Home » Warar »

Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheerre ) iyo Safiirkii Sudan Somaaliya u fadhiyey oo Geeriyooday

Waxaa Xarun Caafimaad oo ku taal Magaalada Muqdisho Goor Dhaweyd ku geeriyoodey Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere) ka dib markii uu Mudooyinkaan Xanuusanaa waxaana la filayey in maanta loo qaado Magaalada Nairobi si halkaasi loogu   soo Daweeyo.

 Maxamed Dheere waxaa uu ka mid ahaa Siyaasiyiintii sida aadka ah loo bartey Mudadii Labaatantankii sanno ee la soo dhaafey waxaa uu 1996 uu ku soo biirey Dowladii Salbalaar ee uu hagaamin jirey Gen Caydiid ka dib waxaa uu noqdey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe  isagoo halkaa ku soo dhaweeyey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf.

Maxamed Dheere waxaa uu  ka mid ahaa Hagaamiyayaashii aas aasey Ururkii la Dagaalanka Argagixisada 18-kii Feberaayo 2006-dii  oo markii dambe ay ka adkaadeen Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga iyadoo. Dowladii Cabdulaahi Yuusuf markii ay soo gaartey Magaalada Muqdisho waxaa laga dhigey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

 Maxamed Dheere mar bay Xireen Ciidamadii Itoobiya  ka dibna way iska soo daayeen hase yeeshe waxaa mar kale la xirey xiligii Dowladii Shiikh Shariif ka dib markii lagu eedeeyey  in uu ka dambeeye Bannaanbax ay dad ku dhinteen.

Maxamed Dheere waxaa uu ka mid ahaa qabqablayaashii saameynta ku lahaa Siyaasada Soomaaliya ha noqoto dhinaca Dagaalada, iyo dhinaca siyaasadaba,  waxa uu mar kale uu doonayey in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir balse maanta ayuu ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyay sudan gaar ahaan Magaalada Khartuum oo geeriyooday.

Waxaa Xalay fiidkii Magaalada Kharuum ee Dalka suudaan ku geeriyooday Allaha u naxariistee Safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyay Dalka Sudan Prof: Mahdi abuubakar Maxamuud oo waayadanba lagu dabiibayay magaalada khartoum ee casimadda dalka sudan.

Marxuumka ayaa u geeriyooday Xanuuno inbadan kahayay dhanka wadnaha, isagoo mar qura laga war helay Geeridiisa ka dib markii uu ku Xirnaa Muddo 3 Cisho ah guri uu kaligiis ka daganaa Magaalada Khartoum.

alaha u naxariistee Prof: Mahdi abuubakar Maxamuud safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka sudan ayaa waxa uu ahaa qof in badan kasoo shaqeeyay dalalka caalamka xiligii ay jirtay dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya waqtigaasi oo uu xilal kala duwan uu kasoo qabtay dalal ka mid ah caalamka. Waxaan Marxuuma lagu wadaa in maanta oo khamiis ah lagu aaso Magaalada khartuum.

Waxaa lagu wadaa in maata oo khamiisha Taariikhduna ay ku began tahay 15/11/2012 lagu aaaso Magaalada Khartuum ee xarunta wadanka sudan.

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab) cmc_vip@hotmail.com Khartuum – Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.