararka Maraykanka AP ayaa Ciidamada FBI-da Maraykanku waxaa ay sheegeen in Liiskooda ay ku dareen Ninka uu Maraykanku sida aad aadka ah u doon doonayo ee loo yaqaano Cumar Shafiiq Al Xamaami oo Soomaalidu u taqaano Abuu Mansuur Al Amriiki.

FBI da Maraykanka ayaa sheegtay in Al Xamaami uu ka tirsan yahay Dagaalahanada Xarakada Shabaab isla markaana uu ka barbar dagaalamo Al Shabaab kaasoo sida ay warbixintuqortayla sheegay inuu iminka ku sugan yahay gudaha Soomaaliya.

Hay’adda Sirddoonka Maraykanka oo hadakeeda sii wadata ayaa sheegtay in Al Xamaama uu Barta Internetka uu soo dhigo Nashiidooyin oo uu isagu ku luqeynayo kuwaasoo uu ku dhiiri gelinayo Dhallinyarada si ay Jihaadka ugu biiraan.

Abuu Manuusr ayaa sida ay warbixintu qortay waxa uu sheegay inuu Sugayo waa sida laga soo xigtaye in ay Dilaan Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ama lagu dhufto Gantaal si uu u dhinto isagoo Shahiid ah.Ciidamada Sirdoonka Maraykanka ayaa waxaa ay sheegeen in Shiikh Muqtaar Al Amriiki iyo Rag kale oo ay magacabeen in lagu daray Liiska Argagixisada ay baadi goobka ugu jiraan Hawl Wadeenada Maraykanka.

Al Amriiki ayaa wakaaladaha Wararka Caalamka marar badan warar is Khilaafsan ka qoreen iyadoo horraantii Sanadkana ay sheegeen in la dilay kaasoo laba Bilood ka hor hadal qoraal ah soo dhigay Barta Internetka oo ay adeegsadaan Al-Qaacida

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.