Home » Warar »

Shirdoon oo ka Warbixiyay Hanaanka Xukuumaddiisu u Shaqayn Doonto Muddada ay jirto

Iyadoo maalinimadii Shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay Golihii Xukuumadda ee dhawaanta uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa arrintaa markii u horeeyay waxaa ka hadlay Cabdi Faarax Shirddoon Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa farta ku fiiqay in tallaabada ugu horreysa ee ay Xukuumaddiisu qaadayso in ay tahay la Dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Maamul xumida.

Shirdoon ayaa ku tilmaamay Xukuumadda uu soo dhisay in ay tahay mid kooban balse tayo wanaagsan leh isagoona intaa raaciyay in arrintaa ay ku saleeyeen Duruufaha iyo wadciga uu maanta dalku marayo.Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in dhawaana ay soo magacaabayaan xubnaha ka harsan Dawladiisa sida Wasiiro ku Xigeenada iyo Wasiiro Dawlayaasha.

Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa intaa ku daray isla markaana balan qaaday in Xukuumaddiisu ay la shaqayn doonto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo marnaba aan la khilaafi doonin Nidaamka iyo Dastuurka. Hadalkan Ra’iisul wasaaraha ayaa yimid ka gadaal markii maalinimadii shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay Cod buux ku ansixiyeen Xukuumadda uu Ra’iisul wasaaraha hor keenay.

Ugu danbayntiina Maanta ayaa lagu wadaa in Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in loo dhaariyo jagooyinkaas loo soo magacabay, hase yeeshee warar aan helney ayaa sheegaya in uu dib u dhac uu klu yimid Dhaartaas, taasoo lagu macneeyey Wafdi balaaran oo ka socda Turkiga oo maanta soo gaarey Magaalada Muqdisho, wafdigaa oo la sheegey in ay Dowlada Soomaaliya ay la saxiixan doonaan Heshiisyo dhinaca Dib u dhiska

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.